laqbays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqbays
m.l la-mid: laqbayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labays
m.l la-mid: labayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labays
-ka: (magac, lab, keli) eeg labayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqbayn
(Laqbayn-ta)
Kitaab Carabi ku qoran, ardada iyo xerta, af-Soomaali ugu fasirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqbayn
m.f.dh eeg laqbee. la-mid: laqbays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhexdhexaadin laba dhinac ah oo heshiis laga dhex wado. Dh: laqdabayn.
laqbayn -ta: (magac, dhedig, keli) fasiridda iyo macnaynta ereyo aan Soomaali ahayn. Xilligan an joogno culimadii hore laqbayn lagu gaadhi maayo. Dh: macnayn. tafsiirin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laqbee
de: translate an Arabic text into Somali; explain ~ clarify (e.g., a religious text)
lx: laqbee
nt: laqbeyn (ta) [vn-f], laqbays (ka) [vn-m]
pd: (laqbeeyey)
ps: v2b=tr
key: laqbee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladqabays
m.l la-mid: ladqabayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ladqabays
vl. n. soothing ~ settling (a quarrel, negative questions)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladqabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg ladqabayn. ladqabee: (fal) cid kale, dhagar ku samee; mardabee; sir; laqdabee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ladqabays
a: ladqabayn (ta) [vn-f]
de: soothing ~ settling (a quarrel, negative questions)
lx: ladqabays
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: ladqabays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labay
(fal) tiro markii hore mid ahayd, labo ka dhig.
labay: (fal) tallan oo go'aan ka shaki.
labay: (fal) ilmo labaad dhal.
labay: (fal) labood dhal; dhedig mid aan ahayn dhal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqas
-ka: (magac, lab, keli) huurada iyo calyo afka lagu yeesho. Dh: huuro, laqash.
laqas -ka: (magac, lab, keli) uskag iyo boodh fuula qofka socotoda ah ama caruurtu kolka ay ciyaaraan. Lagaska iska soo maydh. Dh: wasakh, boodh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg aabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabays
-ka: (magac, lab, keli) dab u yeelis. Dabays badan weli umaad yeelin birtan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habays
(Habays-ka)
Habayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habays
m.l la-mid: habayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habays
vl. n. act of ordering, arranging
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habays
-ka: (n) the act of organizing; arrangement (a-reenjiment), organization (orgizaayshen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habays
-ka: (magac, lab, keli) qaab wax loo dhigo ama loo qorsheeyo laftiisa. Habayska ayaa markii hore idinka xumaaday. Dh: qaabays.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habays
de: act of ordering, arranging
lx: habays
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: habays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labayn
(Labayn-ta)
1. Labo ka dhigid.
2. Ilmo lab dhalid.
3. Tallamid; shakiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labayn
m.f.dh eeg labee. la-mid: labays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labayn
vl. n. masculinization {grammar}
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo ka dhig.
labayn -ta: (magac, dhedig, keli) labood dhalid. Dh: labays.
labayn-ta: (magac, dhedig, keli) tallamid ama go'aan ka shakiyid. Dh: labays.
labayn -ta: (magac, dhedig, keli) tiro markii hore hal ahayd, labo ka dhigid. Dh: labays, abadel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labayn
de: masculinization {grammar} (a feature of the Somali noun)
lx: labayn
pd: (-ta)
ps: vn0-f
see: labee
key: labayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafays
-ka: (magac, lab, keli) eeg lafayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libays
m.l (-syo, m.dh) (cilmiga naflayda) Insaym ay dhiijiyaan ganaca iyo qanjidhada mindhicirka yar ee lafdharleyda, kaas oo dedejiya burburinta duxda loo beddelayo asiidh duxeed iyo gilisarool.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

tabays
m.l la-mid: tabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cabbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambays
-ka: (magac, lab, keli) xagga danbe marid. Dh: danbays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbays
-ka: (magac, lab, keli) danbaynta wax loogu danbeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hambayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbays
-ka: (magac, lab, keli) eeg habayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalays
-ka: (magac, lab, keli) geed geedaha ku marma oo xooluhu cunaan. Daaraddayada laalays baa ka baxay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaysi
(Labaysi-ga)
Labaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaysi
m.l la-mid: labaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg labaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax la haystay, wax labaad ku darsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax la haystay, wax labaad ku darsasho. m.f.dh, labaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labayso
v.auto: have two; take two of something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labayso
(fal) wax aad horay hal uga qaadatay, mar labaad haddana biirso. Dh: lammado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labayso
de: have two; take two of s.t. for oneself
lx: labayso
nt: labaysad (ka) [vn-m], labaysasho (/da) [vn-f], labaysi (ga) [vn-m]
pd: (labaystay)
ps: v3b=auto
key: labayso
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
laquais
laquais, n.m. - soo dhaweeye dadka hotelaada kusoo daga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaaabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbays
-ka: (magac, lab, keli) shaqada barbaarinta lafteeda.
