laangarre
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laangarre
m.l (-rayaal, m.l/dh) la-mid: laangare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laangare
m.l (-rayaal, m.l/dh) Qof lug la' ama ka dhuntinaya; jiis. la-mid: laangarre.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laangare
m. n. lame man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laangare
-ha: (n) lame (leeym) male ~ jiis, lugay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laangare
-ha: (magac, lab, keli) eeg laangadhe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laangare
de: lame man
lx: laangare
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: jiis {Hindi}
key: laangare
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiis
m.l (-sas, m.l) 1. Qof lugaha middood wax ka qaba oo socodkiisu dhantaalan-yahay; laangarre. 2. Dhasha yaryar ee lab-ka ah ee sagaarada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiis
m.l (-sas, m.l) 1. Qof lugaha middood wax ka qaba oo socodkiisu dhantaalanyahay; laangarre. 2. Dhasha yaryar ee labka ah ee sagaarada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laangadhe
-ha: (magac, lab, keli) qof labada lugood, mid ka dhutiya ama la'. Kuwii luga qabayba kala luudnee, maxaa ku lulaaya laangadhe. Dh: laangare.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
garangarro
rings
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bagarre
bagarre, n.f. - Qalalaaso.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
langage
langage, n.m. - Af; Af dad ku hadlo; Luqad; Hadal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bangaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) la-mid: bamgaree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagarre
m.l la-mid: dhagarqabe.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhagarre
-dhagarraha: (n) dishonest or crooked man; .deceiver (zfenver); swindler (swindhalar) ~ dhagar qabe, dhagarlow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagarre
-ha: (magac, lab, keli) qof xun oo uu dilka dadku la fudud yahay ama ku mammay. Dh: dhagarqabe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaagurre
m.l Inan ku jira da'dii uu qaadan lahaa tababbar ciidan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laangaab
-ka: (n) a member of a minority clan or tribe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laanqayr
(Laanqayr-ta)
Istallaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laanqayr
m.dh (-ro, m.l) Astaan istilaab ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laanqayr
m.dh (-ro, m.l) Astaan istilaab ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laanqayr
f. n. crescent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laanqayr
-ta: (magac, dhedig, keli) iskutallaab asalkeedu ka soo jeedo diinta kiristaanka. Laanqayrta cas ayaa dadkii tabaalaysnaa kaalmo siisay. Dh: iskutallaab, istallaab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laanqayr
a: laanqeyr
cf: istallaab
de: crescent
lx: laanqayr
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: laanqayr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maangaro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Qof wax uu rabo isaga oo aan sheegin fahmid. 2. Arrin laga hadlay dulucdeeda fahmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maangaro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Qof wax uu rabo isaga oo aan sheegin fahmid. 2. Arrin laga hadlay dulucdeeda fahmid. m.f.dh, maangarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maangaro
v. understand someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maangaro
(fal) qiyaas iyo aqoon ku garo waxa qof kale maankiisa ka guuxaya. Kol haddaad ninka aad isku fahamsan tihiin dee bal maangaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maangaro
de: understand s.o.
lx: maangaro
nt: maangarad (ka) [vn-m], maangarasho (/da) [vn-f]
pd: (maangartay)
ps: v3b=tr
key: maangaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaangaar
(Qaangaar-ka)
Filka, kolka la gaaro qofka loo qabto oo uu mas'uul ka noqdo waxa uu bi'iyo ama cid yeelo, qofkii gaara; qofka hadduu qaan galo loo qaban karo, loo sheegan karo; qof 15 jir gaarey; gaashaanqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaangaar
qaangaar¹: m.l (-rro, m.l) Qof gaaray da'dii shan iyo tobnaad.
qaangaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Qof 15 sano gaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaangaar
qaangaar¹: m.l (-rro, m.l) Qof gaaray da'dii shan iyo tobnaad.
qaangaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Qof 15 sano gaarid. m.f.dh, qaangaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaangaar
m. n., [compound] mature man, young adult (at the age of legal responsibility)
qaangaar v. come of age, reach adulthood, become legally responsible
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaangaar
-ah: (adj) mature (ma-juur); adult (a-dhalt).
qaangaar -ay / tay: (v) become mature
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaangaar
-ka: (magac, lab, keli) eeg qaangaadh.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qaangaar
مُدْرِكَ، مُحْتَلِم، رشيد، راشد، بالغ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labatarre
m.l (-rayaal, m.l/dh) la-mid: labafarrarle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labatarre
m. n. bifurcation, splitting ~ dividing into two parts
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labatarre
de: bifurcation, splitting ~ dividing into two parts
lx: labatarre
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: labatarre
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maangarad
m.l la-mid: maangarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maangarad
-ka: (magac, lab, keli) qof waxa uu qof kali maanka ku hayo sii garta isaga oon loo sheegin. Hooyo waa maangarad oo waxa ilmeheedu u baahan yahay iyada oon loo sheegayn ayay garataa. Dh: indheergarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaanwarre
(Abbaanwarra-ha)
Labada isu dhaxa, kan lab; say; nin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaanwarre
m.l (-rrayaal, m.l/dh) Laba isu dhaxday kan labka ah; say.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abbaanwarre
m. n., [compound] head of a household, husband
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaanwarre
-ha: (magac, lab, keli) labada ruux ee is qaba kooga lab. Wa: abbaanwarreyaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abbaanwarre
de: head of a household, husband
lx: abbaanwarre
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: abbaanwarre
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacansarree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Ka g.: wax ka lib keenid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacansarree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Ka g.: wax ka lib keenid. m.f.dh, gacansarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarantarree
f.g/mg2 (-reeyay, -reysay) 1. (f.g) Laba meelood oo isu dhow isaga socosho. 2. (f.mg) Xoolo xawaaro samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayaandarri
m.dh la-mid: ayaandarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaandarri
-da: (magac, dhedig, keli) nasiibxumi iyo ayaandarnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayaandarro
m.dh la-mid: ayaandarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ayaandarro
f. n. bad luck, misfortune
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ayaandarro
-ayaandarrada: (n) misfortune (misfoorjin); bad fortune or ill luck ~ nasiibdarro. —Syn: adversity, mishap, mischance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaandarro
-da: (magac, dhedig, keli) nasiibxumi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ayaandarro
de: bad luck, misfortune
lx: ayaandarro
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: nasiibxumo, saancaddo
key: ayaandarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadangatee
f.mg2 (-teeyay, -teysay) Aayar u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadangatee
(fal) ciyaar u golee; meegaar u samee ciyaarta adiga oo daawanaya. Gable iyo ciyaar bay habluhu gadangateeyaane.
