laabtuurle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabtuurle
m.l (-layaal, m.l/dh) (jooloji) Muuqaal dhuleed qaanso u eg oo ka dhasha isa soo cadaadinta dhagxaanta dhulka hostiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laabtuurle
m.l (-layaal, m.l/dh) (jool.) Muuqaal dhuleed qaanso u eg oo ka dhasha isa soo cadaadinta dhagxaanta dhulka hostiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabtuurle
-ha: (magac, lab, keli) muuqaal dhuleed oo qaanso u eg oo ka dhasha isa soo cadaadinta dhagxaanta dhulka hostiisa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laab tuurle
Anticline
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabuur
(Baabuur-ka)
1. Gaadiid badanaaba afar garangarood leh oo ku socda qalab dhaqaajiya (motoor) oo gudaha ugu jira; dadka iyo alaabada buu qaadaa; gaari.
2. Qalab jiko oo inta dab lagu kor shido, wixii wax lagu karsana hayo, la kor saaro; girgire, birjiko; marakab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabuur
m.l (-rro, m.dh) Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulkaba qaada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baabuur
m.l (-rro, m.dh) Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulkaba qaada; gaari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baabuur
m. n. car, automobile, truck
baabuur m. n. tin cooking stove, steamer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baabuur
-ka: (n) car (kaar); auto (oo tow), automobile (ooto moobiil); vehicle (viikal); truck (taraak) gaari, fatuurad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabuur
-ka: (magac, lab, keli) gaadiid ku socda afar walxood ama in ka badan oo ka samaysan bir iyo cinjir neef lagu afuufay kuna shaqeeyaa shidaal. Dh: gaadhi, gaari, tamaamuul.
baabuur: -ka: (magac, lab, keli) qalab jikada loo adeegsado. Dhagax si farshaxannimo loo qoray ama ka samaysan ama walax bir ah oo inta dhuxul lagu shido wax lagu dul kariyo. Distida baabuurka dul saar oo xeraadka innoo kari. Dh: birjiko, girgire, marakab, burjiko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabuur
-ka: (magac, lab, keli) barxadda ay leeyihiin goobaha dad badani wax ku bartaan, sida dugsiyada iyo wixii la mid ah oo dadka goobta oo dhan la isugu keeno intii safsaf loo joojiyo. Ardadu waxay taagan yihiin daabuurka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabtuur
(Dabtuur-ka)
Dabshid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabtuur
m.l 1. la-mid: dabshid. 2. Cayaar carruurtu cayaarto. 3. la-mid: dabrid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabtuur
m.l 1. la-mid: dabshid. 2. Cayaar carruurtu cayaarto. 3. la-mid: dabrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Dabtuur
m. n., [compound] Somali New Year festival
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabtuur
-ka: (magac, lab, keli) dab daadin oo cirka u ganid. Xilligii dabtuurka ayaa gaadhay. Dh: dabrid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Dabtuur
a: dabshid
de: Somali New Year festival
lx: Dabtuur
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: Dabtuur
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SABUULE
(Sabule) S, May Ocimum spicatum Defl. Labiatae.
May, S Ocimum superbum Musch et Muschler. Labiatae.
S Panicum coloratum L. Gramineae.
S Paspalidium geminatum (Forsk) Stapf. Gramineae.
S,May Echinochloa haplocalda (Stapf) Stapf. Gramineae.
S Asystasia schimperi T. Anders. Acanthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taabuul
m.l (muus.) Magaca la siiyo durbaannada (nasar) loo adeegsado ciyaar-ta nuumbiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabulle
-ha: (magac, lab, keli) magac ka mid ah magacda libaaxa. Baabullow baa, beledkeennii soo galay. Dh: shaashle, halable, aar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabbule
m.l la-mid: daabbulad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabbule
-ha: (magac, lab, keli) inka raashinka jallaha ah uudka ka qaada ee meel lagu kaydiyo geeya. Dh: daadgureeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaabuuli
(Qaabuuli-ga)
1. Jaadadka bariiska mid kamid ah.
2. Bariis, sida Hindigu u badan yahay, kaari iyo geedo kale, lagu dallaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabuuli
m.l 1. Bariis yaryar, macaan oo hindiya laga keeno. 2. Bariis lagu daray xawaaji, kabsar, geed kuleyl iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaabuuli
m. n., (mass n.): rice species; variety of Indian rice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabuuli
(fal) oggolaysii, wax aqbalsan ka dhig Warqadan dacwada ah u gee odayga oo qaabuuli Dh: oggolaysii.
