lawlabid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lawlabid
-da: (magac, dhedig, keli) si foolxun u cataabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lawlawid
m.f.dh eeg lawlaw².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlgabid
m.f.dh eeg hawlgab². la-mid: hawlgebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlgabid
-da: (magac, dhedig, keli) qof hawlgab ah noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala baxsanaa duuduubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laabid
(Laabid-da)
Wax kala baxsan ama fidsan isku soo celin, isku soo rogid; (soo laabid) soo qalloocin; dib u soo celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabid
m.f.dh eeg laab4. la-mid: laabis², laabniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala baxsan ama fidsan isku celin; isku soo rogid. Dh: laabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lawlab
(fal) si foolxun u caataw.
lawlab -ka: (magac, lab, keli) itaalxumo la isku dumo gabaw dartii. Haddaan luqunta taagi jiray haatan lawlab baan ahay.
lawlab -ka: (magac, lab, keli) qof aan qummanayn oo wax isdaba weydaarsha; qof aan dhaqan toosan lahayn.
lawlab -ka: (magac, lab, keli) catow iyo hantaatac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jawaabid
(Jawaabid-da)
1. Xoolo la shuba hayo, ku heesid.
2. Wax lays weyddiiyey, hadal ka celin; waxkadhihid; kadhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawaabid
m.f.dh eeg jawaab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawaabid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal hore, jawaab ka celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawkabid
(Kawkabid-da)
Kawkab wax yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawkabid
m.f.dh eeg kawkab². la-mid: kawkab¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawkabid
-da: (magac, dhedig, keli) kawkabid oo wax yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laclacid
m.dh eeg laclac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Layaabid
(Layaabid-da)
Yaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ka fajacid oo la amakaagid. Dh: irkigid, ashqaraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawlalid
m.f.dh eeg qawlal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawqabid
m.dh la-mid: qabaanqabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawqabid
-da: (magac, dhedig, keli) cunt dusheeda si qalbiqaatan ah u qaylyid oo hadala la fahmayn ku habqamid. Dh: qawqamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawaabid
m.f.dh eeg sawaab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawaabid
-da: (magac, dhedig, keli) sawaab siin; ajar siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawlacid
m.f.dh eeg sawlac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawlaxid
m.f.dh eeg sawlax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yawyabid
(Yawyabid-da)
Baryo foolxun oo yawyab ah, cid ku baryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yawyabid
m.f.dh eeg yawyab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yawyabid
-da: (magac, dhedig, keli) si xun u baryootamid. Yawyabidda qaarkeed baa sii foolxun. Dh: yadaadumid, yaanya'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laablaabid
(Laablaabid-da)
Dhawr jeer isku laabid; duudduubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laablaabid
m.f.dh eeg laablaab². la-mid: laallaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laablaabid
-da: (magac, dhedig, keli) mar wax ka badan isku duuduubid; dhawr jeer isku celcelin. Dh: laablaabis, laalaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laallaabid
m.dh la-mid: laablaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caalgabid
(Caalgabid-da)
Maaro iyo itaal waayid: quusasho; axgabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalgabid
m.f.dh eeg caalgab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalgabid
-da: (magac, dhedig, keli) maaro iyo itaal loo waayo talo iyo arrin la hayay. Dh: quusasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalqabid
-da: (magac, dhedig, keli) cudurka caalka qabid. Dh: caalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaabid
-da: (magac, dhedig, keli) dal shisheeye oo la tago. Dh: dhuyaalid, dalaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hallaabid
(Hallaabid-da)
1. Xoolo ama alaabo aan la aqoon meel ay aadeen ama jiraan; baxsasho; lumid.
2. Waxyeello gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hallaabid
m.f.dh eeg hallow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallaabid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo ama alaabo meel lagu ogaa ka waayid iyadoon sababta maqnaashana la garanayn. Dh: baadiyow, lumid, dhumid, waayid. Li: helid.
