ledledid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ledledid
(Ledledid-da)
Leelleel mudasho; rafaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fededid
m.f.dh eeg feded.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jelledid
m.f.dh eeg jelled. la-mid: jilladid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leqleqid
-da: (magac, dhedig, keli) leqid oo mar kale leqid. Dh: liqligid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jelledmid
m.dh la-mid: jalladmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dedid
(Dedid-da)
Ded u yeelid, korka ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dedid
m.f.dh eeg ded². la-mid: dądid, ded¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dedid
-da: (magac, dhedig, keli) dhusha wax kaga tuulid. Ninka xummadu hayso dedidda ka daaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ededi
(fal) doondoonkiisa ha ka daaline dhiraandhirri. Dh: eegeeg, raadraadi, dhiraandhirri, dhirindhiri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedid
(Eedid-da)
Wax la falay ku bi'id; ku hoogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedid
m.f.dh eeg eed². la-mid: eedis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eedid
vl. n. hardship, oppression
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedid
-da: (magac, dhedig, keli) fal qaldan oo la sameeyay wixii dhib ka dhashay dusha ku qaadasho oo ka qoomamayn; qalad aad geysatay daraaddii, guuldarraysad ama jabitaan. Eedidda looxtuuridda yaraanta waa la hubaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eedid
de: hardship, oppression
lx: eedid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: eedid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ledid
(Ledid-da)
u jeelid; macaan ka helid; (ama ladid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ledid
m.dh la-mid: ladid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ledid
-da: (magac, dhedig, keli) seexasho; gam'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leedi
(fal) cid kale tus sida loo leedo. Dh: leedsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beledi
-ga: (magac, lab, keli) mid magaalayaqaan; mid reermagaal ah. Beledigu baadiye kuma noolaan karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ededin
-ta: (magac, dhedig, keli) eegeegidda iyo raadraadinta wax aad loo rabo. Dh: ededis.
ededin -ta: (magac, dhedig, keli) dhiraandhirrinta iyo ka daalis la'aanta. Dh: ededis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ededis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ededin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fededi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof in uu cabsi awgeed wax uga cararo gayeysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fededi
(fal) cid kale, sas iyo argagax lala cararo ku rid; ka nixi.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geledi
name-m insertion; inserter
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeedid
(Jeedid-da)
1. Meel u socosho; anbabbaxsanaan.
2. (u jeedid) wax indhaha ku hayn; arkid; fiirin.
3. (sii jeedid) dib u jeeda; qofka hadla haya dhabarka u duwa haya.
4. (soo jeedid) a) Xagga laga xigo ama laga hadla hayo u jeeda. b) seexasho la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedid
m.f.dh eeg jeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac u jalleecsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leefid
(Leefid-da)
Carrabka wax ku tirid, ama ku tirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefid
m.f.dh eeg leef.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Leefid
Corrosion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefid
-da: (magac, dhedig, keli) carrabka wax ku tirid; wax ama meel, carrabka dul marin. Dh: leefis. Wa: leefleefid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Legdid
(Legdid-da)
Qof lala lagdama hayo, dhulka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
legdid
m.f.dh eeg leged². la-mid: leged¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
legdid
-da: (magac, dhedig, keli) qof iyo wixii la mid ah, ridid oo dhulka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teedid
m.dh la-mid: teedin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teedid
-da: (magac, dhedig, keli) deyrid; meegaarid: wareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belelid
(Belelid-da)
Belel yeelasho; belbelid; ololid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
belelid
m.dh la-mid: belbelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belelid
-da: (magac, dhedig, keli) shidmid iyo ololid. Belelidda dabkuba waa markuu ololka dheeriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fededin
(Fededin-ta)
Sas iyo argaggax lala cararo qof ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fededin
m.f.dh eeg fededi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fededin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, sas iyo argagax lala cararo ku ridid oo ka argagixin. Dh: fededis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fededis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fededin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
melegid
-da: (magac, dhedig, keli) dilid oo nafta ka qaadid. Melegiddu waa dembi weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Selelid
(Selelid-da)
Salalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
selelid
m.dh la-mid: salalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
selelid
-da: (magac, dhedig, keli) 'geel' ololid; salwid.
selelid -da: (magac, dhedig, keli) si naxdin iyo argaggax leh, hurdo uga soo boodid, uga kicid; salalid; sasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
telefid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan faa'iido dambe lahayn noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedbedil
-ka: (magac, lab, keli) kolba weji cusub u samee. Dumarku bedbedilka dharka way ka helaan. Dh: doordoorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beddelid
(Beddelid-da)
Wax wax kale meeshi gelin ama u qaadasho ama ku doorin; qof qof kale meeshi joojin; lacag lacag kale ku doorin; dhaafin (ama baddalid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beddelid
m.f.dh eeg beddel². la-mid: baddal¹, baddalaad, baddalid, beddel¹ (1,2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beddelid
f. n. telephone exchange
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beddelid
-da: (magac, dhedig, keli) wax, wax kale meeshiisii gelin. Dh: doorin, geddiyid.
