lafati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafati
-ga: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah jaraha oo ka samaysan saynta dabada lo'da iyo lafaha faraha bagkaylaha oo gabdhuhu madaxa badhtankiisa sii marshaan ilaa qadaadka. Gabadhu waxay wejiga ku sidatay jare lafati ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lafti
(Lafti-da)
Dhalad; gob; nasab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafti
m.dh.u Dad nasab ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafti
f. n. noble, person of high status
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafti
-da: (magac, dhedig, keli) jirrid wanaag iyo gobnimo. Dh: gob, dhalad, nasab. Li: gun.
lafti-da: (magac, dhedig, keli) isla cidda kolkaa la sheegayo; qudhadiisa, ruuxdiisa. Laftiisa ayuu ahaa kii aan arkay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafti
cf: gob, nasab
de: noble, person of high status
lx: lafti
pd: (-da)
ps: n-f
key: lafti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafyari
-da: (magac, dhedig, keli) mid weyd ah oo dhuuban ahaan. Dh: weydsani, miliilsani.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
laxatif
laxatif, adj. - waxyaabaha caloosha shileeya sida buurkantida, olyada iwm.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safrati
-da: (magac, dhedig, keli) gaajada afur la'aantu keento.
safrati -ga: (magac, lab, keli) eeg safrad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afti
(Afti-da)
1. Arrin ama qaanuun, in la oggolaado ama la diido darteed, dadweynaha ama tolka loo bandhigo.
2. Farriin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afti
m.dh (-iyo, m.l) Arrin ama qaynuun, in la oggolaado ama la diiddo darteed, ay dowladi shacbigeeda u bandhigto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afti
m.dh (-iyo, m.l) Arrin ama qaynuun, in la oggolaado ama la diiddo darteed, ay dowladi shacbigeeda u bandhigto. Tusaale: Afti ha loo qaado dastuurka cusub.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afti
f. n. opinion, ascertaining consent, plebescite; referendum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afti
-da: (n) referendum (referendum); plebiscite (pilibiseeyt); vote (vowt) ~ doorasho
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
AFTI
Verbale
Verbatim record
Waa qoraalka lagu diiwaan geliyo hadallada fadhiyada Guddiyada, waxaana lagu muujiyaa ujeeddada Shirka, wixii xubin waliba ku hadashay iyo go'aanka guud ee la gaarey.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Afti
Verbale
Verbatim record
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afti
-da: (magac, dhedig, keli) cod laga qaado dadka si loo ansaxiyo sharcinimada dastuur iyo wixii la mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afti
de: opinion, ascertaining consent, plebescite; referendum
lx: afti
pd: (-da)
ps: n1-f, n7-f
key: afti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fati
m.l 1. Dhiriq lo'aad. 2. Wax aad u badan oo aan cidina wax ka waayeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baati
(Baati-ga)
Dhar jilicsan oo midabyo leh oo la tosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baati
m.l (-iyo, m.dh) Dhar cudbi ah, adag oo midabo leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baati
m.l (-iyo, m.dh) Dhar cudbi ah, adag oo midabo leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baati
m. n., [collective] batik (tie-dyed colored cloth)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baati
-ga: (n) batik (ba tiik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baati
-ga: (magac, lab, keli) dhar jilicsan oo midabbo leh. Baati u soo gad gabadha la aroosayo. Dh: shiid
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baati
cf: dhar
de: batik (tie-dyed or colored cloth)
lx: baati
pd: (-ga)
ps: n2-m-col
key: baati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaati
(fal) aayar u soco. Waan sii soconne iska soo gaati. Dh: gaatan, tukub, kuurkuurso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haati
f.g/mg2 (-iyay, -isay) la-mid: haadi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haati
v. wave
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haati
-yey / say: (v) 1. make something fly. 2. deceive someone ~ khayaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haati
(fal) eeg haadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haati
de: wave
lx: haati
pd: (haatiyey)
ps: v2a=tr
see: haadi
key: haati
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laahi
(Laahi-ga)
(qof) aan waxba danayn; aan shiddeysneyn; aan is dhiba hayn; aan xilkas ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laahi
m.l (-iyo, m.dh) Qof aan wax xafidin; aan is dhibayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laahi
m.l (-iyo, m.dh) Qof aan wax xafidin; aan is dhibayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laahi
m. n. careless person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laahi
-ga: (magac, lab, keli) qof aan waxba danayn oo aan waxba shiddaysan ama aan isdhibin.
