labacsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labacsan
(tilmaame) mid dabacsan oo naxariis leh. Dh: dabacsan.
labacsan: (tilmaame) mid aan adkayn ama jilicsan; mid qaqabaw oo aan firfircoonayn. Dh: habacsan, qaqabaw. Li: firfircoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labacsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg labacsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabacsan
dabacsan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: debecsan¹.
dabacsan²: f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: debecsan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabacsan
der. [adjective] loose, slack; soft, weak ~ weakened; calm, relaxed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabacsan
(adj) not tense; relaxed (rilaksidh); soft (sooft); delicate (dhelikeeyt); tender (ten dhar); slack (islaak) ~ jilicsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabacsan
(tilmaame) qof dabeecad fiican oo dad ladhaqan leh. Subeer waa nin dabacsan.
dabacsan: (tilmaame) wax aan giijisnayn oo furan kara. Xadhiggu wuu dabacsan yahaye adkee.
dabacsan: (tilmaame) wax taabashadiisu aanay adkayn oo gacantu ku raaxaysato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabacsan
de: loose, slack; soft, weak ~ weakened; calm, relaxed
lx: dabacsan
nt: dabacsan [v1=inch]
pd: (dabacsanaa)
ps: adj-der
key: dabacsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax habac ku dhacay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habacsan
der. [adjective] flabby, out of shape
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habacsan
-aa:(adj) lacking firmness; flabby (flaabi)-, limped ~jil-jilicsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habacsan
(tilmaame) qof aan firfircoonayn oo jiljilicsan. Nin habacsan xil looma dhiibo. Dh: jilicsan, qoyan. Li: firfircoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habacsan
de: flabby, out of shape
lx: habacsan
pd: (habacsanaa)
ps: adj-der
key: habacsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid labacsan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habacsane
-ha: (magac, lab, keli) qofka jilicsan ee karti la'aan darteed kala daadsan. Dh: habacyac, doqon. Li: firfircoone. Wa: habacsaneyaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lambarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax lambar loo yeelay ahaansho. la-mid: nambarsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lambarsan
der. [adjective] numbered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lambarsan
-aa: (adj) marked or identified by a number; numbered (nam baridh); tagged (taagidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lambarsan
(tilmaame) wax lambar ku yaallo. Badeeco lambarsan ayaa dukaanka taalla. Dh: nambarsan, lanbarsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lambarsan
de: numbered
lx: lambarsan
pd: (lambarsanaa)
ps: adj-der
key: lambarsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lanbarsan
Lanbar loo yeelay, lagu dhigay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lanbarsan
(tilmaame) wax lambar loo yeelay. Dh: lambarsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taabacsan
f.g4 (-naa, -nayd) Qof kale raacay ahaansho (qof, wax).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taabacsan
f.g4 (-naa, -nayd) Qof kale raacay ahaansho (qof, wax). m.f.dh, taabacsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabacsan
(tilmaame) mid cid kale raacsan, dabaggalsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaan
(Labaan-ta)
1. Wax lab ahaansho.
2. Wanaag; liibaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaan
m.f.dh eeg lab³. la-mid: labaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labaan
f. n. masculinity, state of being male ~ masculine
labaan [feminine] n., [abstract] blessing, success, good fortune
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaan
-ta: (magac, dhedig, keli) lab ahaan; mid aan dhedigayn ah. Dh: labnimo. Li: dhedigaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ababsan
(tilmaame) neef ababay ahaan. Dareeriya maqasha inta ababsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax baac lagu cabbirey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baacsan
(tilmaame) fidsan oo wax la ballaadhiyay ah. Gogol baacsan ayaan ku fadhiistay. Dh: fidsan, goglan. Li: duuban.
baacsan: (tilmaame) wax la dhereriyey ahaan. Dawlisku wuu baacsan yahaye, berri geela ku soo waraabiya. Dh: qiyaasan, cabbiran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacsan
(tilmaame) wax hoos u liicsan ama godan. Dh: diisan. Li: dhiibsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laacdan
(Laacdan-ka)
Garmaama-cayaar; dheel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laacdan
laacdan¹: m.l 1. Cayaar iyo bardoodan uu sameeyo geela da'da yar. 2. Fara ka ciyaar. la-mid: laactan¹.
laacdan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. Geel da' yar bardoodamid. 2. Dad fara ka ciyaarid. la-mid: laactan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laacdan
m. n. hand, plural, ay, exercise done with the hands, gymnastics
laacdan v. take part in hand, plural, ay activities
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laacdan
(fal) ciyaar, adiga oo garmaamaynaya, haddana ciyaar.
laacdan -ka: (magac, lab, keli) si garmaamo ah u ciyaar oo dheel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laactan
laactan¹: m.l la-mid: laacdan¹.
laactan²: f.mg1 (-amay, -antay) la-mid: laacdan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laactan
m. n. gymnastics (as a sport)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laactan
(fal) eeg laacdan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laactan
de: gymnastics (as a sport)
lx: laactan
pd: (-ka)
ps: n-m
see: laacdan
key: laactan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Layacan
La layacay; aan la ilaalin ee layska sii daayey; dayacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
layacan
layacan¹: f.mg1 (-cmay, -cantay) la-mid: laayacan¹.