beddelid -da: (magac, dhedig, keli) lacag, lacag kale ku sarrifid. Beddelidda doollarka ayaan u imid sarriflaha. Dh: doorin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beddelid
de: telephone exchange
lx: beddelid
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: shentraal
key: beddelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bennedid
m.f.dh eeg benned.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bennedid
-da: (magac, dhedig, keli) albaab furan xidhiddiis. In dhowaydba waataan bennedey, isaa gabaye. Dh: awdid, bannadid, bennidid, qufulid, xidhid, jufid. Li: furid, ballaqid, bannaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
berdedid
m.dh la-mid: bardadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
berdedid
-da: (magac, dhedig, keli) argaggax iyo naxdin la ingegid. Berdedidda waxa noogu wacan, waa buunka la afuufay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddegid
m.dh la-mid: degdegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddegid
-da: (magac, dhedig, keli) degdeg wax u qabasho; horayhoray wax u samayn. Dh: degdegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dellegid
m.f.dh eeg delleg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedaadid
(Eedaadid-da)
1. Silic iyo saxariir mudasho.
2. Xanuun la taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedaadid
m.f.dh eeg eedaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedaadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad hore u fashay u dhibtood; cidhibta waxaad fashay eedid. Dh: eedis.
eedaadid -da: (magac, dhedig, keli) silic iyo saxariir mudasho. Dh: silcid, saxariirid, rafaadid. Li: rayn, badhaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fennedid
-da: (magac, dhedig, keli) wax baadhid oo ka afwareegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gedaadid
(Gedaadid-da)
Carasho; dhirfid; dharsid; wax diidid; geyrasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedaadid
m.dh la-mid: gadoodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedoodid
m.dh la-mid: gadoodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hellemid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarista hellenka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadeedid
(Kadeedid-da)
Kadeed badid; silcin; saxariirin; cadaadin; jirrabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadeedid
m.f.dh eeg kadeed².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadeedid
-da: (magac, dhedig, keli) dhib badan u gaysasho, waxyeello gaadhsiin. Kadeedid badan buu ii gaystay garaadku. Dh: dhibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tebbedid
m.f.dh eeg tebbed³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tebbedid
-da: (magac, dhedig, keli) tebbed ku xirid: qataarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wedderid
(Wedderid-da)
Waddarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wedderid
m.dh la-mid: waddarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wedderid
-da: (magac, dhedig, keli) dil xasuuq ah samayn. Waddammo badan ayay wedderid badani ka dhacday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedenbedid
-da: (magac, dhedig, keli) xaalad aan raaxo lahayn ku noolaansho. Dh: dhibaatood, silicid, leelleelid, saxariirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefleefid
-da: (magac, dhedig, keli) leefid oo haddana leefid. Dh: leefleefis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leelleelid
m.f.dh eeg leelleel².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leelleelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo darxumo la kulmid. Dh: eedaadid, carcaraafid, rafaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleegadid
-da: (magac, dhedig, keli) cod wanaagsan ku orin oo luuqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbeedid
m.f.dh eeg badbeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbeedid
-da: (magac, dhadig, keli) cid ama wax kale, si toos ah uga hortagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beddelmid
m.f.dh eeg beddelan¹. la-mid: baddalmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beddelmid
-da: (magac, dhedig, keli) xaaladdii hore iska beddelid.
beddelmid -da: (magac, dhedig, keli) si aan kas ahayn u beddelmid. U kala beddelmidda dadka buuqaa ugu wacnaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
belediyad
m.dh Dawladda hoose.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
belediyad
f. n., [collective] local government, municipality
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belediyad
-da: (magac, dhedig, keli) meesha ay fadhiistaan maamul hooseedyadu ee mgaalada ama degmada looga taliyo. Belbela waxa loo sameeyey belediyad cusub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
belediyad
bw: Arabic
de: local government, municipality
lx: belediyad
pd: (-da)
ps: n0-f-col
key: belediyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhedhemid
m.dh la-mid: dhadhamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedqaadid
m.dh Xumaan la falay eeddeeda qaadid. la-mid: eedqaad (2), eedqaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) eedxambaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedreebid
-da: (magac, dhedig, keli) denbi qof loo haystay ka beriyeelid. Eedreebid baa laga rabaa ehelladaadiiye. Dh: beriyeelid. Li: eedayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedgeddin
m.dh la-mid: gedgeddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedgeddin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhawr jeer rogrogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedgeddis
m.l la-mid: gedgeddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedgeddis
-ka: (magac, lab, keli) wax qaab ku sugnaa, kolba si u rogis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadeedmid
m.f.dh eeg kadeedan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadeedmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof kadeedan noqosho; jirrabmid; saxariirmid.