laxamayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hees, laxan u samayn. Dh: laxamays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laamayn
m.f.dh eeg laamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) badar la karinaayo laan ku walaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxamay
(fal) hees laxan u samee, Midhihii waan sameeyee adna laxamay. Dh: laxanee, laxamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxamays
-ka: (magac, lab, keli) eeg laxamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxameyn
m.f.dh eeg laxamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxamaysan
(tilmaame) hees laxankii loo sameeyey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laxamee
f.g2 (-meeyay, -meysay) (muus.) Laxan u yeelid. m.f.dh, laxamayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Atamayn
Atomisation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaamayn
(Jaamayn-ta)
1. Jaamo ka dhigid; cad cad ka dhigid.
2. Jaan la dhicid; kabayn; cagayn.
3. Sacab tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaamayn
m.f.dh eeg jaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaamayn
-ta: (magac, dhedig, kali) kabo ka dhigasho.
jaamayn -ta: (magac, dhedig, kali) cid kale, kabo la dhac oo ku dhufdhufo. Dh: kabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) deyn gelin oo wax qaan lagu leeyahay ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raamayn
(Raamayn-ta)
Raamo u yeelid, u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raamayn
m.f.dh eeg raamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo ama wax la mid ah raamo dhaadheer u yeelid: raamo u samayn. Raamaynta timaha Rooble isagaa raba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saamayn
(Saamayn-ta)
Saamays ku reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamayn
m.f.dh eeg saamee. la-mid: saamays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saamayn
-ta: (n) effect (i-fakt); impact (im-paakt)-, impression (im-paree-shin); repercussion (ri-per-ka-shen); indirect influence ~ raad; ku reebid, saamays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale, raad ku reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haramayn
(Haramayn-ta)
Beerta haramaha ka limid, ka jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haramayn
m.f.dh eeg haramee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haramayn
-ta: (magac, dhedig, keli) beer haramaha ka gurid; beerta haramaha ka jarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) karaamo u yeelid oo xurmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacagayn
-ta: (magac, dhedig, keli) alaab iyo wixii la mid ah oo gardax ah, iibin oo lacag ka dhigid. Dh: lacagays.
lacagayn -ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) inta uu shey lacag ku noqonayo, ku qiimayn. Dh: lacagays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaramayn
-ta: (n) nationalisation (na-shi-naa-lizeey-shin), also nationalization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaramayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qaranku leeyahay oo dadku wadaago ama ka dhexeeya ka dhigid. Dh: qaramays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sasamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sasab ku samayn; sabaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xakamayn
(Xakamayn-ta)
Xakame gelin, ku qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xakamayn
m.f.dh eeg xakamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xakamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xakame ku xidhid. Faraska xakamayn la'aan ma hoggaamin karaysid.
xakamayn -ta: (magac, dhedig, keli) socodkiisa yarayn oo xad uu ku dhaqdhaqaaqo u yeelid. Dh: xakamays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laxaamadan
Laxaamad iskula dhegsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxaamadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la alxamay ahaansho (bir iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laxaamadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la alxamay ahaansho (bir iyo wixi lamida). m.f.dh, laxaamadnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laxaamadan
der. [adjective] soldered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laxaamadan
-laxaamadnaa: (adj) soldered (soodharidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxaamadan
(tilmaame) wax laxaamad lagu kabay ah; wax la isku laxaamaday. Makiinad laxaamadan ayaa la innaga iibshay. Dh: alxaman, dhalaashan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laxaamadan
de: soldered
lx: laxaamadan
ps: adj-der
key: laxaamadan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaamayn
(Calaamayn-ta)
Calaamo u yeelid; astayn; calaamadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamayn
m.dh la-mid: calaamadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darxadayn
m.f.dh eeg darxadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darxumayn
(Darxumayn-ta)
Silic badid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darxumayn
m.f.dh eeg darxumee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darxumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo silic badid. Dh: silcin. Li: daryeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farsamayn
(Farsamayn-ta)
Hawl aqoon iyo tab u baahan qabasho; wanaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsamayn
m.f.dh eeg farsamee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farsamayn
vl. n. manufacturing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farsamayn
-ta: (n) processing, fabrication, manufacture, production (pro-dhak shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl fulinteeda kolba tab iyo xeelado ay ku fusho u qabasho. Dh basarin, habayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farsamayn
de: manufacturing
lx: farsamayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: farsamayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
islaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, Muslin ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaamayn
m.f.dh eeg kacaamee. la-mid: kacaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kacaan ka dhigid ama ka yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaamayn
m.f.dh eeg karaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ixtiraam iyo xaqdhawr u muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladqabayn
m.f.dh eeg ladqabee. la-mid: ladabays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladqabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kala maslixidda labo qof oo isku kacsan. Dh: dhexdhexaadin, ladqabays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lallabayn
