layr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Layr
(Layr-ta)
Dabayl jilicsan oo qabow; neecaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layr
m.dh Dabayl aan xoogganayn oo qabow; neecaw.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
layr
f. n., (mass n.): breeze, fresh air
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
layr
-ta: (n) air (eer) ~ laydh-a; hawo
layr -ka: (n) electrical light ~ laydh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layr
-ka: (magac, lab, keli) iftiinka nalka ama wax kale. Dh: laydh.
layr-ta: (magac, dhedig, keli) neecawda qabaw ee ay naftu ku raaxaysato. Dh: laydh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
layr
a: laydh
de: breeze, fresh air
lx: layr
pd: (-ta)
ps: n0-f-mass
key: layr
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Layer
Lakab
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Layer
Dabaqad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dabayl u dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
layri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dabayl u dhigid. m.f.dh, layrin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
layri
v. fan; air something out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
layri
-yey / say: (v) dry, cool, or freshen with air
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layri
(fal) eeg laydhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
layri
de: fan; air s.t. out
lx: layri
pd: (layriyey)
ps: v2a=tr
key: layri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Dhanka dabayshu ka imaanayso aadid (xoolo iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
layro
v. flap in the wind, flutter in the breeze (as a flag)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
layro
de: flap in the wind, flutter in the breeze (as a flag)
lx: layro
nt: layrasho (/da) [vn-f]
pd: (layrtey)
ps: v3b=
key: layro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabayl
(Dabay-sha)
Layr ama neecaw xoog leh oo dhabanaysa; xanfar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawo
(Hawa-da)
1. Neecawda dhulka ku wareegsan dhammaanteed.
2. Inta cirka iyo dhulka u dhexaysa.
3. Neecaw, layr.
4. Wax maanka laga jeclaysto oo badanaa aan suuroobi karin; damac; qab; niyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Layrasho
(Layrasha-da)
Dhabashada layrta; babbasho; ruxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Layrsad
(Layrsad-ka)
Layrsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Layrsasho
(Layrsasha-da)
Layrta u bixid, isu dhigid; ku qabowsasho; neecawsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neecaabin
(Neecaabin-ta)
Neecawda u furid, u dhigid, ku warid; layrin; dalayn (aqal, kd.); haawih (weel, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neecaw
(Neecaw-da)
Naacaw; layr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walwal
(Walwal-ka)
1. Layr qabow oo xilliyada qaarkood galabtii timaadda; geyre.
2. () welwel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yalanyalxo
(Yalanyalxa-da)
Layr qabow oo kolka roobku kaco la helo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layrasho
m.f.dh eeg layro. la-mid: layrad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layrsad
m.l la-mid: layrsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layrsasho
m.f.dh eeg layrso. la-mid: layrsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walwal
walwal¹: m.dh 1. Layr qabow oo xilliyada qaarkood galabtii timaada; geyr. 2. Welwel, werwer. la-mid: warwar¹, welwel¹, werwer¹.
walwal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Cid walbahaarid. la-mid: warwar², welwel², werwer².
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lyre
/layr/ (n) shareero (qalab muustiko).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laydh
-ka: (n) electrical light ~ layr
laydh -a: (n) air (eer) ~ layr -ta; hawo -da
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lar
lar¹: m.l 1. Xusuus xun. 2. Laqanyo.
lar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax, wax kale ku kordhin. 2. Wax, wax kale ku qurxin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lar
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax, wax kale ku kordhin. 2. Wax, wax kale ku qurxin. m.f.dh, larid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lar
v. add (to), combine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lar
(fal) xadhig la soohayo iyo wax la mid ah, in ku dar si uu u dheeraado. Dh: ladh.
