leeb
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leeb
(Leeb-ka)
Ul yar oo dhuuban oo afka bir fiiqani kaga jirto oo qaansada laga gano; gamuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leeb
leeb¹: m.l (-bab, m.l) Ul yar oo dhuuban oo afka bir fiiqani kaga jirto oo qaansada laga gano; gamuun.
leeb²: m.l (-bab, m.l) (xisaab) Teed kasta oo tiro ah lehna hal dhinac u tax ama hal joog u tax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Leeb
Vector
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Leeb
Vector
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leeb
m. n. arrow; vector {physics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
leeb
-ka: (n) arrow (aarowf dart (daart) ~ gamuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leeb
-ka: (magac, lab, keli) qori yar oo af dhuuban oo xagga dambe baarrumo lagaga xidho oo qaansada laga rido laguna dagaallamo. Dadkii hore waxay ku ugaadhsan jireen ama ku dagaallami jireen leeb. Dh: gamuun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leeb
cf: gamuun
de: arrow; [ext.] vector {physics}
lx: leeb
pd: (-ka Pl: leebab (ka))
ps: n4-m
key: leeb
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
leeb
سَهُم
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leebi
-ga: (magac, lab, keli) qof aad u dhoogsan oo wuxuu shiishaba la hela. Askari leebi ah ayaa loo dhiibaa waxa la tooganayo. Dh: shiishaar.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Leebo
Birlab buuxda oo inta badan xaglo kala jeeda leh ee loogu isticmaalo furidda sanaadiiqda iyo wixii la xiriira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaruud
(Baaruud-da)
Habaas qarxada oo xabbadda gudaheeda ku jira oo kolkii leebka (qarxiyaha) buntukhu ku dhaco, qaraxda oo gumuca rida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fallaar
(Fallaar-ta)
1. Ul dhuuban oo doc bir dhego lihi kaga jirto docna baalal iyo fantax ku leh oo qaansada laga rido.
2. Gamuun; leeb.
3. (cudur) jeeniwareen; oofwareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaad
(Gaad-da)
1. Geed geedaha isku rara oo bixiya miro la cuno; caan wuxuu ku yahay goroyadaa mirihiisa jecel.
2. Cayaar lagu cayaaro laamaha gaadda iyo leebab (fiddi); leeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gamuun
(Gamuun-ka)
Ul dhuuban oo toosan oo af gamuuxar leh ama afka biri kaga jirto oo qaansada laga rido; leeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaanso
(Qaansa-da)
1. Qalab ka samaysan ul ama wax kale oo la mid ah, oo lagu nadoocshey boqon ama xarig labada af kaga xiran, oo leebka iyo gamuunka laga gano.
2. Dhis qoolaaban oo qaansada qaabkeeda leh oo guryaha iyo dhisaska kale qaarkood.
3. Goobaabin la kala baray, barkeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daafad
m.dh (fiisikis) Daafad xariiqeed (p) ee walax waa taranta cufkeeda (m) iyo keynaanka (v) ee walaxda. Daafaddu waa xaddi leeb oo u jeeda dhanka jihada keynaanka.

