layrsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Layrsad
(Layrsad-ka)
Layrsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layrsad
m.l la-mid: layrsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layrsad
-ka: (magac, lab, keli) laydha isku dhigid: hawo qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layrad
m.l la-mid: layrasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layrad
-ka: (magac, lab, keli) laydha isu dhigid. Dh: neecawsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laysad
m.l la-mid: laysasho.

dayrsad
m.l la-mid: dayrsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayrsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg dayrsi. dayrsan: (tilmaame) wax dayacan ama la nacay. Wax dayrsan door lama moodo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laydhsasho
-da: (magac, dhedig, keli) laydha u bixid oo isu dhigid; laydha ku qabowsasho. Dh: neecawsasho, neecawsad, layrsad, laydhsi.
laydhsasho -da: (magac, dhedig, keli) hawo qaadasho. Laydhsasho ayaa taagagga loogu baxaa. Dh: layrsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laydhsad
-ka: (magac, lab, keli) neecaw isku dhigid; laydh isu dhigid. Laydhsad ayuu u baxay odaygu. Dh: layrsad, neecawsad, neecawsasho, layrsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarsad
-ka: (magac, lab, keli) «ka ~» goosashada aano hore loo geystay. Ka aarsadka ninkii shirkadda qiyaamay waa in xeerka loo maro. Dh: aargoosad, aargoosasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barsad
m.dh la-mid: bersed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darsad
(Darsad-ka)
Darsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsad
m.l la-mid: tarsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darsad
vl. n. act of scooping up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsad
-ka: (magac, lab, keli) fandhaal, malqaacad, qude iyo wixii la mid ah, wax meel ku jira, in kaga qaadasho. Dh: qaadasho.
darsad -ka: (magac, lab, keli) wax horay loo haystay oo muddo laga maqnaa u baahasho oo heliddiisa u hiloobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darsad
de: act of scooping up
lx: darsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: darsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsad
-da: (magac, dhedig, keli) isrogrogga waayaha iyo kaalinta kolba la joogo. Dh: fursad. Wa: farsado.
farsad -da: (magac, dhedig, keli) shaqo ama hawl kolba cid gaar ah loo daayo. Farsad baa loo kala sameeyey basaskii is dhex yaacayey. Dh: malko, kal, kaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garsad
(Garsad-ka)
1. Qofka garta iyo dacwadda loo haysto; qofka eedaysan; eedaysane; gaboodfale; muddacalayhi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garsad
m. n. accused person, the accused
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garsad
de: accused person, the accused
lx: garsad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: garsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harsad
(Harsad-ka)
Harsasho; harsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harsad
m.l la-mid: harsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harsad
vl. n. act of sheltering from the sun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harsad
-ka: (magac, lab, keli) meel hoos leh, hadhgelid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harsad
a: harsasho (/da) [vn-f], harsi (ga) [vn-m]
de: act of sheltering from the sun
lx: harsad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: harsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haysad
(Haysad-ka)
Haysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haysad
m.l la-mid: haysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haysad
vl. n. possessing ~ holding, act of possession, adherence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haysad
-ka: (n) the act of having, possessing or holding something ~ haysasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haysad
-ka: (magac, lab, keli) wax gacmo ku haysasho ama lahaansho. Dh: qabsasho, qabsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haysad
a: haysasho (/da) [vn-f], haysi (ga) [vn-m]
de: possessing ~ holding, act of possession, adherence
lx: haysad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: haysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karsad
m.l Badar iyo wixi lamida qashin ka saarasho. la-mid: karsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karsad
-ka: (magac, lab, keli) badar ama wax kale, qashin ka saarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laasad
m.l la-mid: laysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laasad
-ka: (magac, lab, keli) cunno ama cabitaan. wada madhsad; wax la cunayo, idlaysad. Dh: fuuqsi, laasasho, heemin, dhammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layrso
f.mg3 (-saday, -satay) Neecaw isu dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
layrso
f.mg3 (-saday, -satay) Neecaw isu dhigid. m.f.dh, layrsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
layrso
v. place oneself in the breeze ~ out in the fresh air
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
layrso
-layrsaday / layrsatay: (v) take the fresh air or breeze
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
layrso
de: place oneself in the breeze ~ out in the fresh air
lx: layrso
nt: layrsad (ka) [vn-m], layrsasho (/da) [vn-f]
pd: (layrsaday)
ps: v3a=
key: layrso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marsad
(Marsad-ka)
Marsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marsad
m.l la-mid: marasasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marsad
vl. n. act of finishing; dressing oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marsad
-ka: (n) the act of rubbing or applying, especially on the body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marsad
-ka: (magac, lab, keli) cadarsasho. Marsadka cadarka ha isku badin.
marsad -ka: (magac, lab, keli) cashar cid kale ka dhegeysasho oo ka akhrisasho. Masaajidku waa halka marsadka kutubta ugu fiican. Dh: barasho, marsi, marsasho.