lar-ka: (magac, lab, keli) eeg ladh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lar
de: add (to), combine
lx: lar
pd: (laray)
ps: v1=
syn: ku dar
key: lar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lay
f.g2 (-aayay, -aysay) 1. Wax baabi'in. 2. Wax dhammayn. la-mid: laa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lay
f.g2 (-aayay, -aysay) 1. Wax baabi'in. 2. Wax dhammayn. m.f.dh, layn. la-mid: laa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lay
pron., pro: someone ... me
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lay
/ley/laid;(v) 1. dhigid; jiifin e.g. Can you lay your coat on the bed. 2. fariisin (sal u yeelid) booska ku habboon dhigid. 3. ugxan dhalid (shimbira iwm). 4. ku oogid (sharci, dambi iwm). e.g.The police have laid a serious charge against him 5. sharad dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lay
(fal) dil wax tiro ah ama badan. Dh: baabbi'i, warjeef, makal, laa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lay
de: someone ... me la + i
lx: lay
ps: pro + pro
key: lay
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
lay
v.tr., (place) dhig; lay aside, dhaq, dhaqo, dhigo; lay away, reeb; lay before, open out, muuji, tus; lay over, dusha ka saar; lay on, ku reeb; lay down, u dhiibo; lay hold of, hoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bayr
(Bayr-ta)
Iin maanka iyo muruqyada ku dhacda oo wax aan la hubsan lala boodo ama laga dido ama laga cararo; salaaf; biinan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayr
bayr¹: m.l 1. Nuxurka hadal, dood iyo wixi lamida ku saleysanyahay. 2. la-mid: bayrid.
bayr²: m.dh Iin maanka iyo muruqyada nafleyda ku dhaca oo keenta in laga dido ama laga boodo wax aan la hubsan; salaaf; biinan.
bayr³: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax toos u socda dhan u weecasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bayr
bayr¹: m.l Nuxurka hadal, dood iyo wixi lamida ku saleysanyahay.
bayr²: m.dh Iin maanka iyo muruqyada nafleyda ku dhaca oo keenta in laga dido ama laga boodo wax aan la hubsan; salaaf; biinan.
bayr³: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax toos u socda dhan u weecasho. m.f.dh, bayrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bayr
f. n. (adj.): impatience, sensitivity, touchiness; unfriendly ~ untame (animal); nervous ~ touchy (person)
bayr v. divert, turn aside, move, change direction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bayr
-ay/tay: (v) move aside or turn direction ~ baydh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayr
(fal) tooskaad u socotay ka leexo. Isgoyska markaad gaadhid jidka ka bayr oo qorraxsin u kac. Dh: baydh.
bayr-ta: (magac, dhedig, keli) neefka didmada badan ee aan usha lala gaadhin. Baal jiid rag wow daran yahee, bayr aan ugu yeelo. Li: kalsami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayr
(Cayr-ta)
(qof) aan xoolo iyo hanti kale midna lahayn; sabool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayr
m.l (cayr, m.dh) 1. Qof aan hanti lahayn. 2. (c., m.dh.) Dad aan hanti lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cayr
m.l (cayr, m.dh) 1. Qof aan hanti lahayn. 2. (c., m.dh.) Dad aan hanti lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayr
m. n. poor person; poor people, the destitute
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cayr
nickname-m poor, starved. Cf: Xubeer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cayr
-ah: (adj) poor (puur)', needy (niidhi) ~ fakhri, masaakiin. Ex: dadka cayrta ah; the poor people. —Syn: impecunious, penniless, impoverished, poverty-stricken, destitute, indigent
cayr -ta: (n) 1. the poor. 2. the welfare office [fairly new word]
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cayr
Indigente
Destitute
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cayr
magac loo baxsho wiil dhashay reerka oo hayn yar ama caydh ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayr
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg caydh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cayr
a: caydh
de: poor person; [pl] poor people, the destitute Opp: hodan
lx: cayr
pd: (-ka Pl: cayr (ta))
ps: n5-m
key: cayr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayr
(Dayr-ta)
Afarta nur oo sanadu u qaybsanto mid kamid ah, oo roob leh: waxay u dhexaysaa xagaaga iyo diraacda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayr
m.dh Afarta xilli ee sannadka u qaybsamo middood, roob leh una dhexeeya diraacda iyo xagaaga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dayr
m.dh Afarta xilli ee sannadka u qaybsamo middood, roob leh una dhexeeya diraacda iyo xagaaga.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dayr
Fall
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Dayr
f. n. autumn rains; fall season of northeast monsoon [September - November]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayr
-ta: (n) autumn (oo-tem); fall (fool) ~ xilliga ama fasalka dayrta. Ex: dayrtaan baan rabaa inaan Xamar tago; I will be going to Mogadishu this autumn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayr
-ka: (magac, lab, keli) dhisme wareegsan oo meel ku oodan sida xerada oo kale. Dh: xayndaab, deyr.
