lambarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lambarin
m.f.dh eeg lambari. la-mid: lambarayn, lambaris, nambarayn, nambarin, nambaris
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Lambarin
Numerare
To number
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lambarin
-ta: (magac, dhedig, keli) lambar ku dhufasho; lambar ku samayn. Lambarinta ani igu daa adna tiri. Dh: lanbarin, lambaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lambari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax lambar u yeelid. la-mid: lambaree, nambaree, nambari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lambari
v. number, enumerate; give a number to
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lambari
-yey/say: (v) give or assign a number to; number (nam bar) ~ lambaree, nambari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lambari
(fal) tiro lagu tilmaansado sii; lambar ku dhufo; lambarro u yeel. Lambari qolalka huteelka. Dh: lanbari, lambaree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lambari
a: lanbari, nambari
de: number, enumerate; give a number to
lx: lambari
pd: (lambariyey)
ps: v2a=tr
key: lambari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambarin
m.f.dh eeg dambari. la-mid: dambaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambarin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef dhalay, dambar ka lisid. Qaalmaha ugubka ah ayay dambarintu ku fiican tahay. Dh: dambaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lambaris
m.l la-mid: lambarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lambaris
-ka: (magac, lab, keli) eeg lambarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lanbarin
(Lanbarin-ta)
Lanbar u yeelid, ku dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lanbarin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la tirinayo, lanbar u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nambarin
(Nambarin-ta)
Nambar u yeelid, ku dhigid; lambarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nambarin
m.dh la-mid: lambarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nambarin
-ta: (magac, dhedig, keli) tiro lagu garto ku dhigid, calaamad tiro ah u yeelid.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Numbering of Roads
Lambarinta jidadka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lambarayn
m.dh la-mid: lambarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lambarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) lambar u yeelid. Dh: nambarayn, lanbarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lambarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax lambar loo yeelay ahaansho. la-mid: nambarsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lambarsan
der. [adjective] numbered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lambarsan
-aa: (adj) marked or identified by a number; numbered (nam baridh); tagged (taagidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lambarsan
(tilmaame) wax lambar ku yaallo. Badeeco lambarsan ayaa dukaanka taalla. Dh: nambarsan, lanbarsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lambarsan
de: numbered
lx: lambarsan
pd: (lambarsanaa)
ps: adj-der
key: lambarsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lambar
(Lambar-ka)
Lanbar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lambar
m.l (-rro, m.dh) Mid ka mid ah ah tiro taxane ah oo wax leeyihiin. la-mid: nambar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
lambar
number
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lambar
m. n. number, numeral
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lambar
-ka: (n) number (nam bar) ~ nambar, tiro-lanbar. Ex: lambarka taleefankiisa... his telephone number
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lambar
-ka: (magac, lab, keli) tiro xidhiidh ah oo is daba taal mid ka mid ah. Dh: lanbar, tiro, tirsi.
lambar -ka: (magac, lab, keli) alaab ganacsi oo isla socota. Lambarkii wa la wada iibsaday. Dh: qayb. Wa: lambarro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lambar
bw: lanbar, nambar
de: number, numeral
lx: lambar
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: tiro
key: lambar
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lambin
lambin, adj. - Jiis; Gaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambari
f.g2 (-iyay, -isay) Neef dhalay dambar ka lisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dambari
v. milk the colostrum from an animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambari
(fal) neef, dambar ka lis. Saca liga dambari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dambari
de: milk the colostrum from an animal
lx: dambari
pd: (dambariyey)
ps: v2a=tr
key: dambari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habarin
-ta: (magac, dhedig, keli) daboolid ama aabbudhid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lambris
lambris, n.m. - aqal qurux badan; qasri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lanbari
(fal) lanbar u yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nambari
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: lambari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nambari
v. put a number on, enumerate, number
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nambari
(fal) eeg nambaree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nambari
a: lambari
de: put a number on, enumerate, number
lx: nambari
pd: (nambariyey)
ps: v2a=
key: nambari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamarin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoogaysi ama itaalaysi ama ciidamin. Talo wacani tamarin bay leedahay. Dh: xoogaysi. Li: liidasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbarin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinac marin; barbar u leexin.
