leqleqid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leqleqid
-da: (magac, dhedig, keli) leqid oo mar kale leqid. Dh: liqligid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ledledid
(Ledledid-da)
Leelleel mudasho; rafaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luqluqid
(Luqluqid-da)
Biyo luqluq ah afka gudihiisa ku mayrid, ku nadiifin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqluqid
m.f.dh eeg luqluq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqluqid
-da: (magac, dhedig, keli) «u ~» cid kale biyo kabbisiin oo afka kolba dhinac ugu ruxid si loo nadiifiyo. Dh: luqluqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leqid
-da: (magac, dhedig, keli) bad, ceel, webi iyo wixii la mid ah, dejin oo hoos u libdhin. Dh: leqis, qarqin.
leqid-da: (magac, dhedig, keli) afgelin oo jidiinka hoos ugu dejin. Dh: leqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deeqid
(Deeqid-da)
1. Ku fillaansho; wada gaarid.
2. Deeq bixin; wax bixin; siin; diiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqid
m.f.dh eeg deeq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqid
-da: (magac, dhedig, keli) marka shay ku fillaado ama le'ekaado cidda haysata ama wax lagu qaybshay. Dh: filnaansho, kaafiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leefid
(Leefid-da)
Carrabka wax ku tirid, ama ku tirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefid
m.f.dh eeg leef.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Leefid
Corrosion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefid
-da: (magac, dhedig, keli) carrabka wax ku tirid; wax ama meel, carrabka dul marin. Dh: leefis. Wa: leefleefid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belelid
(Belelid-da)
Belel yeelasho; belbelid; ololid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
belelid
m.dh la-mid: belbelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belelid
-da: (magac, dhedig, keli) shidmid iyo ololid. Belelidda dabkuba waa markuu ololka dheeriyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
melegid
-da: (magac, dhedig, keli) dilid oo nafta ka qaadid. Melegiddu waa dembi weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Selelid
(Selelid-da)
Salalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
selelid
m.dh la-mid: salalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
selelid
-da: (magac, dhedig, keli) 'geel' ololid; salwid.
selelid -da: (magac, dhedig, keli) si naxdin iyo argaggax leh, hurdo uga soo boodid, uga kicid; salalid; sasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
telefid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan faa'iido dambe lahayn noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dellegid
m.f.dh eeg delleg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hellemid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarista hellenka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jelledid
m.f.dh eeg jelled. la-mid: jilladid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luqluqad
(Luqluqad-ka)
Luqluqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqluqad
m.l la-mid: luqluqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqluqad
-ka: (magac, lab, keli) maydhidda afkal inta biyo la kabbado lagu dhex ruxo oo la tufo. Dh: afdhaqasho, luqluqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefleefid
-da: (magac, dhedig, keli) leefid oo haddana leefid. Dh: leefleefis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leelleelid
m.f.dh eeg leelleel².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leelleelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo darxumo la kulmid. Dh: eedaadid, carcaraafid, rafaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeqaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) jeedaalin ku samayn. Beeqaaqid iyo dhays ba waa lagu dayoo weli maaro loo waaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeeqaaqid
(Jeeqaaqid-da)
Fiirin; eegid; dhawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeeqaaqid
m.f.dh eeg jeeqaaq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeeqaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) marka qof sugayo wax aan la hubin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jelledmid
m.dh la-mid: jalladmid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
legal-aid
/liigal eydh/ (n) caawimaad xaga kharashka qareenka oo qof laga bixiyo e.g. I went to the legal-aid office this morning.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leyleysad
m.l la-mid: leyleysasho.