kuusmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuusmid
(Kuusmid-da)
Wax kuusan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusmid
m.f.dh eeg kuusan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuusmid
-da: (magac, dhedig, keli) soo foocanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuusid
(Kuusid-da)
Wax kuusan ka dhigid; soo buurid; yuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusid
m.f.dh eeg kuus².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuusid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kuusan ka dhigid; soo buurid; yuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buusmid
(Buusmid-da)
Hoos isugu diismid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buusmid
m.f.dh eeg buusan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooc
fooc¹: m.l (-cyo, m.dh) Dhul, jir iyo wixi lamida wax ka soo taagan.
fooc²: f.mg1 (-cay, -cday) 1. Wax siman kor u soo kuusmid. 2. Abuur dhul kasoo bixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fooc
fooc¹: m.l (-cyo, m.dh) Dhul, jir iyo wixi lamida, wax ka soo taagan.
fooc²: f.mg1 (-cay, -cday) 1. Wax siman kor u soo kuusmid. 2. Abuur dhul kasoo bixid. m.f.dh, foocid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuusan
kuusan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Wax qaab kankoonsan leh noqosho. 2. Wax meel laysugu keenay noqosho. m.f.dh, kuusmid.
kuusan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax qaab kankoonsan leh ahaansho. 2. Wax meel laysugu keenay noqosho. m.f.dh, kuusnaan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
spórgere
v.tr. - soo yuucmid, soo kuusmid; dacwo ka gayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooricid
-da: (magac, dhedig, keli) soo kuusmid oo kor u soo foodhicid. Biqilkii imika uun buu fooricid ku jiraa. Dh: foodhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suusumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax tira badan oo ishu aanay tirin karin oo iyagoo is cidhiidhyanaya qunyar soconaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuumi
m.l (-iyo, m.dh) Lacag sarrif ah oo qiimaheed yahay toban senti. la-mid: kumi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuumi
m. n. ten cents
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuumi
-ga: (magac, lab, keli) wax aan senen lahayn oo wanaaggooda si buunbuunis ah loo faalleeyo oo loo cawryo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuumi
a: kumi
de: ten cents
lx: kuumi
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
syn: gambo {C & S}
key: kuumi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uumid
(Uumid-da)
Wax aan hor u jirin abuurid; alkumid; curin; khalqid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumid
m.f.dh eeg uun².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Uumid
Creazione
Creation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jirin abuurid; wax cusub alkumid. Dh: alkumid, curin, khalqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buusid
m.f.dh eeg buus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusid
-da: (magac, dhedig, keli) buusbuus u yeelid, dhuucdhuucid u samayn. Buusidda buraashada adaa dhagax ku sii daayey.
buusid -da: (magac, dhedig, keli) hoos u diisid. Mooteerku buusid ma leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuusid
-da: (magac, dhedig, keli) wax loo tartansanaa, ku guulaysi. Dh: guulaysi.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Huusid
Percolation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulmid
(Kulmid-da)
Meel isugu imaansho; ururid; isgaarid; shirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulmid
m.f.dh eeg kulan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulmid
-da: (magac, dhedig, keli) meel isugu imaansho. Dh: shirid.
kulmid-da: (magac, dhedig, keli) marka falaadho (ilays, kul, kaah) oo barbarro u wada socda, wax ay isku soo duwaan ama ay soo dhexmaraan ee ay meel ku kulmaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuulid
(Kuulid-da)
(indho) indhakuul marin, ku qurxin, ku madoobeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuulid
m.f.dh eeg kuul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuulid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg kuulan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurid
m.f.dh eeg kuur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurid
-da: (magac, dhedig, keli) fiirin; ku dhegagid; dhugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuusad
(Kuusad-da)
Weel dhoobo ah oo biyaha lagu shubto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusad
m.dh (-do, m.l) Weel dhoobo ka sameysan oo biyaha lagu shubto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuusad
f. n. water jug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuusad
-da: (magac, dheddig, keli) weel dhoobo ah oo biyaha lagu shubto. Kuusad ayaan suuga ka soo qaaday. Dh: jalxad, ashuun. Wa: kuusado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuusad
de: water jug
lx: kuusad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kuusad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusin
m.dh Mayrax iyo wixi lamida oo geela la dhayayo geggabbada lagula mariyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusni
m.dh la-mid: kuusnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuusni
-da: (magac, dhedig, keli) kuusnaan: kuusnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muusid
(Muusid-da)
(biyo, kd.) inta dhulka hoostiisa mara, meel kale ka soo baxa, ka soo fuura, ka soo habya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muusid
muusid¹: m.f.dh eeg muus².
