la qabo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
la qabo
v. help, assist
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
la qab
v. be married (of a woman)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka qabo
v. do something about; work (on), operate, perform (in a certain capacity); owe
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
la_qabo
de: help, assist
lx: la qabo
pd: (qabtay)
ps: v3b=expr
key: la_qabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ladqabo
(Ladqaba-da)
Laqdabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladqabo
m.dh 1. Dhexdhexaadin iyo maslaxo laga dhex dhaliyo dad dagaashan. 2. la-mid: laqdabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ladqabo
f. n. deceit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladqabo
-da: (magac, dhedig, keli) dhexdhexaadin iyo isku soo dhowayn labo dhinac oo is dilay ama is'afgaranwaa ka dhexeeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ladqabo
de: deceit
lx: ladqabo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: laqdabo
key: ladqabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afo
(Afa-da)
Naag la qabo; arad; oori; maranti; marwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arad
(Arad-da)
Naag la qabo; oori; afo; maranti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Colguri
1. (Colguri-da) Naagta la qabo oo dhibta iyo dagaalka badan.
2. (Colguri-ga) Dagaal iyo colaad tolka gudihiisa ka kaca; dagaal sokeeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhagax-aboodi
(Dhagax-aboodi-ga)
(senen) dhagax gaar ah oo la qabo inuu dawo lee yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dumaashi
(Dumaashi-da, Dumaashi-ga)
Waxa ay isu yihiin afada la qabo iyo saygeeda walaalki, ama sayga iyo afada walaasheed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furid
(Furid-da)
1. (quful, kd.) wax xiran fure ama qaliid ku kala bixin.
2. (albaab, kd.) balliqid, bashiicin.
3. Wax guntan kala bixin.
4. Markhaati laysu qabsaday, siduu ahaa u sheegid.
5. (guur) qof la qabo sii dayn.
6. Hawl la qabtayoo la xusayo, cayaar, dabbaaldeg, shir, hadal, kd. dadka ka qayb gela haya u bilaabid.
7. Wax raran rarka ka dhigid.
8. Halxiraale ama wax kaloo la isku xiray, sheegid; feydid; bannayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geesxir
1. (Geesxir-ka) Neef toojo ah.
2. (Geesxir-ta) Qof dumar ah oo la qabo oo aan ninkeeda la dhaqmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guursasho
(Guursasha-da)
Qof kale guur isugu xirid; qof wax qaba ama la qabo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishaafalad
(Ishaafalad-ka)
Waxa la fala hayo ama la qabo kolka lagu xiro hadba saha joogaa siduu yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishaafalato
(Ishaafalata-da)
Dadka wixii la fala hayo, ama la qabo, hadba saha jooga kolkaas sida uu yahay, ku xira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawkab
(Kawkab-ka)
1. Iyadoo gaajo ama harraad ama baahi kale oo daran la qabo, oo biyo ama wax kale oo badan dhaqso iyo xoog caloosha loogu sii daayo, sida la noqdo.
2. Xiddig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masjoohaar
(Masjoohaar-ka)
Mas la sheego, aan jirinse, oo la qabo inuu sito johorad if badan oo uu habeenkii ku mirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oori
(Oori-da)
Haweeney la qabo; afo; arad; maranti; marwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seeddi
(Seeddi-ga)
Afada la qabo walaalkeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilafur
(Xilafur-ka)
1. Xilaha la qabo oo si sharci ah loo sii daayo, loo furo; dalaaq.
2. Dhaar lagu dhaarto in xilaha la furayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilo
(Xila-ha)
Haweenka la qabo; afo; oori; maranti; naag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afo
m.dh (-ooyin, m.l) Haweenay la qabo; oori.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arad
arad¹: m.l Dhul; arlo.
arad²: m.dh Haweenay la qabo; naag; afo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
colguri
m.l 1. Naag la qabo oo dhibaato badan. 2. Xuguf iyo isnaceyb ka dhexeeya dad ehel ah oo meel ku wada nool; dagaal sokeeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhax
dhax¹: m.l Dh. ah: nafley hoygeeda habeen ka maqnaan.