marsad -ka: (magac, lab, keli) ku dhaboolaqa iyo ku masaxidda shey qoyan shay kale korkii. Dh: dulmarin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marsad
a: marsasho (/da) [vn6-f]
de: act of finishing; dressing oneself
lx: marsad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: marsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarsad
(Qarsad-ka)
Qarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarsad
m.l la-mid: qarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarsad
-ka: (magac, lab, keli) khabbaysasho meel aan la arkayn dhigasho. Wax qarsadka iska daa oo dadka dhexgal. Dh: xasaysasho, sheelad qarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raysad
(Raysad-ka)
Raysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raysad
m.l la-mid: raysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raysad
vl. n. getting well, healing; being better off
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raysad
-ka: (n) healing (hiiling); recovering (ri-kaver-ing) or recovery
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raysad
-ka: (magac, lab, keli) wax hore ka badhaadhi. Li: darsad.
raysad -ka: (magac, lab, keli) si hore si ka fiican noqosho. Dh: doorsasho, caafimaadid, roonaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raysad
a: raysasho (/da) [vn-f]
de: getting well, healing; being better off
lx: raysad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: raysad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
warsad
-ka: (n) inquiry (in-ku-waayri); the act of asking for information ~ weyddiin, warsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceyrsad
m.l la-mid: cayrsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayrcad
m.l Midab cad oo geelu leeyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayrcad
m. n., [abstract] pure white color (of camel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayrcad
-da: (magac, dhedig, keli) midabyada geela midab ka mid ah oo ah kuwa loogu jecel yahay. Maxaa dayrcad geel hallaaboo dibjiray oo cunay dugaagoo; dadkii lahaana daydayaa. Dh: deercad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayrcad
de: pure white color (of camel)
lx: dayrcad
pd: (-ka)
ps: n-m-abs
key: dayrcad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayrsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dayriyay ahaansho (ilmo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dayrsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dayriyay ahaansho (ilmo). m.f.dh, dayrsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayrsan
der. [adjective] disowned by one's parents, driven from one's home (of a son)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayrsan
de: disowned by one's parents, driven from one's home (of a son)
lx: dayrsan
pd: (dayrsanaa)
ps: adj-der
key: dayrsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarsad
m.l la-mid: faarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haybsad
(Haybsad-ka)
Haybsasho; haybsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybsad
m.l la-mid: haybsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haybsad
-ka: (magac, lab, keli) cid aad raadinayso haybtiisa weydiin, doondoonid. Dh: haybraadin, haybsasho, haybsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaydsad
(Kaydsad-ka)
Kaydsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaydsad
m.l la-mid: kaydsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaydsad
vl. n. economizing; act of saving, preserving ~ storing away for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaydsad
-ka: (magac, lab, keli) wax kayd ka dhigasho; kayd ahaan meel u dhigasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaydsad
a: kaydsasho (/da) [vn6-f]
de: economizing; act of saving, preserving ~ storing away for oneself
lx: kaydsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: kaydsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarsad
-ka: (magac, lab, keli) kaaftoomid wax laga kaaftoomo.
maarsad -ka: (magac, lab, keli) maangaabni. Dh: maarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaybsad
(Qaybsad-ka)
Qaybsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybsad
m.l la-mid: qaybsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaybsad
vl. n. act of sharing ~ dividing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaybsad
-ka: (n) partition (paar-ti-shin); division of something qaybsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybsad
-ka: (magac, lab, keli) qayb qayb iyo in in u kala qaadasho; ninba in la tegid, kala soor soorad. Qaata oo qaybsadka ku heshiiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaybsad
de: act of sharing ~ dividing
lx: qaybsad
pd: (-ka)
ps: vn-m
see: qaybsasho
key: qaybsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Layrsasho
(Layrsasha-da)
Layrta u bixid, isu dhigid; ku qabowsasho; neecawsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layrsasho
m.f.dh eeg layrso. la-mid: layrsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layrsasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel mugdi ah, iftiinsasho. Dh: laydhsasho.
layrsasho-da: (magac, dhedig, keli) laydha isku dhigid oo hawo qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayraxsad
m.l la-mid: mayraxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaarsad
m.l la-mid: abaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaarsad
-ka: (magac, lab, keli) deegaan abaari heshay noqod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allaysad
-ka: (magac, lab, keli) xijaabasho uu qofku dhanka Rabbi u kaco oo uu geeriyoodo. Dh: Allaysi xijaabasho, dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararsad
m.l la-mid: cararsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydhsad
-ka: (magac, lab, keli) wax kaa cararaya cabsi aawadeed, ka daba'ordid. Dh: baacsad, cayrsad, caydhsi, cayrsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawarsad
m.l la-mid: dawarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawarsad
-ka: (magac, lab, keli) baryidda in cid kale wax ku siiso. Dadka qaar baa dawarsadka xirfad ka dhigtay. Dh: tuugsad, qarafaysad, baryootan, dawersad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayuusad
-da: (n) bad woman or girl ~ see also [eeg] dayuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarsad
m.l la-mid: dhaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, Ilaahay ku dhaarsasho. Dh: dhaarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawrsad
(Dhawrsad-ka)
Dhawrsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawrsad
m.l la-mid: dhawrsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhawrsad
vl. n. self-protection
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhawrsad
a: dhawrsasho (/da) [vn6-f]
de: self-protection
lx: dhawrsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dhawrsad