leexdin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexdin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel waddada toobiyaha ah ka baydhsan ama ka weecsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leexin
(Leexin-ta)
Doc u weecin, u duwid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexin
m.f.dh eeg leexi. la-mid: leexis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinac u duwid. Leexinta dawgu farsamo ayay u baahan tahay. Dh: weecin, duwis, baydhin, leexis. Li: toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeexdin
(Jeexdin-ta)
Meel godan ama biyammareen ah; tog; waraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeexdin
m.dh 1. Meel dillaacsan. 2. Meel godan oo dhulka ka hoosaysa. 3. Meel dillaacsan oo dhulka ku taal oo ay biyuhu maraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeexdin
f. n. crevasse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeexdin
-ta: (n) splitting (ispliting); chasm (kaazam); fissure (fi-shar); crevasse (kiri-vaas)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexdin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel godan oo dhulka ka hoosaysa oo dillaacsan. Jeexdin wayn ayuu roobku sababay.
jeexdin -ta: (magac, dhedig, keli) meel taag ah maritaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeexdin
de: crevasse
lx: jeexdin
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: jeexdin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eexin
(Eexin-ta)
Samafal gaar ah (qof u) falid; u turid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eexin
m.f.dh eeg eexi. la-mid: eexis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexin
-ta: (magac, dhedig, keli) tudhaal gaar ah qof ama cid u samayn. Dh: tudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leedi
(fal) cid kale tus sida loo leedo. Dh: leedsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax jihadii ay u jeedeen ka duwid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
leexi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax jihadii ay u jeedeen ka duwid. m.f.dh, leexin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leexi
v. divert, turn aside ~ to one side; deflect; make deviate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
leexi
-yey / say: (v) make a turn; divert (di-veert)-, change the direction ~ weeci. Ex: gaariga bidix u leexi; turn the car to the left
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexi
(fal) dhinac u weeci. Booraanta ka leexi baabuurka. Dh: du', weeci.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leexi
de: divert, turn aside ~ to one side; deflect; make deviate
lx: leexi
nt: leexin (ta) [vn-f], leexis (ka) [vn-m]
pd: (leexiyey ~ leexshey)
ps: v2a=tr
key: leexi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eeddin
f. n. muscular spasm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eeddin
see [eeg] ayddin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eeddin
de: muscular spasm
lx: eeddin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: eeddin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeedin
(Jeedin-ta)
1. Qof hawshii uu lahaa, illowsiin.
2. (hadal) furid.
3. (u jeedin) Wax ama qof wejigiisa meel u duwid, u leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedin
m.f.dh eeg jeedi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, dhinac u jeedin.
jeedin -ta: (magac, dhedig, keli) (soo ~) hadal, fikir soo bandhigid. Soo jeedinta fikirkiisa ayaa la wada sugayaa. Dh: gudbin.
jeedin -ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) qof hawl ka mashquulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leefin
(Leefin-ka)
Wax la leefo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefin
m.f.dh eeg leefi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leefin
vl. n. something that is licked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefin
-ka: (magac, lab, keli) wax yar oo la leefo.
leefin-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale wax leefsiin. Leefinta xabasuudda ha ka daynin carruurta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leefin
de: something that is licked
lx: leefin
pd: (-ka)
ps: vn1-m
key: leefin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexis
m.l la-mid: leexin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexis
-ka: (magac, lab, keli) eeg leexin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg leexsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Legdin
(Legdin-ta)
Qof dhul dhigidda legdanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
legdin
m.dh 1. Dhul dhigidda qof legdamaya dhulka la dhigo. 2. la-mid: legdan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
legdin
vl. n. throw in wrestling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
legdin
-ta: (n) wrestling (rasling)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
legdin
-ta: (magac, dhedig, keli) tartan ciyaareed la is qabto dhulkana la isku rido iyadoo xoog iyo xeeladba la adeegsanayo. Habar fadhida legdin wax uga fudud. Dh: jiidoo, legdan, qabashayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
legdin
a: legdan
de: throw in wrestling Also
lx: legdin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: legdin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leqdin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax afka gelin jidiinka marsiin oo caloosha u dhaadhicin. Leqdinta hilibka ayuu ku margaday. Dh: liqdin, ligid. Wa: leqlegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seexin
(Seexin-ta)
1. Gama'siin.
2. Jiifin.
3. (dab, nal, ...) demin, baqtiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seexin
m.f.dh eeg seexi. la-mid: seexis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seexin
-ta: (magac, dhedig, keli) 'dab iyo wixii la mid ah, demin, bakhtiin.
seexin-ta: (magac, dhedig, keli) gama'siin: jiifin, ilmo ama qof kale hurdo gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Teedin
(Teedin-ta)
Sida teedka u sarcid, isu dabadhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teedin
m.f.dh eeg teedi. la-mid: teed¹ (3), teedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teedin
-ta: (magac, dhedig, keli) abuurka beerta ama shiniyeenta, teedin u wada abuurka oo yey kaa qalqalloocsamin.
