lafyari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafyari
-da: (magac, dhedig, keli) mid weyd ah oo dhuuban ahaan. Dh: weydsani, miliilsani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafyar
(tilmaame) mid jimidh yar oo aan awranayn.
lafyar -ta: (magac, dhedig, keli) lafaha jidhka kuwooda aan dhaadheerayne yaryar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyar
(Afyar-ta)
Magac kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afyar
m.dh Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afyar
m.dh Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afyar
f. n., [compound] fish species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afyar
-ta: (n) 1. small mouth; little mouth. 2. small opening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afyar
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad kalluunka ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afyar
de: fish sp.
lx: afyar
pd: (-ta)
ps: n-f-cmp
key: afyar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laari
-ga: (magac, lab, keli) jaad qaadka ka mid ah. Dh: hereri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dabayl u dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
layri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dabayl u dhigid. m.f.dh, layrin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
layri
v. fan; air something out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
layri
-yey / say: (v) dry, cool, or freshen with air
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layri
(fal) eeg laydhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
layri
de: fan; air s.t. out
lx: layri
pd: (layriyey)
ps: v2a=tr
key: layri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayari
(fal) miyiri oo si tartiib ah u qabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abyari
-da: (magac, dhedig, keli) tol iyo qaraabo yaraan. Ninkan madluunka ah, waxa loo cadaadinayaa abyari. Dh: tolyari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Afyare
magac ama naanays loo baxsho qof afkiisu yar yahay. Li: afweyne.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafati
-ga: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah jaraha oo ka samaysan saynta dabada lo'da iyo lafaha faraha bagkaylaha oo gabdhuhu madaxa badhtankiisa sii marshaan ilaa qadaadka. Gabadhu waxay wejiga ku sidatay jare lafati ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
safari
/safari/ (n) socdaal baaddiye (siiba baaddiyaha oo ugaarsi ama daawasho loo aado, sida kaymaha Afrika).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Safari
Soedaal, safar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safari
-ga: (magac, lab, keli) cuntada aanan lagu cunayn maqaaxida ee loo soo qaato guriga.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
safari
safari, n.m. - socdaal; ugaadhsi ah siiba lagu isticmaalo bariga iyo badhtamaha Afrika
safari photo - lasoo daawado xayawaan meel ku oodan oo lasoo sawiro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryari
-da: (magac, dhedig, keli) qurjad xumi. Dh: sinyari, lafyari, jidhyari, saryari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
da'yari
m.dh la-mid: da'yaraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'yari
-da: (magac, dhedig, keli) ahaanta noole aan in badan soo jirin ama aan muddo dheer soo noolayn. Dh: da'rooni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danyari
m.dh la-mid: danyaraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danyari
-da: (magac, dhedig, keli) saboolnimo iyo hantiyari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facyari
-da: (magac, dhedig, keli) eeg facyaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafguri
m.dh 1. Carjaw ku samaysanta xubinta taranka ee haweenka afkeeda sare marka la gudo ka dib. 2. Feex.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lafguri
m.dh 1. Carjaw ku samaysanta xubinta taranka ee haweenka afkeeda sare marka la gudo ka dib. 2. Feex.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lambari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax lambar u yeelid. la-mid: lambaree, nambaree, nambari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lambari
v. number, enumerate; give a number to
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lambari
-yey/say: (v) give or assign a number to; number (nam bar) ~ lambaree, nambari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lambari
(fal) tiro lagu tilmaansado sii; lambar ku dhufo; lambarro u yeel. Lambari qolalka huteelka. Dh: lanbari, lambaree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lambari
a: lanbari, nambari
de: number, enumerate; give a number to
lx: lambari
pd: (lambariyey)
ps: v2a=tr
key: lambari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lanbari
(fal) lanbar u yeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaari
-ga: (magac, dhedig, keli) bixitaan gaaban oo la agaasimay oo lagu tago duurka si loo soo daawado ugaadha iyo dhawrta oo durbadii ba laga soo noqdo. Safaari baa lagu tagaa Berriga Afrika.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaryari
-da: (magac, dhedig, keli) wax yaryar oo inta caadiga ah ka yar ahaan. Daafida yaryarideeda ayaa loo yidhaa ninkii dalag waayay daafi buu daadiyaa uu guraa. Dh: yaryaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farayari
m.dh la-mid: farayaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawlyari
(Hawlyari-da)
Dhibyari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyari
m.dh Si aan dhib lahayn oo lagu suganyahay. la-mid: hawlyaraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlyari
m.dh Si aan dhib lahayn oo lagu suganyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlyari
f. n., [compound] light ~ easy work, small task
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlyari
-da: (magac, dhedig, keli) hawlyaraanta wax la qabanayo iyo dhibyaridiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlyari
de: light ~ easy work, small task
lx: hawlyari
pd: (-da)
ps: n-f-cmp
key: hawlyari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laayacid
-da: (magac, dhedig, keli) dayacidda xoolaha ama ilaalin la'aantooda. Dh: baylihin, dayacitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laf-arax
m.dh (cilmiga naflayda) Qayb godan oo qaab saddex gees leh ee lafdhabarta waxayna ka koobantahay shan (5) lafood oo iskudhafan. Waxay kaga dhaggantahay laf-xariirta ugu hooseysa qaybta moxogga ee lafdhabarta, hoos waxa ka ah lafta dabagibinta dhinacyadana lafaha miskaha ayaa ka xiga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laf-arax