dhax²: f.mg1 (-xay, -xday; dhixi) 1. Ku dh.: meel aan buuxin. 2. U dh.: Haweeney la qabo ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kala qabo
v. detach, separate, open up; break apart people fighting
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabo
f.g/mg3 (-btay, -batay) 1. (f.g) Wax fidsan ama jilicsan isku soo ceshasho. 2. (f.mg) Jiho loo socday ka weecasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laabo
f.g/mg3 (-btay, -batay) 1. (f.g) Wax fidsan ama jilicsan isku soo ceshasho. 2. (f.mg) Jiho loo socday ka weecasho. m.f.dh, laabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laabo
v. turn back, go back, return; curve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laabo
-laabtay / laabatay: (v) go back; return (ri-teen); make u-tum (yuu-teen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabo
(fal) meel aad ka timid dib ugu nogo; halkii aad u socotay, ka noqo. Suuqii dib ugu laabo oo caano innoo soo iibi. Dh: noqo.
laabo: (fal) wax fidsan, oo aad adigu leedahay, isku soo rogo ama labadiisa cidhif isku keeno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laabo
de: turn back, go back, return; curve
lx: laabo
pd: (laabtay)
ps: v3b=intr
key: laabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqbo
(Laqba-da)
Kutubta diinka ah oo Carabiga ku qoran, fasirka wadaaddadu Af-Soomaali ku fasiraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqbo
m.l/dh Fasiridda wax kutub ku qoran la fasiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laqbo
m.l/dh Fasiridda wax kutub ku qoran la fasiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqbo
f. n. sacred text translated from Arabic into Somali
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laqbo
de: sacred text translated from Arabic into Somali
lx: laqbo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: laqbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqabo
m.dh Shanboolada oo saddex goor la boolaysto laguna badiyo (turub).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caqabo
m.dh Shanboolada oo saddex goor la boolaysto laguna badiyo (turub).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka qab
v. owe; have an opinion on
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
la_qab
de: be married (of a woman) Lit: be had
lx: la qab
pd: (qabay)
ps: v1=expr
key: la_qab
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lalabo
f. n. nausea, indigestion
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lavabo
lavabo, n.m. - waaskada wajiga lagu dhaqdo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u qabo
v. do ~ hold something for someone
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is qabo
v.refl: restrain oneself, keep one's emotions in check; push oneself forward; confront (one another)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_qabo
de: do s.t. about; work (on), operate, perform (in a cer-tain capacity); owe
lx: ka qabo
pd: (qabtay)
ps: v3b=expr
xe: What can I do for you?
xv: Maxaan kuu qaban karaa?
key: ka_qabo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku qabo
v. catch someone with something, catch red-handed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladaabo
f.mg3 (-btay, -batay) Xoolo maalin walba biyo cabbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ladaabo
v. drink water every day (of livestock)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladaabo
(fal) maalin walba biyo ku noqo; maalin walba biyaha cab. Dh: durduuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ladaabo
bw: durduuro
de: drink water every day (of livestock)
lx: ladaabo
nt: ladaabad (ka) [vn-m], ladaabasho (/da) [vn-f]
pd: (ladaabtay)
ps: v3b=
key: ladaabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lallabo
(Lallaba-da)
Laqanyo; yaqyaqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lallabo
lallabo¹: m.dh 1. Laqanyo; yaqyaqsi. 2. Qayladhaan gurmad degdeg ah. 3. Dareenka in qofka mataggu hayo oo kale, sida dadka safarka badda ama wallaca. la-mid: labbalabbo, labballabbo, lablabbo, lallabbo.
lallabo²: m.dh (daawo) Dareenka in qofka mataggu hayo oo kale, sida dadka safarka badda ama wallaca.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lallabo
lallabo¹: m.dh 1. Laqanyo; yaqyaqsi. 2. Qayladhaan gurmad degdeg ah. 3. Dareenka in qofka mataggu hayo oo kale, sida dadka safarka badda ama wallaca. la-mid: labballabbo, lablabbo, lallabbo.
lallabo²: m.dh (daaw.) Dareenka in qofka mataggu hayo oo kale, sida dadka safarka badda ama wallaca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lallabo
f. n. nausea; indigestion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lallabo
-lallabada: (n) nausea (noosiya); nauseation ~ labballabbo, laqanyo, liidaanyo, liidaanyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lallabo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ladaadyo.
