lehaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lehaansho
-ha: (magac, lab, keli) yed u lahaansho, u haysasho, u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lahaansho
(Lahaansha-ha)
Lahaanta wax la lee yahay; wax lihi ah ama hanti yeelasho, haysasho, qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lahaansho
m.l/dh la-mid: lahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lahaansho
vl. n., [abstract] possessing, state of owning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lahaansho
-lahaanshaha: (n) 1. possession (pozashan) ~ milkiyad. 2. (adj) possessive
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lahaansho
a: lahaan
de: possessing, state of owning
lx: lahaansho
pd: (/ha)
ps: vn-m-abs
key: lahaansho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
lahaansho
تملك
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ahaansho
(Ahaansha-ha)
Noqosho; si, ku sugnaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahaansho
m.l/dh eeg ahow. la-mid: ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahaansho
-ha: (magac, lab, keli) ku sugnaanta si ama xaalad gaar ah. Ahaanshaha aad tahay arday, ayaan kuugu abaal guday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ekaansho
(Ekaansha-ha)
1. Meel ku ballaarasho, ku sugnaansho.
2. Si toosan, habboon, eg, noqosho.
3. (u ekaansho) u eg noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ekaansho
m.l/dh eeg ekow. la-mid: Ekaad; ekaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ekaansho
Similarity
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ekaansho
vl. n. similarity, likeness; state of being similar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ekaansho
-ekaashaha: (n) the state, quality, or fact of being like
isku ekee -yey: (v) have the look of, copy the actions, appearance or mannerisms of; imitate (imitaayt)
u ekee -yey: (v) make things resemble each other
isla ekee -yey: (v) make things equal or uniform in size or length.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ekaansho
Similarità
Similarity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ekaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg ekaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ekaansho
de: similarity, likeness; state of being similar
lx: ekaansho
pd: (/ha)
ps: vn6-m
key: ekaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degaansho
m.dh Xaalad deggan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
degaansho
m.dh Xaalad deggan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
La'aansho
(La'aansha-ha)
Wax la la' yahay ama aan la haysan ama aan la lahayn, ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
la'aansho
m.l/dh la-mid: la'aan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
la'aansho
-la'aanshaha: (n) lacking (laaking)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
la'aansho
-ha: (magac, lab, keli) waxba li'i'; madhnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
la'aansho
de: lack, state of not having
lx: la'aansho
pd: (/ha)
ps: vn6-m-st
key: la'aansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaansho
m.l/dh la-mid: labaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaansho
-da: (magac, dhedig, keli) wax lab ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Negaansho
(Negaansha-ha)
1. Geeddi la guuri lahaa baajin.
2. Wax negi ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
negaansho
m.l/dh eeg negow. la-mid: negaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
negaansho
vl. n., stative v. state of being permanently settled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
negaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg negaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
negaansho
de: state of being permanently settled
lx: negaansho
pd: (/ha)
ps: vn6-m-st
key: negaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladhnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax la ladhay ahaansho. Dh: larnaan, ladhnaan, larni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Le'ekaansho
(Le'ekaansha-ha)
Le'ekaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
le'ekaansho
m.l/dh la-mid: le'ekaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
le'ekaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax le'eg ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahnaansho
m.l/dh la-mid: dihnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dednaansho
m.l/dh la-mid: dednaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dednaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dednaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dihnaansho
(Dihnaansha-ha)
Wax dihin ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dihnaansho
m.l/dh la-mid: dihnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dihnaansho
vl. n., stative v. state of being incomplete ~ unfulfilled
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dihnaansho
de: state of being incomplete ~ unfulfilled
lx: dihnaansho
pd: (/ha)
ps: vn6-m-st
see: dihnaan
key: dihnaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gennaansho
m.l/dh la-mid: gannaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeclaansho
m.l/dh la-mid: jeclaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeclaansho
-ha: (magac, lab, keli) rabitaanka iyo dareenka soo jiidashada leh ee ka dhexeeya lab iyo dhedig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labnaansho
m.l/dh la-mid: labnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labnaansho
-da: (magac, dhedig, keli) wax laban ahaansho: qasnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ladnaansho
(Ladnaansha-ha)
Wax ladan ahaansho; fayoobaansho; roonaansho; fiicnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladnaansho
m.l/dh la-mid: ladnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ladnaansho
-ladnaanshaha: (n) recovery (rikavari) ~ ladnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladnaansho
-da: (magac, dhedig, keli) xaalad hore oo liidasho ahayd ka soo rayn oo ka soo kabasho. Dh: roonaansho. Li: liidasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
larnaansho
