layacnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layacnaan
m.dh la-mid: laayacnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layacnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dayacan ahaan; dayacnaan; laayacnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laayacnaan
m.f.dh eeg laayacan². la-mid: laayacnaansho, layacnaan, layacnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laayacnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la dayacay ama laayacmay ahaan. Dh: dayacnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayacnaan
m.f.dh eeg dayacsan. la-mid: dayacnaansho, dayacsanaan, dayacsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayacnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la baylihiyay oo dayacan ahaan. Dh: baylahsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayacnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan sidii habboonayd loo ilaalin ahaan. Dh: baylahsanaan, laayacnaan, dayacnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laayacnaansho
-da: (magac, dhedig, keli) wax laayacan ahaasnho; layacnaansho; dayacnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Layacan
La layacay; aan la ilaalin ee layska sii daayey; dayacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layacan
layacan¹: f.mg1 (-cmay, -cantay) la-mid: laayacan¹.
layacan²: f.mg4 (-cnaa, -cnayd) la-mid: laayacan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
layacan
der. [adjective] neglected
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layacan
(tilmaame) wax ku sugan baylah iyo daryeel la'aan. Dh: dayacan, baylahsan, daranyaysan. Li: dhawran, daryeelan, xafidan, ilaashan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
layacan
de: neglected
lx: layacan
ps: adj-der
key: layacan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabnaan
m.f.dh eeg laaban². la-mid: laabnaansho, laabni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax laaban ahaan. Dh: laablaabnaan, laalaabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laalnaan
m.f.dh eeg laalan². la-mid: laalnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel sare sudhan ahaan. dal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaqnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la isku daray ahaan. Dh: walaaqnaan, qasnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gayaxnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) taagnaan aan dhaqdhaqaaq lahayn; meel keli ah joogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayaxnaan
(Qayaxnaan-ta)
Wax qayaxan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayaxnaan
m.f.dh eeg qayaxan². la-mid: qayaxnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qayaxnaan
f. n., [abstract] state of being shelled ~ husked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaxnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax diirka laga qaaday oo cad ahaan; wax qayaxan ahaan. Waxwalba qayaxnaanta kuma wanaagsanee fiirso, Dh: caddaysnaan. Li: asturnaan, dahsoonaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qayaxnaan
de: state of being shelled ~ husked
lx: qayaxnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: qayaxnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafacnaan
m.f.dh eeg rafacan. la-mid: rafacnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layacnaansho
m.l/dh la-mid: laayacnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layacnaansho
-ha: (magac, lab, keli) dayacnaansho; laayacnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayacsanaan
m.dh la-mid: dayacnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la dayacay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laayacitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg laayacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid labacsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayacsanaan
m.f.dh eeg mayacsan. la-mid: manyacsanaan, manyacsanaansho, mayacsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) caano soo dhanaanaanaya ahaan. Dh: maydhanaanaan.
mayacsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) suyucsanaan oo qoyaan siniin yeesha lahaan.
mayacsanaan-ta: (magac, dhedig, keli) kibir manaanakh ah kibirsanaan. Dh: mannaanakhsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabacnaan
m.f.dh eeg daabacan. la-mid: daabacnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaacnaan
m.f.dh eeg garaacan. la-mid: garaacnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawracnaan
m.f.dh eeg gawracan la-mid: gawracnaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydalnaan
m.f.dh eeg haydalan². la-mid: haydalnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lafaysnaan
(Lafaysnaan-ta)
Qof madaxa ka lafaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafaysnaan
m.f.dh eeg lafaysan. la-mid: lafaysnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafaysnaan
f. n., [abstract] state of having a fractured skull
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof madaxa ka lafaysan ahaan.
lafaysnaan-ta: (magac, dhedig, keli) mid dhuubni darteed lafoobay ahaan. Dh: weydsanaan, caataysnaan. Li: naaxsanaan, buurnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafaysnaan
de: state of having a fractured skull
lx: lafaysnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: lafaysnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lammaanaan
(Lammaanaan-ta)
Lammaan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lammaanaan
m.f.dh eeg lammaan³. la-mid: lammaanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lammaanaan
f. n., [abstract] being together with one's young; state of being one of a pair ~ a twin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lammaanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) lammaano ahaan; labo ahaan.
lammaanaan -ta: (magac, dhedig. lab) qof ama neef ilmo weheliyo ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lammaanaan
de: being together with one's young; state of being one of a pair ~ a twin
lx: lammaanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: lammaanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laylyanaan
m.f.dh eeg laylyan. la-mid: laylisanaan, laylisanaansho, laylyanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laylyanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la carbiyey ahaan; carbiyeysnaan.bab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanacnaan
m.f.dh eeg maanacan. la-mid: maanacnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanacnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mamnuuc ahaan; wax la maanacay oon la oggolayn ahaan. Maanacnaanta qaadku muddo kooban ayay hirgashy. Dh: mamnuucnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaddacnaan
(Qaddacnaan-ta)
Wax qaddac ah, ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddacnaan
m.f.dh eeg qaddacan. la-mid: qaddacnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaddacnaan
f. n. clarity, visibility
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddacnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax muuqda oo cad ahaan.
qaddacnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax qaddac ah ahaan. Qaddacnaanta dhagaxa la cunay oggolow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaddacnaan
de: clarity, visibility
lx: qaddacnaan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: qaddacnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallacnaan
m.dh eeg qallacan. la-mid: qallacnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaracnaan
m.dh la-mid: raaracsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sacsacnaan
(Sacsacnaan-ta)
Wax sacsacan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sacsacnaan
m.f.dh eeg sacsacan². la-mid: sacsacnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sacsacnaan
f. n., [abstract] senility, state of being senile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sacsacnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax sacsacan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sacsacnaan
de: senility, state of being senile
initial: s
lx: sacsacnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: sacsacnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarwacnaan
(Sarwacnaan-ta)
Si gaar ah ahaan; duwanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarwacnaan
m.f.dh eeg sarwacan. la-mid: sarwacnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarwacnaan
f. n. (adj.): difference; strange
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwacnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) si gaar ah ahaan; duwanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarwacnaan
de: difference; [atr.] strange
initial: s
lx: sarwacnaan
pd: (-ta)
ps: n-f
syn: duwanaan
key: sarwacnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aasnaan
(Aasnaan-ta)
Wax la xabaalay ahaan; xabaalnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasnaan
m.f.dh eeg aasan². la-mid: aasnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aasnaan
vl. n., [abstract] state of being buried
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aasnaan
-ta: (n) a condition or state of being buried
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xabaalnida uu qof ama shey ku qarsoomo god loo diyaariyay ama meel qodan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aasnaan
a: aasnaansho
de: state of being buried
lx: aasnaan
pd: (-ta)
ps: vn0-f-abs
key: aasnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caynaan
(Caynaan-ka)
Labada suun oo muquufka xakamaha labada dhinac kaga kala xiran, oo faraska lagu duwdumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynaan
m.l.u Suun xakamaha labadiisa dhinac ku xiran oo gammaanka lagu dudduwo laguna joojiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caynaan
m.l.u Suun xakamaha labadiisa dhinac ku xiran oo gammaanka lagu dudduwo laguna joojiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynaan
m. n. reins (on a horse)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caynaan
-ka: (n) rein (reeyn); reins ~ xakame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caynaan
magaca loo baxsho wiil laga filayo inuu noqdo taliye iyo hoggaamiye ummadeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynaan
-ka: (magac, lab, keli) labada xadhig ee muquufka xakamaha labada dhinac kaga kala xidhan oo faraska lagu duduwo. Dh: waftog.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Caynaan
Loox ama bir afar-gees ah oo labo dhaban u ballaaran ee toox le'eg tan miisaanka tamaashada oo toobiyaysa qiyaasidda tamaashada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caynaan
de: reins (on a horse)
lx: caynaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: caynaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayacan
Aan sidii la rabey wax u ilaaliya oo dhawra lahayn; aan dan loo gelin ee laysku laday; la dayacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayacan
f.mg1 (-cnaa, -cnayd) Wax la dayacay ahaansho. la-mid: dayacsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dayacan
f.mg1 (-cnaa, -cnayd) Wax la dayacay ahaansho. la-mid: dayacsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayacan
der. [adjective] neglected, abandoned, unprotected
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayacan
(tilmaame) wax ku sugan xaalad daran oo dayacan. Reer dayacan dacawana way boobtaa. Dh: daayacan, daranyaysan, baylahsan. Li: dayactiran, daryeelan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayacan
de: neglected, abandoned, unprotected
lx: dayacan
pd: (dayacnaa)
ps: adj-der
key: dayacan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaynaan
(Kaynaan-ka)
Geeddi meel fog loo guuro; hayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaynaan
kaynaan¹: m.l Geeddi meel fog loo guuro oo aan nasasho badan lahayn.
kaynaan²: f.mg1 (-nay, -ntay) Geeddi dheer oo aan nasasho badan lahayn guurid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaynaan
Escope velocity
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaynaan
m. n. emigration, continous travel towards a specific destination; caravan; velocity {physics}
kaynaan v. migrate ~ emigrate a long distance
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kaynaan
name-m emigration, continuous travel towards a specific destination; caravan. Lit: one born during that kind of travel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kaynaan
magac loo baxsho wiil geeddi dheer ama dhoof meel kale loo guurayo ku dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaynaan
-ka: (magac, lab, keli) geeddiyo dhaahdeer oo is dabada joog ah oo reer guuraagu galo. Dh: hayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laacdan
(Laacdan-ka)
Garmaama-cayaar; dheel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laacdan
laacdan¹: m.l 1. Cayaar iyo bardoodan uu sameeyo geela da'da yar. 2. Fara ka ciyaar. la-mid: laactan¹.
laacdan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. Geel da' yar bardoodamid. 2. Dad fara ka ciyaarid. la-mid: laactan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laacdan
m. n. hand, plural, ay, exercise done with the hands, gymnastics
laacdan v. take part in hand, plural, ay activities
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laacdan
(fal) ciyaar, adiga oo garmaamaynaya, haddana ciyaar.
laacdan -ka: (magac, lab, keli) si garmaamo ah u ciyaar oo dheel.