qaabuuli -ga: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah jaadadka bariiska.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaabuuli
de: rice sp.; variety of Indian rice
lx: qaabuuli
pd: (-ga)
ps: n-m-mass
key: qaabuuli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xartuule
-ha: (magac, lab, keli) nin isaga oo laan qudha geed uga baahan gunta ku jara oon geed qoyan iyo mid engegan midna u aabayelin. Dh: dhirjare.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baabuur_1
bw: Arabic
de: car, automobile, truck
hm: 1
lx: baabuur
pd: (-ka Pl: baabuur (ta))
ps: n5-m, n2-m
syn: fatuurad, gaari ~ gaadhi
key: baabuur_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baabuur_2
de: tin cooking stove, steamer
hm: 2
lx: baabuur
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: birjiko, girgire
key: baabuur_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabdulle
m.l Bir dhuuban oo koorta ilaheeda lagu dalooliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadulle
m.l Xabaal labo af oo hoos isaga duleela leh oo lagu aaso carruurta saqiirka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labadulle
-ha: (magac, lab, keli) xabaal labo af oo hoos isaga duleela leh oo lagu aaso carruurta saqiirka ah.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
MAAMUUSLE
Spettabile
Honourable
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaquurre
m.l (-rayaal, m.l/dh) Ubad geel oo dhashay isagoon bila dhammeysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaquurre
-ha: (magac, lab, keli) ubad geel oo dhashay isagoon bila dhammeysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabuunee
(fal) saabuun ku maydh. Dh: saamuunee, saabuunay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagutuule
-ha: (magac, lab, keli) qof gooni joog ah; keli socod. Dh: goonijoog, Li: bulshaawi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaanyuure
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yaanyuur.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LAAN-BURDE
(Lan-burde) S, C, May,NFD Maerua macrantha Gilg. Capparidaceae.
C, S Maerua oblongifolia (Forsk)A.Rich. Capparidaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laba tuuro
Biconvex
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labasuulle
(Labasuulla-ha)
Muruqyada ku yaal cududda docdeed kore iyo bowdada docdeeda hoose.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labasuulle
m. n. muscle in the leg (of animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labasuulle
-ha: (magac, lab, keli) muruq caan ah oo geela kaga yaal cududda dhinaceeda kore iyo bawdada dhinaceeda hoose. Muruga labasuulle ninba si la ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labasuulle
cf: afarsuulle
de: muscle in the leg (of animal)
lx: labasuulle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: labasuulle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabbuunee
f.g2 (-neeyay, -neysay) Dhar saabbun ku dhaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadaltuurid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fadaltuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laabxuunsho
(Laabxuunsha-da)
Lafsakaarta caaraddeeda hoose oo fiiqan; labxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabxuunsho
m.dh la-mid: laabtaxaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laabxuunsho
f. n. point of the breast bone; xiphoid process
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laabxuunsho
-laabxuunshada: (n) xiphisternum (sifis-teer nem); xiphoid ~ feercalaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabxuunsho
-da: (magac, dhedig, keli) laf sakaarka caaradiisa hoose ku taalla. Laabxuunshada ayaa xanuunaysa. Dh: labxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laabxuunsho
de: point of the breast bone; xiphoid process
lx: laabxuunsho
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: laabtaxaw, labxo
key: laabxuunsho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labakurusle
(Labakurusla-ha)
Geela labada kurus leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labakurusle
m. n., [compound] two humped camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labakurusle
-ha: (magac, lab, keli) eeg labakurus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labakurusle
de: two humped camel
lx: labakurusle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: labakurusle
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
saxan tuure
discus thrower