dhaydhay
m.l Geed gaab aan qodax lahayn oo leh laamo toostoosan oo dhuudhuuban oo leebabka laga dhigto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fantax
m.dh (-xyo, m.l) 1. Meel yar oo ka banaan wax qarkiis. 2. Leebka meesha boqonka laga saaro ee qabsata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolwaa
m.l (xisaab) Xaddi leh laxaad, hase yeeshee aan lahayn jiho. Barbar dhig leeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskudhufasho-foolwaa
m.dh (xisaab) Iskudhufashada leeb iyo xaddi foolwaa ah, taas oo yaraysa ama fidisa dhererka leeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskudhufasho-leeb
m.dh (xisaab) Iskudhufashada laba ama dhowr leeb. Taas oo loo qeexi karo laba siyaabood iyada oo loo eegayo in jawaabtu tahay leeb ama foolwaa midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isle'eg-kiimikeed
m.l (-gyo ..., m.dh) (xisaab) Hab loo muujiyo falgalka kiimikaad iyada oo lagu astaynayo summado saxarrada falgalaya (atammo, molikuyuullo, ayoonno iyo wixi lamida). Tusaale ahaan: x A + y B z C + w D . “Calaamadda waxa loo akhriyaa leebab”. Halka leeb waxa lagu isticmaalaa falgalka magedismaha ah, leebabka lammaanna falgalka gedismaha ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itaal birlabeed
m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Summad H. Xaddi leeb laguna qeexo bar gaar ah ku taal badad birlabeed keenaysana cabbirka qaybta cufnaan burqaad birlabeedka (B), xorna ka ah dhextaalka ay ku falmayaan xoogagga badada birlabeed. Waxa lagu cabbiraa halbeegga (A/m).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keynaan
m.l Summad : V. Dhakhsaha barabaxa walax. Keynaan waa xawaare ji-heysan. Keynaan waa xaddi leeb, xawaa-ruhuna waa xaddi foolwaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaanso
qaanso¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Qalab ka samaysan ul iyo wax la mid ah, oo lagu nadoocshay xarig labada af lagaga xiray, oo leebka iyo gammuunka laga gano. 2. Summad loo adeegsado ah hadalka ama codadka intooda kale, sababa kala duwan awgooda: qaansooyin deriley: {}; qaansooyin geesaley: []; qaansooyin bileed: ().
qaanso²: m.dh (-ooyin, m.l) (xisaab) Qayb ka mid ah xood is-haysta. Haddii meeriska goobo ama xoodad kale oo oodan loo qaybiyo labaqaybood oo aan isle'ekeyn, labada qaanso midda dheer waa qaanso weyn, midda gaabanna waa qaanso yar. Labadooda waxa ay sammeeyaan lammaane qaansooyin oo xisti ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiimaha sugan ee leeb
m.l (xisaab) Dhererka leebka iyadoo aan la tixgelin jihada leebka. Qiimaha sugan ee leebka xi+yj+zk waa xidid labajibbaarka wadarta labajibbaarka xubnihiisa, taas oo ah, jihada leebka. Qiimaha sugan ee leebka xi+yj+zk waa xidid labajibbaarka wadarta labajibaarka xubnihiisa, taas oo ah, /xi+yj+zk/ = √(x²+y²+z²).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taran-foolwaa
m.l (xisaab) Taranka laba leeb oo marka la isku dhufto ku siiya foolwaa. Taranka foolwaa ee leebabka A iyo B waxa lagu qeexaa A.B=AB cos theta. Taas oo A iyo B ay yihiin laxaadyada A iyo B, theta-na ay tahay xagasha u dhexeysa labada leeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taran-leeb
m.l (xisaab) Taranka laba leeb oo ku siiya leeb saddexaad. Taranka labada leeb A iyo B waxa loo qoraa AxB, waa leeb laxaaddiisu yahay A B sin theta, taas oo A iyo B ay yihiin laxaadyada A iyo B, theta-na tahay xagasha u dhexeysa A iyo B. Jihada taranka leebka waxa uu ku yahay xaglo qumman leebabka A iyo B.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaddi leeb
m.l (-iyo ..., m.l) Xaddi leh jiho iyo laxaad, waxaana ka mid ah barabaxa, kaynaanka keynaan xagleedka, xoogga iyo wixi lamida xaddi leebka waxa sawir ahaa u taagnaan kara xariiq (leeb) dhererkeedu uu saamiggal ku yahay laxaadka xaddiga, jihadeeduna uu yahay ka leebkaas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daafad
m.dh (fiisikis) Daafad xariiqeed (p) ee walax waa taranta cufkeeda (m) iyo keynaanka (v) ee walaxda. Daafaddu waa xaddi leeb oo u jeeda dhanka jihada keynaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lee
(lee-)
(waa aan leeyahay, (lee(y)ahay), waa uu lee yahay, waa ay lee yihiin, waa aad leedahay, waa ay leedahay, waa aad leedihiin; waa aannu/aynnu lee nahay) wax lihi u yihiin; haysta; qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lee
de: have ~ possess Root form of lahow ~ leh
lx: lee
pd: \pd-
ps: v5b-root
see: leedahay, leedihiin, leenahay, leeyahay
key: lee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeb
m.l la-mid: bayb.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeb
m. n. pipe, tube
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beeb
-ka: (n) 1. a device for smoking; pipe (paayp) ~ bayb. 2. pipe (paayp); tube (tuub) ~ tuubo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeb
-ka: (magac, lab, keli) walax u samaysan sida cudhka kildhiga oo labo af leh, mid sigaarka gaandhada loo geliyo oo ka buuran afka kale, midna laga nuugo oo lagu cabbo sagaarka. Dh: biib.
