la'ow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
la'ow
de: cease to have, lose
lx: la'ow
pd: (la'aaday)
ps: v3a=inch
key: la'ow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
da'ow
f.mg1 (-oobay, -oowday; -oobi) Duq noqosho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
da'ow
f.mg1 (-oobay, -oowday; -oobi) Duq noqosho (qof). m.f.dh, da'oobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'ow
-ga: (magac, lab, keli) duqoobid oo da' weyn gaadhid. Dh: gabow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
da'ow
de: get ~ become older; be aged Alt sp: da'oob
lx: da'ow
pd: (da'oobay)
ps: v1=inch
key: da'ow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qof wax lafaha madaxu jabanyihiin noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafow
v. suffer a fractured head (cranial fracture)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafow
(fal) lafaha madaxa ka jab oo ka dakhran. lafow: (fal) mid caato ah noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafow
de: suffer a fractured head (cranial fracture)
lx: lafow
pd: (lafoobay)
ps: v2a=intr
key: lafow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lahow
imperative v., sg. have, possess; ought
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lahow
de: have, possess; ought
lx: lahow
pd: (lahaw)
ps: v5b-imp-sg
xv: Edeb lahow! 'Be polite! [lit: have good behavior]
key: lahow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lasow
(Lasow-ga)
Dhadhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lasow
m.l Dhadhanka wax faaday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lasow
m. n. taste, flavor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lasow
-ga: (magac, lab, keli) dhadhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lasow
de: taste, flavor
lx: lasow
pd: (-ga)
ps: n-m
syn: dhadhan
key: lasow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxow
-ga: (magac, lab, keli) eeg laxaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
La'
Aan haysan; aan lahayn; ka maqan; dhimman; ... (sida: nin lug la'; waa lacag la' yahay; toban saddex la' waa toddoba; ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
la'
f.g4 (-'aa, -'ayd) Wax, wax ka maqanyihiin ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
la'
f.g4 (-'aa, -'ayd) Wax, wax ka maqanyihiin ahaansho. m.f.dh, la'aan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
la'
-aa / la'ayd: (adj) without (with-awt); not having; lacking (laaking). Ex: dhagala': deaf (dheef)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
la'
(fal) aan la haysan; wax aan la hayn. Nin indhola' baa na soo maray. Warsame wuu indhala' yahay.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Law
Xeer
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
law
/loo/ (n) sharci, qaanuun.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Law
Qaanuun, sharci, xeer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
law
-ga: (magac, lab, keli) xagasha lugta xaggeeda sare inta u dhaxaysa xoogga iyo bawdada; halka ay bawdada iyo kubku iska galaan. Guntiga lawgaan, marada geynay, gacallow e. Dh: jilib.
law -ga: (magac, lab, keli) dhammaadka sare ee lafta dheer ee dhabarka; halka duudka iyo timaha madaxa u dhaxysa. Looto ayuu lawga kaga dhuftay. Dh: deli, tun.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
law
n.. hawl, -ki, qaynuun, -ki, qayd, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Low
(Low-ga)
Bowdada iyo kubka iskaggalkooda; jilib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
low
m.l (-wyo, m.dh) Bowdada iyo kubku meesha ay iska galaan dhankeeda sare; jilib.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
low
m.l (-wyo, m.dh) Bowdada iyo kubku meesha ay iska galaan dhankeeda sare; jilib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
low
m. n. knee
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
low
/low/ (adj) hooseeya; hoose; gaaban (heer hoose jooga).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
low
-ga: (n) knee (nii) ~ jilib; loow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
low
de: knee
lx: low
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: jaw, jilib, ruug
key: low
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
low
a., hoose; be low, hoosay; ad., hoos, hoosta; speak low, hoos u hadal.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abow
name-m brother
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abow
(fal) ab iyo isir lagu arooro noqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adow
-ga: (magac, lab, keli) eeg abkow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agow
e.d Hadday u yaraato; xataa. Tusaale: 'Agow ii ahaateenaa!'; 'Agow roob di'i lahaayaa.'
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahow
imperative v., sg. you be ...!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahow
(n) that you [sing.] become or be ~ ahaw
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahow
de: you be ...!
lx: ahow
pd: (ahaw)
ps: v5a-imp-sg
xe: Be a good girl!
xv: Gabar fiican ahow!
key: ahow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajow
(fal) eeg ajaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqow
(fal) wax baro oo ogow. Aqow in maskaxda la adeegsado. Dh: garo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
avow
v.tr., (confess) qaado, qiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awow
m.l la-mid: awoowe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
awow
m. n. grandfather
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awow
-ga: (magac, lab, keli) aabbaha labada waalid midkood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
awow
a: awoowe
de: grandfather
lx: awow
pd: (-ga)
ps: n6-m, n7-m
syn: abkoow
key: awow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
la'i
m.dh la-mid: la'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
la'i
-da: (magac, dhedig, keli) wax la'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
la'i
a: la'aan, li'i
de: lack (of), deprivation
lx: la'i
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: la'i
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labo
(Laba-da)
Tirada kowda iyo saddexda u dhexaysa; mid iyo mid laysku daray; (2). (ama laba).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labo
labo¹: m.dh.t 1. Tirada kowda iyo saddexda u dhexeysa; “2”. 2. Labadaba. Tusaale: “Labadaba way fiicanyihiin”.