laahi -ga: (magac, lab, keli) qof aan wax xafidin oo madax'adag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laahi
de: careless person Opp: xilkas
lx: laahi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: laahi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaji
m.l (-iyo/-i'in, m.dh) Qof waddankiisii ka cararay oo waddan kale jooga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laaji
m.l (-iyo/-i'in, m.dh) Qof waddankiisii ka cararay oo waddan kale jooga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laaji
m. n. refugee, immigrant foreigner
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laaji
-ga: (n) alien (eelyan); noncitizen (nansitizen); refugee (rafyuujii) ~ qaxooti, soogaleyti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaji
-ga: (magac, lab, keli) qof dalka uu joogo aan udhalan oo marti ku ah: qof dalkiisa ka taga ama laga eryo oo dal kale magangal u jooga. Dh: laaji, qariib, qaxooti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laaji
bw: Arabic
de: refugee, immigrant foreigner
lx: laaji
pd: (-ga Pl: laajiyiin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: laaji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laali
f.g2 (-iyay, -isay) Cid warwareejin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laali
f.g2 (-iyay, -isay) Cid warwareejin. m.f.dh, laalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laami
(Laami-ga)
Wax sida cinjirka u culus oo u adag oo madow oo dufan ku jiro; wax laga sameeyo qoryaha iyo dhuxusha iyo lafaha, kd., iyo wax dhulka laga qodo ama betrolka gufarkiisa laga soo saarona waa lee yahay; jaadkaan danbe waxtarkiisa waxaa kamid ah dhismaha waddooyinka iyo meelaha dayuuraduhu fariistaan; daamir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laami
laami¹: m.l (-iyo, m.dh) Gufar madow oo ka hara badroolka, dhuxusha iyo wixi lamida oo lagu sameeyo waddooyinka.
laami²: f.g2 (-iyay, -isay) Badar karsamaya walaaqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laami
m.l (-iyo, m.dh) Gufar madow oo ka hara badroolka, dhuxusha iyo wixi lamida oo lagu sameeyo waddooyinka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laami
v. stir a pot
laami m. n., (mass n.): asphalt, tarmac, bitumen, macadam blacktop
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laami
-ga: (n) tarmac (taarmaak); asphalt (aasfoolt); blacktop (balaak taap) ~ daamur. Ex: jid laami ah; a tarmac road
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laami
-ga: (magac, lab, keli) dhoobada ka soo hadha saliidda qeedhiin, ka dib kolka shidaalka laga saaro. Waa dhoobo adag oo sida cinjirka u culus, midab madow iyo dufan na leh. Waxa lagu sameeyaa dhismaha waddooyinka iyo gegiyada dayuuradaha. Dh: daamur.
laami -ga: (magac, lab, keli) waddo daamur lagu dhisay oo la adkeeyay. Laamiga mas baa la moodaa, waa runtaa oo waa la moodaa. Dh: waddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaqi
f.mg2 (-iyay, -isay) Luuqayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laaqi
f.mg2 (-iyay, -isay) Luuqayn. m.f.dh, laaqin. laas¹: m.l (-sas, m.l/-syo, m.dh) Ceel yar.
laas²: m.l (-sas, m.l/-syo, m.dh) (juqraafi) Bed lamaddegaanka bartamahiisa ku yaal oo biyaha laga helo agtood bacrin ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laaqi
v. intone; sing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaqi
(fal) tix ku luuqee oo qaad. Laaqi heesta aad jeceshay. Dh: qaad.
laaqi-ga: (magac, lab, keli) hadal aan meesha ku habboonayn. Dh: gef, qadaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laaqi
de: intone; sing
lx: laaqi
pd: (laaqiyey)
ps: v2a=
key: laaqi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laari
-ga: (magac, lab, keli) jaad qaadka ka mid ah. Dh: hereri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafay
(fal) cid kale, madaxa dhaawac ka gaadhsii.
