laba-qotinle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laba-qotinle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qalab danab oo leh laba qotin, loona isticmaalo badanaaba qumiye danab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labaqotinle

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaqotinle
-ha: (magac, lab, keli) jeex yar oo ka mid ah qalabka danabka oo u fasaxa qulqulka danabka in uu hal jiho u dhexmaro. naaska laba-qotinluhu wuxuu leeyahay dul adke oo marka la kuleyliyo bixiya elektaroonno sidaa darteed wuxuu noqdaa mid si taban u saldanabaysan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laba qotinle
Diode

Catching diode
Laba-qotinle qable
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diode
Laba qotinle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaqolle
-ha: (magac, lab, keli) magaca goodirka lab, marka uu ishinka yahay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laba-dible
-laba-diblaha: (n) backward tying or fastening one's hands, behind one's back
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laba-alifle
-laba-aliflaha: (n) corporal (korparel)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laba-atamle
m.l (-layaal, m.l/dh) (kiimika) Molikuyuul ka kooban laba atam. Haydarojiin (H), ogsajiin (O), naytarojiin (N) iyo halojiinaduba waxay tusaale u yihiin curiyayaasha laba-atamlaha ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laba-atamle
m.l (-layaal, m.l/dh) (kiim.) Molikuyuul ka kooban laba atam. Haydarojiin (H), ogsajiin (O), naytarojiin (N) iyo halojiinaduba waxay tusaale u yihiin curiyayaasha laba-atamlaha ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laba-xarigle
-laba-xariglaha: (n) sergeant (saarjant)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laba-xiddigle
-laba-xiddiglaha: (n) lieutenant (luutenanti)', first lieutenant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'iyotobanle
-ha: (magac, lab, keli) qaybta hore ee mindhicirka yar ee lafdhabarleyda. Waa meesha marka cuntadu caloosha ka timaaddo ay kula kulanto dheecaanka xammaytida (oo soo mara marinka xammaytida) iyo weliba insaymyo kale oo ay soo dhiijiyaan qanjidhada dheefshiidku laba tobanlaha laftigiisa, kuwaas oo looga baahanyahay burburinta borotiinnada, kaarboohoydraytyada iyo duxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lababogle
m.l (-layaal, m.l/dh) Hadba dhinac u gaddoonka qof sameeyo, jirro ama ciil dartii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lababogle
m.l (-layaal, m.l/dh) Hadba dhinac u gaddoonka qof sameeyo, jirro ama ciil dartii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lababogle
-ha: (magac, lab, keli) hadba dhinac u gaddoonka qof sameeyo, jirro ama ciil dartii. Wadar: lababoglayaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labacanle
(Labacanla-ha)
1. Labada can oo la buuxsho kolka wax la cunayo.
2. Xaggiyo xagga ama labo meelood oo isku kol wax laga cuno; boob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labacanle
m.l Calalinta cuntada labada can lagu calaliyo. la-mid: labacanlayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labacanle
m. n., [compound] (adj.): filling both cheeks when eating; greedy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labacanle
-ha: (magac, lab, keli) boobista cuntada oo inta afka aad loo buuxiyo, labada dhinac ba wax lagu calaliyo. Dh: boob.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labacanle
de: filling both cheeks when eating; [atr.] greedy
lx: labacanle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: labacanle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labadible
-ha: (magac, lab, keli) qofka oo labadiisa gacmood xagga dambe loo laabo oo la isku xidho. Dh: garbaduub.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DABA-LO'LE
(Dabalole) S Gloriosa superba L. Liliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laba-eefle
m.l (-layaal, m.l/dh) (kiimika) Walaxda leh astaamaha asiidha iyo kuwa beyskaba. Ereygan waxa sida caadiga ah loo adeegsadaa ogsaydhada iyo haydarogsaydhada biraha sameeya ayoonnoo togan iyo ayoonnoo kakan oo taban labadaba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laba-eefle
m.l (-layaal, m.l/dh) (kiim.) Walaxda leh astaamaha asiidha iyo kuwa beyskaba. Ereygan waxa sida caadiga ah loo adeegsadaa ogsaydhada iyo haydarogsaydhada biraha sameeya ayoonnoo togan iyo ayoonnoo kakan oo taban labadaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laba-nafle
m.l la-mid: Go'adag; naf-adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labacqooye
(Labacqooya-ha)
Geed nagaar ah oo wax lagu daweeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labacqooye
m.l (botani) Geed nagaar ah oo wax lagu daweeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labacqooye
m.l (botani) Geed nagaar ah oo wax lagu daweeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labacqooye
m. n., [collective] medicinal plant ~ shrub species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labacqooye
-ha: (magac, lab, keli) geed nagaadheed. aad wax loogu daaweeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labacqooye
de: medicinal plant ~ shrub sp.
