laqmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqmid
m.f.dh eeg laqan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof buka oo dhimasho looga bagayo, tawxiidka u marin, u akhriyid.
laqmid-da: (magac, dhedig, keli) hadal, farriin iyo wixii la mid ah oo qof la farayo, siduu u odhan doono, ugu celcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wax kale la jaad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqid
m.dh la-mid: liqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqmid
m.dh la-mid: danqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
la mid
n. phr., [expression] equal to ~ the same as something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
la_mid
de: equal to ~ the same as s.t. See also: lammid
lx: la mid
ps: np-expr
key: la_mid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labmid
m.f.dh eeg laban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax laban noqosho oo qasmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lammid
(la + mid)
Aan ka duwaneyn; u eg; la mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lammid
adj., [expression] equal, the same as
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lammid
de: equal, the same as
lx: lammid
ps: adj-expr
see: mid
key: lammid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqmad
m.l la-mid: laqmasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqmad
-da: (magac, dhedig, keli) dhallinyaro ku dhimasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laqan
laqan¹: m.l 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan. 2. Geerida ku timaad qof dhalinyaro ah. 3. Shaah ama kafee lagu daray cabbitaan kale oo adag.
laqan²: f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan noqosho. 2.Da' yaraan ku dhimasho. m.f.dh, laqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqmid
(Dhaqmid-da)
1. Dhaqan wanaagsan ku sugnaan.
2. Mayrmid; qasaalmid, liin bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqmid
m.f.dh eeg dhaqan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhaqan oo jira ahaan; tarmid oo badasho. Dhulka badhbaa dhaqmidda lo'da ku habboon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabmid
m.f.dh eeg laaban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax laaban noqosho.
laabmid -da: (magac, dhedig, keli) meeshii aad ka soo tegtay, ku noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laalmid
m.f.dh eeg laalan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel sare ku soo xidhmay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqinid
(Laqinid-da)
1. Qof wax la barayo, wax uu baraha ka dabo yiraahdo, u marin.
2. Qof buka oo dhimasho looga yaabayo ashahaadada u marin, u akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqinid
m.f.dh eeg laqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqinid
-da: (fal) (u ~) qof sakaraadkii hayo, tawxiidka u qabasho.
laqinid -da: (magac, dhedig, keli) u jilcin oo u macnayn. Qur'aanka laqinid baa lagu bartaa. Dh: barid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqmid
m.f.dh eeg saaqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax oogada wada gaaray noqosho.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
amid
/eeymid/ (prep) dhaty, dhattis. The house stood amid the big trees.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
amid
amidst, among, amongst, ad., dhex, dhexda.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
laid
laid, adj. - Foolxun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
axmid
m.f.dh eeg axan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
axmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof geeriyooday, aaskiisa xoolo ku dulqalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqid
m.dh la-mid: biqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqid
-da: (magac, dhedig, keli) caano, baq noqsho; caano xumaansho. Baqidda caanaha ka ilaasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Damid
(Damid-da)
Dhammaansho; soo yaraansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damid
m.f.dh eeg dąn. la-mid: demid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damid
-da: (magac, dhedig, keli) ololkii joojin oo bakhtiyid. Dab dabayli shidayso damid ha ka sugin. Dh: damis, bakhtiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqmi
f.lg2 (-iyay, -isay) la-mid: danaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqmi
-da: (magac, dhedig, keli) meel horay u bugtay dhaawac cusub gaadhsii. Dh: danqi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faqid
(Faqid-da)
Fiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqid
m.f.dh eeg faq². la-mid: fiqid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faqid
-da: (n) the act of speaking quietly and privately
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqid
-da: (magac, dhedig, keli) (la ~) hoos wax isugu sheegid; gaar is ula bixid; la xanshaashiqid. Dh: fagid, qodid.
