leexsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leexsanaan
(Leexsanaan-ta)
Wax leexsan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexsanaan
m.f.dh eeg leexsan. la-mid: leexsanaansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Leexsanaan
Deviation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leexsanaan
f. n., [abstract] state of being turned towards oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinac u baydhsanaan. Dh: weecsanaan.
leexsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) sidii habboonayd ka weecsanaan. Dh: qalloocsanaan. Li: toosnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leexsanaan
de: state of being turned towards oneself
lx: leexsanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: leexsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seexsanaan
m.f.dh eeg seexsan. la-mid: seexsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seexsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid seexday ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wax liqsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceegsanaan
m.f.dh eeg ceegsan. la-mid: ceegsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceegsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) miijisnaan; ceejisnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deebsanaan
m.f.dh eeg deebsan. la-mid: deebsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deebsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax deeb afka ku leh ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meersanaan
m.f.dh eeg meersan. la-mid: meersanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meersanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) sida masafta ama goobada ahaan oo wax wareegsan ahaan. meersanaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax la soo meegaaray ahaan. Meersanaanta ayaan jagada ku iibsaday. Dh: wareejisanaan, goobaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Teedsanaan
(Teedsanaan-ta)
Wax teedsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teedsanaan
m.f.dh eeg teedsan. la-mid: teedsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
teedsanaan
f. n., [abstract] state of being lined up ~ put in a row
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teedsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax safan ahaan. Teedsanaan ayaa loo dhigay jirikannada. teedsanaansho -ha: (magac, lab, keli) wax meel girgir ah, isku daba taxan ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
teedsanaan
de: state of being lined up ~ put in a row
initial: t
lx: teedsanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: teedsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weecsanaan
m.f.dh eeg weecsan. la-mid: weecsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weecsanaan
f. n., [abstract] turning, inclination, tendency
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weecsanaan
-ta: (n) deviation (dii-vi-yeey-shan); divergence (di-veer-jansi); aberration (aaba-reey-shin) ~ leexsanaan, qaloocsanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weecsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhan u saxda ahayd ka baydhsanaan; meeshii baydhsanaan. Albaabka weecsanaanta waa loogu talagalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weecsanaan
de: turning, inclination, tendency
initial: w
lx: weecsanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: weecsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawlid
(Qawlid-da)
1. (dhir) Hadba qawl curdan ah, soo saarid, dhalid.
2. Wax agtood isku liilamin, ku leexsanaan, ku garab jiidnaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Deviation
Leexsanaan
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Deviation, standard
Leexsanaan beegal ah
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mean deviation
Tirosin leexsanaan
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Standard deviation
Leexsanaan beegal ah
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cant
/kaant/ (n) 1. janjeer; leexsanaan (n) 2. munaafaqnimo (munaafaq ahaansho).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iillanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) jidka ka leexsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexsanaansho
m.l/dh la-mid: leexsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax leexsan ahaansho; weecsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debecsanaan
m.f.dh eeg debecsan. la-mid: dabacsanaan, dabacsanaansho, debacsanaan, debacsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
debecsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dabacsan oo aan giijisnayn ahaan. Xadhigga debecsanaan ha ku dayn. Dh: dabacsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fekersanaan
m.f.dh eeg fekersan. la-mid: fakarsanaan, fakarsanaansho, fekersanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fekersanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin maanka ku hayn; talo ku mashquulsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbaxsanaan
m.f.dh eeg ilbaxsan. la-mid: ilbaxsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mehersanaan
m.f.dh eeg mehersan. la-mid: maharsanaan, maharsanaansho, mehersanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mehersanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) naag meher lagu xidhay oo la guursaday ahaan. Dh: maharsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meregsanaan
m.dh la-mid: maragsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
selelsanaan
m.f.dh eeg selelsan. la-mid: salal-sanaan, salalsanaansho, selelsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leexsan
La leexshey; weecsan,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhinac u weecsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
leexsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhinac u weecsan ahaansho. m.f.dh, leexsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leexsan
der. [adjective] turned towards oneself; diverted; inclined, leaning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
leexsan
-aa: (adj) curved (keervid), turned (teenidh)-, diverted (di-veertidh)-, deviatory ~ weecsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexsan
(tilmaame) wax dhinac u baydhsan; wax jidkiisii ka weecsan ama la leexshey. Tuulo dariiqa ka leexsan ayaan marti ugu hoyday. Dh: baydhsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leexsan
de: turned towards oneself; diverted; inclined, leaning {C & S}
lx: leexsan
pd: (leexsanaa)
ps: adj-der
key: leexsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeexnaan
m.f.dh eeg jeexan². la-mid: jeexnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid dillaacsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qeexnaan
(Qeexnaan-ta)
Wax qeexan ahaan; caddaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qeexnaan
m.f.dh eeg qeexan. la-mid: qeexnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qeexnaan
f. n., [abstract] clearness, thoroughness, state of being well-defined
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qeexnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qeexan ahaan. Qaacidada cilmiga ah qeexnaanta ayaa lagu fahmaa. Dh: caddaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qeexnaan
a: qeexnaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: clearness, thoroughness, state of being well-defined
lx: qeexnaan
pd: (-ta)
ps: n1-f-abs
key: qeexnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baxsanaan
(Baxsanaan-ta)
Baxsan ama baxsi ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxsanaan
baxsanaan¹: m.f.dh eeg baxsan. la-mid: baxsanaansho.