m.dh (cilmiga naflayda) Qayb godan oo qaab saddex gees leh ee lafdhabarta waxayna ka koobantahay shan (5) lafood oo iskudhafan. Waxay kaga dhaggantahay laf-xariirta ugu hooseysa qaybta moxogga ee lafdhabarta, hoos waxa ka ah lafta dabagibinta dhinacyadana lafaha miskaha ayaa ka xiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafgarab
m.l (-byo, m.dh) Garabka intiisa lafta ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafgarab
m. n. scapula, shoulder bone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafgarab
-ta: (magac, dhedig, keli) garabka intiisa lafta ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafgarab
de: scapula, shoulder bone
lx: lafgarab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: lafgarab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafwayni
-da: (tilmaame) mid baaxadle oo buuran ahaan. Lafwaynida odaygu wuu u dhashay. Dh: awrrani, lafweyni. Li: liciifsani, lafyari.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lagnarsi
v. rifl. calaacalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lambarin
m.f.dh eeg lambari. la-mid: lambarayn, lambaris, nambarayn, nambarin, nambaris
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Lambarin
Numerare
To number
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lambarin
-ta: (magac, dhedig, keli) lambar ku dhufasho; lambar ku samayn. Lambarinta ani igu daa adna tiri. Dh: lanbarin, lambaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lambaris
m.l la-mid: lambarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lambaris
-ka: (magac, lab, keli) eeg lambarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lanbarin
(Lanbarin-ta)
Lanbar u yeelid, ku dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lanbarin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la tirinayo, lanbar u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maanyari
(Maanyari-da)
Garaadyari; caqli-yari; fiiraggaabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanyari
m.dh la-mid: maanyaraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maanyari
f. n., [abstract] state of being unintelligent, mental dullness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanyari
-da: (magac, dhedig, keli) kas yari; maangaabni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maanyari
de: state of being unintelligent, mental dullness
lx: maanyari
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: maanyari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalayari
-da: (magac, dhedig, keli) buuq yaraan; nefis ahaan. Dh: qalyari, nafis. Li: qalo, buuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afar
(Afar-ta)
Tirada saddexda iyo shanta u dhexaysa (4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afar
m.dh.t Tirada saddexda iyo shanta u dhexayso; “4”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afar
m.dh.t Tirada saddexda iyo shanta u dhexayso; 4.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afar
num. four
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Afar
quatre.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
afar
/afar/ (adv) ka fog. e.g. She saw me from afar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afar
-ta: (n) four (foor) ~ [4] ~ afraad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afar
-ta: (magac, dhedig, keli) tirada saddex iyo shan u dhaxaysa; 4.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
afar
أربعة
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
afar
ad., meel fog; it is far, waa fog yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afri
-da: (magac, dhedig, keli) magac loo yaqaan xigtada qofka dhagarqabaha ah.
afri -da: (magac, dhedig, keli) xumaanta ka dhaxaysa labo reer ama labo dhinac oo is haya. Utun baa u dhaxaysiyo, afri aan bogsoonayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Layr
(Layr-ta)
Dabayl jilicsan oo qabow; neecaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layr
m.dh Dabayl aan xoogganayn oo qabow; neecaw.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
layr
m.dh Dabayl aan xoogganayn oo qabow; neecaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
layr
f. n., (mass n.): breeze, fresh air
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
layr
-ta: (n) air (eer) ~ laydh-a; hawo
layr -ka: (n) electrical light ~ laydh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layr
-ka: (magac, lab, keli) iftiinka nalka ama wax kale. Dh: laydh.
layr-ta: (magac, dhedig, keli) neecawda qabaw ee ay naftu ku raaxaysato. Dh: laydh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
layr
a: laydh
de: breeze, fresh air
lx: layr
pd: (-ta)
ps: n0-f-mass
key: layr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yari
-da: (magac, dhedig, keli) wax yar ahaan. Geeljiruhu yari ayuu carruurta ku miidhaa. Dh: yaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayar
Si deggan oo miyir leh; qunyar; tartiib; xasil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayar
m.dh.fk Si deggan oo miyir leh. la-mid: aad yar, aadyar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aayar
m.dh.fk Si deggan oo miyir leh. Tusaale: Aayar u soco! la-mid: aad yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aayar
[adverb] or [adverbial] [expression] slowly, gently, lightly, slightly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aayar
(adv) slowly (islowli); taking more time than is usual or necessary ~ tartiib, qunyar. Ex: Aayar u soco; walk slowly. —Syn: dilatory, leisurely, laggard, deliberate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayar
(fal) si miyir ah u faltan ama u dhaqan. Aayar socodkaaga kolka ad waalidkaa la socoto.
aayar: (tilmaame) si deggan oo miyirsan. Aayar gaadhiga kolkaad magaalo dhex socoto. Dh: miyir, tartiib, qunyar. Li: xoog, aad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aayar
cf: aad yar
de: slowly, gently, lightly, slightly
lx: aayar
pd: (aadyar)
ps: adv
key: aayar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Adari
-da: (magac, dhedig, keli) dadka magaalada Harar dega; reer Harar. Dh: Harari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adari
-da: (magac, dhedig, keli) midho yaryar oo aad u udgoon oo lagu darsado cuntada. Adaridu waxay ka baxdaa buuraha. Dh: xawaashbuurbuur, geed'adari.
adari -da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah shimbiraha yaryar oo midab cawlan leh qoorta dusheedana qool madaw marsanyahay. Dh: adar, qoolley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbar
f.g1 (-ray, -rtay) Ilmo yar sida loo hadlo barid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof soomanaa afur siin. 2. Qof soon ka jebin. la-mid: afursii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afuri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof soomanaa afur siin. 2. Qof soon ka jebin. m.f.dh, afurin. la-mid: afursii.