laansaredaaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laansaredaaq
-a: (magac, lab, keli) neef ama xoolo barwaaqo jooga oo aan dhirta iyo daaqa baarkooda mooyee jirridda gaadhin. Li: xaalufdaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laancaddaad
m.l (-dyo, m.dh) Xilli roobkii da'ayey gabaabsaday, geedihiina caddaadeen, irmaankii xoolaadna caana yareeyeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laancaddaad
-ka: (magac, lab, keli) xilli roobkii da'ayey gabaabsaday, geedihiina caddaadeen, irmaankii xoolaadna caana yareeyeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaansaroobaad
-da: (magac, dhedig, keli) dhig midabyo kala duwan ah oo ka samaysan isku dhaca fallaadhaha cadceedda iyo tiiftiifka ama xafiifka ka farcama dhibcaha roobka. Qaanso roobaad ayaa dhankii roobka isku gudubtay: Dh: jeegaan, deegaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faansanaan
m.f.dh eeg faansanaan. la-mid: faansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid la faaniyay ahaan; mid la amaanay ahaan. faansanaansho -ha: (magac, lab, keli) faan iyo amaan qabitaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haandaraab
-ka: (n) a fastening, as for a door or gate: latch (laaj) ~ qataar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanyaraan
m.dh eeg maanyar. la-mid: maanyaraansho, maanyari, maanyaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanyaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maangaabnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waansanaan
m.f.dh eeg waansan. la-mid: waansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) waano qabid oo talada wanaagsan qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanawadaag
-ga: (magac, lab, keli) in qof ka badan, caano ku wada dhamid. Dh: hoobsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaansaarnaan
m.f.dh eeg jaansaaran. la-mid: jaansaarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaansaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kab la jaansaaray oo la karkaray ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laandheeraan
m.f.dh eeg laandheer. la-mid: laandheeraansho, laandheeri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laandheeraan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof tol weyn ka dhashay ahaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaansa-roobaad
-ka: (n) rainbow (reeyn-bow) ~ qaansa-roobaad, jeegaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaansarroobaad
qaansarroobaad¹: m.dh (-dyo, m.dh) Midabyo dhowr ah oo si iskorsaar ah u samaysama daruurta marka uu roob da'ayo; caashacarrabdheer; keynroobaad; jeegaan.
qaansarroobaad²: m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Qaansada midabbaysan oo ka kooban midabbada isbektramka, oo la arko marka ilayska qorraxdu ku dhaco roobka, waxaana sababa noqodka iyo qalloocashada fallaaraha ilays ee ku dhacaya dhibcaha roobka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaansarroobaad
qaansarroobaad¹: m.dh (-dyo, m.dh) Midabyo dhowr ah oo si iskorsaar ah u samaysama daruurta marka uu roob da'ayo; caashacarrabdheer; keynroobaad; jeegaan.
qaansarroobaad²: m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) qaansada midabbaysan oo ka kooban midabbada isbektramka, oo la arko marka ilayska qorraxdu ku dhaco roobka, waxaana sababa noqodka iyo qalloocashada fallaaraha ilays ee ku dhacaya dhibcaha roobka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labanlaabnaan
m.dh la-mid: laballaabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaanso-robaad
(Qaanso-robaad-da)
If isku duuban, oo midabyo badan, oo qaansada qaabkeeda leh; cirkay ka dhex muuqataa, kolka iyadoo roob da'a hayo, ifka qorraxda iyo dhibcaha roobku is qabtaan; jeegaan; kaynroobaad; caashacarrabdheer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaanso-robaad
f. n. rainbow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaansoroobaad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaansaroobaad.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fansaar weydaar
Function, inverse