laba'aabudhid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aabudhid
-da: (magac, dhedig, keli) weel iyo daboolkii, si laba'aabudh ah oo farsamaysan, u buuxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aabudhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg laba'aabudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aabudh
(fal) weel iyo daboolkii, inta aad wada buuxiso, isku aabudh.
laba'aabudh: (fal) col, xagga hore iyo gadaal kaga imo.
laba'aabudh -ka: (magac, lab, keli) farsamo weelka iyo aabbudhkiisa, sida dhiil iyo dhiilkeed. inta labadaba la wada buuxsho, la isku aabudho. Dh: laba'aabur.
laba'aabudh-ka: (magac, lab, keli) col, xagga hore iyo gadaal kaga imaansho, si loo jebiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aaburid
-da: (magac, dhedig, keli) weel iyo daboolkii, si laba'aabudh ah oo farsamaysan, u buuxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aabudhan
(tilmaame) weel iyo daboolkii oo labada ba la buuxshay, dabadeed na la aabudhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aaburis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg laba'aaburid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aaburni
-da (magac, dhedig, keli) laba'aabburanta lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laba'aabburid
(Laba'aabburid-da)
Si laba'aabbur ah, u buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laba'aabburid
m.f.dh eeg laba'aabbur². la-mid: laba'aabbur¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aabur
-ka: (magac, lab, keli) weel iyo aabburkii, sida dhiil iyo daboolkeed, oo inta labadaba la wada buuxsho, la isku aabudho.
laba'aabur-ka: (magac, lab, keli) horay iyo gadaal, col kaga imaasho, si dhexda loo gashado oo loo laayo. Dh: laba'aabudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aaburan
(tilmaame) weel ama wax la laba'aaburay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aaburnaan
-ta (magac, dhedig, keli) mid laba'aabburan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laballaaboobid
m.f.dh eeg laballaabow². la-mid: laballaabow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballaaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) walaacoobid; shakiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaalgudid
(Abaalgudid-da)
Abaalmarin; abaalcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaalgudid
m.f.dh eeg abaalgud². la-mid: abaalgud¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalgudid
-da: (magac, dhedig, keli) samafal iyo abaal hore laguugu galay celintii. Abaalgudiddu waa karaamayn iyo sharfin. Dh: abaalmarin, abaalcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaqaadid
m.f.dh eeg dabaqaad². la-mid: dabaqaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) qof wax ka dhacay ka dabaqaadid oo ka daba xadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabaraadid
m.f.dh eeg kabaraad². la-mid: kabaaradis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo aad lahayn xoog ku kaxaysasho. Xabbaadhiddu waax xaaraan. Dh: dhicid, qaadidi, boojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daba'aallid
-da: (magac, dhedig, keli) ka dambayn oo xagga dambe jirid. Daba'aallid anaa diiday. Dh: daba'oollid, dambayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laba'aabbur
(Laba'aabbur-ka)
Weel iyo aabburki, sida dhiil iyo haruubkeed, oo inta labadaba la wada buuxsho, laysku aabburo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laba'aabbur
laba'aabbur¹: m.l 1. Weel iyo aabburkii, sida dhiil iyo haruubkeed, oo inta labadaba la wada buuxsho, laysku aabburo. 2. Horay iyo gadaal uga imaashaha col si dhexda loo gashado oo loo laayo. 3. la-mid: laba'aabburid.
laba'aabbur²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Weel iyo aabburkii, sida dhiil iyo haruubkeed, oo inta labadaba la wada buuxsho, laysku aabburid. 2. Col si loo laayo horay iyo gadaal uga imaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laba'aabbur
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Weel iyo aabburkii, sida dhiil iyo haruubkeed, oo inta labadaba la wada buuxsho, laysku aabburid. 2. Col si loo laayo horay iyo gadaal uga imaansho. m.f.dh, laba'aabburid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aabbur
(fal) weel iyo aabudhkii, sida dhiil iyo hadhuubkeed, oo labadaba la wada buuxsho, isku aabudh.
laba'aabbur: (fal) col si loo laayo horay iyo gadaal kaga imo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laballaabid
(Laballaabid-da)
(wax) Labo isugu laabid, isugu jebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laballaabid
m.f.dh eeg laballaab². la-mid: labalaab¹, labanlaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballaabid
-da: (magac, dhedig, keli) tiro labo jeer isku darid; tiro, in kale oo le'eg ku darid. Dh: labanlaabid.
laballaabid -da: (magac, dhedig, keli) maro ama wax kale, labo jeer isugu laabid, isugu jebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labanlaabid
m.dh la-mid: laballaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
allacaabudid
m.dh la-mid: ilaahcaabudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
allacaabudid
-da: (magac, dhedig, keli) Ilaahay amarradiisa fulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laballaabmid
m.f.dh labanlaabmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labanlaabmid
m.dh la-mid: laballaabmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaahcaabudid
m.dh (dii.) Camalsan oo Ilaah cabsidiisa loo sameeyo. la-mid: allacaabudid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilaahcaabudid
m.dh (dii.) Camalsan oo Ilaah cabsidiisa loo sameeyo. la-mid: allacaabudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ilaahcaabudid
-da: (magac, dhedig, keli) Alle u hoggaansamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laba'aabburan
La laba'aabburay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laba'aabburan
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la laba'aabburay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laba'aabburan
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la laba'aabburay ahaansho. m.f.dh, laba'aabburnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laba'aabburnaan
m.f.dh eeg laba'aabburan. la-mid: laba'aabburnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laballaabootin
m.f.dh eeg laballaabooti. la-mid: laballaabootis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laballaabootis
m.l la-mid: laballaabootin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaabushay
(v) organize (oor ge naayz) ~ isuku dubbarid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalgudis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid wanaag samaysay, same ugu gudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ambaqaadid
m.f.dh eeg ambaqaad². la-mid: ambaqaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl iyo wax la mid ah oo meel maraysey, halkii ka sii jaanqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anbaqaadid
(Anbaqaadid-da)
Meel ka qaadid, ka bilaabid, ka wadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) liibaan helid; farxad iyo raynrayn ku jirtid. Dad iyo duunyo ba badhaadhid Allow na gaadhsii. Dh: baraarid, lii, barwaaqoobid, rayrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balwaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) si qaab daran oo kiciddu ku adagtahay u fadhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraarugid
(Baraarugid-da)
Hurdo ka kicid; soojeedid; digtoonaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarugid
m.f.dh eeg baraarug³. la-mid: baraarug¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarugid
-da: (magac, dhedig, keli) hurdo ka kicid, ka toosid. Dh: baraarugow.
