laxamay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxamay
(fal) hees laxan u samee, Midhihii waan sameeyee adna laxamay. Dh: laxanee, laxamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hees, laxan u samayn. Dh: laxamays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxamays
-ka: (magac, lab, keli) eeg laxamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laxaamad
(Laxaamad-da)
Macaadinta dhulka laga qodo jaad kamid ah oo birta aad uga jilicsan oo marka la kululeeyo dhaqaaqa oo biraha isku dhejiya; alxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxaamad
laxaamad¹: m.dh Macdan dhulka laga qodo, jaadad badan, jilicsan, oo marka la dhalaaliyo wax lagu alxamo.
laxaamad²: f.g1 (-day, -dday) Bir iyo wixi lamida alxamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laxaamad
laxaamad¹: m.dh Macdan dhulka laga qodo, jaadad badan, jilicsan, oo marka la dhalaaliyo wax lagu alxamo.
laxaamad²: f.g1 (-day, -dday) Bir iyo wixi lamida alxamid. m.f.dh, laxaamadid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laxaamad
Welding
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laxaamad
f. n., (mass n.): lead ~ tin solder
laxaamad v. solder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laxaamad
-ay / day: (v) solder (soodhar)- join or repair things with solder, welded (weel-didh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxaamad
(fal) bir jaban laxaamad ku kab. Labada birood isku laxaamad.
laxaamad -da: (magac, dhedig, keli) macdan kolka la dhalaaliyo biraha lagu kabo. Waa macdan dhulka laga qodo oo samays ahaan aad u jilicsan, marka la kululeeyo na dhalaasha oo biraha isku dhejisa. Dh: alxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxameyn
m.f.dh eeg laxamee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laama
* Nafley caanaleyda kammid ah, oo geela isku bah yihiin, oo ku dhaqanta Ameerikada Koofure. Waxay leedahay: sur dheer oo dhuuban, dhego dheerdheer iyo dhogor cumur ah oo dheer oo jilicsan. Waa la rartaa, oo hilibkeedaa la cunaa, dhogorteedana dhar baa laga samaystaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laama
m.dh (cilmiga naflayda) Naasley geela la bah ah oo aan kurus lahayn, lagana helo Ameerikada koofureed, leh sur dheer oo dhuuban, dhego dhaadheer iyo dhogor jilicsan, cufan oo dhaadheer oo la rarto, hilibkeedana la cuno, dhogorteedana dhar laga sameeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laama
m.dh (cilmiga naflayda) Naasley geela la bah ah oo aan kurus lahayn, lagana helo Ameerikada koofureed, leh sur dheer oo dhuuban, dhego dhaadheer iyo dhogor jilicsan, cufan oo dhaadheer oo la rarto, hilibkeedana la cuno, dhogorteedana dhar laga sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laama
f. n., [collective] llama
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laama
-ha: (magac, lab, keli) nafley caanaleyda ka mid ah, oo geela ay isku bahyihiin, oo ku dhaqan Ameerikada Koonfureed. Waxay leedahay sur dheer oo dhuuban, dhego dhaadheeer iyo dhogor cumur ah oo dheer oo jilicsan. Waa la rartaa oo hiibkeedaa la cunaa, dhogorteedana dar baa laga samaystaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laama
de: llama (South American animal) {Eng}
lx: laama
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: laama
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaamay
(tilmaame) meel carradeedu xuntahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalay
-da: (magac, dhedig, keli) meel haadaan ah; jar aad u dheer, meel qaw ah. Laandaaqa geeluba, laantii jarka u dhaw, intuu laac isleeyahay, saw laalayda kama dhaco. Dh: jar, haadaan, garbo, qaw, waraar, gebi, laalley.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LAFAAY
(Lafai) S Flueggea virosa (Willd) Voigt. Euphorbiaceae.