muusid²: m.dh (jooloji) Dusidda biyuhu ay ka dusayaan dulduleellada carrada iyo jeexjeexa dhadhaabaha iyagoo markaas dhulka hoos u sii gelaya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muusid
m.dh (jool.) Dusidda biyuhu ay ka dusayaan dulduleellada carrada iyo jeexjeexa dhadhaabaha iyagoo markaas dhulka hoos u sii gelaya.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Muusid
Seepage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muusid
-da: (magac, dhedig, keli) bixidda uu wax qoyani meel si aan burqasho ahayn oo aayar ah uga soo baxo. Dh: heemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quusid
(Quusid-da)
Biyaha dhexdooda wada gelid; mukhuurid; tiinbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quusid
m.f.dh eeg quus³. la-mid: quus¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quusid
-da: (magac, dhedig, keli) muquurashada biyaha oo lagu dhex qarsoomo. Dh: muquurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suumid
m.f.dh eeg suun³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uunmid
(Uunmid-da)
Iska abuurmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uunmid
m.f.dh eeg uuman².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uunmid
-da: (magac, dhedig, keli) abuurmidda wax aan hore u jirin; waa awood Eebbe u gaar ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuusid
-da: (magac, dhedig, keli) cabasho badan oo gunuunuc ah samayn. Naag xumi way yuusid badan tahay Dh: gunuunucid, niiclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuurmid
m.f.dh eeg cuuran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duubmid
m.f.dh eeg duuban¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duugmid
m.f.dh eeg duugan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duugmid
-da: (magac, dhedig, keli) baabi'id oo wax dabargo'ay noqosho. Dh: dabargu'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guulmid
(Guulmid-da)
Sida wax la guuley oo cabsiyi gashay dib u joogsasho, hakasho, leexasho, didid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guulmid
m.f.dh eeg guulan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulmid
-da: (magac, dhedig, keli) sida qof cabsi gashay dib u gurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huudmid
-da: (magac, dhedig, keli) si aad u xagjir ah ula colloobid. Dh: colloobid, isnicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kusimid
(Kusimid-da)
Kummeelgaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kusimid
m.dh eeg kusin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kusimid
-da: (magac, dhedig, keli) ku meelgaar ahaan u haysasho ama wax ugu qabsasho; kummeelgaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuunyid
(Kuunyid-da)
(Senen) wax aan la lahayn, wanaggooda, si buunbuunis ah, u faallayn oo u cawryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuunyid
m.f.dh eeg kuuni².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuunyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan senen lahayn, wanaaggooda, si buunbuunis ah, u faallayn oo u cawryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuqmid
(Suuqmid-da)
Wax suuqan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuqmid
m.f.dh eeg suuqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax suuqan noqosho, miiqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxsamid
(Buuxsamid-da)
Wax buuxa noqosho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxsamid
m.f.dh eeg buuxsan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxsamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax buuxa noqosho. Buuxsamidda foostadaa daba sugayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duufsamid
(Duufsamid-da)
Qof la duufsaday noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duufsamid
m.f.dh eeg duufsan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaduudmid
m.f.dh eeg kaduudan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karuurmid
m.f.dh 1. eeg karuuran¹. 2. eeg karuuran³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuunsamid
m.f.dh eeg tuunsan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuunsamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax tuunsan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuurmid
m.f.dh eeg abuuran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuurmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid jira ama soo baxay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuufmid
m.f.dh eeg afuufan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuufmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid nakhas lagu afuufay noqosho; mid nakhas galay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aguugmid
m.f.dh eeg aguugan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guxuumid
(Guxuumid-da)
Gamuuxid; gamuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guxuumid
m.dh la-mid: gamuuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hujuumid
(Hujuumid-da)
Weerarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hujuumid
m.f.dh eeg hujuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hujuumid
-da: (magac, dhedig, keli) weerar qaadis. Dh hujuumis, weerarid. Li: difaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karsamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la karshay noqosho.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ku tumid
to spike
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuduudid
m.dh la-mid: kaduudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuhaamid
(Kuhaamid-da)
Waxyaalo aan weli dhicin waxkasheegid, ka warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuhaamid
m.f.dh eeg kuhaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) waxyaalo aan wali dhicin sii sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuududid
(Kuududid-da)
Kuudud u fadhiyid; yoxoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuududid
m.f.dh eeg kuudud². la-mid: kawdiid¹, kawdiidid, kuduud¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuududid
-da: (magac, dhedig, keli) kuduud u fadhiyid; yoxoobid.