labasuunlley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labasuunlley
-da: (magacwadareed) eeg labasuullay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labasuunllay
-da: (magacwadareed) noolaha inta wadaagta labo suul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labasuulle
(Labasuulla-ha)
Muruqyada ku yaal cududda docdeed kore iyo bowdada docdeeda hoose.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labasuulle
m. n. muscle in the leg (of animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labasuulle
-ha: (magac, lab, keli) muruq caan ah oo geela kaga yaal cududda dhinaceeda kore iyo bawdada dhinaceeda hoose. Muruga labasuulle ninba si la ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labasuulle
cf: afarsuulle
de: muscle in the leg (of animal)
lx: labasuulle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: labasuulle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadulle
m.l Xabaal labo af oo hoos isaga duleela leh oo lagu aaso carruurta saqiirka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labadulle
-ha: (magac, lab, keli) xabaal labo af oo hoos isaga duleela leh oo lagu aaso carruurta saqiirka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadullee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Xabaal labadulle ah qodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labagalley
-da: (magac, dhedig, keli) been runta u eg oo munaafagad ah. Qaadigu wuu gartaa hadalka labagalleyda ah. Dh: been, munaafaqad. Li: run.
labagalley-da: (magac, dhedig, keli) naag labawejiiley ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadulleyn
m.f.dh eeg labadullee. la-mid: labadulleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadulleys
m.l la-mid: labadulleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaggalley
(Labaggalley-da)
Beenta, runta u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaggalley
m.dh 1. Naag laba wejiile ah. 2. Beenta, runta u eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labaggalley
f. n., [abstract] hypocracy, a lie that resembles truth
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labaggalley
de: hypocracy, a lie that resembles truth
lx: labaggalley
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: labaggalley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abashuqle
m.l Guux iyo abur uu afka ka keeno awr doobbo soo ridi waayey. la-mid: aburshuqle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abashuqle
-ha: (magac, lab, keli) abur cad afka ka sii deyn. Dh: aburshuqle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labacanle
(Labacanla-ha)
1. Labada can oo la buuxsho kolka wax la cunayo.
2. Xaggiyo xagga ama labo meelood oo isku kol wax laga cuno; boob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labacanle
m.l Calalinta cuntada labada can lagu calaliyo. la-mid: labacanlayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labacanle
m. n., [compound] (adj.): filling both cheeks when eating; greedy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labacanle
-ha: (magac, lab, keli) boobista cuntada oo inta afka aad loo buuxiyo, labada dhinac ba wax lagu calaliyo. Dh: boob.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labacanle
de: filling both cheeks when eating; [atr.] greedy
lx: labacanle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: labacanle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labagalle
-ha: (magac, lab, keli) qof hadba cidduu la joogo isaga dhiga inuu daacad u yahay. Dh: labawejiile, munaafaq, jirjirroole. Li: daacad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaqolle
-ha: (magac, lab, keli) magaca goodirka lab, marka uu ishinka yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abashuqlay
(fal) 'hal' guux iyo abur sii daa, adoo doobtii soo ridi waayay. Dh: aburshuqlay.
abashuqlay: (fal) 'awr' dhareeri adiga oo muujinaya astaamaha abasaxa. Dh: aburshuqlay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abashuqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Abashuqle samayn (awr). la-mid: aburshuqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abashuqlee
(fal) eeg abashuqlay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afarsuulle
(Afarsuulla-ha)
Muruq afar suul ama afar madax leh, siiba muruqa weyn oo ku yaal bowdada docdeeda kore, oo kolka uu isku soo rooro lugtu kala baxdo oo fidsanto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarsuulle
m.l Muruq afar madax leh oo ku yaal bowdada dhinaceeda sare.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afarsuulle
m. n. thigh muscle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afarsuulle
-ha: (magac, lab, keli) muruq afar suul ama afar madax leh, siiba muruqa weyn oo ku yaalla bawdada docdeeda kore. Waa muruqa kolka uu isku soo rooro lugtu kala baxdo oo fidsanto. Orodkuu badinaayay baa, afarsuullaha gooyaye, ma anaaba arkaayay!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afarsuulle
cf: muruq; labasuulle
de: thigh muscle
lx: afarsuulle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: afarsuulle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'afley
(tilmaame) qalabka la adeegsado, mikii labada dhinacba af uu wax ku jaro ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labacanlee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Labada daan isku mar wax ku calalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labacanlee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Labada daan isku mar wax ku calalin. m.f.dh, labacanlayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labacanlee
v., [compound] fill both cheeks when eating, stuff one's mouth; be greedy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labacanlee
(fal) si labacanlayn ah wax u cun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labacanlee
de: fill both cheeks when eating, stuff one's mouth; be greedy
lx: labacanlee
nt: labacanlays (ka) [vn-m]
pd: (labacanleeyey)
ps: v2b=cmp
key: labacanlee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaggalle
(Labaggalla-ha)
Qofka hadba qofkuu la joogo isaga dhiga inuu lillaahi iyo daacad u yahay, kolkii la kala tagona, siyaaso ka dhan ah, ku kaca; labawejiile; munaafaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaggalle
m.l (-layaal, m.l/dh) Laba wejiile.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labaggalle
m. n., [compound] hypocrite, deceitful person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labaggalle
bw: munaafaq
de: hypocrite, deceitful person Lit: having two covers
lx: labaggalle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
syn: labawejile
key: labaggalle
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Malyuunley
Millionaire city
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abashuqleyn
m.f.dh eeg abashuqlee. la-mid: aburshuqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abashuqleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg abashuqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labagadhley
-da: (magac, dhedig, keli) qalab dhulka lagu qodo oo labada dhinacba af ku leh. Daabka la qabsadaa, dhexda ayuu ka galaa. Dh: labocudhley, madaraq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labakurusle
(Labakurusla-ha)
Geela labada kurus leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labakurusle
m. n., [compound] two humped camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labakurusle
-ha: (magac, lab, keli) eeg labakurus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labakurusle
de: two humped camel
lx: labakurusle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: labakurusle
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Labosaabley
Parabolic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadulleysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Xabaal hab labadulle ah u qodan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saddexsuulley
(Saddexsuulley-da)
Qarandi; xabaalaquf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexsuulley
m.dh Xaalaquf, qarandi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saddexsuulley
f. n. African anteater species, aardvark
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexsuulley
-da: (magac, dhedig. keli) eeg saddexsuulay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saddexsuulley
cf: qarandi; xabaalaquf
de: African anteater sp., aardvark
initial: s
lx: saddexsuulley
pd: (-da)
ps: n-f
key: saddexsuulley