baxsanaan²: m.dh (daawo) Xaalad maskaxeed lagu yaqaan farxad aan caadi ahayn iyo firfircoon oo caadiga ka baxsan, fahmo aad u kacsan oo si dhakhso ah ugu beddelanta caro dhawaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baxsanaan
m.dh (daaw.) Xaalad maskaxeed lagu yaqaan farxad aan caadi ahayn iyo firfircoon oo caadiga ka baxsan, fahmo aad u kacsan oo si dhakhso ah ugu beddelanta caro dhawaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baxsanaan
f. n., [abstract] excellence, distinction; being nice ~ good; goodness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxsanaan
-ta: (magac, lab, keli) mid wanaagsanaan ahaan. Dh: hannaansami.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baxsanaan
de: excellence, distinction; being nice or good; goodness
lx: baxsanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: baxsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degsanaan
m.dh eeg degsan. la-mid: degsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax degsan ahaan. Degsnaanta ayaa u sabab ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
densanaan
m.dh la-mid: dansanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
densanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) bakhtiisnaan aan waxba shidmayn. Aqalka densanaan ayaan ugu imid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gefsanaan
m.dh la-mid: gafsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gefsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wixii saxda ahaa, weydaarsanaan.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Heeganaan
Prontezza
Readiness
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqsanaan
m.dh la-mid: liqsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof wax ligay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
legdanaan
m.f.dh eeg legdan³. la-mid: legdanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
legdanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhulka la dhigay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqsanaan
m.f.dh eeg liqsan. la-mid: laqsanaan, laqsanaansho, liqsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lunsanaan
m.f.dh eeg lunsan. la-mid: lunsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lunsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) habowsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naxsanaan
m.f.dh eeg naxsan. la-mid: naxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cabsi darteed sas iyo naxdin ku jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxsanaan
m.f.dh eeg qaxsan. la-mid: qaxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qaxooti ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saxan ahaan; saxnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxsanaan
m.f.dh eeg buuxsan². la-mid: buuxsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buuxa ahaan. Buuxsanaan buu igu siiyey bidhaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegsanaan
m.f.dh eeg dhegsan. la-mid: dhegsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel ku naban ahaan. Dh: nabnaan, dhejisnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
edebsanaan
m.f.dh eeg edebsan. la-mid: edebsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaxsanaan
(Gaaxsanaan-ta)
Neef gaaxsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaxsanaan
m.f.dh eeg gaaxsan. la-mid: gaaxsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaaxsanaan
f. n., [abstract] state of being left unmilked (animal); uncultivated, virgin, untouched (land)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) neef gaaxsan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaaxsanaan
de: state of being left unmilked (animal); uncultivated, virgin, untouched (land)
lx: gaaxsanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: gaaxsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heegganaan
(Heegganaan-ta)
Heeggan ahaan (ama heeganaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heegganaan
m.dh la-mid: heegnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heegganaan
f. n., [abstract] state of being on patrol ~ alert
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heegganaan
-ta: (magac, dhedig. keli) diyaar ahaan; heegan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heegganaan
a: heegnaan (ta) [n-f-abs]
de: state of being on patrol ~ alert
lx: heegganaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: heegganaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heellanaan
(Heellanaan-ta)
Wax heellan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heellanaan
m.f.dh eeg heellan. la-mid: heellanaansho, helloonaan, helloonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heellanaan
f. n., [abstract] loyalty, obedience