ereyga

laga hel

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

laga hel

DHAN

v. occur, be found

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

Laga helo

DHAFAN
1

Presso

2

Care of (c/o)

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

laga_hel

DHAFAN
1

de: occur, be found

2

lx: laga hel

3

pd: (helay)

4

ps: v1=expr

5

xe: What diseases occur in this area?

6

xv: Cudurradee laga helaa halkan?

7

key: laga_hel

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ajar

DHAABAN
1

(Ajar-ka)

2

1. (-) Samafalka abaalgudkiisa xagga Ilaah laga helo.

3

2. Ajarid

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Anfac

DHAABAN
1

(Anfac-a)

2

Waxa la cuno waxtarka ama dheefta laga helo; anfaco; wax tar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baafin

DHAABAN
1

(Baafin-ta)

2

Wax lumay ama aan la aqoon meel laga helo, weyddiin iyo 'war yaa arkay?' ku baadi goobid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baddhac

DHAABAN
1

(Baddhac-a)

2

Qof badda iyo waxa laga helo keliya ku nool oo aan meel kale ku noolaan karin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Beerdulucsi

DHAABAN
1

(Beerdulucsi-ga)

2

Hadal saamays weyn leh ama wax kale oo la falo oo loola jeedo in qof beerkiisu ku jilco oo uu naxo oo soo debco oo muraad laga doonayo, laga helo; beerlaxawsi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Bir

DHAABAN
1

(Bir-ta)

2

1. Macaadinta dhulka laga helo mid kamid ah: aad buu u adag yahay, qaabkii la doonona waa loo yeeli karaa waxtarkiisana lama koobi karo.

3

2. Daloolka yar oo gaashida madow oo isha ku yaal; wiilka isha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Bocool

DHAABAN
1

(Bocoo-sha)

2

Qolof bahal-galeen ah oo aalaa laga helo dhulka waayadii hore baddu fadhiyi jirtey; aleel weyn; caroog; dhulman; tammaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Canbar

DHAABAN
1

(Canbar-ka)

2

Wax xabag xabag ah oo madow ama beey leh iyo ur lifaaqoon: jaadadka neberiga mid kamid ah uurkiisa (xiidmihiisa) buu ku samaysmaa oo xeebaha baddaa laga helaa; Waxyaalo ud'udgoon baa laga sameeyaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cayaar

DHAABAN
1

(Cayaar-ta)

2

1. Wax kastoo la qabto oo loola jeedo in laga helo farax, reyrreyn iyo qosol, jeel; madaddaalo, kd. (shax, turub, tartan, legdan, laal, ...): dheel.

3

2. Aan dhab ahayn; kaftan; (ama ciyaar).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ceel

DHAABAN
1

(Ceel-ka)

2

God la qoday oo hoos u dheer oo wareegsan oo laga helo biyo ama saliid ama dhuxul ama wax kale.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ciirsi

DHAABAN
1

(Ciirsi-ga)

2

Wax kaalmo laga helo; wax loo irkado.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Daawasho

DHAABAN
1

(Daawasha-da)

2

Wax falsan ama qurux badan, oo jecdaaladooda, macaan iyo jeel laga hela hayo, in door ah indhaha ku cunid; fiirsasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhaarshil

DHAABAN
1

(Dhaarshil-ka)

2

Wax dhaarta baajiya; wax dhaarta horjoogsada; wax wax yar laga qabo ama laga helay oo aan laga dhaaran karin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dimcad

DHAABAN
1

(Dimcad-ka)

2

Quraca, kd., dhallinta yar oo ulo jiljilicsan oo xoog badan iyo mayrax dhab u cad oo wanaagsan laga helo; (ama dincad).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Fahraso

DHAABAN
1

(Fahrasa-da)

2

Kitaabka, meesha lagu qoro fasallada iyo kiiba bogga laga helo; tusmo; (ama fahrasad).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Farow

DHAABAN
1

(Farow-ga)

2

1. Gammaanka jaad kamid ah oo Afrika keliya laga helo; wuxuu lee yahay oogo cad oo daliigo madmadow oo dheerdheeri ku wada dhilan yihiin.

