lacanadid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadid
m.dh la-mid: nacaladid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacanadid
-da: (magac, dhedig, keli) lacnad ku dhihid; nacladid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacnadid
m.dh la-mid: nacaladid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanad
lacanad¹: m.dh (-do, m.l) la-mid: nacalad¹.
lacanad²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: nacalad².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lacanad
-da: (n) damn (dhaam); malediction (maala-dik-shin); curse (keers) ~ lacnad, nacalad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacanad
-da: (magac, dhedig, keli) cadho iyo masiibo dhanka Eebbe ka timaadda. Dh: lacnad, nacalad, naclad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacandi
(magac, lab, keli) waxoogaa cad ah; waslad hilib ah. Dh: wasalad, macandi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacnadin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, lacnad ku dhihid; nacladid; lacanadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadee
f.g2 (-deeyay, -deysay) la-mid: nacaladee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lacanadee
v. curse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lacanadee
-yey / lacanadeysay: (v) condemn (kondheem); damn (dhaam)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacanadee
(fal) cid kale, lacnad la dhac; nacladee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lacanadee
de: curse
lx: lacanadee
pd: (lacanadeeyey)
ps: v2b=tr
see: nacaladee
key: lacanadee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) la-mid: nacaladow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lacanadow
inch. v. become cursed; be made unclean
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacanadow
-ga: (magac, lab, keli) lacnad hakugu dhacdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lacanadow
a: nacaladow
de: become cursed; be made unclean
lx: lacanadow
pd: (lacanadoobay)
ps: v1=inch
key: lacanadow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacaladid
m.f.dh eeg nacalad². la-mid: lacanadid, lacnadid, nacalladid, nacdalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadoobid
m.dh la-mid: nacaladoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacanadoobid
-da: (magac, dhedig, keli) lacnad ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gacanqaadid
(Gacanqaadid-da)
1. Gacansaarid.
2. Xaal siin; u hoyasho.
3. Dagaal bilaabid.
4. Wax siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacanqaadid
m.f.dh eeg gacanqaad². la-mid: gacanqaad¹ (4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadayn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadeyn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacanadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, raxmadda iyo khayrka Ilaah ka dheerayn; nacladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laxaamadid
(Laxaamadid-da)
Laxaamad iskula dhejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxaamadid
m.f.dh eeg laxaamad².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Laxaamadid
Saldatura
To weld
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxaamadid
-da: (magac, dhedig, keli) biro kala jabnaa, isku kabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macangagid
m.f.dh eeg macangag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macangagid
-da: (magac, dhedig, keli) ad'adkaan oo macangagnimo ku dhaqmid. Macangagidi xil kuma gaadhsiiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacalladid
m.dh la-mid: nacaladid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
candid
/kandhidh/ (adj) daacad u hadlid (saraaxo u hadal).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
candid
/kandid/ (adj) runty sheeghaw, daa'ad eh, lillaahi eh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laadid
(Laadid-da)
Laad ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laadid
m.f.dh eeg laad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadid
-da: (magac, dhedig, keli) lugta faygeeda hore ee ku abbaaran dhinaceeda kore, xoog wax ugu dhufad; leed ku dhufasho. Dh: harraatiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacnad
lacnad¹: m.dh la-mid: nacalad¹.
lacnad²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: nacalad².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lacnad
f. n. curse, anathema
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lacnad
-da: (n) damn (dhaam); malediction (maaladikshin); curse (keers) ~ lacanad, nacalad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacnad
-da: (magac, dhedig, keli) cadho iyo masiibo dhanka Eebbe oo ku timaadda ciddii ka jeesata wixii uu inna faray. Dh: nacalad, cadho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lacnad
a: lacanad
de: curse, anathema
lx: lacnad
pd: (-da)
ps: n-f
see: nacalad
xv: Arabic
key: lacnad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaadid
(Abaadid-da)
(ku abaadid) ku daa'imid, ku waarid, ku ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaadid
m.f.dh eeg abaad². la-mid: abaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaadid
-da: (magac, dhedig, keli) duugowga iyo dabargo'a tilmaamaya baabi'idda wax jiray. Dh: goofid, gaboobid, raagid, duugoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaadi
-ga: (magac, lab, keli) hawl ama lacag laga qaato gaadiidka badda kolka ay marsooyinka wax ka dejiyaan. Macaadi badan kama qaadan markabka. Dh: hawlfududayn, mushqaayad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macandi
(Macandi-da)
Wax la cuno oo naftu macaansato oo jeclaysato; wax laga dhergo: barwaaqo; (ama macaddi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macandi
m.dh 1. Cunto macaan oo nafaqo leh. 2. Barwaaqo, nabadgelyo, caafimaad. la-mid: macaddi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macandi
f. n., (mass n.): good food (flavorful and nutritious)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macandi
-da: (magac, dhedig, keli) eeg macaddi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macandi
de: good food (flavorful and nutritious)
lx: macandi
pd: (-da)
ps: n-f-mass
key: macandi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaladid
m.f.dh eeg alalad². la-mid: alalad¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dillaaca waaga berigiisa; kaahidda waaberiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabaadid
(Cabaadid-da)
Cabaad soo saarid; qaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabaadid
m.f.dh eeg cabaad². la-mid: caabad¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaadid
-da: (magac, dhedig, keli) cabaad soo saarid; qaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaadid
m.dh la-mid: cinaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falaadid
(Falaadid-da)
Madaddaalasho; baashaalid; maararroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaadid
m.f.dh eeg falaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fannadid
-da: (magac, dhedig, keli) meel la baadhayo aad u faaqidid. Aqalkii baa fannadid lagula kacay. Dh: fatishid, baadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gannadid
m.f.dh eeg gannad². la-mid: gannad¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gannadid
-da: (magac, dhedig, keli) oogo aan dhaaddanayn yeelasho. Dh: jaynafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaadid
m.f.dh eeg gawaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawaadid
-da: (magac, dhedig, keli) ninka ragga iyo dumarka isu gayntooda ka dhex shaqaysta noqosho. Dh: fataalid, rufyaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jactadid
(Jactadid-da)
