laabniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laabniin
(Laabniin-ka)
Laabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabniin
m.l la-mid: laabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laabniin
m. n. act of folding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laabniin
-ka: (n) bending (beending)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg laabnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laabniin
de: act of folding
lx: laabniin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: laabniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labniin
-ka: (magac, lab, keli) wax isku milidda qudheeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laacniin
-ka: (magac, lab, keli) bidhaan indhaha u quruxsan oo soo jiidata sida dhir ama doog. Dh: laactan, laacdan.
laacniin-ka: (magac, lab, keli) wax ku ag yaal ama kaa durugsan gacanta ku fidin si loo soo qaado.
laacniin -ka: (magac, lab, keli) wax kaa sarreeya ama samada soo heehaaba, gacanta ama afka la tiigsad. Dh: tiigsi
laacniin -ka: (magac, lab, keli) caano, mar qudh ah dhammaysasho. Dh: laasasho, laacis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg laaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalniin
-ka: (magac, lab, keli) laalitaanka laftiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaqniin
-ka: (magac, lab, keli) laaqitaan samayn; waxyaabo kala duwan isku daris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabniin
-ka: (magac, lab, keli) awooditaanka; hanashoda. Taabniin ayaan u waayey.
taabniin -ka: (magac, lab, keli) haleelida kuu suura gelinaysa inaad arrin, hawl iyo wixii la mid ah, aad koobto oo aad samayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabniin
-ka: (magac, lab, keli) meel waabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabniin
-ka: (magac, lab, keli) xaabidda lafteeda. Dh: xaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabid
m.f.dh eeg laab4. la-mid: laabis², laabniin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fold
n., (enclosure for sheep) xero, -adi; small fold, edeg, -gi; (a plait) laabniin, -ti, duubniin, -ti; v.tr., (double, plait) duub, laab, laablaab; (gather sheep into the fold) kuriyee; fold in form of a ball, kuus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabatiin
-ka: (magac, lab, keli) wax isku laaban ka dhigid. Jilibku hadduu ku xanuunayo laabatiinka degdegga ah ka ilaali. Dh: laabid.
laabatiin -ka: (magac, lab, keli) dib u noqosho. Meel nabadi ka jirin ku laabatiin ma leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabni
m.dh la-mid: laabnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabni
-da: (magac, dhedig, keli) laabniin; laabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadniin
-ka: (magac, lab, keli) meel ka dhaqaaqid oo tu kale u socdaalid. Dh: aadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg cabbitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabniin
(Dabniin-ka)
1. Ugaar, kd. xarig ama wax kale oo lagu qabto u dhigidda.
2. Dabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabniin
m.dh la-mid: dabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabniin
vl. n. act of making a hunting trap (with rope ~ another material)
dabo [feminine] n., loc. after, behind
dabo [feminine] n. tail; buttocks, anus, rectum
dabo v. catch; try to snare; hunt by trapping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabniin
-ka: (magac, lab, keli) dabin u dhigniinka ugaadha iyo wixii la mid ah. Dabniinka ugaadhuu da'daa ku soo gaadhay.
dabniin -ka: (magac, lab, keli) isku qabashada isha. Dabniin awgii ishu maba muuqan.
dabniin -ka: (magac, lab, keli) xidhiidhinta awr, baabuur ama wax kale.
dabniin -ka: (magac, lab, keli) timaha isku tidcid ama soohid. Dabniinkii timaha waan ka daayey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabniin
de: act of making a hunting trap (with rope ~ other material)
lx: dabniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: dabniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabniin
(Gabniin-ka)
Wax gabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabniin
m.l la-mid: gabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabniin
vl. n. failure to do, failure to perform, neglect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabniin
-ka: (magic, lab, keli) wax ama hawl la is faray in la sameeyo, qabanwaayid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabniin
de: failure to do, failure to perform, neglect
lx: gabniin
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: gabniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habniin
-ka: (magac, lab, keli) habidda iyo heemidda biyo iyo wax la mid ahi ka tiftifqaan weel cusub oo dhowaan la tolay.