teedin -ta: (magac, dhedig, keli) sida teedka u sarcid oo isu dabadhigid. Dh: teedis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socod meel dheer gaadhid. Dh: dheerayn, siibasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leexsan
La leexshey; weecsan,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhinac u weecsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
leexsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhinac u weecsan ahaansho. m.f.dh, leexsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leexsan
der. [adjective] turned towards oneself; diverted; inclined, leaning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
leexsan
-aa: (adj) curved (keervid), turned (teenidh)-, diverted (di-veertidh)-, deviatory ~ weecsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexsan
(tilmaame) wax dhinac u baydhsan; wax jidkiisii ka weecsan ama la leexshey. Tuulo dariiqa ka leexsan ayaan marti ugu hoyday. Dh: baydhsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leexsan
de: turned towards oneself; diverted; inclined, leaning {C & S}
lx: leexsan
pd: (leexsanaa)
ps: adj-der
key: leexsan
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bleeding
n., dhiig bax or bixi; bleeding of the nose, goror, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duleedin
(Duleedin-ta)
(dagaal) dhabarka kaga imaansho oo waxyeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duleedin
m.f.dh eeg duleedi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duleedin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhabarjebin samayn oo ciidan sii jeeda dagaal xagga dambe kaga keenid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Jeexdimo
Marimmada godan ee u dhexeeya xararta soo baxsan sida soofaha birta oo mirqinka iyo wasakhduba galaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel taagsin ah ama dhir badan, jiidhsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefniin
-ka: (magac, lab, keli) leefidda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefsiin
m.f.dh eeg leefsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax uu leefo siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qeexniin
-ka: (magac, lab, keli) fasirid iyo kala dhigid meselo lagu sameeyo. Nin godobadda si wanaagsan u garanaya qeexniinka u dhiiba. Dh: qeexid, qeexis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexleexin
-ta: (magac, dhedig, keli) kolba dhan u duwid. Dh: leexleexis, weecweecin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eexi
f.g2 (-iyay, -isay) Samafal gaar ah (qof u) falid; u turid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexi
(fal) cid u sedburi. Dh: eexay.
eexi -da: (magac, dhedig, keli) arrin eex iyo sadburini ku jirto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leed
(fal) cagta inteeda kore, cid kale ku dhufo. Dh: laad.
leed -ka: (magac, lab, keli) cagta inteeda kore, cid kale ku dhufasho. Dh: laad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leex
(Leex-a)
Cad caano adkaaday ah oo is-haysta oo inta mantagga soo raaca xagga afka ka yimaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leex
m.l Caano is haysta oo la matago.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leex
m. n., (mass n.): curdles in milk; coagulated vomited milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leex
-a: (magac, lab, keli) dhareer caano la moodo oo adkaaday isna haysta oo matagga soo raaca.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leex
de: curdles in milk; coagulated vomited milk
lx: leex
pd: (-a)
ps: n-m-mass
key: leex
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedid
(Eedid-da)
Wax la falay ku bi'id; ku hoogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedid
m.f.dh eeg eed². la-mid: eedis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eedid
vl. n. hardship, oppression
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedid
-da: (magac, dhedig, keli) fal qaldan oo la sameeyay wixii dhib ka dhashay dusha ku qaadasho oo ka qoomamayn; qalad aad geysatay daraaddii, guuldarraysad ama jabitaan. Eedidda looxtuuridda yaraanta waa la hubaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eedid
de: hardship, oppression
lx: eedid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: eedid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedis
m.dh la-mid: eedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedis
-ta: (magac, dhedig, keli) fal qaldan oo la sameeyay wixii dhib ah ee ka dhashay dusha ku qaadasho oo ka qoomamayn. Dh: eedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eexis
m.l la-mid: eexin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eexis
vl. n. benevolence, favor, inclination
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexis
-ka: (magac, lab, keli) eeg eexin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eexis
de: benevolence, favor, inclination
lx: eexis
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: eexis
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eydin
vl. pron., pl. you [plural.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eydin
a: aad
cf: idinka
de: you [plural]
lx: eydin
pd: (aydin)
ps: vpro-2pl
key: eydin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax foolkoodu jiho gaar ah ku aaddanaa meel kale u duwid. 2. Cid hawl ay fulin lahayd ka hoosaasin. 3. Hadal, khudbad, iyo wixi lamida meel fagaare ah ka sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeedi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax foolkoodu jiho gaar ah ku aaddanaa meel kale u duwid. 2. Cid hawl ay fulin lahayd ka hoosaasin. 3. Hadal, khudbad, iyo wixi lamida meel fagaare ah ka sheegid. m.f.dh, jeedin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeedi
v. direct, submit, suggest; distract; begin a speech
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeedi
-yey / say: (v) 1. [with preposition u] deliver an address or a lecture; make a speech. Ex: khudbad buu ardaydii ujeediyey; he addressed the students. 2. face (feeys). Ex: daaqadda koonfur u jeeda; the window that faces the south. 3. turn (teen). Ex: dhanka kale u jeedi; turn to the other side. See also [eeg] sii jeedi; soo jeedi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedi
(fal) qof ama wax kale, dhankii uu u jeeday ma ahee, dhanka kale u weeci.
jeedi: (fal) (soo ~) hadal ama fikir soo bandhig. Dh: gudbi.
jeedi: (fal) (ka ~) qof hawl ka mashquuli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeedi
de: direct, submit, suggest; distract; begin a speech
lx: jeedi
pd: (jeediyey)
ps: v2a=
key: jeedi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kedin
(Kedin-ta)
Si kedo ah u dhicid, u imaansho, u tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kedin
m.dh la-mid: kadin².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kedin
Sorpresa
Surprise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kedin
-ta: (magac, dhedig, keli) si degdeg ah u dhicid ama u imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ledid
(Ledid-da)
u jeelid; macaan ka helid; (ama ladid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ledid
m.dh la-mid: ladid.