laluusho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laluusho
(fal) cid kale xoolo aan xaq ahayn sii si uu wax aanad lahayn kuugu qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaluusho
f.g3 (-shtay, -shatay) Cid dani ku xirantahay laaluush siisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laaluush
(Laaluush-ka)
Lacag ama wax kale oo loo bixiyo ama loo qaato in arrin aan gar ahayn lagu qumiyo; baqshiish; callaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaluush
laaluush¹: m.l Lacag ama wax kale oo loo bixiyo ama loo qaato in arrin aan gar ahayn lagu fuliyo.
laaluush²: f.g1 (-shay, -shtay) Laaluush siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laaluush
laaluush¹: m.l Lacag ama wax kale oo loo bixiyo ama loo qaato in arrin aan gar ahayn lagu fuliyo.
laaluush²: f.g1 (-shay, -shtay) Laaluush siin. m.f.dh, laaluushid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laaluush
m. n. bribe, bribery, graft money
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laaluush
-ka: (n) corruption money; bribe (baraayb); bribery (baraay-bari); payola (paayoola); palm greasing; back-scratching
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Laaluush
Corruzione
Corruption
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaluush
(fal) xoolo sii si uu wax aanad xeer u lahayn kuu siiyo.
laaluush -ka: (magac, lab, keli) xoolo la siiyo qof xil haya ama xeerbeegti ah, si looga helo eexo iyo wax aan xaq ahayn. Dh: gubbe, callaal, rishwo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laaluush
bw: callaal
de: bribe, bribery, graft money
lx: laaluush
nt: laaluush [v1=]
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: laaluush
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
laaluush
رِشْوَهُ، رُشْوَةَ، رَشْوَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lalmasho
(Lalmasha-da)
Wax meel ka lusha ahaansho; lulmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalmasho
m.f.dh eeg lalmo. la-mid: lalmad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lalmasho
Suspension
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalmasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg lalmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaluushad
m.f.l eeg laaluusho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaluushad
-da: (magac, dhedig, keli) lacag ama wax kale oo loo bixiyo ama loo qaato in arrin aan gar ahayn lagu meel mariyo. Dh: laaluush.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaluushan
f.mg4 (-shnaa, -shnayd) Wax laaluush qaatay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laaluushan
der. [adjective] bribed with money
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaluushan
(tilmaame) qof la laaluushay ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laaluushan
de: bribed with money
lx: laaluushan
pd: (laaluushnaa)
ps: adj-der
key: laaluushan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaluushid
m.f.dh eeg laaluush².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaluushid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, xoolo laaluush ah siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maluuqasho
m.f.dh eeg maluuqo. la-mid: maluuqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaluulasho
m.dh la-mid: xuluulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaluulasho
-da: (magac, dhedig, keli) geedo dhexdood jibaaxid oo dhex xulid. Dh: xuluulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laabxuunsho
(Laabxuunsha-da)
Lafsakaarta caaraddeeda hoose oo fiiqan; labxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabxuunsho
m.dh la-mid: laabtaxaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laabxuunsho
f. n. point of the breast bone; xiphoid process
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laabxuunsho
-laabxuunshada: (n) xiphisternum (sifis-teer nem); xiphoid ~ feercalaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabxuunsho
-da: (magac, dhedig, keli) laf sakaarka caaradiisa hoose ku taalla. Laabxuunshada ayaa xanuunaysa. Dh: labxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laabxuunsho
de: point of the breast bone; xiphoid process
lx: laabxuunsho
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: laabtaxaw, labxo
key: laabxuunsho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duusho
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah noolaha badda oo ay qolof aad u jilicsan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galsho
(Galsha-da)
Kolka biyaha balliga ku jiraa sii gura hayaan, galal yaryar oo balliga hareerihiisa laga qoto, oo xareeddu ku soo miiranto; dhoobammiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galsho
m.dh (-ooyin, m.l) Ceel yar oo laga sameeyo ballida hareereheeda si biyuhu ugu miiraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galsho
f. n., [collective] channels dug to collect the last water in a reservoir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galsho
-da: (magac, dhedig, keli) biyaha balliga oo sii gudhaya, hareerihiisa galshooyin ka samaysasho. Dh: dhoobammiirasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galsho
de: channels dug to collect the last water in a reservoir
lx: galsho
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: galsho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galuus
m.l la-mid: guluus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galuus
m. n. button
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galuus
-ka: (n) button (baten) ~ badhan, guiuus —hogga gaiuuska: buttonhole
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galuus
bw: guluus {C & S}
de: button
lx: galuus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: badhan
key: galuus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaluus
-ka: (magac, lab, keli) joogsi uu kibir xuni ku jiro. Qaluus ayuu u joogsaday maamuluhu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alwasho
m.f.dh eeg alwo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alwasho
-da: (magac, dhedig, keli) sarkacitaan; hinqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajuuso
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: cajuusad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calasho
f.g3 (-shaday, -shatay) la-mid: calalso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calasho
(fal) cunto iyo wax la mid ah, afka geli oo ilkaha ku googoo oo raamso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falasho
m.f.dh eeg falo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falasho
-da: (magac, dhedig, keli) beer qodasho. Xilligani waa xilligii falashada. Dh: beerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalasho
m.f.dh eeg jalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof buka, jal qaadasho oo isxanaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labasho
m.f.dh eeg labo². la-mid: labad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax walaaqasho; qasasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lahasho
(Lahasha-da)
Laabta wax ka jeclaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lahasho
m.f.dh eeg laho. la-mid: lahad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lahasho
vl. n. desire, longing, being consumed with desire
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lahasho
-lahashada: (n) 1. deep pity sorrow (sooroow). 2. desire (dizaayar) ~ rabitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lahasho
-da: (magac, dhedig, keli) laabta wax ka jeclaysasho ama ku qabasho. Lahashadii haysay wuu ka bogsaday. Li: nacayb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lahasho
a: lahad (ka) [vn-m]
de: desire, longing, being consumed with desire
lx: lahasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: lahasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulasho
(Lulasha-da)
