la_yidhaahdo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
la_yidhaahdo
de: called, named, said to be
lx: la yidhaahdo
ps: v4a-3m-rel-prhb
key: la_yidhaahdo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
la yidhaahdo
v., relative form, present habitual: called, named, said to be
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
la_yiraahdo
de: called, named, said to be
lx: la yiraahdo
ps: v4a-expr
key: la_yiraahdo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calyoceshade
m.l.u (-dayaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Dir hoosaad naasleyda qoobabka leh oo ay ka midyihiin idaha, riyaha, lo'da iyo cawsha. Waxa astaan u ah calool afar lakab ah, oo qaybta ugu horaysa la yidhaahdo “ruumen” taas oo burbuisa “selilowska”. Cuntada waxa si ku meel gaadh ah loogu keydiyaa “ruumenka”, halkaas oo dib loogu burburiyo looguna calaaliyo balbka, inta aan la liqin loona gudbin qaybta kala ee caloosha iyada oo dheefshiidku halka ka sii socdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kahsi
kahsi¹: m.l la-mid: kahasho.
kahsi²: m.l (daawo) Xaalad uu jidhku ku soo saaro jawaab ah kabbax an caadi ahayn qaar ka mid ah lid jidh dhaliyayaasha oo la yidhaahdo allarjiino, kaas waxa ka mid ah boodhka, faxalka, cuntooyinka qaarkood iyo dawooyinka ama dhogorta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raybosoom
m.l (-myo, m.dh) (baayoloji) Jidh yar oo dhululubaysan oo ku dhexjira unug nool, kaas oo ah halka lagu sameeyo borotiinka. Raybosoomyadu waxay ka koobanyihiin nooc RNA oo la yidhaahdo RNA ribosoomaysan iyo borotiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calyoceshade
m.l.u (-dayaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Dir hoosaad naasleyda qoobabka leh oo ay ka midyihiin idaha, riyaha, lo'da iyo cawsha. Waxa astaan u ah calool afar lakab ah, oo qaybta ugu horaysa la yidhaahdo 'ruumen' taas oo burbuisa 'selilowska'. Cuntada waxa si ku meel gaadh ah loogu keydiyaa 'ruumenka', halkaas oo dib loogu burburiyo looguna calaaliyo balbka, inta aan la liqin loona gudbin qaybta kala ee caloosha iyada oo dheefshiidku halka ka sii socdo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kahsi
m.l (daaw.) Xaalad uu jidhku ku soo saaro jawaab ah kabbax an caadi ahayn qaar ka mid ah lid jidh dhaliyayaasha oo la yidhaahdo allarjiino, kaas waxa ka mid ah boodhka, faxalka, cuntooyinka qaarkood iyo dawooyinka ama dhogorta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raybosoom
m.l (-myo, m.dh) (baay.) Jidh yar oo dhululubaysan oo ku dhexjira unug nool, kaas oo ah halka lagu sameeyo borotiinka. Raybosoomyadu waxay ka koobanyihiin nooc RNA oo la yidhaahdo RNA ribosoomaysan iyo borotiin.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
aerobic
(adj) requiring oxygen.
baahida hawo nooca la yidhaahdo, oksijiin
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
overactive thyroid
(n)* hyperthyroidism; excessive production of thyroid hormone.
qanjirka ku yaala cunaha siidaaya in badan dheecaanka la yidhaahdo tyroodh hoormoon (thyroid hormone) overdosage (n) administration of an excessive dose; condition resulting from an excessive dose.
daawada la qaato qiyaastii loogu talagalay in ka badan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allaylee
eray macnihiisu yahay 'Alle ayaa i leh' oo la yidhaahdo kolka la hubinayo in waxa dhacay ay sidaa ku habboonaayeen. Dh: Allaylehe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allaylehe
Allaylehe! eray la yidhaahdo marka wax dhacay ay sidii loo filayey noqdaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aga
aga! eray la yidhaahdo marka la arko wax lala yaabo ama kugu dhaco. Aga! Siduu wiilka yari ninka uga badiyay! Dh: Hey! Dhega! Joo! Shoo! Naw! Agas!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ah
ah! eray la yidhaahdo marka la is ciilkaambiyo, gocasho aawadeed. Ah! Way i seegtay saaka in aan Hodan arko. Dh: aheey ah! way!
