le'o
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
le'o
f.mg3 (-'day, -'atay) Dad, xoolo, ugaar iyo wixi lamida aad u dhimasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
le'o
f.mg3 (-'day, -'atay) Dad, xoolo, ugaar iyo wixi lamida aad u dhimasho. m.f.dh, le'asho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
le'o
(fal) noole, dhimo oo nolosha ka bax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
le'o
de: die off; become extinct
lx: le'o
pd: (le'day / le'atay)
ps: v3b=
key: le'o
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halagan
(fal) dhimo ama le'o oo baabba'.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
léso
agg. - dhaawacan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
la'ow
de: cease to have, lose
lx: la'ow
pd: (la'aaday)
ps: v3a=inch
key: la'ow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
le'ad
m.l la-mid: le'asho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
le'ad
-ka: (magac, lab, keli) dhimashada iyo bixitaanka nafta. Dh: bixid, le'asho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
le'ad
a: le'asho (/da) [vn6-f]
cf: le'o
de: annihilation, destruction; death (of several persons ~ animals)
lx: le'ad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: le'ad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Le'eg
La siman; la mid ah; la fil ah; aan ka yarayn kana weyneyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
le'eg
f.mg4 (-ekaa, -ekayd) La siman; la mid ah; la fil ah; aan ka yarayn kana weyneyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
le'eg
f.mg4 (-ekaa, -ekayd) La siman; la mid ah; la fil ah; aan ka yarayn kana weyneyn. m.f.dh, le'ekaan.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Le'eg
égal à.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
le'eg
le'ekaa: (adj) equal (iik-wal); same in quantity, size, age or value
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
le'eg
(tilmaame) la mid ah, la mug ama muuqaal ah. Wixii damal dilay, oo dameer le'eg, sooma daayow, ha igu soo deyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
le'eg
de: equal, the same size as; fitting; amounting to
lx: le'eg
pd: (le'ekaa)
ps: adj
xe: eka. These shoes do not fit me
xv: leeg
key: le'eg
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
leçon
leçon, n.f. - Cashar; dersi.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Leebo
Birlab buuxda oo inta badan xaglo kala jeeda leh ee loogu isticmaalo furidda sanaadiiqda iyo wixii la xiriira.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leejo
-da: (magac, dhedig, keli) lacag baad ah oo cid xaqdarro lagaga qaado. Xamar leejada taalla, ninkii aan ka xanaaqin, xaasid baan u aqaan. Dh: baad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leelo
(Leela-da)
1. Qiiqu hadduu meel kore oo gudo ah ku ururo oo noqdo wax qiro leh, oo kolkol waxyaalo wargo la moodo ka soo laallaadaan.
2. Wixii biyuhu sidaas oo kale gebiyada iyo godadka gudohooda ugu sameeyaan: kolkol waxay yeeshan filgimmo dheerdheer oo waaweyn oo xagga dhulka u soo laallaada.
3. Xayaabo biyaha deggan korkooda ka samaysanta.
4. Cunnada la karshey oo qaboobaysa, xayaabo ama xuub dusha ama hoos kaga samaysma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leelo
m.dh 1. Xayaabada dusha ka fuusha cuntada la kariyo. 2. Xaafoodka kor fuula biyo in badan meel ku jirey; saaruq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leelo
f. n., [collective] muck; coagulated substance (at bottom of a pot); soot, smut; moss; mold ~ mould, rot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leelo
-da: (magac, dhedig, keli) labeen cagaaran oo ku dhalata meel ay biyo ku raageen. Biyaha leelo ayaa qarisay. Dh: saaruq.
leelo-da: (magac, dhedig, keli) cuntada la karshey oo qabowday xayaabo ama xuub dusha ama hoos kaga samaysma.
leelo -da: (magac, dhedig, keli) wixii biyuhu gebiyada iyo godadka gudohooda ku sameeyaan: kolkol waxay yeeshaan filgimmo dhaadhdheer oo waaweyn oo xagga dhulka u soo laadlaada.
leelo -da: (magac, dhedig, keli) qiiqa meel kore oo gudo ah ku urura oo noqda wax qaro leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leelo
de: muck; coagulated substance (at bottom of a pot); soot, smut; moss; mold ~ mould, rot
lx: leelo
pd: (/da)
ps: n0-f-col
key: leelo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leexo
(Leexa-da)
1. Dabayl kacda oo cirka mudda.
2. (cayaar) xargo geedo isu dhow madaxyada loogu xiro, oo carruurtu fuusho oo isku ruxdo.