3

2. Xoolaha aad u naaxa oo dhinacyada laallaab iyo daliigo ku yeesha.

4

3. Xararka rarada, kd., lagu dhigo jaad kamid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ganac

DHAABAN
1

1. (Ganac-a) Xubin carrab dheer oo jiidan oo sal weyn u eg oo oogada nafleyda ku taal (caloosha hoosteeda); waxay ka laallaaddaa oo dhacaankeeda ku shubtaa godanta (xiidmaha madaxooda hore oo caloosha xiga).

2

2. (Ganac-da) Alaabada iyo waxyaalaha kale oo la is dhaafsado inta lacag ama wax kale la isa siiyo; wax kastoo loo rogrogto in faa'ido laga helo; geddis; iib.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gargaarsimo

DHAABAN
1

(Gargaarsima-da)

2

Wax gargaar laga helo; kaalmo; taageero; waxtar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Geel

DHAABAN
1

(Geel-a)

2

Xoolaha la dhaqdo kan ugu weyn; wuxuu lee yahay sur aad u dheer, kurus ama labo kurus, addimo dheerdheer, cagfo balballaaran; waxtarkiisa lama koobi karo; waa la rartaa, waa la fuulaa; waxaa laga helaa caano, hilib, subag, xuuko, harag laga samaysto lammooyin, kabo, abxado, kolayo, xargo; dhogor laga dhigto aqallo, busteyaal, dhar, kebdo, kd.; wax badan buu biyaha ka qadaa. ~ Gaal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jeel

DHAABAN
1

(Jeel-ka)

2

Wixii dhab loo jecel yahay, araggooda ama maqalkooda ama dhadhankooda ama raaxadooda, kd., u bogidda, jamaadda iyo macaanka laga helo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

la hel

DHAFANDHAAF

v. hit (as on target)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

garhel

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-elay, -eshay) Qof dacwo uga rayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

garhel

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-elay, -eshay) Qof dacwo uga rayn. m.f.dh, garhelid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

garhel

DHAFANDHAAF

v. be right, win out; prevail, win a case (against someone)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

garhel

DHAFANDHAAF
1

(fal) qof aad gar dhigateen ka hel; gar cid kaga guulayso oo sidaad jeclayd ha loo nago.

2

garhel: (fal) qof aad gar dhigateen ka hel.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

garhel

DHAFANDHAAF
1

de: be right, win out; prevail, win a case (against s.o.) (with preposition ka)

2

lx: garhel

3

pd: (garhelay)

4

ps: v1=intr

5

key: garhel

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ka hel

DHAFANDHAAF

v. enjoy, like; make someone agree to do something

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

la_hel

DHAFANDHAAF
1

de: hit (as on target)

2

lx: la hel

3

pd: (la helay)

4

ps: v1=idiom

5

xe: He hit the clay pot with the hoe.

6

xv: Yaanbadii buu ashuun la helay.

7

key: la_hel

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

lughel

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-elay, -eshay) La l.: cid socotay raacid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

lughel

DHAFANDHAAF

(fal) lacid socotay raacid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

caalhel

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-elay, -eshay) 1. U c.: arrin xal u helid. 2. Ka c.: cid arrin yeelsiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

caalhel

DHAFANDHAAF

v., [compound] have the capability to do ~ prevent something

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caalhel

DHAFANDHAAF
1

(fal) maaro u hel.

