leh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leh
Erey ulajeeddooyin badan yeesha. a) Lahaansho, yeelasho, hayn; haysasho, hantiyid, hanasho, qabid, ... (lacagtaan yaa leh? Nin xoolo leh; meel dhaxan leh; ...). b) Hadlid; wax dhihid; iraahid; yeerid; (qof wax ha la barto leh...) eeg lahaan, lee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leh
f.g4 (lahaa, lahayd) 1. Wax qabid. 2. Hadal dhihid. 3. Is l.: wax malayn. Tus.: “Waxaan is leeyahay berri halkan imow”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
leh
f.g4 (lahaa, lahayd) 1. Wax qabid. 2. Hadal dhihid. 3. Is l.: wax malayn. Tusaale: Waxaan is leeyahay berri halkan imow. m.f.dh, lahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leh
adj., formative: owning, possessing, having, with; '-able', '-ful'
leh v., subject case, present habitual: having, which has ~ have
leh v., subject case, present habitual: say, saying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
leh
-aa: (v) 1. own (oon); having something; belong (beloong) to. Ex: yaa leh? who owns? 2. (adj) having; possessing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leh
(fal) wax qabid; wax lahaansho. Kumaa leh daartan?
leh: (fal) hadal dhihid. Cumar, wuxuu leeyahay, anaa kuu iman.
leh: (fal) wax si u malayn. Waxaan is lehaa, berri bay imanayaan wefdigu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aas
(Aas-ka)
1. Xabaasha (dadka dhinta) iyo waxa ku saabsan; duug.
2. Iftiinka midabyada leh oo qorraxdhaca; cirguduud; cilcillow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayad
(Aayad-da)
1. Suurad quraan, tixaha ay ka kooban tahay, middiiba.
2. Wax aan hor loo arki jirin oo yaab leh.
3. Mucjiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayar
Si deggan oo miyir leh; qunyar; tartiib; xasil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeeso
(Abeesa-da)
Jaadad badan oo halaqa ka mid ah oo qaarkood waabaayo lee yihiin. Waxaa jira jaadad addimmo leh oo iyagana abeeso lagu magacaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeeso-lugaley
(Abeeso-lugaley-da)
Jaad halaqa ka mid ah oo qallajisaha waaweyn lagu tirsho oo afar addin iyo dabo dheer iyo harag adag leh; masolugaley, riyannuug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abris
(Abris-ka)
1. Halaqa waabaayada leh jaad ka mid ah.
2. Halaq duqoobey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuur
1. (Abuur-ka) a) Wax aan hor u jirin uumis; alkun. b) Geed ubxa haya, docda uu lafta ama iniinta ku lee yahay, oo kolkii la beero korta oo geed hor leh oo cusub noqota; laf ama iniin ama cad kasta oo geed hor leh noqon karta; firi. c) Hawsha la qabto kolka beerta abuurka lagu rida hayo.
2. (Abuur-ta) Sida loo uumay (farsamo, hab, qaab); baxaalli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abwaan
(Abwaan-ka)
1. (qof) laamo badan oo cilmi aqoon weyn ku leh ama u leh siiba dhaqanka iyo ilbaxa tolka; waaya-arag; waxyaqaan; buuni.
2. (*) Buug ama buugag laamaha aqoontoo dhammi ku urursan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adaahi
(Adaahi-da)
Geed sal weyn iyo laamo yaryar leh, oo buruqdiisu biyo badan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afargees
(Afargees-ka, Afargees-ta)
Muug fidsan oo leh afargees oo toosan iyo afar dhinac oo is wada dherer le'eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afarsuulle
(Afarsuulla-ha)
Muruq afar suul ama afar madax leh, siiba muruqa weyn oo ku yaal bowdada docdeeda kore, oo kolka uu isku soo rooro lugtu kala baxdo oo fidsanto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afaysan
Af leh; soofaysan; lisan; looshan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afgaab
(Afgaab-ka)
Cudur sida furuqa oogada nabarro biyo leh ka soo yaaciya; furuqbiyoole.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afiaggaaddo
(Afiaggaadda-da)
Hadal qoonsimaad leh; cay; afxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afmeerid
(Afmeerid-da)
Wax wareegsan ama qaab kaleba leh, afkiisa ku soo wareegid, soo koobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afmiinshaar
(Afmiinshaar-ka)
Qof warbeennad saamays weyn leh, oo lagu kala dhinto ama lagu dagmo dhisa ama dhisi yaqaan, oo dadka ama dowladda wax kaga cuna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyaqaan
(Afyaqaan-ka)
1. Af gaar ah yaqaan.
2. Cilmiga afafka aqoon weyn ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyuun
(Afyuun-ka)
Geed-ubax la beero oo waxtar (dawo) iyo dhibaato weyn labadaba leh, oo dhulka kulul ka baxa; wuxuu lee yahay dhacaan sida caanaha u cad oo la engejiyo, oo dabadeed la cuno ama sida sigaarka loo shito; kartida iyo maanka qofkaba habbisuu saaraa, haddaan degdeg la isaga qabanna waa lala doorsoomaa oo lala dufoobaa (sida xashiishka, qaadka ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agan
(Agan-ka)
1. (Ceel) biyo badan leh; banqi.