ah: (tilmaame) sidaas ku sugan, sidaas noqday. Khadra waa gabadh gaari ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhas
akhas! eray dareen ah oo la yidhaahdo kolka wax aan habboonayn la arko ama la maqlo. Akhas! Waxay ku faanayaan in ay hantidii dalka boobeen! Dh: akh! aqas!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alkaali
-ga: (magac, lab, keli) magaca guud ee beysyada siiba cusbooyinka ka dhasha falgalka uu oksijiin la sameeyo biraha la yidhaahdo alkaaliin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
allaatu'
-da: (magac, dhedig, keli) cudur uu keeno shinbirka la yidhaahdo habarticaygu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ba'a
(ereycodeed) la yidhaahdo kolka la arko ama la maglo wax xille oo dhacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beynow
beynow! (ereycodeed) la yidhaahdo marka wax madmadow ku jiro la is weydiinayo. Beynow! dhegadameeraad lagu maqal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhaanso
(fal) wax kuu muuqda muuqaalkiisa eego. Geed baaxad weynoo, la yidhaahdo Baaroo, bilig dheer hirkiisii, ma bidhaansanaynoo. Dh: bildhaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caku
caku!: erey la yidhaahdo marka wax la kahdo, la necbaysto, la dhaliilo ama la lala yaabo. Caku, dunida yaabkeed! Dh: cako!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caycay
-ga: (magac, lab, keli) nafley, mid aan adkaysi u lahayn dhibta la soo gudboonaata. Dh: nugayl.
caycay: (ereydhawaaq) la yidhaahdo kolka adhiga biyaha loogu yeedhayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
la yiraahdo
vl. [expression] called, named, said to be
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yidhaahde
v., pl., -ind, simple past tense: they said
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yidhaahde
de: they said
initial: y
lx: yidhaahde
pd: (yiraahde)
ps: v4a-3pl-ind-past
key: yidhaahde
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
la_yiraahdaa
de: it is called...
lx: la yiraahdaa
ps: v4d-expr
key: la_yiraahdaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhankaad u Socotay maahee dhinac kale u kacitaan. Jidka ma garanayo oday baydhasho badanaa. Dh: leexasho, weecasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_dhaado
de: love dearly, show off one's love; ask for a girl's hand in marriage
lx: ku dhaado
pd: (dhaatay)
ps: v3b=expr
key: ku_dhaado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maydhaamo
f.g3 (-aantay, -aamatay) Xoolo la xaday, xoolo kale ku beddelasho si loogu raadgado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maydhasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhar, jidh ama meel dhaqasho oo fadiifsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saayidaad
-da: (magac, dhedig, keli) wax dheeri ah, in dheeraad ah. Saayidaad baan weydiistay. waana uu diiday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afxidhasho
-da: (magac, dhedig, keli) soommanaan: soon xidhasho. Dh: soomid, afxirasho.
afxidhasho -da: (magac, dhedig, keli) hadal ka gaabsasho. Anoo adyadeeya duul, afxidhashaa iiga roon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lagudhasho
m.l (daaw.) Xaalad qaabdarro ama cudur oo qofka ku dhasho qaabdarrada lagu dhasho waxay isugu jiraan cudurrada la dhaxlo iyo kuwa bey'addu keento.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lagudhasho
-da: (magac, dhedig, keli) xaalad qaabdarro ama cudur uu qofku ku dhasho oo isugu jira cudurrada la dhaxlo iyo kuwa bey'addu keento.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laydhsasho
-da: (magac, dhedig, keli) laydha u bixid oo isu dhigid; laydha ku qabowsasho. Dh: neecawsasho, neecawsad, layrsad, laydhsi.
laydhsasho -da: (magac, dhedig, keli) hawo qaadasho. Laydhsasho ayaa taagagga loogu baxaa. Dh: layrsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lagu-dhasho
m.l (daawo) Xaalad qaabdarro ama cudur oo qofka ku dhasho qaabdarrada lagu dhasho waxay isugu jiraan cudurrada la dhaxlo iyo kuwa bey'addu keento.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
la yiraahdaa
v. it is called