labanlawshe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labanlawshe
-ha: (magac, lab, keli) eeg laamalawshe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laamalawshe
(magac, lab, keli) geed laan keli ah ka kooban. Sida laamalawsha, dabayluhu ay lulayaan, anna laydha caashaqa, ula labanlagdoobaa. Dh: laamalooye, lugtool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babaanshe
-ha: (magac, lab, keli) qof tudhaal iyo xannaano u leh howsha uu qabanayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laangadhe
-ha: (magac, lab, keli) qof labada lugood, mid ka dhutiya ama la'. Kuwii luga qabayba kala luudnee, maxaa ku lulaaya laangadhe. Dh: laangare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaansho
m.l/dh la-mid: labaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaansho
-da: (magac, dhedig, keli) wax lab ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labanafle
-ha: (magac, lab, keli) qof go' adag; naf-adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labanlaab
labanlaab¹: m.l la-mid: laballaab¹.
labanlaab²: f.g1 (-bay, -btay) la-mid: laballaab².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labanlaab
num-adv: double, twice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labanlaab
-ay / tay: (v) double (dha bal)-, two-fold ~ labalaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labanlaab
(fal) go', xadhig, gogol iyo wixii la mid ah, isku celi oo isku laab.
labanlaab: (fal) tiro intii ay ahayd in kale oo le'eg ku dar. Lix waa labnlaabka saddex.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labanlaab
de: double, twice
lx: labanlaab
ps: num-adv
key: labanlaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libaadshe
m.l (-shayaal, m.l/dh) Barkimooyin jilicsan oo kooraha laga hoos mariyo, si uusan kooruhu faraska u qaban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libaadshe
-ha: (magac, lab, keli) maro ama wax kale oo jilicsan oo loo dhaxaysiiyo kooraha iyo qofka faraska fuushan. Wa: libaadsheyaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaalasho
(Dabaalasha-da)
Biyaha dhexdooda marmarid sida kalluunka iyadoo aan waxba la qabsan, cagahana dhulka lagu hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaalasho
m.f.dh eeg dabaalo. la-mid: dabaalad, dabbaalad, dabbaalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaalasho
vl. n. act of swimming
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabaalasho
- dabaalashada: (n) the act of swimming
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dabaalad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaalasho
de: act of swimming
lx: dabaalasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dabaalasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laballabee
f.mg2 (-beeyay, -beysay) Laba arrin oo gudboon kala dooran waayid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laballabee
-yey / laballabeysay: (v) be uncertain; hesitate (heze-teeyt); waver (weey ver); falter (fool-ter) ~ shaki
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballabee
(fal) labo arrin oo gudboon kala dooran waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaysasho
(Labaysasha-da)
Labo ka dhigasho; labo jeer qaadasho, helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaysasho
m.f.dh eeg labayso. la-mid: labaysad, labaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax and mid ka haysatay, mid kale ku biirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labnaansho
m.l/dh la-mid: labnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labnaansho
-da: (magac, dhedig, keli) wax laban ahaansho: qasnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalansasho
-da: (magac, dhedig, keli) sidasho aan dusha la saarine, wax la laadlaadsado. Dh: lalansad, laalaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalasho
m.f.dh eeg xabaalo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laballaabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Laba arrimood oo wax laga qaban lahaa ku tallamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laballaabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Laba arrimood oo wax laga qaban lahaa ku tallamid. m.f.dh, laballaabayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laballaabee
v. be uncertain, undecided, doubtful about something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laballaabee
de: be uncertain, undecided, doubtful about s.t. Lit: having two thoughts
lx: laballaabee
pd: (laballaabeeyey)
ps: v2b=tr
key: laballaabee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labanlaaban
labanlaaban¹: f.g1 (-bmay, -bantay) la-mid: laballaaban¹.
labanlaaban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) la-mid: laballaaban².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labanlaaban
-ka: (magac, lab, keli) wax labajibbaaran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labanlaabid
m.dh la-mid: laballaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabagbarshe
m.l (-shayaal, m.l/dh) la-mid: xabagbarsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babcanaansho
m.l/dh la-mid: babcanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babcanaansho
-ha: (magac, lab, keli) walax, si gudub ah u taalla ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbanaansho
m.l/dh la-mid: cabbanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbanaansho
-ha: (magac, lab, keli) adkaysi la'aansho; nuglaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsanaansho
m.l/dh la-mid: cabsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsanaansho
-ha: (magac, dhedig, keli) sakhraansanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabannashlee
f.g/mg2 (-leeyay, -laysay) D./ka d.: si dabadhilifnimo ah qof u dabajoogid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabannashlee
f.g/mg2 (-leeyay, -laysay) D./ka d.: si dabadhilifnimo ah qof u dabajoogid. m.f.dh, dabannashlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabannashlee
(fal) cid aan kuu baahnayn daba soco oo isku nannab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabranaansho
m.l/dh eeg dabranow. la-mid: dabranaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabranaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dabranaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadbanaansho
m.l/dh la-mid: dadbanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadbanaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax dadban ahaan. Haddaad si dadbanaansho ah u fadhiisato xidid baa ku gaban. Dh: gudbanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbanaansho
m.l/dh la-mid: darbanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbanaansho
-ha: (magac, lab, keli) diyaar ahaansho; heegan ku jrird.