baraarugid-da: (magac, dhedig, keli) soo jeedidda dareenka qofka. Dh: digtooni, feejigni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaqaadid
m.f.dh eeg calaqaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daba'ordid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kaa cag horreeya orod ka sii daba caymadid. Daba'ordidda horqabatayn baa kuu dhaanta. Dh: dabaroorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqaadid
m.f.dh eeg faraqaad². la-mid: faraqaad¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasahaadid
(Fasahaadid-da)
Xumaansho; kibrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasahaadid
m.f.dh eeg fasahaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasahaadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xumaaday ama qaldamay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaamudid
m.dh la-mid: gamaamadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habar'adhi
-da: (magac, dhedig, keli) xilli ama bilaha sannadka Soomaalidu tirsato midkood. Habar'adhi bay iduhu dhalayaan. Dh: habar'ari.
habar'adhi -ga: (magac, lab, keli) roobka deyrta ugu horreeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanaqaadid
m.f.dh eeg hanaqaad². la-mid: hanaqaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) korid oo xilli masuuliyad la qaadi karo gaadhid. Dh: xilqaadid, hanaqaadis, mudakarid, taabbagalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabaraadis
m.dh la-mid: kabaraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabawaarid
m.f.dh eeg kabawaar². la-mid: kabawaar¹, kabawaaris, kawaweer¹, kawaweerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax is haystay, labo u kala badhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalamadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isku jira oo kala jaad ahaa, is u kala saarid. Dh: kalasaarid, kalasoocid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaqaadid
m.f.dh eeg kalaqaad². la-mid: kalaqaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo kalaqaad u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laablaabid
(Laablaabid-da)
Dhawr jeer isku laabid; duudduubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laablaabid
m.f.dh eeg laablaab². la-mid: laallaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laablaabid
-da: (magac, dhedig, keli) mar wax ka badan isku duuduubid; dhawr jeer isku celcelin. Dh: laablaabis, laalaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) laablakicid; laabkicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laallaabid
m.dh la-mid: laablaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laallaadid
(Laallaadid-da)
Meel sare surnaan, ka lulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laallaadid
m.f.dh eeg laallaad². la-mid: laalaadis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaluushid
m.f.dh eeg laaluush².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaluushid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, xoolo laaluush ah siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'eefid
-da: (magac, dhedig, keli) labo saami qadasho; labo jeer qaadasho. Dh: sedbursasho, sedbursad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labashubid
(Labashubid-da)
1. Labo qof ceel ku shubid.
2. Hawl degdeg iyo xoog u qabasho; darandoorriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labashubid
m.f.dh eeg labashub². la-mid: labashub¹ (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labashubid
-da: (magac, dhedig, keli) laba qof ceel ku wada shubid oo weelka biyaha isku dhiibid. Labashubidda ayaa geel badan lagu waraabin karaa. Dh: labashub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laxaamadid
(Laxaamadid-da)
Laxaamad iskula dhejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxaamadid
m.f.dh eeg laxaamad².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Laxaamadid
Saldatura
To weld
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxaamadid
-da: (magac, dhedig, keli) biro kala jabnaa, isku kabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magacaabid
(Magacaabid-da)
Qof ama wax kale magaciisa ugu yeerid, sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magacaabid
m.f.dh eeg magacow². la-mid: magacow¹ (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magacaabid
vl. n. nomination, appointment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magacaabid
-da: (n) nomination (noomaneeyshan); appointment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magacaabid
-da: (magac, dhedig, keli) xil ama boos shaqo oo bannaan cid u dhiibid; u xilsaarid. Magacaygu liiskii magacaabidda wasiirrada ayuu ku soo baxay. Dh: magacaabis. Li: casilid.
magacaabid-da: (magac, dhedig, keli) magaciisa ugu yeedhid. Dh: magacdhebid, magacaabis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magacaabid
de: nomination, appointment
lx: magacaabid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: magacaabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaadaadhig
(Qaadaadhig-ga)
Qaadaadhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaadaadhig
qaadaadhig¹: m.l la-mid: qaadaadhigid.
qaadaadhig²: f.g1 (-gay, -gtay) Arrin si dhab ah u faaleyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaadaadhig
f.g1 (-gay, -gtay) Arrin si dhab ah u faaleyn. m.f.dh, qaadaadhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaadaadhig
v. examine in detail, inspect thoroughly ~ extensively
qaadaadhig vl. n., [compound] examination, inspection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadaadhig
(fal) falanqee oo arrin aad u dhexgal oo dhan walba ka eeg. Arrinta odayada la qaadaadhig oo natiijo ka keen. Dh: faalloo, gorfee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamaamudid
m.f.dh eeg qamaamud².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sakaraadid
(Sakaraadid-da)
Sakaraad noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakaraadid
m.f.dh eeg sakaraad².