laxooxay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxooxay
(fal) budo biyo lagu qooshay oo la ganaanay, dub oo laxoox ka dhig. Daqiiqda qamadiga noo laxooxay. Dh: laxooxee, kimisee, kidaaree, canjeeree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxooxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) budo laxoox ka dhigid. Dh: kimisayn, loxooxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loxooxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) laxoox ka samayn; canjeelo ka samayn; laxooxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laxoox
(Laxoox-da)
Kimis badanaa balballaaran oo xalleefsan oo bur ama budo la dubey ka samaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxoox
m.dh.u Kimis ballaaran, xalleefsan oo bur ama budo la dubay ka samaysan; canjeero.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laxoox
f. n., (mass n.): Somali flat bread ~ fritter, Ethiopian-style pancake
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laxoox
-da: (n) Somali style pancake, thin baked pancake usually served as breakfast ~ canjeelo, canjeero
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxoox
-da: (magac, dhedig, keli) kimis daawe lagu ballaadhiyo kolka la dubayo oo laga sameeyo budoda badarka oo la qooshay. Dh: canjeelo, kibis, canjeero, kidaar, kimis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laxoox
de: Somali flat bread ~ fritter, Ethiopian-style pancake
lx: laxoox
pd: (-da)
ps: n-f-mass
syn: canjeelo ~ canjeero {N}
key: laxoox
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxooxee
(fal) eeg laxooxay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxoogay
-ga: (magac, lab, keli) eeg waxoogaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxooxcun
-ka: (magac, lab, keli) qof aan canjeelada ma ahee wax kale cunin; canjeelocun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laxooxeed
Laxoox ku saabsan ama lug ku leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxooxeed
(tilmaame) wax laxoox ku saabsan ama ku lug leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
looxaa
(falkaabe) erey tusa meel aan fogayn oo farta lagu fiiqayo. Adhigu looxaa buu daaqayaa. Dh: looxeer, halkaa, kobtaa, meeshaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looxad
m.dh Sawir gacmeed qiima leh oo ku sawiran waraaq iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
looxad
m.dh Sawir gacmeed qiima leh oo ku sawiran waraaq iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loxoox
-da: (magac, dhedig, keli) eeg laxoox.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolay
(fal) xoolo dhaqo oo faraqabsiin yeelo. Kol haddaad muddakartay reerka u xoolay oo caydha ka saar. Dh: xoolee, dhaq. Li: caydhi.
xoolay: (fal) bar adduun oon xoolo ahayn xoolo u rog. Dahabkan xoolay oo geel iyo adhi ka iibi. Dh: xoolee.
xoolay: (fal) weel dux xoolaad ku shub oo cusaybka ka baabi'i gocoyannimada ka bi'i. Dhillka aad toshay xoolay: Dh: qaabay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agoomay
(fal) carruur, aabbohood ka dil; agoon ka dhig. Dh: agoomee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxamay
(fal) hees laxan u samee, Midhihii waan sameeyee adna laxamay. Dh: laxanee, laxamee.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
looxayn
rebounding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madoobay
(fal) wax madow ka dhig. Kabaha ii madoobay. Dh: madoobee. Li: caddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malookay
(fal) si mukur ku jiro cid ugu sheekay. Markaad hablaha la joogto sidooda u malookay. Dh: mukur, malookee.
malookay: (fal) madaxa timaha ka wada xiir. Ka malookay ilmaha yar madaxa. Dh: dhukur, moolay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroomay
(fal) cid kale, xeeladay. Hooyadaa qaroomee oo lacag ka qaado. Dh: shidaaradee, qaroomee, shidaaraday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxooran
f.mg4 (-rnaa,-rnayd) 1. Qof dadka kala ka soocan ahaansho. 2. Ku t.: qof wax caan ku ah ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waxoogaa
(Waxoogaa-ga)
Xoogaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxoogaa
m.l.kh W. ah: wax tiro ahaan aan badnayn. la-mid: xoogaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxoogaa
m. n. small amount, a little bit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxoogaa
-ga: (magac, lab, keli) xoogaa; in yar oon badnayn; wax yar oo kooban. Waxoogaa lacag ah ayaa ii hadhay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxoogaa
de: small amount, a little bit
initial: w
lx: waxoogaa
pd: (-ga)
ps: n-m
see: xoogaa
key: waxoogaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabdooxan
-ka: (magac, lab, keli) laabfuran; laabxaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayoonayn
m.dh (kiimika) Habka soo saaridda ayoonnada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aayoonayn
m.dh (kiim.) Habka soo saaridda ayoonnada. ab m.l.u 1. Awoowyaashii hore oo laga soo jeedo. 2. Abkay ma arag: weligay ma arag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aayoonayn
vl. n. ionization
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aayoonayn
de: ionization
lx: aayoonayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: aayoonayn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fardoolay
-da: (n) mounted soldiers; cavalry (kaavalri); horsemen (hooresmiin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fardoolay
-da: (magac, dhedig, keli) ciidanka inta fardaha fuushan ee ku dagaallanta. Dh: fardooley.
fardoolay-da: (magac, dhedig, keli) bulsho fardaha hayntooda ama dhaqiddooda iyo fuulidtaankooda taqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garoobayn
(Garoobayn-ta)
Garoob iska yeelid; guur danbe isu golaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habboonay
(fal) si habboon ka dhig; wanaaji; si wacan oo wanaagsan ka dhig. Dh: hagaaji, wanaaji, haboonay. Li: xumee, xumay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
Labor Day
/leybar dhey/Labour Day (n) maalinta shaqaalaha
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madoobayn
-ta: (magac, dhedig, keli) midab madow u yeelid. Dh: madoobeyn, madoobays, mugdiyayn. Li: caddayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madoobays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madoobayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malookayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si mukur ku jiro u sheekayn. Malookayn dumarbaa lagu yaqaan. Dh: mukurid, malookays.
malookayn -ta: (magac, dhedig, keli) madaxa timaha ka wada xiirid oo gunta gu jarid. Dh: moolayn, malookays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malookays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg malookayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasoolay
-da: (magacwadareed) eeg naaslay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabsoomay
(v) succeed in doing; accomplish (a-kam-paliish)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroomayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shiddaaradayn ay khiyaamo ku jirin. Dh: xeeladayn, shiddaaradayn, qaroomays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaroomays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaroomayn.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Texonomay
Cir-agoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaboolay
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama dad. xaabada gura oo ka shaqaysta. Islaan xaabooley ah ayaa shaqo fiican la siiyay. Dh: xaabalay.