laqmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqmo
(Laqma-da)
Dhallinyaro ahaan ku dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqmo
laqmo¹: m.l 1. Rabsho badan (qof dhallinyar). 2. Dhallinyaro ahaan ku dhimasho.
laqmo²: f.mg3 (-maday, -matay) Qof da' yaraan ku dhimasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqmo
f. n. premature death, dying young
laqmo v. die prematurely
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqmo
-da: (magac, dhedig, keli) dhalliinyaro ahaan ku dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqmo
f.mg3 (-maday, -matay) la-mid: danqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqmo
(fal) dhaawac ama meel horay kuu bugtay oo la waxyeelleeyey darteed xanuunso. daqnad -ka: (magac, lab, keli) meel horay u bugtay dhaawac cusub gaadhid. Dh: damqad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laamo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg laama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalmo
f.mg3 (-maday, -matay) Wax laallaada noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lalmo
f.mg3 (-maday, -matay) Wax laallaada noqosho. m.f.dh, lalmasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lalmo
v. be suspended, hang down, dangle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalmo
(fal) hawada ka soo laadlaadsan oo wax lusha noqo. Dh: laadlaadsanaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lalmo
de: be suspended, hang down, dangle
lx: lalmo
pd: (lalmaday)
ps: v3a=intr
key: lalmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lammo
(Lamma-da)
Labo sarood oo lo'aad oo isku midab ah iyo sar saddexaad oo midab kale ah oo iyagoo si farsamo ah isugu dhafan, laysku tolo oo mid laga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lammo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Laba maqaar lo'aad oo isku midab ah iyo maqaar saddexaad oo ka midab duwan oo inta si farsamaysan laysugu dhafo, laysku tolo oo mid laga dhigo. 2. la-mid: labo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lammo
num. two
lammo [feminine] n. hides sewn together as a mat, two of the same color and a third contrasting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lammo
-lammada: (n) two (tuu); couple (kapol) labo. Ex: lammo maalmood; two days
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lammo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg lammallo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqbo
(Laqba-da)
Kutubta diinka ah oo Carabiga ku qoran, fasirka wadaaddadu Af-Soomaali ku fasiraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqbo
m.l/dh Fasiridda wax kutub ku qoran la fasiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laqbo
m.l/dh Fasiridda wax kutub ku qoran la fasiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqbo
f. n. sacred text translated from Arabic into Somali
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laqbo
de: sacred text translated from Arabic into Somali
lx: laqbo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: laqbo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leqmo
-da: (magac, dhedig, keli) in kol afka la geliyo oo la leqi karo. Dh: liqmo, leqdin, leqmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liqmo
(Liqma-da)
Liqdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqmo
m.dh (-ooyin, ml.) 1. Wax hal mar la liqi karo. 2. Dheef aad u yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liqmo
f. n. swallow, mouthful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liqmo
-liqmada: (n) swallow (iswaaloow). Ex: laba liqmo: two swallows
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqmo
-da: (magac, dhedig, keli) cunto in hal mar ah cunaha la mariyo. Liqmada Eeboow noo shifee. Dh: kabbasho, luqmad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liqmo
a: liqdin
de: swallow, mouthful
lx: liqmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: liqmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqmo
m.dh la-mid: luqmad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luqmo
f. n. mouthful
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luqmo
a: luqmad
de: mouthful
lx: luqmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: luqmo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhallinyaro
cf: laqmo
de: youth; young person ~ people
lx: dhallinyaro
pd: (/da)
ps: n6-f(col)
syn: shabaab
key: dhallinyaro
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laqmo_1
de: premature death, dying young
hm: 1
lx: laqmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: laqmo_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laqmo_2
de: die prematurely
hm: 2
lx: laqmo
pd: (laqmaday)
ps: v3b=intr
see: laqan
key: laqmo_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqmo
m.dh Hab wax loo dhaqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqmo
(fal) eeg dhaqdhaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqmad
m.l la-mid: laqmasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqmad
-da: (magac, dhedig, keli) dhallinyaro ku dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqmid
m.f.dh eeg laqan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof buka oo dhimasho looga bagayo, tawxiidka u marin, u akhriyid.
laqmid-da: (magac, dhedig, keli) hadal, farriin iyo wixii la mid ah oo qof la farayo, siduu u odhan doono, ugu celcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqmasho
m.f.dh eeg laqmo. la-mid: laqmad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqmasho
-ha: (magac, lab, keli) qof dhallinyaranimo ku dhintay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqo
f.mg3 (-qday, -qatay) Nafley cunto iyo biyo la'aan dartood u wax yeelloobid. la-mid: caqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqo
v. starve to death, die of starvation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqo
(fal) harraad iyo gaajo u dhimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqo
de: starve to death, die of starvation
lx: aqo
pd: (aqday)
ps: v3b=intr
key: aqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laq
f.g1 (-qay, -qday) la-mid: liq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laq
v. swallow
laq v. sink, drown
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laq
-ay/day: (v) swallow (iswaalow) ~ liq, dhunji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laq
(fal) wax liq; hunguriga wax mari.
laq-a: (magac, lab, keli) curdin yar oo soo koraya. Dh: laqan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
almo
-da: (magac, dhedig, keli) barmiilka badh ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqbo
m.dh la-mid: abqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqbo
-da: (magac, dhedig, keli) mudho ka baxa dhirta qaarkeed sida qudhaca, maraaga iyo galoolka. Dh: abqo, qabco, dhaameel, dheemaal, geydhe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoo
f.g3 (yaqaan, taqaan; yiqiin, tiqiin/aqooday, aqootay) Wax hore loo kasayey muddo dambe dib u garasho. Tusaale: “Hashi iga luntay ayaan geel ka aqooday”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aqoo
f.g3 (yaqaan, taqaan; yiqiin, tiqiin/aqooday, aqootay) Wax hore loo kasayey muddo dambe dib u garasho. Tusaale: Hashi iga luntay ayaan geel ka aqooday. m.f.dh, aqood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoo
(fal) garo; fahan.
