laaluusho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaluusho
f.g3 (-shtay, -shatay) Cid dani ku xirantahay laaluush siisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laaluush
(Laaluush-ka)
Lacag ama wax kale oo loo bixiyo ama loo qaato in arrin aan gar ahayn lagu qumiyo; baqshiish; callaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaluush
laaluush¹: m.l Lacag ama wax kale oo loo bixiyo ama loo qaato in arrin aan gar ahayn lagu fuliyo.
laaluush²: f.g1 (-shay, -shtay) Laaluush siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laaluush
laaluush¹: m.l Lacag ama wax kale oo loo bixiyo ama loo qaato in arrin aan gar ahayn lagu fuliyo.
laaluush²: f.g1 (-shay, -shtay) Laaluush siin. m.f.dh, laaluushid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laaluush
m. n. bribe, bribery, graft money
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laaluush
-ka: (n) corruption money; bribe (baraayb); bribery (baraay-bari); payola (paayoola); palm greasing; back-scratching
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Laaluush
Corruzione
Corruption
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaluush
(fal) xoolo sii si uu wax aanad xeer u lahayn kuu siiyo.
laaluush -ka: (magac, lab, keli) xoolo la siiyo qof xil haya ama xeerbeegti ah, si looga helo eexo iyo wax aan xaq ahayn. Dh: gubbe, callaal, rishwo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laaluush
bw: callaal
de: bribe, bribery, graft money
lx: laaluush
nt: laaluush [v1=]
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: laaluush
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
laaluush
رِشْوَهُ، رُشْوَةَ، رَشْوَة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laluusho
(fal) cid kale xoolo aan xaq ahayn sii si uu wax aanad lahayn kuugu qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaluushad
m.f.l eeg laaluusho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaluushad
-da: (magac, dhedig, keli) lacag ama wax kale oo loo bixiyo ama loo qaato in arrin aan gar ahayn lagu meel mariyo. Dh: laaluush.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaluushan
f.mg4 (-shnaa, -shnayd) Wax laaluush qaatay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laaluushan
der. [adjective] bribed with money
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaluushan
(tilmaame) qof la laaluushay ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laaluushan
de: bribed with money
lx: laaluushan
pd: (laaluushnaa)
ps: adj-der
key: laaluushan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaluushid
m.f.dh eeg laaluush².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaluushid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, xoolo laaluush ah siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunno
m.dh 1. Lacag la siiyo cid shaqo dheeraad ah qabatay. 2. Hanti yar oo cid loogu naxariisto ama lagu laaluusho. la-mid: guno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gunno
m.dh 1. Lacag la siiyo cid shaqo dheeraad ah qabatay. 2. Hanti yar oo cid loogu naxariisto ama lagu laaluusho. la-mid: guno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laabxuunsho
(Laabxuunsha-da)
Lafsakaarta caaraddeeda hoose oo fiiqan; labxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabxuunsho
m.dh la-mid: laabtaxaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laabxuunsho
f. n. point of the breast bone; xiphoid process
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laabxuunsho
-laabxuunshada: (n) xiphisternum (sifis-teer nem); xiphoid ~ feercalaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabxuunsho
-da: (magac, dhedig, keli) laf sakaarka caaradiisa hoose ku taalla. Laabxuunshada ayaa xanuunaysa. Dh: labxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laabxuunsho
de: point of the breast bone; xiphoid process
lx: laabxuunsho
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: laabtaxaw, labxo
key: laabxuunsho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laalacshow
(Laalacshow-ga)
Cayaar ama jimicsi ku dhisan meelo kore oo inta lagu boodo gacnaha lagu qabsado oo la iska soo laallaadsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laalacshow
laalacshow¹: m.l Meel sare inta gacmaha lagu qabsado oo la iska soo laalaadiyo (ciyaar jimicsi ku dhisan). la-mid: laalacshoobid, laalacshoon¹.
laalacshow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ciyaar jimicsi ku dhisan, meel sare inta gacmaha lagu qabsado iska soo laalaadin. la-mid: laalacshoon².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laalacshow
v. swing, hang, dangle, be suspended (by ones arms)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laalacshow
-laalacshoobay / laalacshowday: (v) sway (isweey); swing (iswing); dangle (dhaanggel); swing back and forth loosely while holding with hands
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalacshow
-ga: (magac, lab, keli) eeg laalacshaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laalacshow
a: laalacshoon [v1=]
de: swing, hang, dangle, be suspended (by ones arms)
lx: laalacshow
pd: (laalacshoobay)
ps: v1=intr
key: laalacshow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naashuusho
m.dh la-mid: naakirad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naashuusho
f. n. woman who refuses to live with her husband
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naashuusho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg naashiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naashuusho
bw: Arabic
de: woman who refuses to live with her husband
lx: naashuusho
pd: (/da)
ps: n6-f
see: naakirad
key: naashuusho
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaluqso
v. walk away in shame ~ with sadness (as when offended ~ rejected)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaluqso
de: walk away in shame ~ with sadness (as when offended ~ rejected)
lx: daaluqso
pd: (daaluqsaday)
ps: v3a=
key: daaluqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laabasho
(Laabasha-da)
(ka laabasho, ku laabasho, soo laabasho) wax fidsanaa oo qof xaggiisa u laabo; meel ka noqosho ama ku noqosho; soo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabasho
m.f.dh eeg laabo. la-mid: laabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg laabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laacasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax durugsan gaadhiddooda, tiigsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laadasho
m.f.dh eeg laado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadasho
-da: (magac, dhedig, keli) kubbad, laad ku dhufsasho. Dh: leedasho, laagasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laasasho
m.dh la-mid: laysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laasasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg laasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lalmasho
(Lalmasha-da)
Wax meel ka lusha ahaansho; lulmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalmasho
m.f.dh eeg lalmo. la-mid: lalmad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lalmasho
Suspension
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalmasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg lalmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naakuuso
m.dh Xog yar oo laga helo arrin qarsoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naakuuso
-da: (magac, dhedig, keli) xog yar oo laga helo arrin qarsoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacluuso
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tacluus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waalasho
(Waalasha-da)
Qof waalan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waalasho
m.f.dh eeg waalo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waalasho
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun dhimir ah qaadid; waalli qabid. Darooggu waalasho ayuu koonaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalsasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale oo cadaw ah, dilkiisa baal ku qaadasho oo ku faanid ama sharaf ku sheegasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalgasho
(fal) meel ama mashruuc hawl iyo dhaqaale iskaa u geli si aad mustaqbalka uga hesho macaash badan.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Laaluushayya
corrompre.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaluushnaan
m.f.dh eeg laaluushan. la-mid: laaluushnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaluushnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof laaluush qaatay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraxuunsho
(Faraxuunsha-da)