dayr-ta: (magac, dhedig, keli) xilli roobaad u dhexeeya xagaaga iyo diraacda oo ka mid ah afarta xilli ee sannadku u qaybsamo. Dayri labo daaha ma wada qoyso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Dayr
a: xilli
de: autumn rains; 'Fall' [September - November] (the lesser rainy season)
lx: Dayr
pd: (
ps: n1-f-time
key: Dayr
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dayr
خَرِيف
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lawr
-ka: (magac, lab, keli) alaab ama wax kale oo hal mar gaari wada buuxiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laye
(xidhiidhiye) waxa la yidhi; kuye. Laye Soomaalidu geela gaal bay odhan jireen. Dh: leye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Layn
(Layn-ta)
(Wax badan) dilid; baabbi'in; warjeefid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layn
layn¹: m.l (-nan, m.l) 1. Xarriiq toosan oo meel ku calaamadaysan. 2. Saf. 3. Xarig koronto, taleefan iyo wixi lamida oo isku xira laba meelood ama in ka badan.
layn²: m.f.dh eeg lay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
layn
m.l (-nan, m.l) 1. Xarriiq toosan oo meel ku calaamadaysan. 2. Saf. 3. Xarig koronto, taleefan iyo wixi lamida oo isku xira laba meelood ama in ka badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
layn
vl. n. killing, murder, slaughter
layn m. n. telephone line
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
layn
-ka: (n) 1. telephone line ~ khad. 2. —layn -ta: (n) the act of killing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layn
-ka: (magac, lab, keli) xarriiq toosan oo dheer. Dh: liin, xarriiq, khad. Wa: layman.
layn-ta: (magac, dhedig, keli) dad ama wax kale, aad u dilid. Dh: lays, dilid, baabbi'in, warjeefid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lays
pron., pro: someone ... him
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lays
-ka: (magac, lab, keli) eeg layn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lays
de: someone ... him = la + is
lx: lays
ps: pro + pro
key: lays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayr
mayr¹: m.dh Caws waaweyn ama caw rarada laga sameeyo. la-mid: mayro.
mayr²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax biyo ku dhaqid. 2. U m.: cid u qubayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mayr
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax biyo ku dhaqid. 2. U m.: cid u qubayn. m.f.dh, mayrid. la-mid: maydh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mayr
v. wash something
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MAYR
Aristida adscensionis 10, Sporobolus arabicus 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAYR
(Mair) C Panicum pinifolium Chiov. Gramineae.
C Sporobolus arabicus Boiss. Gramineae.
C Sporobolus consimilis Fresen. Gramineae.
C Sporobolus fimbriatus (Trin) Nees. Gramineae.
C Aristida adscensionis L. Gramineae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mayr
-ay / -tay: (v) wash (woosh) ~ dhaq, maydh. Ex; faraha mayro; wash your hands
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayr
(fal) dhaq oo nadiif ka dhig. Dharka mayr.
mayr: (fal) u cid kale, u qubayn.
mayr-ta: (magac, dhedig, keli) caws waaweyn ama caw rarada laga sameeyo. Dh: maydho, mayro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mayr
cf: qasaal
de: wash s.t.
lx: mayr
pd: (mayray)
ps: v1=tr
key: mayr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayr
m.l la-mid: qeyr.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qayr
m. n. peer, equal, one's own kind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qayr
-ka: (n) generation; peers; people of same age or rank ~ qayr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayr
-ka: (magac, lab, keli) asaag, fil. Eebboow qayrkay ha iga reebin. Dh: eyni, fac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qayr
de: peer, equal, one's own kind
lx: qayr
pd: (-ka)
ps: n-m
key: qayr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayr
f.g1 (-ray, -rtay) Si xoog leh wax shubma meel tiigaal ah ugu daadin. la-mid: sayri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sayr
f.g1 (-ray, -rtay) Si xoog leh wax shubma meel tiigaal ah ugu daadin. m.f.dh, sayrid. la-mid: sayri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sayr
v. splash, sprinkle, spill (over)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayr
(fal) wax weel ku jiray qub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sayr
a: sayri (sayriyey) [v2a=tr]
de: splash, sprinkle, spill (over)
initial: s
lx: sayr
pd: (sayray)
ps: v1=tr
key: sayr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayr
(Xayr-ta)
Baruur meelo gaar ah ka baxda; jifi.