aqoo: (fal) (u ~) wax aad diiddanayd qir; cid kale u garawso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqso
m.dh la-mid: asqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqso
f. n. strong thirst
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqso
-aqsada: (n) extreme thirst ~ asqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqso
-da: (magac, dhedig, keli) harraad iyo oon daran.
aqso-da: (magac, dhedig, keli) garanwaaga jahada loo socdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqso
de: strong thirst
lx: aqso
pd: (/da)
ps: n-f
see: asqo
key: aqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asmo
(Asma-da)
Duco gaar ah oo magacyada Ilaah ka kooban, oo wax lagu habaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asmo
m.dh (-ooyin, m.l) Duco gaar ah oo wax lagu habaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asmo
m.dh (-ooyin, m.l) Duco gaar ah oo wax lagu habaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asmo
f. n. curse, malediction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asmo
-asmada: (n) words believed to have magic power; spell (ispeel) ~ aweyti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asmo
-da: (magac, dhedig, keli) farsamo carruurta xoga leh looga daweeyo oo dhib badan. Asmadu waa farsamo xanuunka daran oo laga wanaagsan yahay.
asmo-da: (magac, dhedig, keli) duco gaar ah oo lagu habaartamo.
asmo-da: (magac, dhedig, keli) calaalad iyo amaaro muuqata.
asmo-da: (magac, dhedig, keli) xanuun ku dhaca neef mareennada oo lala qufaco. Dh: aasmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asmo
cf: habaar
de: curse, malediction
lx: asmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: asmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqo
(Baqa-da)
Saamayska wax cabsi lihi keeno; cabsi; carar; (ama baqe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqo
baqo¹: m.l la-mid: baqasho.
baqo²: f.mg3 (-qday, -qatay) Ka b.: baqdin awgeed meel lagu sugnaa ka tegid; wax ka cabsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baqo
f.mg3 (-qday, -qatay) Ka b.: baqdin awgeed meel lagu sugnaa ka tegid; wax ka cabsasho. m.f.dh, baqasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqo
v. fear for oneself; flee from danger
baqo: vl. n. fear, flight from danger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baqo
-baqday / baqatay: (v) 1. become afraid; frighten (faraayten) run away, as from trouble or danger; flee (filii)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqo
(fal) cabsi iyo argaggax qaad. Budcadda bannaanka joogtaan ka baqayaa. Dh: cabso.
baqo: (fal) goob aad degganayd ama joogtay cabsi uga guur; geeddi cabsi ku jirto guur. Beeshii xalay ba way baqatay. Dh: carar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqo
f.mg3 (-qday, -qatay) la-mid: aqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqo
v. starve to death, die of starvation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caqo
-caqday / caqatay: (v) starve (staarv); make someone hungry and thirsty ~ aqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqo
(fal) oon, harraad, dhanqalan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqo
a: aqo
de: starve to death, die of starvation
lx: caqo
pd: (caqday)
ps: v3b=intr
key: caqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqo
(fal) meel iskaa u qodo. Dh:qodo. Li: aaso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haqo
f.mg3 (-qay, -qday) Haq u dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamo
f.g3 (-antay, -amatay) Si aad ah wax u jeclaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jamo
f.g3 (-antay, -amatay) Si aad ah wax u jeclaysasho. m.f.dh, jamasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jamo
v. desire, want for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jamo
-jantay / jamatay: (v) yearn (yeen), long (loon), pine (paayn), hanker (hangker) ~ u xiis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamo
(fal) doon oo jeclow waxaad rabtid. Dh: jeclow. Li: necbow.
jamo: (fal) haweenay, jeclow oo niyadda gali, ilaa laguu keenana ha umulin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jamo
de: desire, want for oneself
lx: jamo
pd: (jantay / jamatay)
ps: v3b=tr
key: jamo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamo
(fal) hadalhay oo majeero mar walba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laam
m.l la-mid: laan¹ (4).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laam
m. n. L [letter of the Arabic alphabet.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laam
bw: Arabic
de: L [letter of the Arabic alphabet]
lx: laam
pd: (-ka)
ps: n4-m
see: laan
key: laam
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labo
(Laba-da)
Tirada kowda iyo saddexda u dhexaysa; mid iyo mid laysku daray; (2). (ama laba).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labo
labo¹: m.dh.t 1. Tirada kowda iyo saddexda u dhexeysa; “2”. 2. Labadaba. Tusaale: “Labadaba way fiicanyihiin”.
labo²: f.g3 (-btay, -batay) Wax qasasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labo
labo¹: m.dh.t 1. Tirada kowda iyo saddexda u dhexeysa; '2'. 2. Labadaba. Tusaale: Labadaba way fiicanyihiin.
labo²: f.g3 (-btay, -batay) Wax qasasho. m.f.dh, labasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labo
num. two; both
labo v. stir something for oneself, mix something for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labo
-labada: (n) two (tuu); couple (kapol) ~ lammo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labo
-da: (magac, dhedig, keli) tirada u dhaxaysa kow iyo sadddex. Labo biyo hoostood iska herdiday iyagaa is og. Dh: lamma, 2, II.
labo: -da: (magac, dhedig, keli) tirada kowda iyo saddexda u dhexaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lafo
(Lafa-ha)
Raasammaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafo
m.l (dhaq.) Lacagta hore ee ganacsiga la geliyo; raasamaal.