m.f.dh eeg lallabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lallabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) lallabo dareemid. Dh: yaqyaqsi, laqanyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lambarayn
m.dh la-mid: lambarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lambarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) lambar u yeelid. Dh: nambarayn, lanbarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqanyayn
m.f.dh eeg laqanyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqanyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) laqanyo ku ridid; liidaanyayn; ladaadyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqdabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhagrid oo khiyaanayn; mardabayn; sirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxooxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) budo laxoox ka dhigid. Dh: kimisayn, loxooxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraamayn
m.dh la-mid: maraabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maryamayn
(Maryamayn-ta)
Kuusha ka faalin, wax dhici doona ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maryamayn
m.f.dh eeg maryamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maryamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faal dumarku sameeyaan oo ay kuusha ka faaliyaan. Beydan way maryamayn taqaannaa. Dh: faalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacamlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jiibin cid hadalka loo jiibiyo oo wuxuu yidhaahaba waa runtaa la yidhaa. Dh: nacamlays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalamlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) codka 'qalam' samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibaato gaadhsiin: wax yeello u geysasho. Qardamaynta dadka kala joogso. Dh: luggoyn, dibindaabyeyn, qardamays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarxadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dacaayadayn oo hadal dheeldheel ah cid kale ku dhihid Qarxadaynta ka jooji wiilka. Dh: qaraaxadayn, dacaayadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walamlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kolba is melmelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alma'almayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ku ciyaarista labo sawir oo caag iyo wax kale ba ka smaysan oo lagu metaalo in ay xaas yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alma-almayn
m.f.dh eeg alma-almee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaxamaysan
Dhaxani hayso; qarqaryaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxamaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dhaxani hayso ahaansho (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaxamaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dhaxani hayso ahaansho (nafley). m.f.dh, dhaxamaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaxamaysan
der. [adjective] chilled, feeling cold
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaxamaysan
-aa: (adj) feeling cold
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaxamaysan
de: chilled, feeling cold
lx: dhaxamaysan
ps: adj-der
key: dhaxamaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaman
-ka: (magac, lab, keli) intii la soo noolaa; inta la xusuusan yahay; xilli dheer oo la soo jirey. Tan iyo aamankii ayay dadkani isa soo garab degenaayeen. Dh: abidkeed, aamanuu, aamanuun, weligeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amayn
m.dh (kiimika) Iskudhisyo orgaanig ah oo sameysma marka hal ama in ka badan oo atamyada haydarojiin ee amooniyada lagu beddelo koox orgaanig ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amayn
m.dh (kiim.) Iskudhisyo orgaanig ah oo sameysma marka hal ama in ka badan oo atamyada haydarojiin ee amooniyada lagu beddelo koox orgaanig ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laama
* Nafley caanaleyda kammid ah, oo geela isku bah yihiin, oo ku dhaqanta Ameerikada Koofure. Waxay leedahay: sur dheer oo dhuuban, dhego dheerdheer iyo dhogor cumur ah oo dheer oo jilicsan. Waa la rartaa, oo hilibkeedaa la cunaa, dhogorteedana dhar baa laga samaystaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laama
m.dh (cilmiga naflayda) Naasley geela la bah ah oo aan kurus lahayn, lagana helo Ameerikada koofureed, leh sur dheer oo dhuuban, dhego dhaadheer iyo dhogor jilicsan, cufan oo dhaadheer oo la rarto, hilibkeedana la cuno, dhogorteedana dhar laga sameeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laama
m.dh (cilmiga naflayda) Naasley geela la bah ah oo aan kurus lahayn, lagana helo Ameerikada koofureed, leh sur dheer oo dhuuban, dhego dhaadheer iyo dhogor jilicsan, cufan oo dhaadheer oo la rarto, hilibkeedana la cuno, dhogorteedana dhar laga sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laama
f. n., [collective] llama
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laama
-ha: (magac, lab, keli) nafley caanaleyda ka mid ah, oo geela ay isku bahyihiin, oo ku dhaqan Ameerikada Koonfureed. Waxay leedahay sur dheer oo dhuuban, dhego dhaadheeer iyo dhogor cumur ah oo dheer oo jilicsan. Waa la rartaa oo hiibkeedaa la cunaa, dhogorteedana dar baa laga samaystaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laama
de: llama (South American animal) {Eng}
lx: laama
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: laama
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxan
m.l Iswaafajinta ereyada iyo muusigga (hees).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laxan
m.l Iswaafajinta ereyada iyo muusigga (hees).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laxan
-ka: (n) melody (meladi)-, tune (tuun) ~ codayn-ta, luuq-a
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxan
-ka: (magac, lab, keli) codka iyo ku luuqaynta loo sameeyo midhaha hees la qoray. Dh: lixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabayn
(Aabayn-ta)
1. Tixgelin; aabayeelid; daryeelid.
2. (weel) xoolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabayn
m.f.dh eeg aabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) aabbayeelid iyo tixgelin. Aabbaynta waalidku waa axsaan loo aayo.
aabayn-ta: (magac, dhedig, keli) samo iyo wanaag abaabulid oo wanaajin. Umuurtii aad leedahay ninkii, kuu aabaynaaya. Dh: habayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafayn
m.dh eeg aafee. la-mid: aafeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, xanuun, xumaan ama dhibaato qabadsiin. Neefka cadhada leh gaar baa loo qoolaa si aanu xoolaha kale u aafayn. Dh: ibtilayn.