leelleeltirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leelleeltirid
(Leelleeltirid-da)
Leelleel ka eegid, ka dhawrid; ciidan hawl gabay, abaalgud ku filan oo uu ku noolaado siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leelleeltirid
m.f.dh eeg leelleeltir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leelleeltirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof midiidin ah ama hawlgabay, wax ku filan siin; leelleeltiris.
leelleeltirid -da: (magac, dhedig, keli) wax uu leelleelka iyo dhibaatada kaga baxo siin. Li: leelleelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leelleeltir
(Leelleeltir-ka)
Wax xoolo ama wax kale ah, oo midiidinka iyo dadka adeega iyo ciidanka waayeelooba, abbaalgud ama kaalmo loo siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leelleeltir
leelleeltir¹: m.l Xoolo ama wax kale oo qof hawlgab ah ama ciidan waxyeelloobay abaal gud ahaan loo siiyo.
leelleeltir²: f.g1 (-ray, -rtay) Cid masiibo ku dhacday wax siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leelleeltir
m. n., [compound] livestock ~ goods given to support someone in distress (e.g., pension, unemployment compensation)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leelleeltir
-ka: (magac, lab, keli) wax la siiyo cid rafaad iyo saxariiri soo martay. Dh: magdhaw.
leelleeltir: (fal) qof midiidin ah ama hawlgabay. wax ku filan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leelleeltir
de: livestock ~ goods given to support s.o. in distress (e.g., pension, unemployment compensation)
lx: leelleeltir
nt: leelleeltir [v1=]
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: leelleeltir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leelleeltiran
La leelleel tiray; leelleeltir la siiyey; kolkii uu hawl gabay, wax ku filan oo abaalgud ah la siiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leelleeltiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la leelleeltiray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leelleeltiran
der. [adjective] supported in hard times by a gift of livestock ~ pension
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leelleeltiran
(tilmaame) aan dhib iyo rafaad midna qabin. Li: leelleelsan.
leelleeltiran: (tilmaame) mid leelleeltir la siiyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leelleeltiran
de: supported in hard times by a gift of livestock ~ pension
lx: leelleeltiran
ps: adj-der
key: leelleeltiran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leelleelid
m.f.dh eeg leelleel².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leelleelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo darxumo la kulmid. Dh: eedaadid, carcaraafid, rafaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leelleeltirnaan
m.f.dh eeg leelleeltiran. la-mid: leelleeltirnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leelleeltirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la leelleel tiray ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
welweltirid
-da: (magac, dhedig, keli) welwel iyo walbahaar ka bi'in; cid walaacsan u bishaarayn. Waraaqda waxan aabbahay ugu soo diray welweltirid. Dh: welweltiris. Li: welwel-abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leelleelsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg leelleelsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degeltirid
m.f.dh eeg degeltir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degeltirid
-da: (magac, dhedig, keli) baabi'inta jabadkii iyo gujufkii reerkii hore ee degganaa meesha kaga guuray. Dh: degeltiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefleefid
-da: (magac, dhedig, keli) leefid oo haddana leefid. Dh: leefleefis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leelleel_1
de: hardship, difficulty, trouble, tribulation
hm: 1
lx: leelleel
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: leelleel_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leelleel_2
de: endure hardship, have trouble; not be settled, be tormented
hm: 2
lx: leelleel
pd: (leelleelay)
ps: v1=intr
key: leelleel_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Teelteelid
(Teelteelid-da)
Teelteel ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teelteelid
m.f.dh eeg teelteel². la-mid: talanteelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teelteelid
-da: (magac, dhedig, keli) kala fogfogayn: teelteel ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeelyeelid
m.f.dh eeg yeelyeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeelyeelid
-da: (magac, dhedig, keli) kabo kakabid oo yeel ku xidhxidhid. Yeelyeeliddii kabta waan dhammeeyey.
