lexejeclo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lexejeclo
(Lexejecla-da)
Kalgacalada maalka iyo xoolaha loo qabo; waxa qofku hantidiisa u qabo; lihijeclo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lexejeclo
m.dh Kalgacal maal loo qabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lexejeclo
m.dh Kalgacal maal loo qabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lexejeclo
f. n., [abstract] love of possessions, attachment to worldly goods; 'pack rat'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lexejeclo
-da: (magac, dhedig, keli) ku fara'adayg aan takrifal iyo israaf lahayn; dareen lahaansho oo aan dhayal waxba ku bixin. Lexejeclo laba nin kama wadaa qosliso. Dh: lexjeclo, lihijiclo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lexejeclo
a: lihijeclo
de: love of possessions, attachment to worldly goods; 'pack rat' (i.e., one who never throws anything away)
lx: lexejeclo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: lexejeclo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lexejecloo
(fal) (ku ~) xoolo bixintood ku dhabiiltan; lexejeclo gaar ihi ha kuu qabato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lexjeclo
-da: (magac, dhedig, keli) dareen lahaansho oo aan dhayal waxba lagu bixin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lexajeclo
- lexajeclada: (n) sparingness (ispeering nes); thrift (thirift); frugality (furuugaliti); extreme economy ~ lihijeclo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lexejeclood
-ka: (magac, lab, keli) lexjeclo lahaansho iyo ku fara'adayg. Lexejecloodka xoolahaaga ad u haysaa waa sharaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuushaamin
(Shuushaamin-ta)
(xoolo) si gaar ah oo lexejeclo badani ku jirto u koolkoolin, u ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuushaami
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Xoolo si gaar ah oo lexejeclo iyo turidi ku jirto u wadid. 2. Wax si gaar u xannaanayn. la-mid: shuushi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Geelle
magac loo baxsho wiil dhashay kol uu reerku geel badan yeeshay ama la filayo in uu lexejeclo yeesho oo uu geel dhaqdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danee
(fal) wax ku lexejecloo oo fiiro gaar ah u yeelo. Dh: danay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabiiltan
-ka: (magac, lab, keli) xisaabtan adag oo lexejeclo ku dheehantahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhoomin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo qadhoon u gurid. U qadhoominta xoolahu waxay muujisaa lexejeclo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuushaami
(fal) xoolaha si lexejeclo ku jirto u ilaali oo u dhawr.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tagrifal
(fal) si aan lexejeclo ku jirin u isticmaal. Dh: takrifal.
tagrifal: (fal) (ku ~) sidaad doonto ka yeel lexejeclo ha u lahaan; waxaanad lahayn sidaad doonayso u isticmaal.
tagrifal -ka: (magac, lab, keli) (ku ~) sidaad doonto ku yeelid, idan la'aan isticmaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tagrifalid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku kicid ama isticmaalid hanti aanad lahayn idan la'aan. Xoolaha agoonta laguma tagrifalo.
tagrifalid -da: (magac, dhedig, keli) tagrifal ku samayn, idan la'aan saad doonayso u isticmaalid, lexejeclo u yeelad la'aan. Dh: takrifalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takrifal
(fal) xoolo, si aan lexejeclo ku jirin u isticmaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaradhaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) baaqbaaqid oo biyuhu meelo ay ku joogsadaan u samayn. Dh: baaqbaaqid.
xaradhaamin -ta: (magac, dhedig, keli) xanaanayn dheeraad ah oo loo sameeyo wax lexejeclo loo leeyahay. Dh: dhaqaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lexjexlow
(fal) dareen dan iyo xoolajacayl ah yeelo.
lexjexlow-ga: (magac, lab, keli) eeg lexejeclood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lihijeclo
(Lihijecla-da)
Lexejeclo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lihijeclo
m.dh la-mid: lexejeclo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lihijeclo
f. n., [abstract] love of one's possessions
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lihijeclo
-lihijeclada: (n) sparingness (ispeering-nes)-, thrift (thirift); frugality (furuugaliti); extreme economy ~ lexojeclo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lihijeclo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg lexejeclo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lihijeclo
de: love of one's possessions
lx: lihijeclo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
see: lexejeclo
key: lihijeclo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lexojeclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aad leedahay, dareen lahaansho oo xooggan yeelasho.