lx: labacqooye
pd: (/ha)
ps: n-m-col
key: labacqooye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaddible
(Labaddibla-ha)
Garbadduub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaddible
m.l Xiridda gacmaha qof gadaal loo xiro; garbadduub. la-mid: labaddiblayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labaddible
m.l Xiridda gacmaha qof gadaal loo xiro; garbadduub. la-mid: labaddiblayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labawejile
(Labawejila-ha)
Labaggalle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labawejile
m. n. hypocrite, two-faced person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labawejile
-labawejilaha: (n) double faced or hypocritical person; hypocrite (hipokirit)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labawejile
bw: munaafaq
de: hypocrite, two-faced person
lx: labawejile
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: labaggalle
key: labawejile
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laba alifle
m. n. corporal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'alifle
-ha: (magac, lab, keli) askari sita derejada u horraysa ta ku xigta ee ciidanka, askari sita derejo u dhexaysa alifle iyo saddex'alifle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'atamle
-ha: (magac, lab, keli) molikuyuul ka kooban labo atam. Haydarojiin (H) Ogsajiin (O) Naytarojiin (N) iyo halojiinaduba waxay tusaale u yihiin curiyayaasha laba'atamlaha ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laba-dhinac
m. n., [compound] two way street
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laba-dhinac
cf: haldhinac
de: two way street
lx: laba-dhinac
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: laba-dhinac
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laba_alifle
de: corporal
lx: laba alifle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: laba_alifle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labamidigle
-labamidiglaha: (n) ambidextrous (ambe dhakistes) man who can use both hands equally; two right-handed man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labamidigle
-ha: (magac, lab, keli) qof gacantiisa midig iyo tiisa bidix isku si wax ugu qabsada, isku sina ugu wada adeegta. Somatar waa labamidigle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labawajiile
-ha: (magac, lab, keli) qofka hadba qofkuu la joogo isaga dhiga inuu lillaahi iyo daacad u yahay, kolkii la tagana, siyaaso ka dhan ah, ku kaca. Dh: labaggae, munaafaq, jirjirroole, labawajiile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laba-madaxle
m.l (-layaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Muruq laba madax leh. Laba madaxlaha cududda wuxuu ku yaal inta u dhexeysa isgooyska garabka ila isgooyska xusulka wuxuu laabaa cududda iyo dhudhunka wuxuuna xagga calaacasha u rogaa dhudhunka iyo gacanta laba madaxlaha shanshada wuxuu ku yaal xagga dambe ee bawdada wuxuuna qabtaa laabidda jilibka, fidinta bowdada iyo rogidda lugta xagga dibadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labacidhifle
m.l (-layaal, m.l/dh) (fiisikis) Labo saldanab oo isle'eg, isku lid ah, iskuna jira fogaan kooban. Taranta saldanabyada midkood iyo fogaanta u dhexeysa ayaa ah maroojinta labacidhifle.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labacidhifle
m.l (-layaal, m.l/dh) (fiisikis) Labo saldanab oo isle'eg, isku lid ah, iskuna jira fogaan kooban. Taranta saldanabyada midkood iyo fogaanta u dhexeysa ayaa ah maroojinta labacidhifle.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Labacidhifle
Dipole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labacidhifle
-ha: (magac, lab, keli) laba isku mid ah oo sal-danabkoodu isku lid yahay midkood sida cidhifyo birlabeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labammidigle
(Labammidigla-ha)
1. Qof gacanta midig iyo tan bidix isku si wax ugu qabta, ugu adeegta.
2. Qof gurran, guud ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labammidigle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof labada gacmood isku si wax ugu qabta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labammidigle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof labada gacmood isku si wax ugu qabta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labammidigle
m. n., [compound] ambidextrous person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labammidigle
de: ambidextrous person
lx: labammidigle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: labammidigle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaxadhigle
-ha: (magac, lab, keli) askari sita derejada u dhexaysa xadhigle iyo saddexadhigle: wuxuu ka mid yahay saraakiilxigeennada. Jigre waa askari labaxadhigle ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaxiddigle
m.l (-layaal, m.l/dh) Sargaal ciidan oo darajadiisu tahay laba xiddig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labaxiddigle
m.l (-layaal, m.l/dh) Sargaal ciidan oo darajadiisu tahay laba xiddig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaxiddigle
-ha: (magac, lab, keli) derejo uu qaato askari xiddigle ka soo dallacay; sarkaalka derajadiisu u dhexayso xiddigle iyo saddexiddigle. Duhur waa labaxiddigle buuxa. Dh: labaale.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Saddex Qotinle
Triode
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jajab-tobanle
-ha: (n) [Mathematics] decimal point
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laba xiddigle
m. n., [compound] first lieutenant
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laba_xiddigle
de: first lieutenant
lx: laba xiddigle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: laba_xiddigle