habniin -ka: (magac, lab, keli) habitaanka carruurta aan ababin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jabniin
(Jabniin-ka)
1. Wax is haystey oo kalajab ku dhacay.
2. Meesha nabarka wax jebshey ku dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabniin
m.l 1. Wax is haystey oo kalajab ku dhecay. 2. Meesha nabarka wax jebshey ku dhacay. 3. la-mid: jabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jabniin
m.l 1. Wax is haystey oo kalajab ku dhecay. 2. Meesha nabarka wax jebshey ku dhacay. 3. la-mid: jabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jabniin
vl. n. break, breakage, fracture
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jabniin
-ka: (n) breakage (bareek-eeyj) ~ jajabnaan-ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabniin
-ka: (magac, lab, keli) walax, labo qaybood iyo in ka badan, noqosho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jabniin
de: break, breakage, fracture
lx: jabniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: jabniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabniin
(Kabniin-ka)
Isku xirniin; kabay; kab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabniin
m.l la-mid: kabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabniin
vl. n. patching, mending
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabniin
-ka: (n) the act of repairing something broken
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabniin
-ka: (magac, lab, keli) wax kala jaban isku geyntii.
kabniin -ka: (magac, lab, keli) laf ama wax kale oo jabay kabitaankii,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabniin
de: patching, mending
lx: kabniin
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: kabniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laakiin
xi. (naxwe) Erey xiriiriya laba tixood oo ulajeeddooyinkoodu is diiddanyihiin; illowse, ha ahaatee, hase yeeshee. Tusaale: “Waxaan ku iri wax ma haysto, laakiin ima aadan rumaysan”. la-mid: walaakiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laakiin
xi. (naxwe) Erey xiriiriya laba tixood oo ulajeeddooyinkoodu is diiddanyihiin; illowse, ha ahaatee, hase yeeshee. Tusaale: Waxaan ku iri wax ma haysto, laakiin ima aadan rumaysan. la-mid: walaakiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laakiin
conj. but, however
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Laakiin
mais.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laakiin
(conjunction) but (bat)-, on the contrary; yet (yat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laakiin
(xidhiidhiye) isku tola labo tixood oo ula jeeddooyinkoodu is diiddan yihiin ama tan danbe sheegayso arrin kale oo lagamamaarmaan ah oo meesha ku jirta. Randhaus, dagsiga way dhiganaysay laakiin, itixaankii uma aanay fadhiisan. Dh: balse, haseyeeshee, ha'ahaatee, illowse.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laakiin
de: but, however
lx: laakiin
ps: conj
xe: I know you, but I forgot where I met you.
xv: Arabic
key: laakiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laatiin
m.l Far ama af qaddiim ah oo Roomaaniyiintii hore ku dhaqmi jireen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laatiin
m.l Far ama af qaddiim ah oo Roomaaniyiintii hore ku dhaqmi jireen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Laatiin
m. n. Latin (language)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Laatiin
-ka: (n) Latin (laat in), the language of the ancient Latins and Romans
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laatiin
-ka: (magac, lab, keli) luqaddii hore ee ay ku hadli jireen dadkii Romaaniyiinta (Ruum).
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Laatiin
de: Latin (language)
lx: Laatiin
pd: (-ka)
ps: n-m
key: Laatiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladniin
-ka: (magac, lab, keli) «isku ~» isku ladidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg lalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqniin
vl. n. swallowing; sinking, drowning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laqniin
-ka: (n) the act of swallowing; swallow (iswaalow)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laqniin
de: swallowing; sinking, drowning
lx: laqniin
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: laqniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabniin
-ka: (magac, lab, keli) meel wax ku dhejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rabniin
(Rabniin-ka)
Rabid, rabitin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rabniin
vl. n. desire
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rabniin
de: desire
lx: rabniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
syn: rabid, rabitin
key: rabniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabniin
-ka: (magac, lab, keli) dhaafniinka, marniinka.
