lexjeclo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lexjeclo
-da: (magac, dhedig, keli) dareen lahaansho oo aan dhayal waxba lagu bixin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lexajeclo
- lexajeclada: (n) sparingness (ispeering nes); thrift (thirift); frugality (furuugaliti); extreme economy ~ lihijeclo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lexejeclo
(Lexejecla-da)
Kalgacalada maalka iyo xoolaha loo qabo; waxa qofku hantidiisa u qabo; lihijeclo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lexejeclo
m.dh Kalgacal maal loo qabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lexejeclo
m.dh Kalgacal maal loo qabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lexejeclo
f. n., [abstract] love of possessions, attachment to worldly goods; 'pack rat'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lexejeclo
-da: (magac, dhedig, keli) ku fara'adayg aan takrifal iyo israaf lahayn; dareen lahaansho oo aan dhayal waxba ku bixin. Lexejeclo laba nin kama wadaa qosliso. Dh: lexjeclo, lihijiclo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lexejeclo
a: lihijeclo
de: love of possessions, attachment to worldly goods; 'pack rat' (i.e., one who never throws anything away)
lx: lexejeclo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: lexejeclo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lexejecloo
(fal) (ku ~) xoolo bixintood ku dhabiiltan; lexejeclo gaar ihi ha kuu qabato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bargarasho
-da: (magac, dhedig, keli) lexjeclo iyo barjacayl. Sida loo kala bargarasho fiican yahay ayaa loo kala dhaqasho fiican yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bargaro
(fal) lexjeclo yeelo; bargaro oo waxaaga ilaasho. Dh: lexjecloo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bartiyaqaannimo
-da: (magac, dhedig, keli) lexjeclo yaqaan ahaan iyo hantidhawrnimo. Ninna bartiyaqaannimo laguma dhalliilo. Dh: bartiiyaqaanimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baytammaalid
-da: (magac, dhedig, keli) israafid oo qiyaas la'aan wax u isticmaalid. Nin aan lexjeclo lahayn ayaa baytamaalid sameeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabiilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kolka horaba yar in ka bixintiisa la bakhaylid. Dh: waakasho.
dhabiilid -da: (magac, dhedig, keli) xisaabin oo si lexjeclo ku jirta u tirin. Dh: xisaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabiiltamid
-da: (magac, dhedig, keli) si lexjeclo ku jirto u xisaabtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huraal
-ka: (magac, lab, keli) siin mannasheegasho iyo lexjeclo midna la socon oo daacad ah. Dh: quudhid, deeq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mansuug
(fal) cunto ama wax kale oo lagu siiyay saluug oo in laguu biiriyo doon. Mansuug waa laguu biirine. Dh: saluug.
mansuug: (fal) wax ad hayso cid u diid oo kala bakhayl. Lacag la mansuug.
mansuug-ga: (magac, lab, keli) saluug ama yaraysi wax la isa siiyay ama cunto la yaraysto oo biro la doono. Dh: saluug.
mansuug-ga: (magac, lab, keli) lexjeclo iyo bakhaylnimo darteed oo cid wax loogu diido. Mansuuggu waa dhagan aan fiicnayn. Dh: bukhli Li: deeqsinimo.
mansuug-ga: (magac, lab, keli) qof bakhaylah oon waxba ka dhicin. Mansuug miyir wax ugma baxaan. Dh: dhabcaal, bakhayl.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waakad
-ka: (magac, lab, keli) lexjeclo darteed in wax la bixiyo ka gaabasasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waako
(fal) xoolo inaad bixiso ay ahayd ku lexjeclow oo inaad bixiso ka joogso. Meel aanay dani kaa soo galayn xoolahaaga kala waako. waakuma: eeg waakee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilasho
-da: (magac, dhedig, keli) dan moodid; wanaag laga quudarraynayo darteed ugu eexasho. Dh: eexaysasho.
xilasho-da: (magac, dhedig, keli) u damqasho ay naxariisi ku jirto. Dh: u iilasho.
xilasho-da: (magac, dhedig, keli) lexjeclo iyo danayn gaar ah oo wax loo hayo. Xilasho ayaan talo kuu weydiiyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuug
-ga: (magac, lab, keli) qof aad u lexjeclo xun. Yuug laguma yaanya'o. Dh: bakhayl. Li: deeqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lexjexlow
(fal) dareen dan iyo xoolajacayl ah yeelo.
lexjexlow-ga: (magac, lab, keli) eeg lexejeclood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lexejeclood
-ka: (magac, lab, keli) lexjeclo lahaansho iyo ku fara'adayg. Lexejecloodka xoolahaaga ad u haysaa waa sharaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lihijeclo
(Lihijecla-da)
Lexejeclo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lihijeclo
m.dh la-mid: lexejeclo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lihijeclo
f. n., [abstract] love of one's possessions
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lihijeclo
-lihijeclada: (n) sparingness (ispeering-nes)-, thrift (thirift); frugality (furuugaliti); extreme economy ~ lexojeclo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lihijeclo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg lexejeclo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lihijeclo
de: love of one's possessions
lx: lihijeclo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
see: lexejeclo
key: lihijeclo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lexojeclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aad leedahay, dareen lahaansho oo xooggan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leelo
(Leela-da)
1. Qiiqu hadduu meel kore oo gudo ah ku ururo oo noqdo wax qiro leh, oo kolkol waxyaalo wargo la moodo ka soo laallaadaan.
2. Wixii biyuhu sidaas oo kale gebiyada iyo godadka gudohooda ugu sameeyaan: kolkol waxay yeeshan filgimmo dheerdheer oo waaweyn oo xagga dhulka u soo laallaada.
3. Xayaabo biyaha deggan korkooda ka samaysanta.
4. Cunnada la karshey oo qaboobaysa, xayaabo ama xuub dusha ama hoos kaga samaysma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leelo
m.dh 1. Xayaabada dusha ka fuusha cuntada la kariyo. 2. Xaafoodka kor fuula biyo in badan meel ku jirey; saaruq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leelo
f. n., [collective] muck; coagulated substance (at bottom of a pot); soot, smut; moss; mold ~ mould, rot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leelo
-da: (magac, dhedig, keli) labeen cagaaran oo ku dhalata meel ay biyo ku raageen. Biyaha leelo ayaa qarisay. Dh: saaruq.
leelo-da: (magac, dhedig, keli) cuntada la karshey oo qabowday xayaabo ama xuub dusha ama hoos kaga samaysma.
leelo -da: (magac, dhedig, keli) wixii biyuhu gebiyada iyo godadka gudohooda ku sameeyaan: kolkol waxay yeeshaan filgimmo dhaadhdheer oo waaweyn oo xagga dhulka u soo laadlaada.
leelo -da: (magac, dhedig, keli) qiiqa meel kore oo gudo ah ku urura oo noqda wax qaro leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leelo
de: muck; coagulated substance (at bottom of a pot); soot, smut; moss; mold ~ mould, rot
lx: leelo
pd: (/da)
ps: n0-f-col
key: leelo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leexleexo
v. wind, zigzag
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
leexleexo
-leexleexday / leexleexatay: (v) move in a zigzag (zigzaag)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexleexo
(fal) kolba dhan u baydh; marba dhinac u weeco. Dh: weecweeco.
leexleexo: (fal) ka arrin qabashadeeda ama wax kale ku kiciddooda, ka warwareeg, ka madax meeri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leexleexo
de: wind, zigzag
lx: leexleexo
nt: leexleexad (ka) [vn-m], leexleexasho (/da) [vn-f]
pd: (leexleexday)
ps: v3b=
key: leexleexo