2

caalhel -ka: (magac, lab, keli) arrin maaro u helid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fagadhe

DHAFANDHAAF

(tilmaame) mid fudud oo laf yar.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

magangel

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) is dhiibid uu qof cabsanayaa uu cid isku dhiibo si waxa uu ka cabsanyo looga badbaadiyo. Dh: magangal.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

lafgadheed

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) daanka hoose laftiisa u dhaxaysa labada jiqlood. Lafgadheedda ayaa lagu dhiftay wiilka. Dh: lafgareed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

laga reebo

DHAFANDHAAF

(conjunction) except (iksapt)-, excluding (ikiskuluuding)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cagabbeel

DHAFANDHAAF
1

cagabbeel¹: m.l Hanti yar oo la siiyo qof baadi doonay.

2

cagabbeel²: f.mg1 (-eelay, -eeshay) Ku c.: qof, baadidoon daal badan kala kulmid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cangaleel

DHAFANDHAAF

m.dh.u Nooc aleelada yaryar ka mid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cangaleel

DHAFANDHAAF

m.dh.u Nooc aleelada yaryar ka mid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

cangaleel

DHAFANDHAAF

m. n. small seashells

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cangaleel

DHAFANDHAAF

-sha: (magac, dhedig, keli) bacoosha iyo tamaanka jaad ka mid ah oo aan waaweyneyn. Dh: bacool, tammaan, laji, aleel.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

cangaleel

DHAFANDHAAF
1

de: small seashells

2

lx: cangaleel

3

pd: (/sha)

4

ps: n2-m

5

key: cangaleel

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hagarbeel

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) daacadnimo iyo lillaahi wax u qabasho. Dh: hagarla'aan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ka warhel

DHAFANDHAAF

v. receive information from someone, hear from

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

ka_warhel

DHAFANDHAAF
1

de: receive information from s.o., hear from

2

lx: ka warhel

3

pd: (warhelay / warheshay)

4

ps: v1=expr

5

key: ka_warhel

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

laangadhe

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qof labada lugood, mid ka dhutiya ama la'. Kuwii luga qabayba kala luudnee, maxaa ku lulaaya laangadhe. Dh: laangare.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

lacag leh

DHAFANDHAAF

adj., [expression] rich, wealthy

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

lafgareed

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) lafta timaha garku ay ka baxaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

laga yaab

DHAFANDHAAF

v. be possible, be probable

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

langadhax

DHAFANDHAAF

-a: (magac, lab, keli) afka dhexdiisa, inta labada dhinac ee gawsaha sare u dhaxaysa ee carrabka ka soo hor jeedda. Dh: dhangadhax dhanxanag, dhabxanag.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

magangeli

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) Qof magangelyo siin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

magangeli

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) Qof magangelyo siin. m.f.dh, magangelin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

magangeli

DHAFANDHAAF

v., [compound] give sanctuary ~ asylum; protect

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

magangeli

DHAFANDHAAF

(fal) cid magan ku weydiisata badbaadi oo cadawga ay ka cabsanayso ka celi. Ninka magan kuugu yimaad adna magangeli.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

magangeli

DHAFANDHAAF
1

de: give sanctuary ~ asylum; protect

2

lx: magangeli

3

nt: magangelis (ka) [vn-m], magangelin (ta) [vn-f]

4

pd: (magangeliyey)

5

ps: v2a=cmp

6

key: magangeli

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xagaggeli

DHAFANDHAAF

f.mg2 (-iyay, -isay) U x.: labo qof oo isku dhinac ah, keli ula legdamid; midba xag u deyn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xagaggeli

DHAFANDHAAF

(fal) laba qof la legdan oo midba dhinac mar keliya kula legdan. Labadaa wiil u xagageli. Dh: xagee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

labagadhley

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) qalab dhulka lagu qodo oo labada dhinacba af ku leh. Daabka la qabsadaa, dhexda ayuu ka galaa. Dh: labocudhley, madaraq.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

laga yaabee

DHAFANDHAAF

(adv) maybe (meeybii)-, perhaps (peer-hapis) ~ lacala; la arkee

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]

Langadhe-ha

DHAFANDHAAF

estropié.

waa la naqliyay ✓