hallaabid-da: (magac, dhedig, keli) wax xumaaday noqosho. Dh: kharribmid, xumaad, cilladaysasho, caddilmid, kharribnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlgebid
m.dh Si dhakhdo ah oo kala daadsanaani ku jirto u socosho. la-mid: hawlgabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaabad
-ka: (magac, lab, keli) wax iska fidsanaa laalaabasho. Dh: duudduubad, duuduubasho.
laalaabad -ka: (magac, lab, keli) kolba noqosho iyo warwareeg: laabad oo haddana soo noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaadid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ka lulasho. Dh: lulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lallabood
m.f.l eeg lallaboo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lallabood
m.f.l eeg lallaboo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lallabood
-ka: (magac, lab, keli) lallabo dareen; yaqyaqsood; laqanyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tallaabid
(Tallaabid-da)
Meel (webi, waddo, kd.) babac uga gudbid, ka tallaabsasho, goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tallaabid
m.f.dh eeg tallaab. la-mid: tillaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaabid
-da: (magac, dhedig, keli) xuduud, waddo, tog iyo wixii la mid ah; dhinaca kale u gudbid. Dh: gudbid.
tallaabid-da: (magac, dhedig, keli) habka ay xooluhu isku rimiyaan. Dibigu saca wuu tallaabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laablaabmid
m.f.dh eeg laablaaban¹. la-mid: laallaabmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laallaabmid
m.dh la-mid: laablaabmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laballaabid
(Laballaabid-da)
(wax) Labo isugu laabid, isugu jebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laballaabid
m.f.dh eeg laballaab². la-mid: labalaab¹, labanlaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballaabid
-da: (magac, dhedig, keli) tiro labo jeer isku darid; tiro, in kale oo le'eg ku darid. Dh: labanlaabid.
laballaabid -da: (magac, dhedig, keli) maro ama wax kale, labo jeer isugu laabid, isugu jebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labanlaabid
m.dh la-mid: laballaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labid
(Labid-da)
1. Wax kala jaad ah isku dhex darid, isku qasid, isku walaaqid.
2. (arrin, kd.) wax murugsan ka dhigid, wareer gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labid
labid¹: m.dh la-mid: isdhexgal.
labid²: m.f.dh eeg lab².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labid
vl. n. mixing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labid
-da: (n) the act of mixing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labid
-da: (magac, dhedig, keli) labo waxood oo la isku daray, isku walaaqid oo is dhexgelin. Dh: walaaqid, qasid.
labid-da: (magac, dhedig, keli) arrin iyo wixii la mid ah, wax murugsan ka dhigid: wareerin oo xasilaad u diidid. Dh: walaaqid, qasid, arbushid, labis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labid
de: mixing
lx: labid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: labid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalab
(fal) reer guuraya, ogaysiiskii ugu danbeeyay sii.
lalab -ka: (magac, lab, keli) si guud wax iskugu sheegid ama wax ugu yaboohid.
lalab -ka: (magac, lab, keli) ogaysiiska ugu danbeeya ee reerka guuraya loo sheego wakhtiga la geeddigalayo. Dh: tuurtuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lalid
(Lalid-da)
Hawada dhexdeeda marid; duulid; bidid; heehaabid; buubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalid
m.f.dh eeg lal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalid
-da: (magac, dhedig, keli) hawada dhexdeeda marid. Dh: duulid, bidid, haadid, heehaabid, lalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ababid
(Ababid-da)
Yaraanta iyo korriimada hore, wax ku barasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ababid
m.f.dh eeg abab². la-mid: abaab¹, abaabid, abaabis, abab¹, ababis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ababid
vl. n. teaching (of the very young)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ababid
-da: (magac, dhedig, keli) daaqbarashada xoolaha yaryar. Dh: daaqbarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ababid
de: teaching (of the very young)
lx: ababid
pd: (-da)
ps: vn2-f, vn1-f
key: ababid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alalid
m.f.dh eeg alal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalid
-da: (magac, dhedig, keli) arooridda geela ee meel fog oo aroorta hore la kallihiyo.
