layaabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Layaabid
(Layaabid-da)
Yaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ka fajacid oo la amakaagid. Dh: irkigid, ashqaraarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg layaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islayaabid
(Islayaabid-da)
Gefka iyo xumaanta qof falayo, kol danbe, garasho iyo ka xishood isku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayaqabid
m.f.dh eeg fayaqab². la-mid: fayaqab¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayaqabid
-da: (magac, dhedig, keli) fayoobida iyo caafimaadqabidda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala baxsanaa duuduubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laabid
(Laabid-da)
Wax kala baxsan ama fidsan isku soo celin, isku soo rogid; (soo laabid) soo qalloocin; dib u soo celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabid
m.f.dh eeg laab4. la-mid: laabis², laabniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala baxsan ama fidsan isku celin; isku soo rogid. Dh: laabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Layaab
(Layaab-ka)
Yaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layaab
m.l Dareen aan caadi ahayn oo ka dhasha dhacdo lamafilaan ah. la-mid: yaab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
layaab
vl. n. surprise, wonder, astonishment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
layaab
-ay / tay: (v) surprise (sarparaayz); astonish (astoonish); amaze (ameeyz), astound (astawndh)-, dumbfound; take aback ~ yaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layaab
(fal) wax ka fajac oo yaab ha kugu dhaco. Dh: lafajac, ashqaraar, irkig.
layaab -ka: (magac, lab, keli) fajac iyo amakaag qofka ku dhaca, kolka wax ka keenaa uu helo. Dh: yaab, fajaciso, ashqaraar, irkig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
layaab
a: layaabid (da) [vn-f]
de: surprise, wonder, astonishment
lx: layaab
pd: (-ka)
ps: vn-m
see: yaab
key: layaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaabid
(Yaabid-da)
Abyamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaabid
m.f.dh eeg yaab². la-mid: yaabis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaabid
-da: (magac, dhedig, keli) fajacid oo wax laga anfariro arkid. Waalid yaabid hakula yaabine weydi wuxuu ka yaabay: Dh: amakaagid, fajicid.
yaabid-da: (magac, dhedig, keli) wax wanaagsan oo lala ashqaraaro arkid oo aad uga helid. Dh: abyamid, irkigid, fajacid, amakaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabid
m.dh eeg abaab². la-mid: ababid. la-mid: abaab¹, abaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabid
-da: (magac, dhedig, keli) xaabista iyo unuunufka wax meel ku daadsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aynabid
m.f.dh eeg aynab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aynabid
-da: (magac, dhedig, keli) dad badan, iyo wixii la mid ah isku kol wada dilid. Aynabiddu waa ceeb ninkii aqli lehow. Dh: layn, xasuuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayaabi
m.dh la-mid: fayoobaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladaabi
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo maalin walba waraabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ladaabi
v. water livestock every day
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladaabi
(fal) xoolo, maalin walba waraabi; maalinna ha qadin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ladaabi
de: water livestock every day
lx: ladaabi
pd: (ladaabiyey)
ps: v2a=tr
key: ladaabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layacid
-da: (magac, dhedig, keli) dayacid iyo ilaalin la'aan. Dh: daayacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yayabid
-da: (magac, dheddig, keli) si aan adkayn iskugu geygeyn oo iskugu nanabid. Dh: nanabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) si qeexan u soo bixid oo la wada arkayo. Bayaamid bay fartani u baahantahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadaabid
(Cadaabid-da)
Cadaab ku ridid; kadeedid; saxariirin; naarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaabid
m.f.dh eeg cadaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaabid
-da: (magac, dhedig, keli) kadeedid oo saxariirin; dhib gaadhsiin.
