laboshardiile
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laboshardiile
Biconditional

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laba-dible
-laba-diblaha: (n) backward tying or fastening one's hands, behind one's back
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaddible
(Labaddibla-ha)
Garbadduub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaddible
m.l Xiridda gacmaha qof gadaal loo xiro; garbadduub. la-mid: labaddiblayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labawajiile
-ha: (magac, lab, keli) qofka hadba qofkuu la joogo isaga dhiga inuu lillaahi iyo daacad u yahay, kolkii la tagana, siyaaso ka dhan ah, ku kaca. Dh: labaggae, munaafaq, jirjirroole, labawajiile.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laba-xarigle
-laba-xariglaha: (n) sergeant (saarjant)
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Labo aaddimaale
Two-dimensional
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Weedh shardiile
Conditional statement
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KABO-HARIS
(Gobo-harig) May Commiphora boranensis Vollesen. Burseraceae.
NFD, May Commiphora gileaḍensis (L)C.Cr. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaddilee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Qof gacmihiisa gadaal u xirid ama u qabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labadiblee
(fal) eeg labadiblay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaraafle
m.l Xoolaha intooda cagta ay dhulka dhigayaan ay tahay laba raaf sida biciidka, lo'da, ariga, deerada iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaraafle
-ha: (magacwadareed) xoolaha intooda cagta ay dhulka dhigayaan ay tahay labo raaf sida biciidka, lo'da, adhiga, deerada iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labawejile
(Labawejila-ha)
Labaggalle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labawejile
m. n. hypocrite, two-faced person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labawejile
-labawejilaha: (n) double faced or hypocritical person; hypocrite (hipokirit)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labawejile
bw: munaafaq
de: hypocrite, two-faced person
lx: labawejile
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: labaggalle
key: labawejile
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
labourable
labourable, adj. - carro rogrogmi karta (beerta).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salbariile
-ha: (magac, lab, keli) eeg salbadhiile.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laba alifle
m. n. corporal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'alifle
-ha: (magac, lab, keli) askari sita derejada u horraysa ta ku xigta ee ciidanka, askari sita derejo u dhexaysa alifle iyo saddex'alifle.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laba-alifle
-laba-aliflaha: (n) corporal (korparel)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laba_alifle
de: corporal
lx: laba alifle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: laba_alifle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labadaraale
(adv) nevertheless (nevarthales), however (haw evar); in spite of that ~ si kastaba ha ahaatee; labadaraadle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaddiblee
f.g2 (-leeyay, -laysay) la-mid: labaddilee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labaddiblee
v. tie someone's hands behind his back
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labaddiblee
de: tie s.o.'s hands behind his back
lx: labaddiblee
nt: labaddible (/ha) [n7-m] 'person with his hands tied'
pd: (labaddibleeyey)
ps: v2b=
key: labaddiblee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labajaraale
m.l (-layaal, m.l/dh) Laba jaro ay isugu xigsato laba qofood oo wada ciyaaraysa midkood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labamadaxle
m.l (-layaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Muruq laba madax leh. Laba madaxlaha cududda wuxuu ku yaal inta u dhexeysa isgooyska garabka ila isgooyska xusulka wuxuu laabaa cududda iyo dhudhunka wuxuuna xagga calaacasha u rogaa dhudhunka iyo gacanta laba madaxlaha shanshada wuxuu ku yaal xagga dambe ee bawdada wuxuuna qabtaa laabidda jilibka, fidinta bowdada iyo rogidda lugta xagga dibadda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labamadaxle
-ha: (magac, lab, keli) muruq labo madax leh oo cududda ku yaal inta u dhaxaysa isgoyska garabka ila isgoyska xusulka wuxuuna laabaa cududda iyo dhudhunka wuxuuna xagga calaacasha u rogaa dhudhunka iyo gacanta laba madaxlaha shanshada wuxuu ku yaal xagga dambe ee bawdada wuxuuna qabtaa laabidda jilibka, fidinta bowdada iyo rogidda lugta xagga dibadda.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labamidigle
-labamidiglaha: (n) ambidextrous (ambe dhakistes) man who can use both hands equally; two right-handed man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labamidigle
-ha: (magac, lab, keli) qof gacantiisa midig iyo tiisa bidix isku si wax ugu qabsada, isku sina ugu wada adeegta. Somatar waa labamidigle.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
laboratoire
laboratoire, n.m. - sheybaar.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Labosaabeke
Hyperboloid, Paraboloid
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Labosaabley
Parabolic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawdabariile
-ha: (magac, lab, keli) eeg bawdabadhiile.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabadhadhiye
-ha: (magac, lab, keli) dhul adag oo socodkiisa lagu caatoobo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laba-madaxle
m.l (-layaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Muruq laba madax leh. Laba madaxlaha cududda wuxuu ku yaal inta u dhexeysa isgooyska garabka ila isgooyska xusulka wuxuu laabaa cududda iyo dhudhunka wuxuuna xagga calaacasha u rogaa dhudhunka iyo gacanta laba madaxlaha shanshada wuxuu ku yaal xagga dambe ee bawdada wuxuuna qabtaa laabidda jilibka, fidinta bowdada iyo rogidda lugta xagga dibadda.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labadaraadle
(adv) nevertheless (nevar tha les), however (hawevar)-, in spite of ~ labadaraale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadaryaale
m.l (-layaal, m.l/dh) la-mid: labadderyaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labammidigle
(Labammidigla-ha)
1. Qof gacanta midig iyo tan bidix isku si wax ugu qabta, ugu adeegta.
2. Qof gurran, guud ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labammidigle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof labada gacmood isku si wax ugu qabta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labammidigle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof labada gacmood isku si wax ugu qabta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labammidigle
m. n., [compound] ambidextrous person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labammidigle
de: ambidextrous person
lx: labammidigle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: labammidigle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaxadhigle
-ha: (magac, lab, keli) askari sita derejada u dhexaysa xadhigle iyo saddexadhigle: wuxuu ka mid yahay saraakiilxigeennada. Jigre waa askari labaxadhigle ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaxiddigle
m.l (-layaal, m.l/dh) Sargaal ciidan oo darajadiisu tahay laba xiddig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labaxiddigle
m.l (-layaal, m.l/dh) Sargaal ciidan oo darajadiisu tahay laba xiddig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaxiddigle
-ha: (magac, lab, keli) derejo uu qaato askari xiddigle ka soo dallacay; sarkaalka derajadiisu u dhexayso xiddigle iyo saddexiddigle. Duhur waa labaxiddigle buuxa. Dh: labaale.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laba xiddigle
m. n., [compound] first lieutenant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laba-xiddigle
-laba-xiddiglaha: (n) lieutenant (luutenanti)', first lieutenant
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laba_xiddigle
de: first lieutenant
lx: laba xiddigle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: laba_xiddigle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaddaraadle
fk. Si kastaba; hubaal ahaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labaddaraadle
fk. Si kastaba; hubaal ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labaddaraadle
[adverbial] [expression] in any case, anyhow, however
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaddaraadle
-ha: (magac, lab, keli) labo shay oo kala daran kala doorshadood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labaddaraadle
de: in any case, anyhow, however
lx: labaddaraadle
ps: adv-expr
key: labaddaraadle
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Labo caynduuble
Nooc kamid ah baanadaha oo lammaan caynduuble ah.