beeb -ka: (magac, lab, keli) dhuun ama qasabad qaadda biyo, shidaal iyo wixii la mid ah. Dh: tuubo, tuumbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeb
a: bayb {Eng}
de: pipe, tube
lx: beeb
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: beeb
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceeb
(Ceeb-ta)
Wax laga xishoodo; iin foolxun; ceebaal; xil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceeb
m.dh Sharaf darro ka timaada fal ama hadal anshaxdarro ah oo qof ku kaco. la-mid: ceebaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ceeb
m.dh Sharaf darro ka timaada fal ama hadal anshaxdarro ah oo qof ku kaco. la-mid: ceebaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceeb
f. n., [abstract] shame, disgrace
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ceeb
-ta: (n) shame (sheeym); embarrassment (em-baares-ment); disgrace (dis-gareeys) ~ fuxshi
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ceeb
Vergogna
Shame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceeb
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kaste oo bulshada dhexdeeda, dhaqan ahaan reebban oo la naco. Dh: ceebaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceeb
de: shame, disgrace
lx: ceeb
pd: (-ta Pl: ceebab (ka))
ps: n1-f, n4-f-abs
xe: Telling a lie is a shame.
xv: Arabic
key: ceeb
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deeb
(Deeb-ta)
1. Dhir la gubey danbaskeed cad oo raggu timaha marsado oo ku caddaysto.
2. Geedo yaryar, (caws, nagaar kale) oo hadba inta dabka la saaro weelka caanaha gudihiisa lagu oomaarsho, si jeermigu u le'do.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeb
deeb¹: m.dh 1. Caws weelasha lagu deebiyo, leh caleemo dhuudhuuban, ubax qodxo leh oo ka baxa bannaanada. 2. Dambas dhirta qaarkeed laga shido oo loo isticmaalo waxyaabo kala duwan sida dhayidda xoolaha, magdaynta hargaha iyo wixi lamida. 3. Dambas.
deeb²: fk. D.na: dabadeed, kaddib.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deeb
m.dh 1. Caws weelasha lagu deebiyo, leh caleemo dhuudhuuban, ubax qodxo leh oo ka baxa bannaanada. 2. Dambas dhirta qaarkeed laga shido oo loo isticmaalo waxyaabo kala duwan sida dhayidda xoolaha, magdaynta hargaha iyo wixi lamida. 3. Dambas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deeb
f. n., [collective] wood-ash used as tanning agent ~ hair dressing
deeb [feminine] n. small plant species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeb
(falkaabe) (~ na) dabadeed, kaddib.
deeb-ta: (magac, dhedig, keli) carro cad oo raggu timaha u marsadaan qurux iyo nadaafadba. Dugsiiye deeb ayuu timaha marsaday.
deeb -ta: (magac, dhedig, keli) dhogor ka bixinta lagu sameeyo harag iyada oo la adeegsanayo dhir kulul iyo danbas la isku daray si loo dhigo idiin. Haraggii ridu weli deeb buu ku jiraa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeb
-ka: (magac, lab, keli) weel shaaha lagu cabbo. Geeb shaah ah ii keen. Dh: koob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeeb
(Jeeb-ka)
Kolay ama gal yar oo dharka loo yeelo oo lacagta iyo alaabada yaryar lagu rito.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeeb
jeeb¹: m.l Meel wax lagu rito oo dharka la gashado ku tolan.
jeeb²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Wax si tartiib ah u goyn. 2. Ka j.: wax, wax kale iyadoo inta dheeriga ah laga jarayo la ekeysiin. 3. Ka j.: cid dembi ay gashay ka gudid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeeb
jeeb¹: m.l Meel wax lagu rito oo dharka la gashado ku tolan.