C,N Flueggea leucopyrus Willd. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lagama
pron. and preposition, neg. someone ... not from / about
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lagama
(adv) not (not)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lagama
de: someone ... not from / about = la + ka + ma
lx: lagama
ps: pro + prep + neg
key: lagama
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laxaad
(Laxaad-ka)
Lixaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxaad
m.l la-mid: lixaad.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laxaad
Magnitude
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laxaad
m. n., [collective] strength, force
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laxaad
-ka: (n) ability (abiliti)-, strength (ista-reength)-, power (paawar) ~ lixaad, awood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxaad
-ka: (magac, lab, keli) xubnaha lagu adeegto ee jidhka sida indhaha, lugaha iyo gacmaha. Dh: xubno.
laxaad -ka: (magac, lab, keli) tamarta wax lagu qabsado. Dh: xoog, itaal, tabar, baaxad, lixaad.
laxaad -ka: (magac, lab, keli) xoogga, dhererka ama qiimaha sugan ee xaddiga fisikis ama xisaabeed uu leeyahay kolka uu qarxo ama gariiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laxaad
bw: lexaad
de: strength, force
lx: laxaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
see: lixaad
key: laxaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laxaaf
(Laxaaf-ka)
Buste ama wax la mid ah, oo la huwado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laxaaf
m. n. blanket; coat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxaaf
-ka: (magac, lab, keli) busteiyo wixii la mid ah oo la huwado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laxaaf
cf: buste
de: blanket; coat
lx: laxaaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: laxaaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laxmar
(Laxmar-ka)
(xiddigo) Cadaad; galgaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxmar
m.l 1. Galgaal, cadaad (xiddigo). 2. Dheddig (xayawaan ama dad) oo dhalmo darro darteed la cayilay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laxmar
pr. n., loc. name of a star constellation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxmar
-ka: (magac, lab, keli) ururka xiddigo toddobo ah oo saddex is daba taal iyo afar urursan ah. Dh: cadaad, galgaal, lixo, urur, ido.
laxmar-ka: (magac, lab, keli) xiddig yar oo cas oo laxaha hortooda ku taal amah or socota.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laxmar
de: name of a star constellation
lx: laxmar
pd: (-ka)
ps: n0-loc-m
key: laxmar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haramay
fal) beer, haramaha ka gur; ka jar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laamayn
m.f.dh eeg laamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) badar la karinaayo laan ku walaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacagay
(fal) alaab iyo wixii la mid ah, iibi oo lacag ku doori. Dh: lacagee.
lacagay: (fal) (ku ~) ku qiimay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxamee
f.g2 (-meeyay, -meysay) (muus.) Laxan u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laxamee
f.g2 (-meeyay, -meysay) (muus.) Laxan u yeelid. m.f.dh, laxamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxamee
(fal) eeg laxamay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaramay
(fal) qaran engegan oo caleen ah kat dhig. Caleenta qaramay oo xoolaha u dhig. Dh: qaramee.
qaramay: (fal) hanti cidi gaar u leedahay wax dawladeed oo dadka ka dhexeeya ka dhig. Shirkadda qaramay Dh: qaramee.
qaramay -ga: (magac, lab, keli) xoog iyo qaro weyn oo qof haween ahi ay leedahay. Dh: kabaabul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xakamay
(fal) xakame geli; xakamaha ku xidh. Faraska xakamay oo degdeg u fuul. Dh: xakamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxamaysan
(tilmaame) hees laxankii loo sameeyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalaxay
(fal) madhi oo wax ba ha reebin. Tuugadu bangiga way alalaxaysay oo waxba kagama tegin. Dh: alalaxee, alalixi.
alalaxay: (fal) cid kale, si cagajiid iyo dandannaani ah u socodsii. Dh: alaalixi, alaalaxee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darxumay
(fal) xumee oo dhibaato iyo rafaad ku rid. Dh: darxumee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramayr
-ka: (magac, lab, keli) biyaha lagu faraxasho; biyaha lagu faradhaqdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamay
(fal) si farsamo leh u samay; si tab iyo xeelad leh u suubbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haramayn
(Haramayn-ta)
Beerta haramaha ka limid, ka jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haramayn
m.f.dh eeg haramee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haramayn
-ta: (magac, dhedig, keli) beer haramaha ka gurid; beerta haramaha ka jarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haramays
-ka: (magac, lab, keli) eeg haramayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) karaamo u yeelid oo xurmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaqayd
m.l Maro laba qayd ka kooban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacagayn
-ta: (magac, dhedig, keli) alaab iyo wixii la mid ah oo gardax ah, iibin oo lacag ka dhigid. Dh: lacagays.
