leefin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leefin
(Leefin-ka)
Wax la leefo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefin
m.f.dh eeg leefi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leefin
vl. n. something that is licked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefin
-ka: (magac, lab, keli) wax yar oo la leefo.
leefin-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale wax leefsiin. Leefinta xabasuudda ha ka daynin carruurta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leefin
de: something that is licked
lx: leefin
pd: (-ka)
ps: vn1-m
key: leefin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: leefsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leefi
v. cause to lick
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leefi
a: leefsii (leefsiiyey) [v2a=caus]
de: cause to lick
lx: leefi
pd: (leefiyey)
ps: v2a=tr
key: leefi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leefid
(Leefid-da)
Carrabka wax ku tirid, ama ku tirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefid
m.f.dh eeg leef.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Leefid
Corrosion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefid
-da: (magac, dhedig, keli) carrabka wax ku tirid; wax ama meel, carrabka dul marin. Dh: leefis. Wa: leefleefid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefis
-ta: (magac, dhedig, keli) carrab ku tiris ama dul marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leexin
(Leexin-ta)
Doc u weecin, u duwid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexin
m.f.dh eeg leexi. la-mid: leexis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinac u duwid. Leexinta dawgu farsamo ayay u baahan tahay. Dh: weecin, duwis, baydhin, leexis. Li: toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neefin
(Neefin-ta)
Neef meel ku jirta, kurteed ama qaarkeed sii deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefin
m.f.dh eeg neefi. la-mid: neefis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) nagas in yar ka sii deyn. Dhiishu neefin ayay u baahan tahay kolka la lulayo.
neefin-ta: (magac, dhedig, keli) naqas ku afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Murud
(Murud-ka)
Wax fartu soo qaaddo ama la mariyo oo la leefo; leefin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefniin
-ka: (magac, lab, keli) leefidda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefsiin
m.f.dh eeg leefsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax uu leefo siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleemin
m.f.dh eeg aleemi. la-mid: aleemis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheefin
(Dheefin-ta)
Wax waxtar iyo dheef leh siin; cunno siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheefin
m.f.dh eeg dheefi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid in ay carrabka wax mariso gayeysiin. la-mid: leefi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefsii
(fal) wax la leefo sii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexdin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel waddada toobiyaha ah ka baydhsan ama ka weecsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leef
f.g1 (-fay, -ftay) Si tartiib ah carrabka wax u marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
leef
f.g1 (-fay, -ftay) Si tartiib ah carrabka wax u marin. m.f.dh, leefid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leef
v. lick
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
leef
-ay / tay: (v) lick (lik). Ex: eey baa leefay; a dog has licked it
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leef
(fal) wax, carrabka ku tir; carrabka ku tiro. Malabka calaacasha ku tiixi oo leef.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leef
de: lick
lx: leef
pd: (leefay)
ps: v1=tr
key: leef
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
leef
لعق، لحس
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
defin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka wax kulul la qaboojinayo. Dh: qaboojin. Li: kulaylin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eefid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qaybsanayo saami ka helid. Dh: eefis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eefis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg eefid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eexin
(Eexin-ta)
Samafal gaar ah (qof u) falid; u turid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eexin
m.f.dh eeg eexi. la-mid: eexis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexin
-ta: (magac, dhedig, keli) tudhaal gaar ah qof ama cid u samayn. Dh: tudhid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
enfin
enfin, adv. - ugu dambays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leebi
-ga: (magac, lab, keli) qof aad u dhoogsan oo wuxuu shiishaba la hela. Askari leebi ah ayaa loo dhiibaa waxa la tooganayo. Dh: shiishaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leedi
(fal) cid kale tus sida loo leedo. Dh: leedsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax jihadii ay u jeedeen ka duwid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
leexi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax jihadii ay u jeedeen ka duwid. m.f.dh, leexin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leexi
v. divert, turn aside ~ to one side; deflect; make deviate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
leexi
-yey / say: (v) make a turn; divert (di-veert)-, change the direction ~ weeci. Ex: gaariga bidix u leexi; turn the car to the left
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexi
(fal) dhinac u weeci. Booraanta ka leexi baabuurka. Dh: du', weeci.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leexi
de: divert, turn aside ~ to one side; deflect; make deviate
lx: leexi
nt: leexin (ta) [vn-f], leexis (ka) [vn-m]
pd: (leexiyey ~ leexshey)
ps: v2a=tr
key: leexi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax neefta ku jirta ka saarid. 2. (f.mg) Ka n.: cid hawl ku daashay ka nasin. 3. (f.mg) Ka n.: cid hadal u ciil qabta dhageysad. 4. (f.mg) Ku n.: neefta lo'da cid ku daaweyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
neefi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax neefta ku jirta ka saarid. 2. (f.mg) Ka n.: cid hawl ku daashay ka nasin. 3. (f.mg) Ka n.: cid hadal u ciil qabta dhageysad. 4. (f.mg) Ku n.: neefta lo'da cid ku daaweyn. m.f.dh, neefin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neefi