1. Hadal jactad ah ku hadlid; asaraarid.
2. (dhar, tolmo) jactad ka dhigid; duuddub u yeelid; canbusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jactadid
m.f.dh eeg jactad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jactadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhar iyo wax la mid ah, isku ururid oo daranyaysnaan.
jactadid -da: (magac, dhedig, keli) meel in badan fadhiyid oo ku caajisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jahaadid
(Jahaadid-da)
Jahaad gelid; diinta Islaamka darteed u dagaallamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaadid
m.f.dh eeg jahaad². la-mid: jihaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jahaadid
-da: (magac, dhedig, keli) Ilaahay daraaddii, dagaal u galid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalaadid
-da: (magac, dhedig, keli) qaylada ama cida dheer ee riyaha. Jalaadidda riyuhu waa astaan barwaaqo. Dh: qalaadid. Li: amusnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaamid
m.f.dh eeg kacaan². la-mid: kacaan¹ (4).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaqaadid
vl. n. confiscation, taking away
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaqaadid
de: confiscation, taking away
lx: kaqaadid
pd: (-da)
ps: vn1-f
see: qaad
key: kaqaadid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabudid
-da: (magac, dhedig, keli) mar walba ku kicid oo joogteysad. Dh: joogtaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laayacid
-da: (magac, dhedig, keli) dayacidda xoolaha ama ilaalin la'aantooda. Dh: baylihin, dayacitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laclacid
m.dh eeg laclac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacnadee
f.g2 (-deeyay, -deysay) la-mid: nacaladee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacnadee
(fal) qof kale, lacnad la dhac; lacanadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Layaabid
(Layaabid-da)
Yaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ka fajacid oo la amakaagid. Dh: irkigid, ashqaraarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanacid
-da: (magac, dhedig, keli) wax horjoogsi oo in la sameeyo diidid. Maanacidda iska daa oo dadka sii daa. Dh: celin, diidid. Li: oggolaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaadin
m.dh.w eeg macdan¹,².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaadin
-ta: (magacwadareed) wixii khayraad ah ee dhulka hoostiisa ku jira gaar ahaan kuwa aan dhirta ahayn. Dhulka geeska Afrika macaadin badan oon weli la ogayn ayaa ka buuxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaahid
m.dh.w eeg machad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macaahid
f. n., pl. institutes, institutions
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macaahid
bw: Arabic
de: institutes, institutions Sg: machad
lx: macaahid
pd: (-da)
ps: n8-f-pl
key: macaahid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanid
-da: (magac, dhedig, keli) wax macaan ahaan. Maqaaxida jaarka cunto macaanid ayaa looga hadhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacaalid
-da: (magac, dhedig, keli) kabo ragcad ku samayn. Kabatolahaasi nacaalidda si fiican ay u saaraa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacladid
-da: (magac, dhedig, keli) cid cadho Ilaahay ku habaarid. Dh: lacnadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadaadid
m.f.dh eeg qadaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalaadid
(Qalaadid-da)
Ci qalaad ah ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qąlaadid
m.f.dh eeg qąlaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaadid
-da: (magac, dhedig, keli) sawaxan iyo ci ku baryid. Qalaadiddii orgiga ayaan ka seexan weynay. Dh: qaylyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaadid
-da: (magac, dhedig, keli) geeddi dheer guurid. Socdaal qayaadid ah ayaan Yugaandha ku tegney. Dh: hayaamid, guurid, qayaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rafaadid
(Rafaadid-da)
Dhib iyo rafaad arkid, la kulmid, mudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafaadid
m.f.dh eeg rafaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhib iyo rafaad ku jirid. Rafaadid baa rajo keenta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ragaadid
(Ragaadid-da)
Ragaad (qodax) mudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragaadid
m.f.dh eeg ragaad².