laqanyoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqanyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Laqanyo dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqanyoo
(fal) qof laqanyoonaya noqo: dareen laganyo leh iska garo. Dh: laqanyoo, ladaadyoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqanyood
m.f.l eeg laqanyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laqanyood
m.f.l eeg laqanyoo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laqanyood
-ay laqanyootay: (v) feel nausea; nauseate (noo-zi-yeeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqanyood
-ka: (magac, lab, keli) daalalyo baruurta iyo cunnada subbagga lehi qofka ku kiciyaan. Dh: ladaadyood, daalalyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqanyo
(Laqanya-da)
Kacaan baruurta iyo cunnada subagga badani caloosha geliso, oo lala mantago ama lagu sigto; liidaanyo; ladaadyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqanyo
m.dh (daawo) Liidaanyo ay keenaan baruur iyo subag badan oo la cunay; ladaadyo; lallabbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laqanyo
m.dh (daaw.) Liidaanyo ay keenaan baruur iyo subag badan oo la cunay; ladaadyo; lallabbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqanyo
f. n. gagging, retching, nausea
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laqanyo
laqanyada: (n) nausea (noosiya); nauseation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqanyo
-da: (magac, dhedig, keli) ladaadyo baruurta iyo cunnada subagga badani caloosha ku kiciso oo lala mantago ama lagu sigto. Dh: loodaanyo, ladaadyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laqanyo
cf: laballabo
de: gagging, retching, nausea
lx: laqanyo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: ladaadyo, yaqyaqsi
key: laqanyo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqanyow
inch. v. feel nauseous
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laqanyow
de: feel nauseous
lx: laqanyow
pd: (laqanyooday)
ps: v3a=inch
key: laqanyow
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ladaadyood
m.f.dh eeg ladaadyoo. la-mid: laqanyood. ladan f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Wax caafimaad qaba ahaansho. 2. Wax barwaaqaysan ahaansho. m.f.dh, ladnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liidaanyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Liidaanyo dareemid; laqanyoo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yaqyaqso
-yaqyaqsaday / yaqyaqsatay: (v) feel nausea; nauseate (noo-si-yeeyt) ~ lallabood, laqanyood
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
nauseare
v.tr.- yaqyaqsasho, yalaalugood, laqanyoodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
far
(fal) hawl iyo wax la mid ah ku amar.
far: (fal) farriin, hadal ama qoraal ah cid kale u sii dhiib.
far: (fal) dhulka qod oo ciid ka soo gur; meel wax ka soo quf. Dh: fadh.
far -ta: (magac, dhedig, keli) xubnaha dhuubdhuuban oo ciddiyuhu ku yaalliin oo sacabbada gacmaha iyo lugaha dadku ku dhammaadaan, middood. Far keli ahi fool ma dhaqdo. Wa: faro.
far-ta: (magac, dhedig, keli) xuruuf qoran oo dad u gaar ah; hab wax loo qoro oo kuwa kale ka duwan oo ay qolo gaar u leedahay. Dh: alif ba'.
far -ta: (magac, dhedig, keli) waraar yar oo biyo jeexeen ama loogu talaggalay inay maraan. Fari tog bay kula xushaa. Dh: iliil, laag.
far-ta: (magac, dhedig, keli) kuruska geela marka la googooyo jeexjeexa loo yeelo qayb yar oo ka mid ah. Far kurusaan ku laqanyooday. Dh: qurub.
far -ta: (magac, dhedig, keli) mid miisaanka jaadka loo xidho ka mid ah. Dh: marduufmarduuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladaab
-ta: (magac, dhedig, keli) cabbidda xoolaha ee maalin walba la waraabiyo. Dh: durduurad
ladaab -ta: (magac, dhedig, keli) leg hilib ah. Nin ladaabta ka hirqaday, oo laqanyoonayaan ahaay. Dh: dhinac, leg, dhawar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lallabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) lallabo dareemid. Dh: yaqyaqsi, laqanyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lallaboo
(fal) lallabo dareen; laqanyoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lallabood
-ka: (magac, lab, keli) lallabo dareen; yaqyaqsood; laqanyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liidaanyood
-ka: (magac, lab, keli) ladaadyood laqanyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnabaab
(fal) wadnabbaab dareen, laqanyoo.
wadnabaab -ka: (magac, lab, keli) liidaanyo; laqanyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadnabaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wadnabaab dareemid, laqanyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walange
-ha: (magac, lab, keli) kurus dhaylo ah oo nirgaha yaryar ka taagma. Walange laguma laqanyoodo. Dh: walango.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walanqo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg walange.
