lalmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalmo
f.mg3 (-maday, -matay) Wax laallaada noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lalmo
f.mg3 (-maday, -matay) Wax laallaada noqosho. m.f.dh, lalmasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lalmo
v. be suspended, hang down, dangle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalmo
(fal) hawada ka soo laadlaadsan oo wax lusha noqo. Dh: laadlaadsanaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lalmo
de: be suspended, hang down, dangle
lx: lalmo
pd: (lalmaday)
ps: v3a=intr
key: lalmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
almo
-da: (magac, dhedig, keli) barmiilka badh ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calmo
f.g3 (-maday, -matay) Wax si aad ah u jecleysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calmo
f.g3 (-maday, -matay) Wax si aad ah u jecleysasho. m.f.dh, calmasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calmo
v. like, love; choose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calmo
-calmaday / calmatay: (v) wish or long for; desire (di-zaayr) ~ jamo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
calmo
agg. - deggen, xasillan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calmo
(fal) qof ama wax kale jeclaw oo dooro. Middii aan calmaday baa, cidhiidhiga i gelisoo, cidlaan manta joogaa. Dh: jamo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calmo
de: like, love; choose
lx: calmo
pd: (calmaday)
ps: v3a=
key: calmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galmo
(Galma-da)
1. Isu tegidda laboodka iyo dheddigoodka; gadaala'aqoon; gelin.
2. Gelitaan; gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galmo
m.dh 1. Isu tegidda ragga iyo haweenka. 2. la-mid: gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galmo
m.dh 1. Isu tegidda ragga iyo haweenka. 2. la-mid: gelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galmo
f. n. sex, sexual intercourse, copulation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galmo
- galmada: (n) sex (sakis); coitus (kootes); sexual intercourse ~ wasmo, iskutag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galmo
-da: (magac, dhedig, keli) isu tagga laboodka iyo dheddigoodka.
galmo-da: (magac, dhedig, keli)) meel dhex gelid. Waar galmo iyo bixid badanidaa kaa seexan weynaye!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galmo
a: galmood (ka) [vn2a-m]
de: sex, sexual intercourse, copulation
lx: galmo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: dhawmo, was
key: galmo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
galmo
وَطْء، جماع
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laamo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg laama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalmi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax laallaadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lalmi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax laallaadin. m.f.dh, lalmin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lalmi
v. suspend, hang (up)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lalmi
-yey -say: (v) wave (weeyv); hang up; suspend (sas peendh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalmi
(fal) maro iyo wixii la mid ah, hawada dhex rux oo kolba dhinac u wad. Cabdow go'aaga lalmi si la innoo arko. Dh: lul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lalmi
de: suspend, hang (up)
lx: lalmi
pd: (lalmiyey)
ps: v2a=
key: lalmi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lammo
(Lamma-da)
Labo sarood oo lo'aad oo isku midab ah iyo sar saddexaad oo midab kale ah oo iyagoo si farsamo ah isugu dhafan, laysku tolo oo mid laga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lammo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Laba maqaar lo'aad oo isku midab ah iyo maqaar saddexaad oo ka midab duwan oo inta si farsamaysan laysugu dhafo, laysku tolo oo mid laga dhigo. 2. la-mid: labo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lammo
num. two
lammo [feminine] n. hides sewn together as a mat, two of the same color and a third contrasting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lammo
-lammada: (n) two (tuu); couple (kapol) labo. Ex: lammo maalmood; two days
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lammo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg lammallo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqmo
(Laqma-da)
Dhallinyaro ahaan ku dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqmo
laqmo¹: m.l 1. Rabsho badan (qof dhallinyar). 2. Dhallinyaro ahaan ku dhimasho.
laqmo²: f.mg3 (-maday, -matay) Qof da' yaraan ku dhimasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqmo
f. n. premature death, dying young
laqmo v. die prematurely
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqmo
-da: (magac, dhedig, keli) dhalliinyaro ahaan ku dhimasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lilmo
-da: (magac, dhedig, keli) biyo indhaha ka soo yaaca, farxad ama murugo awgeed. Dh: ilmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulmo
(Lulma-da)
Kolka hurdadu soo dhowdahay waxa layska dareemo; (ama lulo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulmo
m.dh Daal iyo caajis la dareemo marka jirku hurdo u baahanyahay. la-mid: lulo¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lulmo
m.dh Daal iyo caajis la dareemo marka jirku hurdo u baahanyahay. la-mid: lulo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lulmo
v. shake, be shaken; be churned; swing, dangle
lulmo [feminine] n., [abstract] drowsiness, sleepiness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lulmo
-lulmada: (n) sleepiness (isliipi-nes); drowsiness (darawsines); doziness (dowsi-nes); nod (naadh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulmo
(fal) kolba dhan u ruxan; ahaw qof lulmnaya. Dh: ruxan.
lulmo -da: (magac, dhedig, keli) dareenka hurdo doonidda ah ee seexashada horteed la dareemo. Nin ay lulmo hayso waa nin ladan. Dh: lulmood, lilmo, lilo, lulo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
lulmo
وَسَن، نُعَاسِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walho
(fal) hawada lalmo oo kolkba dhinac dabaysha u raac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weeho
(fal) lalmo oo hawada dhexdeeda ku meeraalayso oo ku warwareeg. Sida diyaarad shaag ka xumaaday samada weeho. Dh: heehaab.