cadaabid -da: (magac, dhedig, keli) 'awood Ilaahay' cadaab ku ridid; naarta geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cataabid
(Cataabid-da)
Hadal cataw ah ku hadlid; calaacalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cataabid
m.f.dh eeg catow². la-mid: catow¹ (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cataabid
vl. n. reproaching; rebuke
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cataabid
-da: (n) complaining (kom-pleeyning) ~ cabasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cataabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calaacalid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cataabid
de: reproaching; rebuke
lx: cataabid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: cataabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayaarid
(Cayaarid-da)
Cayaar ka qaybgelid; dheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayaarid
m.f.dh eeg cayaar². la-mid: ciyaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka qaybgelid. Dh: dheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalaabid
(Dalaabid-da)
Dalqalaad iska aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaabid
m.dh 1. la-mid: dalow 1. Dal qalaad iska aadid. 2. eeg dalaaw².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalaabid
m.dh 1. la-mid: dalow¹. Dal qalaad iska aadid. 2. eeg dalaaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaabid
-da: (magac, dhedig, keli) dal shisheeye aadid oo xuduudda ama badaha ka tallaabid. Dh: tallaabid, dhoofid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayaamid
(Dayaamid-da)
Dayaan ka yeerid; daryaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayaamid
m.f.dh eeg dayaan². la-mid: daryaamid, diryaamid, diyaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dayaan iyo qaylo samayn. Buuraha ayaa dayaamiddu xoog ugu soo baxdaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) murgaamidiye firfricooni ku soo korodha qofka, marka uu qaato wax baraaruja oo la cabbo ama la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaabid
(Garaabid-da)
Qof wax sameeyey, arrinta ama sababta ku jiiddey, inaan laga fursan karin oo ay garti ahayd aqoonsasho, u qirid; marmarsiinyo aqbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaabid
m.f.dh eeg garow².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Garaabid
Attenuazione
Mitigation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaabid
-da: (magac, dhedig, keli) «u» qofkii lala mormaayay oo la fahamsiiyo in uu isagu xaq ku joogo. Garaabid lagama helo xaqa qofkii diiddan oo dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaabid
(Habaabid-da)
Iska socosho, iyadoo aan dhulka la mara hayo, la kala garanayn; lumid; anbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaabid
m.f.dh eeg habow². la-mid: habow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaabid
-da: (magac, dhedig, keli) lumid meeshii habboonayd meel aan ahayn la maro. Dh: lumid, ambasho, dayow, asqoobid, hallaabid, habaabis, lumitaan, hallaabitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayaamid
(Hayaamid-da)
Meel fog oo abaari ka sokayso u guurid; kaynaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayaamid
m.f.dh eeg hayaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad u fog oo nabad ama naq leh u rarid. Dh: dalandoolid, qayaadid, kaynaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jawaabid
(Jawaabid-da)
1. Xoolo la shuba hayo, ku heesid.
2. Wax lays weyddiiyey, hadal ka celin; waxkadhihid; kadhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawaabid
m.f.dh eeg jawaab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawaabid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal hore, jawaab ka celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ladaabad
(Ladaabad-ka)
Ladaabasho; durduurad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladaabad
m.l la-mid: ladaabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladaabad
-ka: (magac, lab, keli) xoolo, maalin walba biyo cabbid. Dh: durduurad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ladaabin
(Ladaabin-ta)
Ladaab u shubid; durduurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladaabin
m.f.dh eeg ladaabi. la-mid: ladaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) maalin walba aroorin oo biyo waraabin; xoolo ladaab u shubid. Dh: ladaabis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladaabis
m.l la-mid: ladaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladaabis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ladaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lawlabid
-da: (magac, dhedig, keli) si foolxun u cataabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layacmid
m.dh eeg layacan¹. la-mid: laayacmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Makaabid
(Makaabid-da)
Makaab u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makaabid
m.f.dh eeg makaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makaabid
-da: (magac, dhedig, keli) karkaar u samayn; makaab u yeelid. Ceelku makaabid la'aan wuu dumayaa. Dh: karkaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayaayid
m.dh la-mid: mayayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraabid
m.f.dh eeg qaraab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaadid
-da: (magac, dhedig, keli) geeddi dheer guurid. Socdaal qayaadid ah ayaan Yugaandha ku tegney. Dh: hayaamid, guurid, qayaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawaabid
m.f.dh eeg sawaab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawaabid
-da: (magac, dhedig, keli) sawaab siin; ajar siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taxaabid
(Taxaabid-da)
Fardaha jare ku wadid ama ku garqaadid, iyadoo la socona hayo, la lugayna hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxaabid
m.f.dh eeg taxow. la-mid: taxaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxaabid
-da: (magac, dhedig, keli) fardaha jare ku wadid ama garqaadid iyadoo la soconayo ama la lugaynayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tayaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) si tiigsasho ah ugu qaylin, yeedhmo la isu qaylsho ugu yeedhid. tayaaqsad -ka: (magac, lab, keli) qaylo ku tiigsad. Tayaaqsad baan maqlayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabid
m.f.dh eeg waraab². la-mid: waraab¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayaadid
(Xayaadid-da)
Hees ka luuqin, ku qaadid, ku dhawaaqid; madiixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayaadid
m.f.dh eeg xayaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayaadid
-da: (magac, dhedig, keli) hees ku luuqayn oo ku dhawaaqid. Dh: qaadid, madiixid.
xayaadid -da: (magac, dhedig, keli) iska raaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laablaabid
(Laablaabid-da)
Dhawr jeer isku laabid; duudduubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laablaabid
m.f.dh eeg laablaab². la-mid: laallaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laablaabid
-da: (magac, dhedig, keli) mar wax ka badan isku duuduubid; dhawr jeer isku celcelin. Dh: laablaabis, laalaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laallaabid
m.dh la-mid: laablaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayndaabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qataarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saynsaabid
m.f.dh eeg saynsaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saynsaabid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) hagoog ama dabool ku qarin, daboolid.
saynsaabid-da: (magac, dhedig, keli) qarsoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayndaabid
-da: (magac, dhedig, keli) deyr ood ama derbi ah samayn. Aqalka xaydaabid ayaa u hadhay. Dh: ijaarid, xayndaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alalaasid
m.f.dh eeg alalaas². la-mid: alalaas¹ (2).