gadangatee: (fal) aayar u soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garangarid
m.f.dh garangar². la-mid: garaangarid, garaangirid, giraangirid, giringirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garangarin
m.f.dh eeg garangari. la-mid: garaangarin, garangaaris, garangaris, garaangirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garangarin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xarago leh, wax u dhaqdhaqaajin. Garangarinta laafyaha, xubnaheega gaarka ah...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garangaris
m.l la-mid: garangarin.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
garargarro
rings
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hangaraare
m. n., [collective] centipede
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hangaraare
de: centipede
lx: hangaraare
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
syn: farabbadan
key: hangaraare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangararre
-ha: (magac, lab, keli) eeg hangaralle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaangawrac
(fal) baadigefi oo jaho iyo raad seeji. Dh: habaabi, gefi.
jaangawrac-a: (magac, lab, kali) qof aan la afgaran karin oo lala dhib muto. Jaangawrac jaho loo raaco ma leh. Dh: jikaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaawqarrer
jaawqarrer¹: m.l la-mid: jąaw.
jaawqarrer²: f.mg1 (-ray, -rtay) Cudur raafka gala oo dillaacyo u yeela gaadid (ari).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabqarrar
m.l la-mid: laabjeex.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laabqarrar
m. n., [compound] heartburn, upset stomach, indigestion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laabqarrar
-ka: (n) digestive disorders; heartbum (haart-been); gastritis (gaas-taraaytes); acidosis (aasi-dow-sis); indigestion (in-dhe jeshin); ulcer (ol-sar); gastric ulcer ~ laabjeex, gaastariko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabqarrar
-ka: (magac, lab, keli) laabdoox; laabjeex, laabdillaac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laabqarrar
de: heartburn, upset stomach, indigestion
lx: laabqarrar
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: laabqarrar
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LAAN-BURDE
(Lan-burde) S, C, May,NFD Maerua macrantha Gilg. Capparidaceae.
C, S Maerua oblongifolia (Forsk)A.Rich. Capparidaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laandayrid
-da: (magac, dhedig, keli) laandeyr wax ku dabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laandheere
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Qof qabiil tira badan ka dhashay oo gobnimo ku faano. 2. Qabiil tiro badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laandheere
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Qof qabiil tira badan ka dhashay oo gobnimo ku faano. 2. Qabiil tiro badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laandheere
m. n., [compound] clan with many descendants ~ branches
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laandheere
-laandheeraha: (n) a member of a majority clan or tribe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laandheere
-ha (magac, lab, keli) qof ka dhashay reer nasab ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laandheere
de: clan with many descendants ~ branches {N}
lx: laandheere
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: laandheere
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaggalle
(Labaggalla-ha)
Qofka hadba qofkuu la joogo isaga dhiga inuu lillaahi iyo daacad u yahay, kolkii la kala tagona, siyaaso ka dhan ah, ku kaca; labawejiile; munaafaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaggalle
m.l (-layaal, m.l/dh) Laba wejiile.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labaggalle
m. n., [compound] hypocrite, deceitful person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labaggalle
bw: munaafaq
de: hypocrite, deceitful person Lit: having two covers
lx: labaggalle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
syn: labawejile
key: labaggalle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maangarato
-ta: (magac, dhedig, keli) wax mala'awaal ah oo sheeka soomaalida ku jirta oo loo soo qaato qofka wax soo socda sii garta. Sideed u garatay waxa an doonayo ma maangarato ayaad tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaligaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax qaali ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaaligaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax qaali ka dhigid. m.f.dh, qaaligarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaaligaree
v. raise the price of, make something expensive
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaaligaree
-yey / qaaligareysay: (v) raise the price; make more expensive ~ qaaliyee, qaalee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaligaree
(fal) eeg qaaligaray
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaaligaree
de: raise the price of, make s.t. expensive {N}
lx: qaaligaree
pd: (qaaligareeyey)
ps: v2b=tr
key: qaaligaree
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaangaar_1
de: mature man, young adult (at the age of legal responsibility)
hm: 1
lx: qaangaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
syn: mukallaf
key: qaangaar_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaangaar_2
de: come of age, reach adulthood, become legally responsible
hm: 2
lx: qaangaar
pd: (qaangaaray)
ps: v1=intr
key: qaangaar_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaangaarid
(Qaangaarid-da)
Qaangaar noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaangaarid
m.f.dh eeg qaangaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaangaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xilligi baaluga gaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahangaade
-ha: (magac, lab, keli) ninka cid hawl haysa oo aan ogayn kormeera oo wax qabadkiisa dusha kala socda. Carruurta xoolaha ha ku daynine sahangaade ka daba dir. Dh: kormeere. Wa: sahangaadayaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taagdarree
f.mg2 (-reeyay, -reysay) Tabar yarayn (cid).