tabniin -ka: (magac, lab, keli) sirniinka, qaayiniinka wax qof ama wax la siro.
tabniin -ka: (magac, lab, keli) xusuusashoda, ogaanshaha la ogaado inaadan sidan shay aad moodayso inaad sidato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabliin
-ta: (magac, dhedig, keli) maro daaqad ah oo Soomaalidii hore shamiisyada iyo go'yaasha la huwado ka goosan jirtey. Bista baasha ka feedhoo, shaadh baabliinana qaado. Dh: baabulliin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg baahni.
baahniin -ka: (magac, lab, keli) ku baahitaanka dhul badan; ku fiditaanka meel aanu hore u gaadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarniin
-ka: (magac, lab, keli) baadhitaan samayn iyo raadinta wax maqan. Dh: baadhniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafniin
-ka: (magac, lab, keli) daafitaan ku dhicid. Daafniinka dabaydhu uma roona.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahniin
-ka: (magac, lab, keli) ahaanshaha wax aan muuqan oo aan ishu arag.
daahniin -ka: (magac, lab, keli) ilaxidh u samayn.
daahniin -ka: (magac, lab, keli) dibudhacniin ku yimaada hawl ama wax kale. Daahniinka ka ilaaliya hadhimada.
daahniin-ka: (magac, lab, keli) dabaylo raacniinka geela. Daahniin lagama karo geel hadduu mirasho dareeraaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqniin
-ka: (mgac, lab, keli) cunniinka xoolaha ee cawska iyo dhirta. Daaqniin ka horba waanu waraabinnay geela.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daarniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg daaritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faafniin
-ka: (magac, lab, keli) faafitaanka laftiisa. Faafniinka xumadda horay looma dareemin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faagniin
-ka: (magac, lab, keli) qoditaanka beerta ka hor, carro rogis. Dh: faagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarniin
m.l la-mid: faarid (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarniin
-ka: (magac, lab, keli) caano, faar yeelasho.
faarniin -ka: (magac, lab, keli) eeg faadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaadniin
(Gaadniin-ka)
Gaadid; gaadmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadniin
m.l la-mid: gaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaadniin
vl. n. ambush
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaadniin
-ka: (n) see [eeg] gaadis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadniin
-ka: (magac, lab, keli) cid dagan oo inta loo soo dhuunto, wax la yeelo. Dh: gaadmo, gaadid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaadniin
a: gaadmo
de: ambush
lx: gaadniin
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: gaadniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaarniin
m.l la-mid: gaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaarniin
vl. n. achievement, attainment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaarniin
-ka: (magac, lab, keli) wax durugsan oo tiigsasho ama socod ama si kale loogu tegi karo ama lagu taabi karo, ka daba tegid oo soo qabad. Dh: gaadhitaan, gaaritaan, gaadhniin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaarniin
de: achievement, attainment
lx: gaarniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: gaarniin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gaarniin
بلوغ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadniin
-ka: (magac, lab, keli) duulitaanka hawada la dhex maro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haagniin
-ka: (magac, lab, keli) cunto si fiican u cunid oo ka dhergid. Dh: haagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabnaan
m.f.dh eeg laaban². la-mid: laabnaansho, laabni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax laaban ahaan. Dh: laablaabnaan, laalaabnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladhniin
-ka: (magac, lab, keli) ladhitaanka wax biiro u baahan ama xoojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maagniin
-ka: (magac, lab, keli) sabab la'aan ugu xadgudbid oo aflagaadayn. Maxaa maagniinka dadka ku jeclaysiiayay. Dh: maagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalniin
m.l la-mid: maalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalniin
-ka: (magac, lab, keli) naas irmaan caano ka lisasho. Dh: maalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaxniin
-ka: (magac, lab, keli) cayillaan. Naaxniinka weydsanaan caafimaad qabtaa dhaanta