laga reebo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laga reebo
(conjunction) except (iksapt)-, excluding (ikiskuluuding)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diriq
(Diriq-a)
Liilammo ama daliigo ad'adag oo xaskusha tuman iyo cawda feeran iyo wixii la mid ah laga reebo oo laga soo dhexsaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geed
(Geed-ka)
1. Wax nool oo dhulka ka soo baxa oo yeesha xididdo dhulka ku xabaalan, sal (gun, jirrid), dhex, laamo, caleemo, miro, ubax, qodxo, kd.
2. Wixii laabta ku soo dhaca oo dhan, ifyaal iyo uuryaal mid kasta ha ahaadee, haddii dadka iyo nafleyda kale laga reebo; wax.
3. (koox: geedo) waxyaalaha cunnada lagu daro oo udgoonka iyo dhadhanka wanaagsan u yeela; dhir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanbo
(Hanba-da)
1. (cunno) weelka wax laga cuna hayo, waxyar oo cunno ah oo lagu reebo.
2. Wax kasta oo aan la wada laysane in yar laga reebo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karreeb
(Karreeb-ta)
1. Geela dhalay oo ubadka laga reebo.
2.* Warqad la qora bayo, tan dheeriga ah oo laga reebo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mooyaane
Haddii laga reebo; ma ogiye; ma ahee; (ama mooyiye).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aannu
mu.dhm.y Magacuyaal tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah (marka laga reebo lala hadlaha). Tusaale: 'Xafiiska aannu aragnay waa xafiiskaada cusub'. la-mid: aan1.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiidha yuurig
m.dh (baayoloji) Maxsuulka burburka buriin ee garaadleyda shimbiraha, xammaaratada berriga iyo cayayaanka. Marka laga reebo garaadleyda, Maxsuulkaas badankiisa waa la qashinsaaraa. Asiidhka yuurig waa ma milme, sidaa darteed, waxa loo saaraa adke ahaan, taas oo dhowrta biyaha qiimaha u leh dhulka oomanaha ah. Asiidhka yuurig markay jidhka ku badato waxay ku ururtaa kala goysyada dhareerka leh taas oo ay ku keento xanuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaasma
m.dh (cilmiga naflayda) Qaybta dareeraha ee dhiigga marka laga reebo unugyada dhiigga. Waxay u badantahay biyo ay walxo badani ku milanyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin borotiinno, cusbooyin gaar ahaan (soodhiyam, bootaasiyam koloraydhyo iyo bikaarboonaytyo), iyo cuntooyin gulukows (amiino asiidhyo, dux), hormoono, faytamiino iyo walxo qashin ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
borotobalaasam
m.u (baayoloji) Walax miromiro leh ee ka kooban muxtawiyaadka nool ee unugga. Taa waxa looga jeedaa walxaha ku jira unugga oo dhan marka laga reebo daloollada waaweyn iyo walxaha markaa soo gelay ama la qashin saarayo. Waxay ka koobantahay bu' dhex taalla saytobalaasam xab oo kale ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaarside
m.l (-dayaal, m.l/dh) (baayoloji) Cagaarside laga helo unugyada dhirta waaweyn iyo aljiga. Marka laga reebo cagaarbuluugga ah dhirta waaweyn. C.duhu wuu wareegsanyahay sida saxanka oo kale, laakiin ka aljigu wuu muuqaalo badanyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diriq
m.l (-qyo, m.dh) Liilammo ama daliigo ad'adag oo xaskusha tuman iyo cawda feeran iyo wixi lamida laga reebo ama laga soo dhex saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halgan
halgan¹: m.l Hawl ama wax kale oo qabashadooda loo dagaallamo ama loollan loo galo.
halgan²: m.dh Herinta inta ugu toog badan marka hargaantiga laga reebo.
halgan³: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax u dagaalamid ama u loollamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadi
kaadi¹: m.dh Dareere kelyuhu dhiigga ka soo miiraan oo isugu soo urura kaadihaysta kana soo gudba dhuunta kaadimareenka.