3.* Xargo iyo shabaag sidoo kale, inta geedo isu dhow labada madax loogu kala xiro, lagu kor seexdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexo
leexo¹: m.dh 1. Dabayl dhacda oo cirka u kacda. 2. Ciyaar xarig geedo isu dhow labadiisa dacal lagu kala xiro oo carruurtu fuusho iskuna ruxaan. 3. Qallooc gala kurus geel.
leexo²: f.mg3 (-xday, -xatay) Jid lagu socday ka weecasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
leexo
leexo¹: m.dh 1. Dabayl dhacda oo cirka u kacda. 2. Ciyaar xarig geedo isu dhow labadiisa dacal lagu kala xiro oo carruurtu fuusho iskuna ruxaan. 3. Qallooc gala kurus geel.
leexo²: f.mg3 (-xday, -xatay) Jid lagu socday ka weecasho. m.f.dh, leexasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leexo
f. n. swing; hammock
leexo [feminine] n. cyclone, tornado, whirlwind, dust-storm
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Leexo
name-f swing; hammock; tornado, cyclone, whirlwind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
leexo
-leexday / leexatay: (v) change your direction; turn (teen)-, divert (di-veert) ~ weeco
leexo: -leexada: (n) hammock (hamak)-, swing (iswing)-, seesaw (siisoo) ~ wiifow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexo
(fal) dhinac u baydh; dhinacii loo socdey, meel aan ahayn, aad. Dh: baydh, weeco.
leexo -da: (magac, dhedig, keli) qalab iyo qaab dadka lagu ciqaabo oo faldembiyeedka lagaga gooyo ama qirashadiisa lagaga soo saaro.
leexo -da: (magac, dhedig, keli) qalab caruurtu ku ciyaarto oo ay isku lulaan. Cali maanta leexo ayuu ku ciyaaray. Dh: wiifow, siidhimiidhi.
leexo -da: (magac, dhedig, keli) qalab iyo qaab dadka lagu ciqaabo oo faldembiyeedka lagaga gooyo ama qirashadiisa lagaga soo saaro.
leexo -da: (magac, dhedig, keli) siigo wareegaysata oo aad cirka ugu sii fogaata. Jilaalka meel walba leexo ayaa lagu arkaa. Dh: dabayl.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
légno
s.m. - jirridda geedka intiisa adag.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lémbo
s.m. faraq, dacalka dharka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lemon
/leman/ (n) geedka liinta.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
lemon
n., liin dhanaan, -ti, -ayd.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lènto
agg. - gaabiya, aayar, qunyar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leqmo
-da: (magac, dhedig, keli) in kol afka la geliyo oo la leqi karo. Dh: liqmo, leqdin, leqmo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lésso
agg. - biyo lagu kariyey.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lètto
s.m. - sariir; (I. del fiume: webiga gudihiisa).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
liéto
agg. - faraxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Le'asho
(Le'asha-da)
Wax le'day ahaansho; baabbi'id; dabaggo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
le'asho
m.f.dh eeg le'o. la-mid: le'ad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
le'asho
-le'ashada: (n) the act of dying; death (dheeth)-, termination of lives
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
le'asho
-da: (magac, dhedig, keli) wax le'day ahaansho; baabbi'id ama dabargo'id.
le'asho-da: (magac, dhedig, keli) dhimasho inta badan dabiici ah. Dh: madhasho.