labo²: f.g3 (-btay, -batay) Wax qasasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labo
labo¹: m.dh.t 1. Tirada kowda iyo saddexda u dhexeysa; '2'. 2. Labadaba. Tusaale: Labadaba way fiicanyihiin.
labo²: f.g3 (-btay, -batay) Wax qasasho. m.f.dh, labasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labo
num. two; both
labo v. stir something for oneself, mix something for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labo
-labada: (n) two (tuu); couple (kapol) ~ lammo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labo
-da: (magac, dhedig, keli) tirada u dhaxaysa kow iyo sadddex. Labo biyo hoostood iska herdiday iyagaa is og. Dh: lamma, 2, II.
labo: -da: (magac, dhedig, keli) tirada kowda iyo saddexda u dhexaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lafo
(Lafa-ha)
Raasammaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafo
m.l (dhaq.) Lacagta hore ee ganacsiga la geliyo; raasamaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lafo
m.l (dhaq.) Lacagta hore ee ganacsiga la geliyo; raasamaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafo
m. n., [collective] capital, wealth
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LAFO
(Lafo) N Ficus quibeba Ficalho. Moraceae.
N Ficus populifolia Vahl. Moraceae.
S Elaeodendron schweinforthianum (Loes) Loes. Celastraceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lafo
-lafaha: (n) [plural of laf]; bones (boonis); skeleton (iskal-atan)
lafo -lafaha: (n) the total money invested in a business; capital (kaapital)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafo
-ha: (magac, lab, keli) dhaqaale iyo raasamaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafo
de: capital, wealth
lx: lafo
pd: (/ha)
ps: n6-m-col
syn: raasammaal
key: lafo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lago
s.m. - harò, warweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laho
f.mg3 (-haday, -hatay) 1. Laabta wax ka jecleysasho. 2. U l.: wax si aad ah u filasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laho
f.mg3 (-haday, -hatay) 1. Laabta wax ka jecleysasho. 2. U l.: wax si aad ah u filasho. m.f.dh, lahasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laho
v. be consumed with desire, have a burning desire
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laho
-lahday / lahatay: (v) desire (di zaayar)-, wish or long for
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laho
(fal) laabta wax ka jeclayso oo ku qabo. Laho waxaanad helayn. Dh: jeclow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laho
de: be consumed with desire, have a burning desire
lx: laho
pd: (lahaday)
ps: v3a=
key: laho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lajo
m.dh (-ooyin, m.l) Aleel yaryar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lajo
-da: (magac, dhedig, keli) aleel yaryar.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lato
s.m. - dhinac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laxo
(Laxa-ha)
(xiddigo) Lixo; urur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxo
m.l Urur xiddigo ah oo tiradoodu lix ka kooban tahay. la-mid: lixo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laxo
m.l Urur xiddigo ah oo tiradoodu lix ka kooban tahay. la-mid: lixo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laxo
pr. n., loc. name of a star constellation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxo
-ha: (magacwadareed) toddobada xiddigood ee habarnaaf: ido ama urur na waa loo yagaan. Dh: ido, urur, lixo, loxo, cadaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laxo
a: lixo
de: name of a star constellation
lx: laxo
pd: (/ha)
ps: n0-loc-m
key: laxo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
le'o
f.mg3 (-'day, -'atay) Dad, xoolo, ugaar iyo wixi lamida aad u dhimasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
le'o
f.mg3 (-'day, -'atay) Dad, xoolo, ugaar iyo wixi lamida aad u dhimasho. m.f.dh, le'asho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
le'o
(fal) noole, dhimo oo nolosha ka bax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
le'o
de: die off; become extinct
lx: le'o
pd: (le'day / le'atay)
ps: v3b=
key: le'o
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
loow
-ga: (n) knee (nii) ~jilib; low
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax aafeysan noqosho (nafley badan).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aafow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax aafeysan noqosho (nafley badan). m.f.dh., aafoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafow
(fal) aafo iyo ibtilo yeelo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Aayow
name-m future, destiny; benefit from
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacow
-ga: (magac, lab, keli) qofka habaarka badan. Intii bacow aan qaadan laa, gole ku joog fiican, mar hadey gardhalad wada noqdeen guur aan.
bacow-ga: (magac, lab, keli) bahal quraanjada ka duwan oo midabkiisu cawlan yahay ur qarmuuna leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badow
(Badow-ga)
Aan reer-magaal ahayn; reer-miyi; aan wax aqoon; aan ilbax ahayn; galti; khashiin; (ama Badwi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badow
m.l (badow /-wyo, m.dh) 1. Qof degaanka uu markaa joogo aqoon yar u leh. 2. Qof aan ilbax ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badow
m.l (badow /-wyo, m.dh) 1. Qof degaanka uu markaa joogo aqoon yar u leh. 2. Qof aan ilbax ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badow
m. n. countryman, rustic, country bumpkin, bedouin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badow
-gada: (n) wild (waayldh) person; rural person; uncivilized person, regarded as crude; countryman; rustic (ras tik); without arts ~ reer miyi, jungali, badwi, khashiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badow
-ga: (magac, lab, keli) eeg badaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badow
a: badwi
de: countryman, rustic, country bumpkin, bedouin
lx: badow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: badow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahow
bahow¹: m.l la-mid: bahoobid.
bahow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) La b.: cid, gaashaanbuur la noqosho.