rabbays-ka: (magac, lab, keli) eeg rabbayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbays
m.l la-mid: sabbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbays
-ka: (magac, lab, keli) sabbayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqlays
m.l (-syo, m.dh) la-mid: saqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabays
-ta: (magac, dhedig, keli) xaabo gurasho. Meel magaalo ka fog ayaa xaabays lagu yagaan. Dh: qoryays, xaabays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqabaysan
(tilmaame) eray af kale laga soo amaahday oo Soomaaliyoobay. Dh: laqbaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaabaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg alaabaysad. alaabayso: (fal) aqal, xafiis ama wax kale, u alaab guro oo qalabayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaqibays
-ka: (magac, lab,, keli) eeg caaqibayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladqabayn
m.f.dh eeg ladqabee. la-mid: ladabays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladqabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kala maslixidda labo qof oo isku kacsan. Dh: dhexdhexaadin, ladqabays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqdabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhagrid oo khiyaanayn; mardabayn; sirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaabayn
m.f.dh eeg alaabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xafiis iyo wax la mid ah, qalab shaqo soo dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baybaysi
m.l la-mid: baybaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baybaysi
-da: (magac, dhedig, keli) dacwad aan wada run ahayn. Baybaysiga ha rumaysanin ee hubi waxan ku sheegay. Dh: bihinbihis.
baybaysi -ga: (magac, lab, keli) ku jeestayn ama ku tiiqtiiqsi. Baybaysiga iga daa. Dh: tiiqtiiqsi.
baybaysi -ga: (magac, lab, keli) oohin ama wax jeclaan aan run ahayn baruurteeda aadka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baybayso
f.g3 (-saday, -satay) Waalid sasabasho (carruur).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cabbaysad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabbayso
v. load (gun)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbayso
(fal) wax mug leh, buuxso, wax ku gur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabbayso
de: load (gun)
lx: cabbayso
pd: (cabbaystay)
ps: v3b=
key: cabbayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg Carabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg danabayn. danabaysan: (tilmaame) walax ama atam la danabeeyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqlays
m.l la-mid: dhaqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambaysi
m.l la-mid: gambaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg ganbaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambayso
f.mg3 (-stay, -satay) Gambo madax saarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gambayso
v.auto: put on a head-scarf ~ kerchief
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambayso
(fal) gambada xidho; gambo madaxa ku duubo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gambayso
de: put on a head-scarf ~ kerchief
lx: gambayso
pd: (gambaystay)
ps: v3b=auto
key: gambayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganbaysi
(Ganbaysi-ga)
Ganbaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ganbayso
v. wear a head kerchief, put on a woman's scarf
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ganbayso
de: wear a head kerchief, put on a woman's scarf
lx: ganbayso
nt: ganbaysad (ka) [vn-m], ganbaysasho (/da) [vn-f], ganbaysi (ga) [vn-m]
pd: (ganbaystay)
ps: v3b=
key: ganbayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybayso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: haybadeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbaysi
(Kabbaysi-ga)
Kabbaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaysi
m.l la-mid: kabbaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbaysi
-ga: (magac, lab, keli) caano labo qof midba mar cantuugayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbayso
f.g3 (-stay, -satay) Dareere kabbo kabbo u cabbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabbayso
v.auto: sip
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbayso
(fal) caano, kolba in yar kabbo.
kabbayso: (fal) hadba kabbo oo afka ku qaado oo liq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabbayso
de: sip
lx: kabbayso
nt: kabbaysad (ka) [vn-m], kabbaysasho (/da) [vn-f], kabbaysi (ga) [vn-m]
pd: (kabbaystay)
ps: v3b=auto
key: kabbayso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
la baxso
v. elope, run away together
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
la_baxso
de: elope, run away together
lx: la baxso
pd: (baxsaday)
ps: v3a=expr
key: la_baxso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaktays
m.l Insaym uu soo dhiijiyo mindhicirka yari, kaas oo kalkaaliya falgalka biyood ee maltows uu isugu beddelayo laba molikiyuul oo gulukows ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laaktays
m.l Insaym uu soo dhiijiyo mindhicirka yari, kaas oo kalkaaliya falgalka biyood ee maltows uu isugu beddelayo laba molikiyuul oo gulukows ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaktays
-ka: (magac, lab, keli) insaym uu soo dhijiyo mindhicirka yari, kaas oo kalkaaliya falgalka biyood ee maltows uu isugu beddelayo laba molikiyuul oo gulukows ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaysad
(Labaysad-ka)
Labaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaysad
m.l la-mid: labaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax aad horay hal uga qaadatay, mar labaad haddana qaadasho. Dh: lamadasho, labaysasho, labaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacagays
-ka: (magac, lab, keli) eeg lacagayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladnaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax ladan ka dhigid; caafimaadsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladqabay
(fal) «soo heshiisii labo dhinac oo xurgufi u dhaxayso. Aabbo ladqabay xurguftii labada reer. Dh: dhexdhexaadi, maslax, ladqabee.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lakabaya
Rationalisation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lambaris
m.l la-mid: lambarin.