darbanaansho-ha: (magac, lab, keli) waran iyo wixii la mid ah wax saani loo tuuray ahaan. Waranku darbanaansho ayuu wax ku dilaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabranaansho
m.l/dh la-mid: gabranaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąbranaansho
m.l/dh la-mid: gąbranaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabranaansho
-ha: (magac, dhedig, keli) xoolo iyo wixii la mid ah, meel si wadar ah u fadhiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habbanaansho
m.l/dh la-mid: habboonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habbanaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg habbanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laamallooshe
m. n. tree ~ plant without branches with a long and flexible trunk
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laamallooshe
a: laamallooye (/ha) [n7-m]
cf: laan, lugtool
de: tree ~ plant without branches with a long and flexible trunk
lx: laamallooshe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: laamallooshe
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laba tallsle
Condominium
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labanlaabmid
m.dh la-mid: laballaabmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqsanaansho
m.l/dh la-mid: liqsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) qof wax laqsan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layacnaansho
m.l/dh la-mid: laayacnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layacnaansho
-ha: (magac, lab, keli) dayacnaansho; laayacnaansho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Liibaangashe
nickname; name-m victorious; victory bearer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabranaansho
m.l/dh la-mid: nabranaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabranaansho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg nabranaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabsanaansho
m.l/dh la-mid: qabsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) mid la qabtay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabsanaansho
m.l/dh la-mid: tabsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanqasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof baad iyo biyo la'aan u liita. Dh: aq, caq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalays
-ka: (magac, lab, keli) abaar aad u daran oo aafo ah. Waxaa arligii beddelay, abaar iyo aafo kulul, abaalays baa ka dhacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalaase
-ha: (magac, lab, keli) olole lagu fulinayo howl; qaylo iyo buuq badan wata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baanasho
(Baanasha-da)
Cunno baan noqon karta siin; baanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baanasho
m.f.dh eeg baano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baanad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balawade
-ha: (magac, lab, keli) qof xumaanta jecel oo war xun sida goor iyo ayaan. Balawade samo ma keeno. Dh: balaayaside. Li: samawade.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bararshe
(Bararsha-ha)
Cudur dadka ku dhaca oo oogadu la barbararto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararshe
m.l Cudur dadka ku dhaca oo wejiga iyo oogadu la barbararto oo dab lagu daaweeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bararshe
m. n., [collective] disease that causes the body to swell
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararshe
-ha: (magac, lab, keli) cudur barariya oogada dadka. Barashe ayaa haya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bararshe
de: disease that causes the body to swell
lx: bararshe
pd: (/ha)
ps: n6-m-col
key: bararshe
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Catalase
Katalays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabacase
m.l Geed nagaar khudaarta la cuno ka mid ah, oo caleen ballaaran iyo buruq dhuuban oo dhulka ku xabaalan leh; karooto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabacase
m.l Geed nagaar khudaarta la cuno ka mid ah, oo caleen ballaaran iyo buruq dhuuban oo dhulka ku xabaalan leh; karooto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabacase
m. n., [compound] carrot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabacase
(n) carrot (kaarat) ~ karooto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabacase
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah khudradda oo badhi cas leh oo lacuno indhana dawo u ah oo biiriya aragtida dhaayaha. Dabacase faxfaxa innoogu kari. Dh: kaaroo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabacase
de: carrot Lit: red back {N & C}
lx: dabacase
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: dabacase
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabacaws
-ka: (magac, lab, keli) magaca waraabaha duqa ah ee aan ordi karin. Dabacawsku wuu dagaal xunyahay ee iska ilaali. Dh: halabcaws.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibaadshe
-ha: (magac, lab, keli) walax jilicsan oo kooraha iyo faraska loo dhaxaysiiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
la'aasho
a: la'aansho {S}
de: lack
lx: la'aasho
pd: (/ha)
ps: vn6-m-st
key: la'aasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laabasho
(Laabasha-da)
(ka laabasho, ku laabasho, soo laabasho) wax fidsanaa oo qof xaggiisa u laabo; meel ka noqosho ama ku noqosho; soo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabasho
m.f.dh eeg laabo. la-mid: laabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg laabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laacasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax durugsan gaadhiddooda, tiigsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laadasho
m.f.dh eeg laado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadasho
-da: (magac, dhedig, keli) kubbad, laad ku dhufsasho. Dh: leedasho, laagasho.