lacagayn -ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) inta uu shey lacag ku noqonayo, ku qiimayn. Dh: lacagays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacagays
-ka: (magac, lab, keli) eeg lacagayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladqabay
(fal) «soo heshiisii labo dhinac oo xurgufi u dhaxayso. Aabbo ladqabay xurguftii labada reer. Dh: dhexdhexaadi, maslax, ladqabee.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lakabaya
Rationalisation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxooxay
(fal) budo biyo lagu qooshay oo la ganaanay, dub oo laxoox ka dhig. Daqiiqda qamadiga noo laxooxay. Dh: laxooxee, kimisee, kidaaree, canjeeree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxammas
maxammas¹: m.l.kh M. ah: bunka beerkisa marka inta la dubo la tumo ee uu daqiiq noqdo.
maxammas²: f.g1 (-say, -stay) Bun beerkii iyo qasharkii dubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maxkamad
(Maxkamad-da)
Aqalka ama meesha garta lagu naqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxkamad
m.dh (-do, m.l) 1. Hoy dacwadda lagu qaado. 2. Xukun hab dawli ah loo qaado. 2. Dadka xukunka qaada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maxkamad
m.dh (-do, m.l) 1. Hoy dacwadda lagu qaado. 2. Xukun hab dawli ah loo qaado. 2. Dadka xukunka qaada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxkamad
f. n. court of law, courthouse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maxkamad
-da: (n) court (koort); courthouse (koort-haaws)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxkamad
-da: (magac, dhedig, keli) meesha dacwadaha lagu qaado ee dadka loogu kala garsooro. Dh: geed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxkamad
bw: Arabic
de: court of law, courthouse
lx: maxkamad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: maxkamad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
maxkamad
مَحْكَمَة
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaramayn
-ta: (n) nationalisation (na-shi-naa-lizeey-shin), also nationalization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaramayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qaranku leeyahay oo dadku wadaago ama ka dhexeeya ka dhigid. Dh: qaramays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaramays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaramayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardamay
(fal) dhibaato gaadhsii; waxyeello u geyso. Ninka ku qardameeya adna gardamay. Dh: qardamee, luggoo, dibindaabyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sasamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sasab ku samayn; sabaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walamlay
(fal) kolba is melmel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xakamayn
(Xakamayn-ta)
Xakame gelin, ku qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xakamayn
m.f.dh eeg xakamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xakamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xakame ku xidhid. Faraska xakamayn la'aan ma hoggaamin karaysid.
xakamayn -ta: (magac, dhedig, keli) socodkiisa yarayn oo xad uu ku dhaqdhaqaaqo u yeelid. Dh: xakamays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xakamays
-ka: (magac, lab, keli) eeg xakamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xamxamaa
(Xamxamaa-ga)
Geed-quwaax xabagtiisa la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamxamaa
m.l Geed-quwaax xabagtiisa la cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xamxamaa
m. n. plant species, with an edible resin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamxamaa
-ga: (magac, lab, keli) geed xabagtiisa la cuno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xamxamaa
cf: xabag
de: plant sp., with an edible resin
initial: x
lx: xamxamaa
pd: (-ga)
ps: n-m
key: xamxamaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alma'almay
-da: (magac, dhedig, keli) labo sawir oo caag iyo wax kale ba ka smaysan oo lagu metaalo in ay xaas yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alma-almay
m.dh Cucub ama lucbad ay ilmuhu ku cayaaraan oo qaab aroosad leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laxaamad_1
bw: Arabic
de: lead ~ tin solder
hm: 1
lx: laxaamad
pd: (-da)
ps: n1-f-mass
syn: alxan
key: laxaamad_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laxaamad_2
de: solder
hm: 2
lx: laxaamad
pd: (laxaamaday)
ps: v1=
key: laxaamad_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laxaamadan
Laxaamad iskula dhegsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxaamadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la alxamay ahaansho (bir iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laxaamadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la alxamay ahaansho (bir iyo wixi lamida). m.f.dh, laxaamadnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laxaamadan
der. [adjective] soldered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laxaamadan
-laxaamadnaa: (adj) soldered (soodharidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxaamadan
(tilmaame) wax laxaamad lagu kabay ah; wax la isku laxaamaday. Makiinad laxaamadan ayaa la innaga iibshay. Dh: alxaman, dhalaashan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laxaamadan
de: soldered
lx: laxaamadan
ps: adj-der
key: laxaamadan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laxaamadid
(Laxaamadid-da)
Laxaamad iskula dhejin.