faqid-da: (magac, dhedig, keli) meel qodis. Godka faqiddiisa ha dheerayn. Li: aasid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faqid
de: secret consultation
lx: faqid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: faqid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamid
m.dh la-mid: ganid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad jeclayd, ka xiisadhicis oo noqnoqoshadiisa nicid; ka daalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haqid
-da: (magac, dhedig, keli) xaq wixii uu lahaa siin. Dh: haqsiin, xaqsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaqid
(Jaqid-da)
Afka wax ku nuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqid
m.f.dh eeg jaq².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaqid
-da: (n) act of sucking ~ nuugid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere afka ku nuugid. Dh: nuugida.
jaqid -da: (magac, dhedig, keli) nuugitaanka dareere meel ku jira sida naas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laami
(Laami-ga)
Wax sida cinjirka u culus oo u adag oo madow oo dufan ku jiro; wax laga sameeyo qoryaha iyo dhuxusha iyo lafaha, kd., iyo wax dhulka laga qodo ama betrolka gufarkiisa laga soo saarona waa lee yahay; jaadkaan danbe waxtarkiisa waxaa kamid ah dhismaha waddooyinka iyo meelaha dayuuraduhu fariistaan; daamir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laami
laami¹: m.l (-iyo, m.dh) Gufar madow oo ka hara badroolka, dhuxusha iyo wixi lamida oo lagu sameeyo waddooyinka.
laami²: f.g2 (-iyay, -isay) Badar karsamaya walaaqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laami
m.l (-iyo, m.dh) Gufar madow oo ka hara badroolka, dhuxusha iyo wixi lamida oo lagu sameeyo waddooyinka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laami
v. stir a pot
laami m. n., (mass n.): asphalt, tarmac, bitumen, macadam blacktop
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laami
-ga: (n) tarmac (taarmaak); asphalt (aasfoolt); blacktop (balaak taap) ~ daamur. Ex: jid laami ah; a tarmac road
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laami
-ga: (magac, lab, keli) dhoobada ka soo hadha saliidda qeedhiin, ka dib kolka shidaalka laga saaro. Waa dhoobo adag oo sida cinjirka u culus, midab madow iyo dufan na leh. Waxa lagu sameeyaa dhismaha waddooyinka iyo gegiyada dayuuradaha. Dh: daamur.
laami -ga: (magac, lab, keli) waddo daamur lagu dhisay oo la adkeeyay. Laamiga mas baa la moodaa, waa runtaa oo waa la moodaa. Dh: waddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labid
(Labid-da)
1. Wax kala jaad ah isku dhex darid, isku qasid, isku walaaqid.
2. (arrin, kd.) wax murugsan ka dhigid, wareer gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labid
labid¹: m.dh la-mid: isdhexgal.
labid²: m.f.dh eeg lab².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labid
vl. n. mixing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labid
-da: (n) the act of mixing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labid
-da: (magac, dhedig, keli) labo waxood oo la isku daray, isku walaaqid oo is dhexgelin. Dh: walaaqid, qasid.
labid-da: (magac, dhedig, keli) arrin iyo wixii la mid ah, wax murugsan ka dhigid: wareerin oo xasilaad u diidid. Dh: walaaqid, qasid, arbushid, labis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labid
de: mixing
lx: labid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: labid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ladid
(Ladid-da)
1. Ledid.
2. (isku ladid) u hagarbixid la'aan; fududaysasho; sahlasho; dacdarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladid
m.f.dh eeg lad. la-mid: ledid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladid
-da: (magac, dhedig, keli) si deggenaansho ku jiro u gam'id. Dh: ledid, ladis.