alalid -da: (magac, dhedig, keli) taah iyo jibaad; cod dheer oo la maqlo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awlaad
m.dh 1. eeg weled. 2. Carruur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
awlaad
m.dh 1. eeg weled. 2. Carruur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
awlaad
f. n., pl. children, offspring, sons and daughters
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
awlaad
-da: (n) children (jiil dareeri)-, sons or daughters; offspring ~ carruur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awlaad
-da: (magacwadareed) carruur; ilmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
awlaad
bw: Arabic
de: children, offspring, sons and daughters Sg: waled
lx: awlaad
pd: (-da)
ps: n8-f-pl
key: awlaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabid
-da: (magac, dhedig, keli) fal qofka ruuxiisa dhiba ku akhriyid; girigiri u samayn; sixir iyo wax xun u qabad. Baabiddu waa xaaraan. Dh: sixrid, baabis, qataarid, falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bawlad
m.dh (-do, m.l) Lacag sarrif ah oo waa hore la isticmaali jiray oo qiimaheedu u dhigmo rubbiyad afar meel loo dhigay meesheed. la-mid: bawlo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawlad
-da: (magac, dhedig, keli) tiro lacageed oo dhan gambo oo u dhiganta sentis. Bawlad timir ah iga iibi, beryahan maan cunine.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caabid
(Caabid-ka)
Qof cibaado badan; taqi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabid
caabid¹: m.l (-diin/-dyo, m.dh) C. ah: qof muslin ah oo diinta sida ay tahay ugu dhaqma. la-mid: caabud¹.
caabid²: f.g1 (-day, -dday) Ilaah u tukasho ama ka cabsasho. la-mid: caabud².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caabid
f.g1 (-day, -dday) Ilaah u tukasho ama ka cabsasho. m.f.dh, caabidid. la-mid: caabud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caabid
m. n. worshipper, believer, devotee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabid
-ka: (magac, lab, keli) qof cibaado badan. Dh: caabud, taqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caabid
bw: Arabic
cf: caalin
de: worshipper, believer, devotee
lx: caabid
pd: (-ka Pl: caabidiin (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: caabid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawlid
-da: (magac, dhedig, keli) midab cawl ah, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daabid
(Daabid-da)
Daab la qabto u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabid
m.f.dh eeg daab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax daabi ku dhacday oo buka noqosho. Nirgaha daabidda ka ilaaliya. Dh: daabis.
daabid-da: (magac, dhedig, keli) gudun, billaawe. taki, dongore iyo wixii la mid ah, daab u samay. Dh: daabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalbid
(Dalbid-da)
Doonid; weyddiisasho, rabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalbid
m.f.dh eeg dalab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalbid
-da: (magac, dhedig, keli) doonitaanka wax aad rabtid. Dh: rabid, codsad, weyddiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawlad
(Dawlad-da)
Dowlad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawlad
m.dh (-do, m.l) 1. Dal, dad ku noolyahay, leh calan iyo xuduud caalamku u aqoonsanyahay. 2. Inta haysa maamulka sare ee qaran. la-mid: dowlad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawlad
m.dh (-do, m.l) 1. Dal, dad ku noolyahay, leh calan iyo xuduud caalamku u aqoonsanyahay. 2. Inta haysa maamulka sare ee qaran. la-mid: dowlad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawlad
f. n. government, state
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dawlad
-da: (n) government (gavar-ment); governance (gavar-nansi); regime (ri-jiim) ~ xukuumad, talis,
dawlad: —dawladaha: (n) governments (gavar-mentis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawlad
-da: (magac, dhedig, keli) xukuumad meel ka talisa oo madax iyo wasiirro ka kooban.
dawlad -da: (magac, dhedig, keli) qaran iyo maamul isu taliya oo madax bannaan. Dawladxumo dawlad la'aan bay dhaantaa.