1. Caano subag ka soo saarasho; barwaaqo helid.
2. Wax meel ka laallaada ahaansho; lulmasho; raaracid; lalmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulasho
m.f.dh eeg lulo. la-mid: lulad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lulasho
-lulashada: (n) wavering (weeyvaring); swing (iswing); pendulum movement ~ ruxasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ka laallaada ahaansho. Dh: lulmasho, raaracid, lulad, lalmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maluuqo
f.g3 (-qday, -qatay) Madax timo ka wada xiirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalasho
m.f.dh eeg qalo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaluulo
-da: (magac, dhedig, keli) gacmo laad laadin uu kibir ku jiro. Qaluulo ayuu u joogsadaa saaxiibkaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaluulo
f.g/mg3 (-uushay, -uulatay) la-mid: xuluulo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaluulo
(fal) geedo dhexdood ama meel kale oo cidhiidhi ah dhex gal oo dhex jibaax oo gudaha u gal. Bakhaarka xaluulo oo xayawaanka iska eeg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasuuso
v. remember, call to mind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xasuuso
-xasuustay / xasuusatay: (v) remember (ri-mem-ber); recollect (reka-lekty recall (ri-kool); keep in mind; bear in mind ~ xusuuso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasuuso
(fal) wax horay kuu soo maray sidii uu ahaa maankaaga ku soo xaadiri, laabtaada ku soo rid. Dh: xusuuso. Li: illaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasuuso
a: xusuuso
de: remember, call to mind
initial: x
lx: xasuuso
pd: (xasuustay / xasuusatay)
ps: v3b=tr
key: xasuuso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balqasho
(Balqasha-da)
Walcasho; daadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balqasho
m.f.dh eeg balqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balqasho
vl. n. spilling over; drooling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balqasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareere ka daadashadiisa hareeraha weelka uu ku jiray. Balqashay caanihii ku idlaadeen. Dh: walcasho, daadasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balqasho
de: spilling over; [fig.] drooling
lx: balqasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: balqasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balwasho
-da: (magac, dhedig, keli) musbaar iyo wixii la mid ah oo meeshii uu ku jirey ka weynaada; ban ka faaxitaanka meel uu ku jiray ama wax kale. balway: (fal) ku luuqee hees balwo ah. Dh: balwee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balxasho
(Balxasha-da)
(xoolo) Biyo badan, had iyo goor, cabbid; biyo durduurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balxasho
m.f.dh eeg balxo. la-mid: balxad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balxasho
-da: (magac, dhedig, keli) geela oo si isdaba joog ah biyaha dhanaha ah loo waraabsho. Balxasho geel baa lagu jeel tiraa adhina garraw baa la siiyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calfasho
(Calfasha-da)
Calaf ka dhigasho; dheefsasho; (ama calafsasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calfasho
m.dh la-mid: calafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calfasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calfad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calmasho
(Calmasha-da)
Jeclaysasho; doorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calmasho
m.f.dh eeg calmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calmasho
vl. n. act of choosing, loving
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calmasho
-calmashada: (n) a wish or longing; desire (di-zaayr)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calmasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calmad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calmasho
de: act of choosing, loving
lx: calmasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: calmasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalbasho
(Dalbasha-da)
1. (cayaarsiis, kd.) wax farid; amar siin.
2. (turub) isubaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalbasho
m.f.dh eeg dalbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalbasho
vl. n. order, subscription (to a magazine, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalbasho
-dalbashada: (n) the act of ordering or requesting ~ codsasho
dalbasho -dalbashada: (n) application (ap-likeey-shin). Ex: warqadaha dalbashada; the application forms
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalbasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax codsasho.
dalbasho -da: (magac, dhedig, keli) turub isugu baaqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalbasho
de: order, subscription (to a magazine, etc.)
lx: dalbasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dalbasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalgasho
-da: (magac, dhedig, keli) shaqo dhulka midho lagu rido oo laga warsugo intay wax soo baxayaan. Dh: falasho, tabcasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daliisho
f.g3 (-shaday, -shatay) Wax daliil ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daliisho
f.g3 (-shaday, -shatay) Wax daliil ka dhigasho. m.f.dh, daliishasho.