jeeb²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Wax si tartiib ah u goyn. 2. Ka j.: wax, wax kale iyadoo inta dheeriga ah laga jarayo la ekeysiin. 3. Ka j.: cid dembi ay gashay ka gudid. m.f.dh, jeebid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeeb
v. cut in a certain way, make a precise incision
jeeb: m. n. pocket
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeeb
-ka: (n) pocket (po-kit)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeeb
(fal) cid kale, ciqaab gaadhsii. Dh: ganaax. Li: saamax.
jeeb: (fal) si fudud oo xaadis ah wax u qor. Dh: xaadi.
jeeb -ka: (magac, lab, kali) dharka hud yar oo ka mid ah gaarna u tolan oo wax lagu rito. Dh: qalqale. Wa: jeebab.
jeeb -ta: (magac, dhedig, kali) xero muggeed oo adhi ah. Jeeb adhi ah baan dhaqdaa.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
jeeb
جيب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Keeb
(Keeb-ka)
(Buntukh, kd.) bir yar oo qaroofan oo kolka farta dib loogu soo jiido, qarxiyaha ka wareegta, oo xabbaddu dhacdo; farged; riishad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keeb
m.l (-bab, m.l) Bir yar oo qaroofsan oo kolka farta dib loogu soo jiido, qarxiyaha ka wareegta, oo xabbaddu dhacdo; riishad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
keeb
m.l (-bab, m.l) Bir yar oo qaroofsan oo kolka farta dib loogu soo jiido, qarxiyaha ka wareegta, oo xabbaddu dhacdo; riishad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
keeb
m. n. trigger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
keeb
-ka: (n) trigger (trig ger); trigger of firearm ~ riishad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
keeb
-ka: (magac, lab, keli) halka marka qoriga la ridayo farta lagu qabto ee ridda rasaasta. Kaskiisaba ma gelin willyar baa keebka kuu qabane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
keeb
de: trigger
lx: keeb
pd: (-ka Pl: keebab (ka))
ps: n4-m
syn: fargad, riishad
key: keeb
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lee-
v.-root: have ~ possess
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leed
(fal) cagta inteeda kore, cid kale ku dhufo. Dh: laad.
leed -ka: (magac, lab, keli) cagta inteeda kore, cid kale ku dhufasho. Dh: laad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leef
f.g1 (-fay, -ftay) Si tartiib ah carrabka wax u marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
leef
f.g1 (-fay, -ftay) Si tartiib ah carrabka wax u marin. m.f.dh, leefid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leef
v. lick
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
leef
-ay / tay: (v) lick (lik). Ex: eey baa leefay; a dog has licked it
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leef
(fal) wax, carrabka ku tir; carrabka ku tiro. Malabka calaacasha ku tiixi oo leef.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leef
de: lick
lx: leef
pd: (leefay)
ps: v1=tr
key: leef
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
leef
لعق، لحس
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leeg
[adjective] equal (in size)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leeg
de: equal (in size)
lx: leeg
ps: adj
see: le'eg
key: leeg
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leel
m. n. night
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leel
bw: Arabic
de: night
lx: leel
pd: (-ka Pl: leelal (ka))
ps: n4-m
key: leel
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
leer
/liir/ (v) fiirin ama qishid jirka dumarka (ka il-macaysasho dhoolla caddayn rabid ah lugu daro). e.g. He leered at the young lady.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
leer
n., (an oblique look) gatin, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leex
(Leex-a)
Cad caano adkaaday ah oo is-haysta oo inta mantagga soo raaca xagga afka ka yimaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leex
m.l Caano is haysta oo la matago.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leex
m. n., (mass n.): curdles in milk; coagulated vomited milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leex
-a: (magac, lab, keli) dhareer caano la moodo oo adkaaday isna haysta oo matagga soo raaca.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leex
de: curdles in milk; coagulated vomited milk
lx: leex
pd: (-a)
ps: n-m-mass
key: leex
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reeb
reeb¹: m.l (-bab, m.l) 1. la-mid: reebe. Fargashi dhumuc yar oo kaatumada waaweyn lagu xannibo; marwad. 2. la-mid: reebe. Ilmo dhashay xilli ku aaddan xiddigga reebanti oo dadku sharaysto. 3. Hambo.