lafay -ga: (magac, lab, keli) qofka caatoda ah. Dh: xiid, miriq, caato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafdi
m.l (naxwe) Qaabka codeed ee astaan afeeddu ay leedahay, yacni ereyga qaabkiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lafdi
m.l (naxwe) Qaabka codeed ee astaan afeeddu ay leedahay, yacni ereyga qaabkiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafdi
(tilmaame) wanaagga iyo hufnaanta ay cidi leedahay sida, nasabnimada iyo gobnimada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maati
m.dh la-mid: maato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maati
f. n., [collective] dependents
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maati
-da: (n) disadvantaged people, such as children, women, aged persons ~ maato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maati
-da: (magacwadareed) dhallaan iyo dad aan dagaallami karin. Dh: maato, maxas, birimageyday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maati
de: dependents
lx: maati
pd: (-da)
ps: n-f-col
see: maato
key: maati
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaati
(Qaati-ga)
Khaati.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaati
m. n. bored ~ fed-up person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaati
-ga: (magac, lab, keli) diiqad iyo nafsad la'aan. Hanjabaadda taliyaha qaati ayay askartu ka joogaan. Dh: qaatiyaan, khaati, khaatiyaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaati
a: khaati
de: bored ~ fed-up person
lx: qaati
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: qaati
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacati
dacati¹: m.l la-mid: tacaddi¹.
dacati²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay) la-mid: tacaddi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacati
-ga: (magac, lab, keli) cid kale ku xadgudbid. Dh: tacaddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagati
m.dh.kh Wax dayacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harati
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: hardi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harati
(fal) madaxa ku dagaallan. Dh: herdi, herti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafafi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax in yar qallajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafafi
(fal) wax soo engegaya ka dhig: wax soo qallalaya ka dhig. Dabaysha ku kafafi go'a. Dh: kawrixi
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Laf-ta
os.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LAFAAY
(Lafai) S Flueggea virosa (Willd) Voigt. Euphorbiaceae.
C,N Flueggea leucopyrus Willd. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafale
m. n. object {grammar}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafale
bw: fal
de: object {grammar}
lx: lafale
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: layeele
key: lafale
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
lafale
ظرف
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lafayn
(Lafayn-ta)
Lafaha madaxa jebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafayn
m.f.dh eeg lafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, madaxa dhaawac ka gaadhsiin. Dh: lafays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafays
-ka: (magac, lab, keli) eeg lafayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lifato
(Lifata-da)
Xilliga dayrta qaarki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lifato
m.dh Xilliga ugu dambeeya jiilaalka (diraaca).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Lifato
f. n. autumn rains, rainy part of the lesser wet season
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lifato
-da: (magac, dhedig, keli) xilliga dayrta qaarkeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Lifato
cf: xilli, Dayr
de: autumn rains, rainy part of the lesser wet season
lx: Lifato
pd: (/da)
ps: n-f
key: Lifato
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
safari
/safari/ (n) socdaal baaddiye (siiba baaddiyaha oo ugaarsi ama daawasho loo aado, sida kaymaha Afrika).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Safari
Soedaal, safar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safari
-ga: (magac, lab, keli) cuntada aanan lagu cunayn maqaaxida ee loo soo qaato guriga.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
safari
safari, n.m. - socdaal; ugaadhsi ah siiba lagu isticmaalo bariga iyo badhtamaha Afrika
safari photo - lasoo daawado xayawaan meel ku oodan oo lasoo sawiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sakati
(Sakati-da)
Baqdin yar; keyrkeyr; wadnafug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakati
sakati¹: m.dh Cabsi yar shaki.
sakati²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Si yar u nixid; naxdin yar iyo shaki dareemid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sakati
f. n. anxiety, concern, minor fear ~ worry
sakati v. worry, be concerned, have some minor fear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakati
(fal) shaki; wax ka baq; kayrkayr.
sakati -ga: (magac, lab, keli) baqdin yar oo aan weynayn. Dh: kayrkayr, shaki, wadnafuq.
sakati -ga: (magac, lab, keli) kala duwanaanshaha afkaaraha ama mawqifyada; is afgaranwaa. Dh: jaafaajiriq.