la_soo_bax
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
la_soo_bax
de: come out ~ up with
lx: la soo bax
pd: (baxay)
ps: v1=expr
key: la_soo_bax
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
la soo bax
v. come out ~ up with
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Joohaar
(Joohaar-ka)
(sheekaxariiro) mas johorad if badani uurka ugu jirto, oo habeenkii inta la soo baxa ilayskeeda ku ugaarsada; masjoohaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gees-muusaale
m.l Eelada (deerada) kolkaa la soo baxaysa geesa yar yar oo fiiqfiiqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaan
jąan: m.l Uun rooxaan ah oo aan aadamuhu arki karin; jinni.
jaan¹: m.l 1. Caano geel oo aad u dhanaan. 2. Biyo kharaar oo dhano ah. 3. Ciid dhanaan; carro seel. 4. Caws aan loo baahnayn oo dalagga la soo baxa.
jaan²: m.dh (-aamo, m.l) 1. Cad yar oo saan ah oo loo jaray qaab kabeed. 2. Meel bannaan. 3. Gabal yar oo shay ah. 4. Kab dhammaatay. 5. Naqshad farsamo. 6. (muus.) Ridmada sacabka iyo lugaha laga sameeyo marka ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka la ciyaarayo.

joohaar
m.l Mas if badani uurka uga jiro oo habeenkii inta la soo baxo ilayskeeda ku ugaarsado; masjoohaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalfure
m.l Dugaagga intooda xabaalaha qodda oo meydka la soo baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaan
jaan¹: m.l 1. Caano geel oo aad u dhanaan. 2. Biyo kharaar oo dhano ah. 3. Ciid dhanaan; carro seel. 4. Caws aan loo baahnayn oo dalagga la soo baxa.
jaan²: m.dh (-aamo, m.l) 1. Cad yar oo saan ah oo loo jaray qaab kabeed. 2. Meel bannaan. 3. Gabal yar oo shay ah. 4. Kab dhammaatay. 5. Naqshad farsamo. 6. (muus.) Ridmada sacabka iyo lugaha laga sameeyo marka ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka la ciyaarayo.
jąan: m.l Uun rooxaan ah oo aan aadamuhu arki karin; jinni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuux
(fal) lafta intaad kala jebisid dufanka ku jira dhexdeeda ee cad ka la soo bax.
dhuux: (fal) u fiirso hadalka ama talada qofka. Dhuux hadalkayga oo wax ku qaado. Dh: dhugo.
dhuux-a: (magac, lab, kali) subagga ku jira lafaha dhexdooda.
dhuux-a: (magac, lab, keli) laag, tog ama webi halka biyuhu maraan; meel biyo mareen ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diilabadan
(tilmaame) xeel badan oo kolba weji la soo baxa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo xiddig oo midda yari godantahay; waa xiddiga labaad ee Miicaadda. Habeenkay bishu kaw tahay ee uu dayuxu la soo baxo, qofka dhasha waxa lagu yaqaan inuu noqdo qof weyd ah oo godan. Miicaada koobaad waa habeenka gugu kawsado. Dh: miicaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalqaallinimo
-da: (magac, dhedig, keli) qalqaalli ahaan; firfircoonaan. Kolkii uu weynaaday ayuu qalqaallinimo la soo baxday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuuqso
(fal) 'wax wax qoyan ku dhexjirey dheecaan ka nuug.
shuuqso: (fal) wax iskaa u karso adoon xawaash iyo habtoona u aabbayeelin.
shuuqso: (fal) yaryarayso oo kolba in yar la soo bax.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gagne-pain
gagne-pain, n.m. - shaqaysi si aad cunadaada u la soo baxdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soo_bax
de: come out; rise (of sun, planet or star)
initial: s
lx: soo bax
pd: (baxay)
ps: v1=expr
key: soo_bax
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kasoobax
-a: (n) boil (booyl); furuncle (fiyuurinkal).~ fin
kasoobax -ay / day: (v) come out from or of. Ex: guriga kasoobax; come out of the house
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kasoobbax
(Kasoobbax-a)
Nabar oogada kasoo baxa; fin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kasoobbax
kasoobbax¹: m.l (-xyo, ml.) Nabar weyn oo oogada ka soo baxa oo caalir leh.
kasoobbax²: m.l (-xyo, m.l) (daawo) Nabar sida qaalibka ah ka weyn kasoobax kuna oolli kara jirka sare iyo uurkujirtadaba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kasoobbax
kasoobbax¹: m.l (-xyo, ml.) Nabar weyn oo oogada ka soo baxa oo caalir leh.