2. Cosob ama naq badan; aftin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aneexo
(Aneexa-da)
Geed dhirta yaryar ka mid ah oo bixiya miro arorro leh oo ceeriinka iyo bisaylkaba lagu cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Le
-le
Erey aan keli isu taagin ee magacyada qaarkood lagu dabakaro, ulajeeddadiisuna tahay: leh, haysta; kd. (sida: dukaanle; hilible; alifle).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
le
art. - qodob dheddig oo wadar ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
le
(fal) wax qabid. Anaa le buuggan. Dh: leh.
le: (fal) hadal dhihid. Cabdi baa le, anaa cunay cashadii. Dh: leh.
le: (fal) wax malayn. Dh: leh.
le: (dabakar) salkorodh magaca lab ku dabakarma oo sameeya magac xirfadeedka uu qofku ku abtirsado. Xiddhigle, waranle, abjedle, dhagaxle.
le: (dabakar) salkorodh kolka uu xubnaha dadka badhkood la xidhiidho tusa wax la'aan. Indhoole, ilkoole, cagoole. Dh: laawe.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
le
le, art. masc. - -ka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
led
f.mg1 (-day, -dday) la-mid: lad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
led
v. be satisfied
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
led
/ledh/ (v) hoggaamiyey, hor-kacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
led
(fal) seexo oo gama'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
led
a: lad
de: be satisfied
lx: led
pd: (leday)
ps: v1=
key: led
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lee
(lee-)
(waa aan leeyahay, (lee(y)ahay), waa uu lee yahay, waa ay lee yihiin, waa aad leedahay, waa ay leedahay, waa aad leedihiin; waa aannu/aynnu lee nahay) wax lihi u yihiin; haysta; qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lee
de: have ~ possess Root form of lahow ~ leh
lx: lee
pd: \pd-
ps: v5b-root
see: leedahay, leedihiin, leenahay, leeyahay
key: lee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leg
(Leg-ga)
Xubin ka kooban laf-sakaarta iyo baruurta iyo hilibka korka ka saaran, qaarna ka laallaado; shaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leg
m.l (-gag, m.l) Saraarka iyo hilibka saaran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
leg
m.l (-gag, m.l) Saraarka iyo hilibka saaran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leg
m. n., [collective] brisket; sternum; area ~ meat at the center of the breast
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
leg
(n) a limb or appendage used for movement or support
lug
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
leg
/leg/ (n) lug.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
leg
-ga: (n) breastbone (bareest-boon)-, breast meat ~ shaf-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leg
-ga: (magac, lab, keli) xubin ka kooban lafsakaarta iyo baruurta iyo hilibka korka ka saaran. Dh: shaf, ladaab.
leg-ga: (magac, lab, keli) dhinaca buurta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leg
cf: shaf
de: brisket; sternum; area ~ meat at the center of the breast
lx: leg
pd: (-ga Pl: legag (ga))
ps: n4-m-col
key: leg
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
leg
hind-leg, n., lug, -ti; fore-leg, jeeni, -gi; leg below the knee, kub, -ki, shansho, -adi; leg of a chair, rukun, -ki.
one-legged man, n., nin lug la’, luglaawe, -ihi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lei
pron. - iyada; qof xushmayn mudan: (lab & dheddig).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leq
(fal) afka geli oo caloosha u dhaadhici. Dh: liq.
leq: (fal) bad, webi iyo wixii la mid ah, gunta gee oo deji. Dh: qarqi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
les
les, art.def.pl. - Kuwan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
let
/let/ (v) 1. u yeelid, u ogolaansho e.g. My father won't let me go out with gangs. 2. u fasax, uoglow. e.g. Let him go!
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
let
v.i., daa; let me alone, idaa; let me go out, dibadda ii siidaa; why do you let him come in? maxaad gudaha ugu soo daynaysaa? let the boys sleep, caruurta daa ha seexatee; let down, hoosaysii; let in, into, soo geli, soo daa; let go, sii daa, soo daa; let me see, bal aan arko; let him speak, ha hadlo; let it be so, ha ahaato, sidaa ha ahaato, I have let a house, aqal baan kiraystay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ley
(dabakar) salkordhis ah oo magacsaleedyada ku dabakarma oo ku tusmeeya magacxirfadeedka ay kooxi leedahay. Dukaanley, qalinley, adhiley, beeraley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Alleh
eeg Alla.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flesh
/flesh/ (n) 1. hilib, jiir, jismi (n) 2. buruqda miraha ee dhexda ku jirta.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
flesh
n., hilib, -ki, cad, -ki, jidh, -ki, jimidh, -ki
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isleh
v. say to oneself, saying to each other
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isleh
-aa: (adj) fit (fit); fit for each other; suited. Ex: ma isleha; they did notfit each other
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isleh
de: say to oneself, saying to each other = is + leh
lx: isleh
ps: v5b=expr
key: isleh
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Leach
Culaacul
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
leash
/liish/ (n) xarig ama hoggaan (siiba midka eyga lugu xiro).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
leech
n., culaacul, -shi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leh_1
de: owning, possessing, having, with; '-able', '-ful' Forms a relative clause with the meaning 'which has'; Opp: la'
hm: 1
lx: leh
pd: (lehi ~ lihii)
ps: adj-formative
xe: bearded
xv: gadh leh
key: leh_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leh_2
de: having, which has ~ have
hm: 2
lx: leh
ps: v5b-subj-prhb
key: leh_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leh_3
de: say, saying
hm: 3
lx: leh
ps: v5b-subj-prhb
xe: while he was saying to himself
xv: isagu is leh
key: leh_3
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lehaw
(fal) eeg lahaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lehel
m.l Bartilmaameed la isla ogyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lehel
-ka: (magac, lab, keli) bartilmaameed la isla ogyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lehid
-da: (magac, dhedig, keli) hanti qabid.