1. Summad u eg raadka xuunshada.
2. Geed yar oo dhulka banka ah ka baxa oo leh laamo dhuudhuuban oo la cuno oo macaan-dhanaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxuunsho
m.dh 1. Summad xoolaha lagu dhigo oo raadka xuunshada u eg. 2. Qof fulay ah. 3. Geed abaareed, leh laamo dhuudhuuban oo la cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraxuunsho
f. n. mark, trace
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxuunsho
-da: (magac, dhedig, keli) geed yar oo laamo dhuudhuuban oo la cuno oo macaan iyo dhanaan isku jira leh. Waxa uu ka baxaa dhulka banka ah.
faraxuunsho-da: (magac, dhedig, keli) summad xoolaad oo leh raadka xuunshada; summad raadka xuunshada u eg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraxuunsho
de: mark, trace
lx: faraxuunsho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: faraxuunsho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaabasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg laalaabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laalacshoon
laalacshoon¹: m.l la-mid: laalacshoomid, laalacshow¹.
laalacshoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) la-mid: laalacshow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalacshoon
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar ama jimicsi ku dhisan xoogga qofka iyo dhismaha muruqyadiisa. Inta uu qofku meel sare ku booddo ee uu gacmaha ku qabsado, ayuu halka ugu sarraysa gadhka soo taabsiiyaa. Sidaas ayaa lagu wadaa inta lagu kala badinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laalnaansho
m.l/dh la-mid: laalnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalnaansho
-da: (magac, dhedig, keli) wax laalan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaluushan
Macaluul ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaluushan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: macaluulan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macaluushan
der. [adjective] thin, malnourished; destitute
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macaluushan
-aa: (adj) skinny (iski-ni); lean (liin); thin (thiin) ~ caato ah, macluulan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaluushan
(tilmaame) eeg macaluulsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macaluushan
de: thin, malnourished; destitute
lx: macaluushan
pd: (macaluushanaa)
ps: adj-der
key: macaluushan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaayuusin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaylo la isku habarwacdo oo dhaadasho leh. Dh: galaayuusin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalasho
m.dh la-mid: callaalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalsasho
m.f.dh eeg calalso. la-mid: calalsad, calalsi, calashad, calashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calalsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalacasho
(Daalacasha-da)
1. Wax dadka kale ka qarsoon, daawasho.
2. Kitaab ama wax la mid ah, iyadoo la aammusan yahay, isha iyo uurka ka akhrisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalacasho
m.f.dh eeg daalaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalacasho
-da: (magac, dhedig, keli) isha oo lagaga bogto akhris aamusnaan ah. Duruusta waxaa lagu fahmaa daalacashada badan. Dh: raacasho.
daalacasho -da: (magac, dhedig, keli) wax dadka kale qarsoon daawashadii. Daalacasho ayaan xalay ku arkay sheekhii dhintay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaarufasho
-da: (magac, dhedig, keli) dibida oo isu hanjabta oo ciidda saydhisa. Dh: cartan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacalsasho
m.f.dh eeg gacalso. la-mid: gacalsad, gacalsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacalsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dad is jecel oo gacal isu qaba ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalasho
m.f.dh eeg galaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itaalsasho
m.f.dh eeg itaalso. la-mid: itaalsad, itaalsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalacshaw
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar ama jimicsi ku dhisan xoogga qofka iyo dhismaha muruqyadiisa. Inta uu qofku meel sare ku booddo ee uu gacmaha ku qabsado, ayuu halka ugu sarraysa gadhka soo taabsiiyaa. Sidaas ayaa lagu wadaa inta lagu kala badinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laasimasho
m.f.dh eeg laasimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laasimasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax mar kasta samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaysasho
(Labaysasha-da)
Labo ka dhigasho; labo jeer qaadasho, helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaysasho
m.f.dh eeg labayso. la-mid: labaysad, labaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax and mid ka haysatay, mid kale ku biirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ladaabasho
(Ladaabasha-da)
(xoolo) maalin walba cabbid; qatin la'aan; durduurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladaabasho
m.f.dh eeg ladaabo. la-mid: ladaabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladaabasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, maalin walba biyo cabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalansasho
-da: (magac, dhedig, keli) sidasho aan dusha la saarine, wax la laadlaadsado. Dh: lalansad, laalaadsasho.