v. let air out of, deflate; relieve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
neefi
-yey -say: (v) deflate (di-faleeyt)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neefi
de: let air out of, deflate; [fig.] relieve
lx: neefi
pd: (neefiyey)
ps: v2a=
key: neefi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nefin
m.f.dh eeg nefi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seefi
-ga: (magac, lab, keli) qof hunguri ku dagaallama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beecin
m.dh la-mid: biicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beecin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax iibin; wax gadid. Anu beecin kama shaqeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beejin
(Beejin-ta)
Dhis ama wax kale oo quruxdooda la muujiyo, oo la soo bandhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beejin
m.f.dh eeg beeji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beejin
vl. n. craft fair, display, exhibition, exhibit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beejin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo dad leeyihiin xoog ku qaadasho. Dh: boojin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beejin
de: craft fair, display, exhibition, exhibit
lx: beejin
pd: (-ta)
ps: vn1-f
syn: carwo, macrad
key: beejin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beenin
(Beenin-ta)
Been ka dhigid; rumayn la'aan; asaraarid; beenayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenin
m.f.dh eeg beeni. la-mid: beenayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beenin
-ta: (n) rebuttal (ribatel); the act of refuting; disaffirmation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenin
-ta: (magac, dhedig, keli) war lagaa hor sheegay xogtisa shaacid oo wax aan jirin ka soo qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerin
m.f.dh eeg beeri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceejin
(Ceejin-ta)
Ceego ku qabasho; cunaqabatayn; miijin; siririn; (ama ciijin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceejin
m.f.dh eeg ceeji. la-mid: ciijin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceejin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xoog ah u buuxin. Dh: miijin, buuxis, ceejis. Li: faaruqin.
ceejin -ta: (magac, dhedig, keli) ceejo ku qabasho. Dh: siririn, cunaqabatayn.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ceejin
خنق
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceerin
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax ceeriin ah ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ceerin
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax ceeriin ah ahaansho. m.f.dh, ceernaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceerin
der. [adjective] unripe; raw; crude
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceerin
-ka: (magac, lab, keli) eeg caydhiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceerin
de: unripe; raw; crude
lx: ceerin
pd: (ceerinaa)
ps: adj-der
see: ceeriin {C & S}
key: ceerin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deebin
(Deebin-ta)
Deeb ku culid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deebin
m.f.dh eeg deebi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deebin
-ta: (magac, dhedig, keli) harag dhogorta ka saarid adiga oo adeegsanaya geed kulayl iyo danbas la isku daray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deemin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka shay la kululaynayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feenin
(Feenin-ta)
Hilibka feenka ah oo lafaha raaca gooni u uruurin; lafaha feenka ka reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feenin
m.f.dh eeg feeni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feenin
vl. n. meat that is gnawed off the bone with one's teeth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feenin
-ta: (magac, dhedig, keli) hilibka feenka ah oo lafaha raaca goonni u ururin; lafaha iyo feenka kala reebid.
feenin-ta: (magac, dhedig, keli) ka baaraandegga arrin dhinac walba laga eego intaan geedka garta la iman.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feenin
de: meat that is gnawed off the bone with one's teeth
lx: feenin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: feenin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feetin
(Feetin-ka)
1. Qori qallalan oo af dhuuban oo ama kurtun dhulka ku aasan oo ka soo taagan noqday ama laan geed ku taal ka leexda; fiiqtin.
2. Qori af fiiqan loo yeelay oo wax lagu qodo ama lagu dagaallamo; filgin (ama feytin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feetin
m.l (-nno, m.dh) Qori qallalan oo caarad dhuuban leh oo wax muda. la-mid: feertin, feytin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feetin
m. n. sharp pointed dry stick; stake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feetin
-ka: (magac, lab, keli) qori af fiiqan loo yeelay oo wax lagu qodo ama lagu dagaalamo. Dh: filgin.
feetin -ka: (magac, lab, keli) qori qallalay oo af dhuuban oo ama kurtun dhulka ku aasan oo ka soo taagan noqday ama laan geed ku taal ka leexday Dh: fiiqtin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feetin
de: sharp pointed dry stick; stake
lx: feetin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: feetin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heemin
(Heemin-ta)
Heenka ka dhurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemin
m.f.dh eeg heemi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemin
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere la cabbayo dhammayn, fuuqsasho.
heemin -ta: (magac, dhedig, keli) hilib ama lafo karsamaya, duffanka dusha soo mara, ka dhurid.
heemin-ta: (magac, dhedig, keli) heenka ka dhurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heerin
(Heerin-ka)
Gabdho in la guursado darteed isu raaca oo dalka u mara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heerin
m.l.kh H. ah: gabdho in la guursado darteed isu raaca oo dalka u mara. la-mid: heeran¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heerin
m. n. alliance through marriage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerin
-ta: (magac, dhedig, keli) gabdho guurdoon ah oo dhulkoodii dhul an ahayn u baxa; gabdho in la guursado isu raaca oo dhulka geyaankoodu joogo marba meel ka taga, ilaa iyo inta laga guursanayo.