layacan²: f.mg4 (-cnaa, -cnayd) la-mid: laayacan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
layacan
der. [adjective] neglected
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layacan
(tilmaame) wax ku sugan baylah iyo daryeel la'aan. Dh: dayacan, baylahsan, daranyaysan. Li: dhawran, daryeelan, xafidan, ilaashan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
layacan
de: neglected
lx: layacan
ps: adj-der
key: layacan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacsan
f.g4 (-naa, -nayd) 1. Ku r.: qof, cid kale la fikrad ahaansho. 2. Wax meel ama wax kale ka tirsan ahaansho. 3. Wax wax kale ku dhinac samaysan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raacsan
f.g4 (-naa, -nayd) 1. Ku r.: qof, cid kale la fikrad ahaansho. 2. Wax meel ama wax kale ka tirsan ahaansho. 3. Wax wax kale ku dhinac samaysan ahaansho. m.f.dh, raacsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raacsan
der. [adjective] following
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raacsan
-aa / ayd: (adj) 1. associated (a-soo-shiyeeytidh); associate with; 2. next; following, subsequent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacsan
(tilmaame) ayidsan oo maamul ama nidaam jira taageersan. Shicib Hoggaankooda raacsan lama jebiyo.
raacsan: (tilmaame) ka tirsan oo qayb ka ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raacsan
de: following
lx: raacsan
pd: (raacsanaa)
ps: adj-der
key: raacsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Dad, duunyo ama qalab wax kala firirsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Dad, duunyo ama qalab wax kala firirsan ahaansho. m.f.dh, yaacsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaacsan
der. [adjective] scattered, dispersed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaacsan
de: scattered, dispersed
initial: y
lx: yaacsan
pd: (yaacsanaa)
ps: adj-der
key: yaacsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabaysan
(tilmaame) wax habaysan oo wanaagsan ahaan. Eebbe taladeenna mid aabaysan ha ka yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Babactan
(Babactan-ka)
Dagaal aan dhab ahayn tabihi muujin; tartan; garmaame; loollan; laacdan; cayaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babactan
babactan¹: m.l la-mid: babactamid.
babactan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Ciyaaro fudud sida legdin, orod iyo wixi lamida ku tartamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
babactan
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Ciyaaro fudud sida legdin, orod iyo wixi lamida ku tartamid. m.f.dh, babactamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
babactan
v. wrestle, compete
babactan vl. n. wrestling, competition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
babactan
-babactamay/babactantay: (v) wrestle (res sel); contend or struggle ~ lagdan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babactan
-ka: (magac, lab, keli) dagaal beenbee ah muujin. Dh: dhoollatus, goolaaftan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax shilis oo hilib isla'eg leh ahaansho (nafley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
batacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: butucsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaysan
(tilmaame) wax kooraamaysan ama wax dab leh ama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Damacsan
Ku talajira; doona haya; raba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, wax gaar ah damac u hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
damacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, wax gaar ah damac u hayo ahaansho. m.f.dh, damacsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
damacsan
der. [adjective] desirous, greedy; intending
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
damacsan
-aa / nayd: (adj) desiring (di-zaayar-ing); intending (in-teending). Ex: maxaad damacsan tahay? What is your intention?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damacsan
(tilmaame) wax samayntii ku talajira. Dh: doonaya, raba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
damacsan
de: desirous, greedy; intending
lx: damacsan
pd: (damacsanaa)
ps: adj-der
key: damacsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: dayacan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayacsan
(tilmaame) aan daryeelnayn oo baylahsan. Xoolo dayacsan waraabahaa cuna. Dh: dayacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debacsan
debacsan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: debecsan¹.
debacsan²: f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: debecsan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fajacsan
Aad u yaabsan; argaggaxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fajacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax fajac hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fajacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax fajac hayo ahaansho. m.f.dh, fajacsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fajacsan
der. [adjective] amazed, bewildered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fajacsan
-aa / ayd: (adj) surprised (sarparaaysidh) ~ la yaaban —Syn: astonished, amazed, astounded, dumbfounded
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajacsan
(tilmaame) qof yaabban; qof anfariirsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fajacsan
de: amazed, bewildered
lx: fajacsan
pd: (fajacsanaa)
ps: adj-der
key: fajacsan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabaxsan
der. [adjective] low and flat; exposed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabaxsan
de: low and flat; [ext.] exposed
lx: gabaxsan
pd: (gabaxsanaa)
ps: adj-der
key: gabaxsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habawsan
(tilmaame) mid baadiyaysan oo jidka ka lunsan. Dh: hallawsan, baadiyaysan, lunsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaysan
habaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax la nadaamiyey noqosho.
habaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la nadaamiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habaysan
habaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax la nadaamiyey noqosho. m.f.dh, habaysmid.
habaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la nadaamiyey ahaansho. m.f.dh, habaysnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habaysan
-aa: (adj) systematically; ordered (oordheridh), arranged (areenjidh), methodical (methodikal) ~ hannaan leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaysan
(tilmaame) wax nidaamsan oo isku hagaagsan. Waxa lagaa rabaa shaqo habaysan. Dh: nidaamsan, hannaansan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la halciyay ahaansho (hilib).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaatan
(Labaatan-ka)
Tiro ka kooban labo tobnaad; labo meelood oo meeshiiba toban tahay; (20).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaatan
m.l.t Tiro ka kooban laba meelood oo min toban ah; laba tobnaad; “20”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labaatan
m.l.t Tiro ka kooban laba meelood oo min toban ah; laba tobnaad; 20.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labaatan
num: twenty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labaatan
-ka: (n) twenty (tuwanti) [20]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaatan
-ka: (magac, lab, keli) tiro ka kooban labo tobnaad; tirada u dhaxaysa 19 iyo 21. Laba tobnaad marka la isku daro waa labaatan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labaatan
de: twenty
lx: labaatan
pd: (-ka)
ps: num-m
key: labaatan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaysad
(Labaysad-ka)
Labaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaysad
m.l la-mid: labaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax aad horay hal uga qaadatay, mar labaad haddana qaadasho. Dh: lamadasho, labaysasho, labaysi.