weeho: (fal) aad u jeclow oo ku dul wareeg oo inaad la joogto doon. Dh: jeclow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laleemo
-da: (magac, dhedig, keli) qadhqadhidda xubnaha qofka ay da'du qabato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalamo
-da: (magac, dhedig, keli) codka ka soo baxa carrabka oo afka la dhex lulo oo lagu qaylyo, xilliyada aroosyada.
dalamo-da: (magac, dhedig, keli) xadhigga lagu qabto dibida iyo wixii la mid ah marka ay diddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalmo
(Dhalma-da)
Wax dhalidda; ummulidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalmo
m.dh Soo saaridda nafley dheddig minkeeda ka soo saarto ilmo. la-mid: dhalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalmo
m.dh Soo saaridda nafley dheddig minkeeda ka soo saarto ilmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhalmo
vl. n. act of giving birth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhalmo
-dhalmada: (n) the act of delivering (for example, a baby); delivery (ddiveri):, bearing (beering) ~ ummulin, dhalin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalmo
-da: (magac, dhedig, keli) taranka uu nooluhu midba mid sii dhalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhalmo
de: act of giving birth
lx: dhalmo
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dhalmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galmoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U g.: nin, naag u tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galmoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U g.: nin, naag u tegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galmoo
(fal) «u ~» cid kale, u tag oo galmood la samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalmo
m.l/dh Gargaar ama caawimaad cid loo fidiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaalmo
m.l/dh Gargaar ama caawimaad cid loo fidiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaalmo
f. n. assistance, aid, help
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaalmo
-kaalmada: (n) assistant (asiistant); help (help). Ex: waad ku mahadsantahay kaalmadaadii; thank you foryour assistacet or help
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kaalmo
Aiuto
Aid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaalmo
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, garabsiin ama wax la qabasho. Dh: gargaar, taageero, kaalo, kalkaalin, caawimaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaalmo
de: assistance, aid, help
lx: kaalmo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: taageero
key: kaalmo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lalabo
f. n. nausea, indigestion
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lalmad
(Lalmad-ka)
Lalmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalmad
m.l la-mid: lalmasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lalmad
vl. n. state of dangling ~ hanging down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalmad
-ka: (magac, lab, keli) hawada sabbayn; meel sare ka lulasho. Dh: duuduulid, lalmasho, lulmasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lalmad
a: lalmasho (/da) [vn-f]
de: state of dangling ~ hanging down
lx: lalmad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: lalmad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lalmin
(Lalmin-ta)
Meel ka laallaadin, ka lulid, ka raaricin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalmin
m.f.dh eeg lalmi. la-mid: lalmis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalmin
-ta: (magac, dhedig, keli) maro iyo wixii la mid ah, hawada dhex ruxid oo kolba dhinac u wadid. Dh: lulis, ruxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalmis
m.l la-mid: lalmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalmis
-ka: (magac, lab, keli) eeg lalmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulmoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Lulmo dareemid. la-mid: luloo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lulmoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Lulmo dareemid. la-mid: luloo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulmoo
(fal) hurdo iska dareen. Dh: lulood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lalleemo
(Lalleema-da)
Gariir xubnaha oogada qaarkood yeeshaan; (gacmaha, indhaha).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalleemo
m.dh (daawo) Gariir gacmaha dadku yeeshaan gabow ama jirro awgeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lalleemo
m.dh (daaw.) Gariir gacmaha dadku yeeshaan gabow ama jirro awgeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lalleemo
f. n. shakiness, unsteadiness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lalleemo
-lalleemada: (n) tremor (taremar); involuntary shaking, as from ageing, nervous agitation or weakness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalleemo
-da: (magac, dhedig, keli) gariir iyo qadhqadhyo xubnaha jirka ku dhacda oo uu xanuun keeno. Dh: gacmagariir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lalleemo
cf: gariir
de: shakiness, unsteadiness
lx: lalleemo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: lalleemo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lalmasho
(Lalmasha-da)
Wax meel ka lusha ahaansho; lulmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalmasho
m.f.dh eeg lalmo. la-mid: lalmad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lalmasho
Suspension
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalmasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg lalmad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lanleemo
-da: (magac, dhedig, keli) gariirka xubnaha qaarkood ku dhaca, kolka la weynaado. Duqi laleemo ayaa ku dhacday. Dh: gacmogariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lal
f.mg1 (-alay, -ashay) Wax duulid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lal
f.mg1 (-alay, -ashay) Wax duulid. m.f.dh, lalid. lali f.g2 (-iyay, -isay) Wax duulin. m.f.dh, lalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lal
v. fly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lal
-aya / -aysa: (n) flying or running fast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lal
(fal) hawada dhexdeeda mar oo duul. Dh: duul, bid, haad.
lal-ka: (magac, lab, keli) dhaxan aad u qabow oo dabayl wadata. Dh: dhaxan. Li: kul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lal
de: fly
lx: lal
pd: (lalay)
ps: v1=intr
syn: duul
key: lal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aalo
(Aala-da)
Qaalmaha yaryar oo lo'da.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aalo
m.dh.u Lo'da inteeda aan weli gaarin da'dii ay rimi ama wax rimin lahayd.