yeelyeelid-da: (magac, dhedig, keli) wax aan dhab ahaan la ahyn iska dhigid oo isku ekeysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalleetiyid
(Kalleetiyid-da)
Kaadi ama wax la mid ah, oo kalleeti ah, sii deyn, dhiijin, ganid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalleetiyid
m.f.dh eeg kalleeti².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalleetiyid
-da: (magac, dhedig, keli) talleejin oo sarajoogga ku kaadiyid. Dh: taleejin, kalleedhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leelleelsan
Leelleel qaba; dhibaataysan; rafaadsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leelleelsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax masiibo la kulmay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leelleelsan
der. [adjective] suffering trouble ~ hardship, enduring distress
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leelleelsan
(tilmaame) rafaadsan oo dhibaataysan. Dh: carcaraafsan, rafaadsan, eedaadsan, jirraban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leelleelsan
de: suffering trouble ~ hardship, enduring distress
lx: leelleelsan
ps: adj-der
key: leelleelsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheellitirid
m.f.dh eeg dheellitir². la-mid: dheellitir¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabeeltirid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ku daridda dheri biyabeelsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leelleelsanaan
(Leelleelsanaan-ta)
Wax leelleelsan ahaan; rafaadsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leelleelsanaan
m.f.dh eeg leelleelsan. la-mid: leelleelsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leelleelsanaan
f. n., [abstract] state of suffering hardship; torment, distress
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leelleelsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) rafaadsanaan oo dhibaataysnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leelleelsanaan
de: state of suffering hardship; torment, distress
lx: leelleelsanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: leelleelsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceelyeelad
m.l 1. C. ah: xoolo ceel aada iyadoon cidi wadin. 2. la-mid: ceelyeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feerfeerid
(Feerfeerid-da)
Wax feerfeeran ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feerfeerid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala durdurugsan ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leegleegad
-ka: (magac, lab, keli) lululashada uu sameeyo wax taagan oon dhulka saani ugu qotomin. Dh: nugnugasho.
leegleegad -ka: (magac, lab, keli) faramadhnaan, keli socod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leegleegsi
(Leegleegsi-ga)
Leegleegsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leegleegsi
m.l la-mid: leegleegsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leegleegsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg leegleegad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leexleexad
(Leexleexad-ka)
Leexleexasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexleexad
-ka: (magac, lab, keli) kolba dhinac u baydhid. Dh: weecweecad. Li: toosnaan.
leexleexad-ka: (magac, lab, keli) meelaha ay waddadu ka weecweecato. Dh: weecweecad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexleexin
-ta: (magac, dhedig, keli) kolba dhan u duwid. Dh: leexleexis, weecweecin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexleexis
-ka: (magac, lab, keli) eeg leexleexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meermeerid
(Meermeerid-da)
1. Warwareegid.
2. (ka meermeerid) Wax aan fulintood ama waxkaqabadkood la dooneyn, ka leexleexasho, ka warwareegid, ka madax meerin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meermeerid
m.f.dh eeg meermeer². la-mid: meermeer¹ (2), meermeeris².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meermeerid
-da: (magac, dhedig, keli) socod aan ujeeddo lahayn socsocosho oo baashaalid. Meer meeridda macna la'aanta ahi waa wakhtumin Dh: duurduurid, meermeeris, warwareegid.
meermeerid -da: (magac, dhedig, keli) wax in la sameeyo la diiddan yahay ka dabashabeelin oo ka madax gadid. Ka meermeeridda hawl kuu taalla waa qalad. Dh: warwareegid, meeraalaysad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pelleterie
pelleterie, n.f. - beec geeynta ama samaynta hargaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeelyeelad
m.l la-mid: yeelyeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeelyeelad
-ka: (magac, lab, keli) saansaanyaha roobaad ee daruurahaha iyo hawada laga arko kolka uu darroorkiisu dhaw yahay. Yeelyceladka roobka waad arkaysaaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladtirid
-da: (magac, dhedig, keli) cudur hoose oo uu qabay iyo cadilnaan, ka bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeermitirid
m.f.dh jeermitir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeermitirid
-da: (magac, dhedig, keli) dabargoynta ilima'aragtayda xanuunnada ku dhalisa jidhka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leegleegsad
(Leegleegsad-ka)
Leegleegsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leegleegsad
m.l la-mid: leegleegsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leegleegsad
-ka: (magac, lab, keli) leegleegsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexleexsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, kolba dhinac u leexleexsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wehelyeelid
(Wehelyeelid-da)
(u wehelyeelid) Wehel u ahaansho, u noqosho; wehel ahaan u raacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wehelyeelid
m.f.dh eeg wehelyeel². la-mid: wehelyeel¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wehelyeelid
-da: (magac, dhedig, keli) u cid wehel u baahan la joogid oo wehel u noqosho. Cid kaa itaal roon ayaa wehelyeelid loo kaxaystaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabeeltiris
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo ku darista dheri biyabeelay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leelleesanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) rafaadsanaan; silicsanaan; jirrabnaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Weheliye tireed
Numerical coefficent