kaadi²: m.dh (baayoloji) Dareere biyo ah oo ay sameeyaan organnada qashinsaarka ee xayawaanku, si ay ugu saaraan qashinka ka soo hadha dheefsashada. Xayawaanka sare, kaadida waxa soo saara kelyaha, waxa lagu keydiyaa kaadi haysta, waxaana laga qashinsaaraa kaadimareenka ama koloykaha. Marka laga reebo biyaha, waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay kaadidu ka koobantahay waxa ka mid ah: maxsuulka dheefsashada naytroojiin oo ah yuuriyo, amuuniya, asiidha yuurik iyo kiritaniin iyo ayoonno aan orgaanik ahayn.
kaadi³: f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) Kaadi sii deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kimistariga orgaanig-ma-ahe
m.l (kiimika) Laan ka mid ah kiimistariga oo la xiriita curiyayaasha (marka laga reebo kaarboon) iyo weliba diyaarintooda, astaamahooda iyo falgallada isku dhisyadooda iskudhisy fudud oo kaarboon ah oo kooban oo ay ka mid yihiin ogsaydhadu ayaa lagu bartaa kiimistariga orgaanig-ma-ahe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meere
meere¹: m.l (-rayaal, m.l/dh) Xiddigo qaboobey oo dhulal noqday oo qorraxda la socda oo ku wareega oo iftiinka ka qaata midkood; meereyaashu (sayaariin) waa sagaal. Dusaa, (cuddaar), Waxaraxir ama Xiddigta Waabberi (sahra), Dhulkeenna, Farraarre (mariikh), Cirjeex ama Cirjiir (mushtar), Raage (saxal), Uraano, Netuun, Buluto.
meere²: m.l (-rayaal, m.l/dh) (c.fal.) Mid ka mid ah walxaha qiyaas ahaan goobada ah, oo gaadhaya dhowr boqol, kuwaas oo ku meeraysta qorraxda oo mara tub qorraxeedyo loo yaqaan tubo. Waxa jira sagaal meere oo waaweyn, uu ku jiro dhulku, oo in door ah ka weyn kuwa oo hadhay, iyo meereyaal yaryar oo badan ama meere yareyaal. Meereyaasha dhulka ka weyni waa: Nebtuun, Yuraanas, Jaateen iyo Jubitar, kuwa ka yaryarina waa: Feenus, Maaris, Meerkuri iyo Buluuto. Feenus iyo Meerkuri ayaa qorraxda uga dhow dhulka kuwa soo hadhay ay ka sii fogyihiin. Buluuto, oo la helay 1930, ayaa ugu fog qorraxda, marka laga reebo qorraxda iyo xiddigaha, sida dayaxa meerayaasha kale waxay ku faan noqodka qorraxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
metasoowa
m.l (-yo, m.dh) (baayoloji) Boqortooyo hoosaad xayawaanka ka tirsan oo jidhkoodu ka samaysan yahay unugyo farabbadan oo nudo u kooxooba, kuwaas oo uu xidhiidhiyo habdhiska dareenwadku. Waxa ka mid ah dhammaan lafdhabarleyda iyo lafdhabarla'da marka laga reebo borotosoowaha iyo boorifeera (Isboonjiyaasha).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooyaane
qr. Qurub macnihiisu yahay “haddii laga reebo”; ma ahee. Tusaale: “Adiga m. qof kale ma imaan”. la-mid: maahane, mooyee, mooyiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wehliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (xisaab) Guud ahaan, taranka dhammaan isirrada ku jira tibaax marka laga reebo isir magacaaban. Tibixda 5xy; 5 waa wehliyaha xy, x waa wehliyaha 5y, y waa wehliyaha 5x, 5x waa wehliyaha y iyo wixi lamida. Sida badan wehliye waxa loo qaataa isirka madoorsoomaha ahee ku jira tibix.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aannu
m..dhm.y Magacuyaal tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah (marka laga reebo lala hadlaha). Tusaale "Xafiiska aannu aragnay waa xafiiskaada cusub". la-mid: aan¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asiidha yuurig
m.dh (baay.) Maxsuulka burburka buriin ee garaadleyda shimbiraha, xammaaratada berriga iyo cayayaanka. Marka laga reebo garaadleyda, Maxsuulkaas badankiisa waa la qashinsaaraa. Asiidhka yuurig waa ma milme, sidaa darteed, waxa loo saaraa adke ahaan, taas oo dhowrta biyaha qiimaha u leh dhulka oomanaha ah. Asiidhka yuurig markay jidhka ku badato waxay ku ururtaa kala goysyada dhareerka leh taas oo ay ku keento xanuun.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Laga helo
Presso
Care of (c/o)
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
laga yaabo
لَعَلَّ وَقَدْ عَلَّ وَرُبَّمَا رُبَّ
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka reeb
v. prevent, prohibit
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faafreeb
m.l Guddiga baara filimada, jaraa'idka, buugaagta iyo riwaayadaha inta aan loo bandhigin dadweynaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faafreeb
m.l Guddiga baara filimada, jaraa'idka, buugaagta iyo riwaayadaha inta aan loo bandhigin dadweynaha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faafreeb