walanqo -da: (magac, dhedig, keli) hilib baruurbadan leh sida ka legga iyo mudka. Walango kaan ku laqanyoon waa nin magaagay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haanyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U h.: qof, qof kale kalgacal awgiis u soo ordid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haanyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U h.: qof, qof kale kalgacal awgiis u soo ordid. m.f.l, haanyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanyoo
(fal) xiisee oo soo dhowee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laafyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Iyadoo la iswaydaarinayo gacmaha marka la soconayo horay iyo gadaal u ridid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laafyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Iyadoo la iswaydaarinayo gacmaha marka la soconayo horay iyo gadaal u ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laafyoo
(fal) gacmaha saydhi oo si xarrago ku jirto u soco. Dh: xarragoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laangoo
f.mg2 (-gooyay, -goysay) Laan gooyo samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laangoo
v. cut branches off; cut green branches for animals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laangoo
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad rabtay in aad waddo ka samayso, laangooyo ku samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laangoo
de: cut branches off; cut green branches for animals (during a dry spell)
lx: laangoo
pd: (laangooyey)
ps: v2a=
key: laangoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanyoo
f.g3 (-ooday, -ootay) la-mid: saanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadanyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Cadanyo dareemid. la-mid: cadayoo, canaanyoo, cananyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadanyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Cadanyo dareemid. la-mid: cadayoo, canaanyoo, cananyoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadanyoo
(fal) xajiimoo oo isxoq; cadanyo ha ku hesho. Dh: xajiimood, caarood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cananyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: cadanyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cananyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: cadanyoo. cananyood m.l eeg cananyoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cananyoo
(fal) canaanyoo; xajiimood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daranyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Dacdarro la kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daranyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Dacdarro la kulmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daranyoo
(fal) baylah iyo daranyo ha kugu dhacdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqanyee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Cid laqanyo dareensiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqanyee
v. make someone nauseous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqanyee
(fal) laqanyo ku rid; ladaadyee; liidaanyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laqanyee
de: make s.o. nauseous (e.g., giving food that is too sweet or greasy)
lx: laqanyee
pd: (laqanyeeyey)
ps: v2b=tr
key: laqanyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadanyood
m.f.l eeg cadanyood. la-mid: cadayood, canaanyood, cananyood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadanyood
m.l eeg cadanyood. la-mid: cadayood, canaanyood, cananyood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadanyood
inch. v. feel itchy from a rash
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadanyood
-ay / cadanyootay: (v) have a skin itching or skin rashes ~ canaanyood, xajiimood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadanyood
-ka: (magac, lab, keli) xajiin iyo isxoqis dareen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadanyood
a: cadanyoo, cadayoo, canaanyoo, cananyoo
de: feel itchy from a rash
lx: cadanyood
pd: (cadanyooday)
ps: v3a=inch
key: cadanyood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaanyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: cadanyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canaanyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: cadanyoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaanyoo
(fal) xajiimoo oo cadanyo qab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cananyood
m.l la-mid: cadanyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daranyood
m.f.l eeg daranyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daranyood
m.l eeg daranyoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daranyood
-ka: (magac, lab, keli) daranyo iyo baylah qabid. Daranyood ayuu ninku meesha ugu dhintay. Dh: baylahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaanyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Gamaanyo dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gamaanyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Gamaanyo dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaanyoo
(fal) hurdoo; lulmoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laadadyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: Laqanyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laadadyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ladaadyo dareemid. la-mid: laqanyoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadadyoo
(fal) laadadyo dareen; liidaanyoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladaadyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Laqanyo dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ladaadyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Laqanyo dareemid. m.f.dh, ladaadyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqannimo
(Laqannima-da)
Laqan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqannimo
m.dh Laqan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqannimo
f. n., [abstract] state of being a violent young person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqannimo
-da: (magac, dhedig, keli) soo korista dhallaanka ama yurubka geedaha. Dh: dhaylanimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laqannimo
de: state of being a violent young person
lx: laqannimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: laqannimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqanyayn
m.f.dh eeg laqanyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqanyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) laqanyo ku ridid; liidaanyayn; ladaadyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqaryoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Qarqaryo dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qarqaryoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Qarqaryo dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqaryoo
(fal) qadhqadhyo dareen oo aad u gariir. Dhaxanta ad aragtide bal inyar qarqaryoo. Dh: qadhqadhyoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqan
(Laqan-ka)
Qof yar oo laayaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqan
laqan¹: m.l 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan. 2. Geerida ku timaad qof dhalinyaro ah. 3. Shaah ama kafee lagu daray cabbitaan kale oo adag.
laqan²: f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan noqosho. 2.Da' yaraan ku dhimasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laqan
laqan¹: m.l 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan. 2. Geerida ku timaad qof dhalinyaro ah. 3. Shaah ama kafee lagu daray cabbitaan kale oo adag.
laqan²: f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan noqosho. 2.Da' yaraan ku dhimasho. m.f.dh, laqmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqan
v. die prematurely
laqan m. n. violent young person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqan
-ka: (magac, lab, keli) qof yar oo laayaan ah.
laqan -ka: (magac, lab, keli) neef yar oo da'diisa ka waynaada. Dh: dhaylo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Roob wax feeray noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qayoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Roob wax feeray noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayoo
(fal) roob wax feeray noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku aa.: cid xumaan aanay mutaysan kula kicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aabyoo
f.mg.3 Ku aa.: cid xumaan aanay mutaysan kula kicid. m.f.dh., aabyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabyoo
(fal) (ku ~) qof kale si ay islaweyni iyo quudhsi ku jiraan ugu gardaarroo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAANYO
(Bagno) May, S Bleparispermum fruticosum Klatt. Compositae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqayo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baqaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanyo
-da: (tilmaame) naag aan wanaagga iyo xumaanta kala aqoon oo doqon ah.
caanyo -da: (magac, dhedig, keli) farsamaxumi aan wax si fiica loo qaban.
caanyo -da: (magac, dhedig, keli) eeg caanyeys.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haanyo
f. n. hug, embrace