reeb²: f.g/mg1 (-bay, -btay) 1. (f.g) Nafley ama wax kale wax ay la socdeen raaciddooda u diidid. 2. (f.mg) U r.: farriin, lacag iyo wixi lamida cid meel u dhigid. 3. (f.mg) Ka r.: cid fal xun oo ay samaysay ka celin. 4. (f.mg) Laba xaraf shaqal iskula xirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
reeb
f.g/mg1 (-bay, -btay) 1. (f.g) Nafley ama wax kale wax ay la socdeen raaciddooda u diidid. 2. (f.mg) U r.: farriin, lacag iyo wixi lamida cid meel u dhigid. 3. (f.mg) Ka r.: cid fal xun oo ay samaysay ka celin. 4. (f.mg) Laba xaraf shaqal iskula xirid. m.f.dh, reebid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
reeb
inch. v. exclude, leave (behind ~ out); reserve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
reeb
-ay / tay: (v) keep out; put aside
ka reeb -ay / tay: (v) separate (sapareeyt) from others; strike out, cross out; leave out; exclude (ekis-kuluudh) ~ ka saar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reeb
(fal) nafley ama wax kale wax ay la socdeen raaciddooda u diid.
reeb: (fal) cid wixii ay la socatay ka soo sooc oo gooni u soo saar, ka jooji inuu raaco cid, u diid inuu raaco. Dh: hadhsii. Li: raaci.
reeb: (fal) xaraf xarako la'aan ku akhri oo sukuunsii.
reeb: (fal) cid buullo ama dhagar kugu sheeganaysa wax ay ku hadho sii. Ninku buullada wuu dhammaystee iska reeb.
reeb: (fal) (ka ~) cid fal xun oo ay samaysay ka celi.
reeb: (fal) «u ~» farriin, lacag iyo wixii la mid ah, cid meel u dhig.
reeb-ka: (magac, lab, keli) neef ama lacag buullada lagu soo afjaro oo bixintiisa ay isku saamaxaan labada dhan ee nabarka is gaadhsiisay.
reeb -ka: (magac, lab, keli) xarakada aamusan ee xarfaha af-Carbeedka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
reeb
de: exclude, leave (behind ~ out); reserve
lx: reeb
nt: reebid (da) [vn-f], reebis (ta) [vn-f]
pd: (reebay)
ps: v1=inch
key: reeb
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seeb
(Seeb-ka)
Qori dheer oo af bagafsan oo gaadiid yaryar oo badda oo aan shiraac lahayn, lagu wado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeb
seeb¹: m.l (-bab, m.l) Qori dheer oo afka hore u ballaaran oo bedenada iyo huuriyada lagu wado.
seeb²: f.g1 (-bay, -btay) Beden, huuri iyo wixi lamida seeb ku wadid. la-mid: seebi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seeb
m. n. oar
seeb v. row (a boat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeb
-ka: (magac, lab, keli) qori dheer oo af bagafsan oo gaadiidka yaryar ee badda lagu wado; badda ayaa madaxa loo geliyaa oo si xoog leh loogu soo dhuftaa, taasoo dhinaca loo jeedo maahee dhinaca kale u harbiso huuriga la seebinayo. Dh: khalji.
seeb -ka: (magac, lab, keli) dhinaca iyo sinta. Illaa suuqiyo daartii, seebkaa laysu hayayoo, safkaa la isku cidhiidhyoo. Wa: seebab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teeb
-ka: (magac, lab, keli) makiinad ay xuruufta alifba'du ku dhantahay oo wax lagu qoro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeeb
(Xeeb-ta)
Daliig dhul ah oo cammuud iyo sabbaax leh oo bad dhinaca ku haysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeeb
xeeb¹: m.dh (-bo, m.l) Daliig dhul ah oo cammuud iyo sabbaax leh oo bad dhinaca ku haysa.
xeeb²: m.dh (-bo, m.l) (juqraafi) Dhulka deriska la ah badda ama biyo kale oo weyn kuwaas oo mawjadahoodu ay si toos ah u saameeyaan.