ladid-da: (magac, dhedig, keli) fudaydsiga hawl ay ahayd in la qabto. Dh: dhayalsi, fududaysad, dacdarrayn, sahlasho, ledid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lalid
(Lalid-da)
Hawada dhexdeeda marid; duulid; bidid; heehaabid; buubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalid
m.f.dh eeg lal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalid
-da: (magac, dhedig, keli) hawada dhexdeeda marid. Dh: duulid, bidid, haadid, heehaabid, lalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalmi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax laallaadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lalmi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax laallaadin. m.f.dh, lalmin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lalmi
v. suspend, hang (up)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lalmi
-yey -say: (v) wave (weeyv); hang up; suspend (sas peendh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalmi
(fal) maro iyo wixii la mid ah, hawada dhex rux oo kolba dhinac u wad. Cabdow go'aaga lalmi si la innoo arko. Dh: lul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lalmi
de: suspend, hang (up)
lx: lalmi
pd: (lalmiyey)
ps: v2a=
key: lalmi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqin
f.mg1 (-nay, -ntay) 1. U l.: qof wax la barayo u meerin. 2. U l.:qof sakaraad ah oo in uu dhimanayo la moodo ashahaado u marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laqin
f.mg1 (-nay, -ntay) 1. U l.: qof wax la barayo u meerin. 2. U l.:qof sakaraad ah oo in uu dhimanayo la moodo ashahaado u marin. m.f.dh, laqinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqin
(fal) u macnee oo ugu celceli. U laqin Quraanka wiilka. Dh: macnee.
laqin: (fal) u hadal, farriin iyo wixii la mid ah oo aad qof faraysid, siduu u dhihi doono, ugu celceli, qaybsii.
laqin: (fal) u qof sakaraadkii hayo, tawxiidka u qabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqmo
(Laqma-da)
Dhallinyaro ahaan ku dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqmo
laqmo¹: m.l 1. Rabsho badan (qof dhallinyar). 2. Dhallinyaro ahaan ku dhimasho.
laqmo²: f.mg3 (-maday, -matay) Qof da' yaraan ku dhimasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqmo
f. n. premature death, dying young
laqmo v. die prematurely
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqmo
-da: (magac, dhedig, keli) dhalliinyaro ahaan ku dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqwi
(Laqwi-ga)
Hadal gef ah oo bareer loo yiraahdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqwi
laqwi¹: m.l Oraah diinta gef ku ah oo bareer loo yiraahdo.
laqwi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) Hadal diinta gef ku ah ku hadlid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laqwi
m.l Oraah diinta gef ku ah oo bareer loo yiraahdo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqwi
m. n. tactlessness, irreverent speech
laqwi: v. speak tactlessly ~ with irreverence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqwi
-ga: (magac, lab, keli) hadal dhacdhac iyo gef ah oo laga kaaftoomi karo: hadal aan loo baahnayn. Dh: bantookh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Larid
(Larid-da)
Wax, wax kale oo tiirsha ama bila, ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
larid
m.f.dh eeg lar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
larid
-da: (magac, dhedig, keli) wax, wax kale oo tiirsha ama bila, ku darid. Dh: ladhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leqid
-da: (magac, dhedig, keli) bad, ceel, webi iyo wixii la mid ah, dejin oo hoos u libdhin. Dh: leqis, qarqin.
leqid-da: (magac, dhedig, keli) afgelin oo jidiinka hoos ugu dejin. Dh: leqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Limid
(Limid-da)
Yaanbo ama qalab kale beer ku falid; beer, abuurid u darbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limid
m.f.dh eeg lin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
limid
-da: (magac, dhedig, keli) yaanbo ama qalab kale beer ku falid oo abuur u diyaarin ama geeda ka gurid. Dh: darbid, limis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liqid
(Liqid-da)
Wax la cuno ama la cabbo, jidiinka marsiin; dhunjin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqid
m.f.dh eeg liq. la-mid: laqid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Liqid
Annihilation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liqid
vl. n. swallowing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liqid
-da: (n) the act of swallowing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqid
-da: (magac, dhedig, keli) hunguriga wax marsiin oo caloosha u dhaadhicin. Liqiddii wasladda ayuu ku mergaday. Dh: ligis. Li: tufid.