kasoobbax²: m.l (-xyo, m.l) (daaw.) Nabar sida qaalibka ah ka weyn kasoobax kuna oolli kara jirka sare iyo uurkujirtadaba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kasoobbax
m. n., [compound] boil, eruption (on the skin)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kasoobbax
bw: dhullax, fin, nabar
de: boil, eruption (on the skin)
lx: kasoobbax
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
see: bax
key: kasoobbax
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marsoobax
-a (n) a dangerous killer snake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marsoobax
-a: (magac, lab, keli) mas aan lahayn waabaayo daran. Dh: ciidgale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marsoobbax
(Marsoobbax-a)
Halaq waabaayo daran leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marsoobbax
m.l (-xyo, m.dh) Nooc halaqa ka mid ah, waabaayo halis ah leh oo dhif iyo naadir loo arko; wed-lasoobax; abris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marsoobbax
m. n., [compound] poisonous snake species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marsoobbax
de: poisonous snake sp.
lx: marsoobbax
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: marsoobbax
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_soo_asbax
de: visit s.o. at dawn (believed to cause bad luck)
lx: ku soo asbax
pd: (asbaxay)
ps: v1=expr
key: ku_soo_asbax
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo bax
v. come out; rise (of sun, planet ~ star)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo bax
-ay / day: (v) come out; rise (raays) Ex: qorraxdu waxay ka soo baxdaa bari; the sun rises from the east
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soobbax
-a: (magacwadareed) nabarrada buurbuuran ee sida maasha ah ee dadka ka soo baxa. Dh: dhullax, saanfuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoobax
-a: (magac, lab, keli) socsocod badan oo meel kulka la sii galo kola laga baxo oo dad badani is weydweydaartaan. Dh: galaabax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caloolbax
(Caloolbax-a)
Caloosha oo socota oo laga baxo, xanuun ha wehesho ama yuusan weheline; shuban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolbax
caloolbax¹: m.l Saxaro badan, jilicsan oo dulin nafleyda caloosha ka qooma keeno; shuban; dababbax.
caloolbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Nafley saxaro badan oo jilicsan dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caloolbax
caloolbax¹: m.l Saxaro badan, jilicsan oo dulin nafleyda caloosha ka qooma keeno; shuban; dababbax.
caloolbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Nafley saxaro badan oo jilicsan dhigid. m.f.dh, caloolbixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caloolbax
m. n., [collective] diarrhea
caloolbax: v., [compound] have diarrhea
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caloolbax
-a: (n) excessive evacuation of watery feces; diarrhea (daay-riya); also diarrhoea ~ shuban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolbax
-a: (magac, lab, keli) qof, sindho aad jilicsan oo biyo ah dhigid. Dh: shuban, shubmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galoobbax
(Galoobbax-a)
Meel dadka gela haya iyo kan ka baxa haya, labaduba badan yihiin oo intaas isdabammara hayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoobbax
galoobbax¹: m.l la-mid: galaabbax¹.
galoobbax²: f.mg1 (-xay, -xday) la-mid: galaabbax².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galoobbax
m. n., [compound] place where people come and go; concourse
galoobbax: v., [compound] come and go, pass to and fro (of a crowd)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_kooban
de: consist of, be composed of
lx: ka kooban
pd: (koobmay)
ps: v1=expr
key: ka_kooban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magoolbax
-a: (magac, lab, keli) dib u fiilidda geedka laamaha laga jaro. Geedkii aan jiilaalka gooyay imukuu magoolbax yahay Dh: asalo, dibufiil. Li: yabaal, engeg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
batroolbax
vl. n., [compound] gasoline ~ petrol consumption
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
batroolbax
de: gasoline ~ petrol consumption
lx: batroolbax
pd: (-a)
ps: vn2-m-cmp
key: batroolbax
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wax_soo_saar
de: production Alt sp: waxsoosaar
initial: w
lx: wax soo saar
pd: (-ka)
ps: np-m
see: saar / soo saar
key: wax_soo_saar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_soo_jeed
de: originate from, be the descendants of
lx: ka soo jeed
pd: (jeeday)
ps: v1=expr
key: ka_soo_jeed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_soo_noqo
de: retreat, withdraw; return from a place
lx: ka soo noqo
pd: (kasoo noqday)
ps: v3b=expr
key: ka_soo_noqo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
la_socodsii
de: inform, tell s.o. about Lit: make s.o. follow
lx: la socodsii
pd: (socodsiiyey)
ps: v2a=expr
key: la_socodsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orraxsoobax
-a: (magac, lab, keli) dhinaca bari ee ay cadceeddu ka soo baxdo.
orraxsoobax -a: (magac, lab, keli) milayga ay orraxdu soo baxdo ee aroortii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iska_soo_saar
de: pick s.o. out among oneselves
lx: iska soo saar
pd: (saaray)
ps: v1=expr
key: iska_soo_saar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_soo_waaqso
de: recover ~ be recovered from (illness); get rehabilitated
lx: ka soo waaqso
pd: (waaqsaday)
ps: v3a=expr
key: ka_soo_waaqso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_soo_wareeg
de: transfer ~ move from (some place, official position)
lx: ka soo wareeg
pd: (wareegay)
ps: v1=expr
key: ka_soo_wareeg
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wax_soo_saare
de: producer
initial: w
lx: wax soo saare
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: wax_soo_saare