lallabo -da: (magac, dhedig, keli) wadnabaab iyo laqanyo. Dh: liidaanyo, yaqyaqsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lallabo
a: laballabbo ~ laballabo
cf: laqanyo, yaqyaqsi
de: nausea; indigestion
lx: lallabo
pd: (/da)
ps: n-f
key: lallabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqabso
(fal) wax aadan aqoon u baro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqdabo
(Laqdaba-da)
Mardabo; dhagar; sir; (ama ladqabo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqdabo
m.dh 1. Qiyaano; dhagar. 2. la-mid: ladqabo (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laqdabo
m.dh 1. Khiyaano; dhagar. 2. la-mid: ladqabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqdabo
f. n. deceit, deception, act of misleading
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laqdabo
-laqdabada: (n) deceit (disiit), trick (tiriik), fraud (faroodh), deception (disapshin) ~ khiyaamo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Laqdabo
Disonestà
Dishonesty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqdabo
-da: (magac, dhedig, keli) mardabayn cid kale; dhagridda cid kale. Dh: sirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laqdabo
a: ladqabo
de: deceit, deception, act of misleading
lx: laqdabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: laqdabo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iska qabo
v. restrain someone in self defense, stop something from oneself, hold something from oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kala_qabo
de: detach, separate, open up; break apart people fighting
lx: kala qabo
pd: (qabtay)
ps: v3b=expr
key: kala_qabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaqabo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Wax intooda badani khasaaray inta ka hartay badbaadin. 2. Neef jirro ama caato awgeed la fariistay kicin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabaqabo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Wax intooda badani khasaaray inta ka hartay badbaadin. 2. Neef jirro ama caato awgeed la fariistay kicin. m.f.dh, dabaqabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaqabo
v. catch ~ seize by the tail; reach; follow up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaqabo
(fal) qabo oo badbaadi wax halis ku jira ama ku soo foolleedahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaqabo
de: catch ~ seize by the tail; [ext.] reach; follow up
lx: dabaqabo
pd: (dabaqabtay)
ps: v3b=tr
key: dabaqabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danqaabo
m.dh la-mid: danqaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danqaabo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg danqaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halqabso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Ku h.: qof in uu hadal guro u adeegsasho. 2. Ku h.: wax, wax kale tilmaan ugu qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halqabso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Ku h.: qof in uu hadal guro u adeegsasho. 2. Ku h.: wax, wax kale tilmaan ugu qaadasho. m.f.dh, halqabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halqabso
(fal) (ku ~) magac ama erey kale daliil ka dhigo kolkaad haydlayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is qabso
v. fight, quarrel, come to blows
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
islaqabo
-islaqabtay / islaqabteen /
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka waabo
v. evade, retreat from, shrink from
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku qabso
v. attach something to something else; quarrel over (as children)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
la baxso
v. elope, run away together
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
la nabad
v. be reconciled ~ make peace with someone
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
la tasho
v. consult with
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaabo
(fal) wax fidsanaa, isku duuduubo.
laalaabo: (fal) meel ka laabo oo haddana laabo. Dh: noqnoqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lablabbo
m.dh la-mid: lallabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lablabbo
f. n. nausea
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lablabbo
-lablabbada: (n) nausea (noosiya) ~ liidaanyo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lablabbo
a: lallabo
de: nausea
lx: lablabbo
pd: (/da)
ps: n-f
key: lablabbo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
lablabbo
عَنْيان، اشْمِتْرَازِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lablabyo
-da: (magac, dhedig, keli) wadnabbaab; laballabo; laqanyo; liidaanyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladqabay
(fal) «soo heshiisii labo dhinac oo xurgufi u dhaxayso. Aabbo ladqabay xurguftii labada reer. Dh: dhexdhexaadi, maslax, ladqabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladqabee
f.g/mg2 (-beeyay, -baysay) 1. (f.g) Qof caraysan maslixid. 2. (f.mg) Kala l.: laba qof ama ka badan oo dagaashan maslaxo dhex dhigid.

v. interrupt