barbarin -ta: (magac, dhedig, keli) «is» dhinac isu badin. Isbarbarin ku qaad foosta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaris
m.l la-mid: dambarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gamaarin
(Gamaarin-ta)
Gamaar ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaarin
m.f.dh eeg gamaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) (is ~) qof hurda iska yeelid oo is nabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lambaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) la-mid: lambari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lambaree
v. number, enumerate, put a number on something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lambaree
-yey/lambareysay: (v) give or assign a number to; number (nam bar) lambari, nambari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lambaree
(fal) lambar u yeel. Dh: nambaree, lanbaree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lambaree
a: lambari, nambari
de: number, enumerate, put a number on s.t.
lx: lambaree
pd: (lambareeyey)
ps: v2b=tr
key: lambaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bambaanin
m.f.dh eeg bambaani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bambaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhawrid oo si taxadir leh u maarayn; aayar u wadid oo turunturrada iyo carqaladaha ka ilaalin. Xaajadu hadday bambaanin weydo way badhqataa. Dh: banbaanin.
bambaanin -ta: (magac, dhedig, keli) garab joogsasho oo hoo iyo hadalba ku taageerid. Ninku maanta ayuu bambaanin u baahan yahaye garab joogsada. Dh: taageerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barbaarin
(Barbaarin-ta)
Barbaar ka dhigid; korin; laylyid; tababbarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbaarin
m.f.dh eeg barbaari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barbaarin
vl. n. youth training
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barbaarin
-ta: (n) taking care of children or a child during the early stages of life; raising; education (eji- keey-shin) rabbeyn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barbaarin
de: youth training
lx: barbaarin
pd: (-ta)
ps: vn0-f
key: barbaarin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
barbaarin
تربية
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
barbarian
/barbeeriyan/barbarians/ (n) 1. dad waagii hore jirey oo cawaan ahaa. (n) 2. cawaanimo (jaahilnimo) ilbaxnimo-darro. e.g. a barbarian tribe.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
barbarian
/barbeeriyan/ (n) reer-baadiyinimy amy jaahil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaabin
m.dh la-mid: dembaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dembi inay gasho sabab u noqosho. Dh: dambaabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaajin
m.dh la-mid: dembaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dambaabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambaasin
m.f.dh eeg hambaasi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaarin
m.f.dh eeg haybaari. la-mid: hay-baaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabatiin
-ka: (magac, lab, keli) wax isku laaban ka dhigid. Jilibku hadduu ku xanuunayo laabatiinka degdegga ah ka ilaali. Dh: laabid.
laabatiin -ka: (magac, lab, keli) dib u noqosho. Meel nabadi ka jirin ku laabatiin ma leh.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Lambar-ka
nombre.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lammaanin
m.f.dh eeg lammaani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lammaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) lammaan ka dhigid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lampadina
s.f. - lambadiin, guluub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lanbarsan
Lanbar loo yeelay, lagu dhigay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lanbarsan
(tilmaame) wax lambar loo yeelay. Dh: lambarsan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lumbering
Qori jarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nambarayn
m.dh la-mid: lambarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nambarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) mid walba nambar u gaar ah ku dhejin. Dh: lambarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nambarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: lambarsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nambarsan
(tilmaame) mid lambar lagu garto lo yeelay ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tambourin
tambourin, n.m. - durbaan dheer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xambaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la xambaaray ahaansho. la-mid: xambaarsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xambaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la xambaaray ahaansho. m.f.dh, xambaarnaan. la-mid: xambaarsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xambaaran
der. [adjective] carried on the shoulder ~ back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xambaaran
(tilmaame) dhabarka wax ku sida: dusha ku haya. Dh: xambaarsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xambaaran
de: carried on the shoulder ~ back
initial: x
lx: xambaaran
pd: (xambaarnaa)
ps: adj-der
key: xambaaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xambaarid
m.f.dh eeg xambaar². la-mid: xambaar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xambaarid
-ta: (magac, dhedig, keli) dhabarka wax ku qaadid. Sareedooy hooyo xambaarid waad ka weynaatee lugee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xambaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) dusha ku qaadid; dhabarka saard.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lambar dhan
n. phr. whole number
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lambar_dhan
de: whole number
lx: lambar dhan
ps: np
key: lambar_dhan
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ambar
Amber
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ambin
m.f.dh eeg ambi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambin
-ta: (magac, dhedig, keli) luminta ama jaho ka luminta cid kale. Dh: hallayn, dhumin, lumis, anbis, ambis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laari
-ga: (magac, lab, keli) jaad qaadka ka mid ah. Dh: hereri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laban
laban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Wax isku qasmay noqosho.
laban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax isku qasmay ahaansho.