m. n. censorship, preventing news from spreading
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faafreeb
-ka: (n) censorship (sen ser shiip)
faafreeb: -ay/tay: (v) censor (sen ser)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faafreeb
-ka: (magac, lab, keli) dib u eegidda iyo gacan marinta qoraallada ama barnaamijyada la faafinayo, si waxii dhaqanka khilaafsan ama ammaanka wax u dhimaya, looga reebo. Wargeys walba wuxu leeyahay koox u xilsaaran faafreebka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faafreeb
de: censorship, preventing news from spreading
lx: faafreeb
nt: faafreeb (faafreebay) [v1=]
pd: (-ka)
ps: n0-m
key: faafreeb
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
faafreeb
رقابة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagaaree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) U f.: fagaare u samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fagaaree
v. do in public; compete, run ~ hold a sporting competition; referee; witness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagaaree
(fal) madal la wada joogo, keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fagaaree
de: do in public; compete, run ~ hold a sporting competition; referee; witness
lx: fagaaree
pd: (fagaareeyey)
ps: v2b=
key: fagaaree
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laga hel
v. occur, be found
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lawareeg
vl. n. take over, act of usurping
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lawareeg
de: take over, act of usurping
lx: lawareeg
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
see: wareeg
key: lawareeg
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
NAXAREEB
[NAHAREB] Commiphora incisa 03
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanreeb
m.l (-byo, m.dh) 1. Cudur geela ku dhaca oo tabar-yaraan ku reeba. 2. S. ah: neef geel ah oo caato ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanreeb
-ka: (magac, lab, keli) cudur geela ku dhaca oo tabaryaraan ku reeba.
saanreeb -ka: (magac, lab, keli) neef geel ah oo caato ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faafreebe
-ha: (magac, lab, keli) qofka faafreebka ka shaqeeya. Dh: kormeere.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafgareed
-da: (magac, dhedig, keli) lafta timaha garku ay ka baxaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laga yaab
v. be possible, be probable
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raxanreeb
(Raxanreeb-ta)
Geed-quwaaxa mid kamid ah oo qodxo leh oo diir cad oo xanjo wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raxanreeb
m.dh Geed quwaax gaaban leh qodxo dhaadheer oo xooggan, diir cad iyo xanjo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raxanreeb
f. n., [compound] gum-producing tree species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
RAXANREEB
Commiphora incisa 50
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
RAXANREEB
(Rahan-reb) C Commiphora ellenbeckii Engl. Burseraceae.
C Commiphora gracilispina Gillett. Burseraceae.
C Commiphora kua (J.F.Royle) Vollesen. Burseraceae.
C Commiphora incisa Chiov. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raxanreeb
-ka: (magac, lab, keli) geed quwaaxa ka mid ah oo qodxo leh oo diir cad oo xanjo wanaagsan leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raxanreeb
de: gum-producing tree sp.
lx: raxanreeb
pd: (-ta)
ps: n2a-f-cmp
key: raxanreeb
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nagaardeeb
m.l Geednagaar qodax leh oo xooluhu daaqaan.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Xagalseeto
Xagal aan sugnayn ee lagu qabbirro darajada hadba laga doonayo xagasha markaas lagu shaqaynayo inta ay tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagaarejoog
-ga: (magac, lab, keli) hibo uu qof u leeyahay in shirarka iyo goleyaasha uu joogo laga dhex garto ama joogiddiisa la dareemo. Dh: aftahannimo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laga maarmo
(adj) dispensable (dis peensibal)-, not essential
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laga yaabee
(adv) maybe (meeybii)-, perhaps (peer-hapis) ~ lacala; la arkee
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Land breeze
Neecow dhuleed
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
NAGAAR-DEEB
(Nagardeb) C Corchorus stenophyllus (Schum.) Weimarck. Tiliaceae.