m.l/dh la-mid: larnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
larnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax laran ahaansho: ladhanaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lignaansho
m.l/dh la-mid: lignaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limnaansho
m.l/dh la-mid: limnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
linnaansho
m.l/dh la-mid: linnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lisnaansho
m.l/dh la-mid: lisnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisnaansho
-ha: (magac, lab, keli) neef caanihii laga lisay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulnaansho
m.l/dh la-mid: lulnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulnaansho
-da: (magac, dhedig, keli) wax soo laadlaada ahaansho: laadlaadsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lurnaansho
m.l/dh la-mid: lurnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lurnaansho
-ha: (magac, lab, keli) qofluran ahaansho; dhibaataysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mednaansho
m.l/dh la-mid: madnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mednaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax med leh ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nebcaansho
m.l/dh la-mid: nebcaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nebcaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg nebcaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
necbaansho
m.l/dh la-mid: nebcaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
necbaansho
-ha: (magac, lab, keli) nicid oo wax aanad doonayn ahaan. Anigoo necbaanshiyo, naxli aanu igu jirin, naftan yeelkadeedee, naso waan ku daayee. Li: jeclaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weynaansho
(Weynaansha-ha)
Wax weyn ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weynaansho
m.l/dh eeg weynow. la-mid: weynaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weynaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax weyn ahaansho; weyni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lehaan
-ta: (magac, dhedig, keli) si gaar ah u haysad ama u qabid. Dh: lahaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
-aansho
(suffix)-. —ation: the result of an action or process. Ex: madoobaansho; the state of being black; dheeraansho; the state of being tall or long
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-aansho
de: state of being (X); -ation [GERUND] Makes a masculine stative verbal noun
lx: -aansho
ps: vn6-m-st-suf
xe: state of being left-handed
xv: gurranaansho
key: -aansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaanso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f. g) Weel buuxsasho. 2. (f.mg) Gaadiid biyo meel fog uga doonasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaanso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Weel buuxsasho. 2. (f.mg) Gaadiid biyo meel fog uga doonasho. m.f.dh, dhaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaanso
v. fetch water (for oneself); fill something up (with liquid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaanso
(fal) buuxso oo wax meel aad ku shubatay daf ka sii. Dh: buuxso.
dhaanso: (fal) ceelka weel kaga dhaanso biyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaanso
de: fetch water (for oneself); fill s.t. up (with liquid)
lx: dhaanso
pd: (dhaansaday)
ps: v3a=
xe: I only fill up my stomach so I dont think about anything else.
xv: Anigu caloosheyda uun baan dhaansadaa ee waxba kama fekero.
key: dhaanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaasho
f.g3 (-shaday, -shatay) Dhaashi marcasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaasho
f.g3 (-shaday, -shatay) Dhaashi marcasho. m.f.l, dhaashasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaasho
v. grease, lubricate, spread, smear, daub
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaasho
-dhaashaday / dhaashatay: (v) put cream on one's face
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaasho
(fal) basaasta iska bi'i oo subko. Cadowgaaga dhuux sagaara loogu dhaashadaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaasho
de: grease, lubricate, spread, smear, daub
lx: dhaasho
pd: (dhaashaday)
ps: v3a=
key: dhaasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lahasho
(Lahasha-da)
Laabta wax ka jeclaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lahasho
m.f.dh eeg laho. la-mid: lahad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lahasho
vl. n. desire, longing, being consumed with desire
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lahasho
-lahashada: (n) 1. deep pity sorrow (sooroow). 2. desire (dizaayar) ~ rabitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lahasho
-da: (magac, dhedig, keli) laabta wax ka jeclaysasho ama ku qabasho. Lahashadii haysay wuu ka bogsaday. Li: nacayb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lahasho
a: lahad (ka) [vn-m]
de: desire, longing, being consumed with desire
lx: lahasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: lahasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Le'asho
(Le'asha-da)
Wax le'day ahaansho; baabbi'id; dabaggo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
le'asho
m.f.dh eeg le'o. la-mid: le'ad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
le'asho
-le'ashada: (n) the act of dying; death (dheeth)-, termination of lives
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
le'asho
-da: (magac, dhedig, keli) wax le'day ahaansho; baabbi'id ama dabargo'id.
le'asho-da: (magac, dhedig, keli) dhimasho inta badan dabiici ah. Dh: madhasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lohasho
-da: (magac, dhedig, keli) itaaldarri darteed; meel hadh leh ku nasasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maansho
-ha: (magac, lab, keli) barwaaqo iyo wanaag cid walba gaadha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaasho
(Shaasha-da)
Cudur faddarada ama urka darani keeno oo badanaa carruurta iyo ubadka ku dhaca ama xoolaha dhalay la banmaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaasho
m.dh Cudur ka yimaad nadaafad xumada oo waxyeeleeya carruurta iyo naagaha ummulaha ah.