kuuleey
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KUULEEY
(Kuley) S Brachiaria eruciformis (J.E.SM.) Griseb. Gramineae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hedgehog
/hejhoog/ (n) xiddig-dhul (kuuleey-cali-banjar).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pigmy
/pigmi/ pygmy;(n) xiddig-dhul (kuuleey cali banjar).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiddigdhul
-xiddig-dhusha: (n) hedgehog (heefhoog) ~ kuuleey-cali-banjar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kululeeye
-ha: (magac, lab, keli) qalab intal korontada lagu xiro, wax lagu kululaysto.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XUUBLEEY
(Hublei) C Commiphora gowlello Sprague. Burseraceae.
C Commiphora kua (J.F.Royle) Vollesen. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uulee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Qaylo dheer samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uulee
(fal) ku celceli codka 'uu' oo gurmad lagu doonayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uulee
de: howl, wail; ululate (outcry from sadness, pain or joy)
initial: u
lx: uulee
pd: (uuleeyey)
ps: v2b=intr
key: uulee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uuley
m.dh Yeey, uubato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uuley
m.dh Yeey, uubato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuleel
m. n., [abstract] heat, warmth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuleel
-ka: (n) heat (hiit); hotness (hatnes)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuleel
a: kulayl
de: heat, warmth
lx: kuleel
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
key: kuleel
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kumeey
pron., neg., vl. pron. she ... not ... you
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kumeey
de: she ... not ... you = ku + ma + ay
lx: kumeey
ps: pro + neg + vpro
xe: She did not tell you.
xv: Kumeey sheegin.
key: kumeey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buulley
buulley¹: m.dh Qayb ka mid ah heerka koritaanka cayayaanka qaarkood.
buulley²: m.dh (cilmiga naflayda) Heerka saddexaad ee koritaanka meerta nololeedka qaar ka mid ah cayayaanka. Heerka b.da quudashada iyo socodkuba way joogsadaan, waxaana dhaca isbeddelka uu caydigu isu beddelayo qaangaadh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buulley
buulley¹: m.dh Qayb ka mid ah heerka koritaanka cayayaanka qaarkood.
buulley²: m.dh (cilmiga naflayda) Heerka saddexaad ee koritaanka meerta nololeedka qaar ka mid ah cayayaanka. Heerka b.da quudashada iyo socodkuba way joogsadaan, waxaana dhaca isbeddelka uu caydigu isu beddelayo qaangaadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buulley
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh gashaanti ah oo aqal keligeed gasha. Buulley la haasaawaa. buullo -da: (magac, dhedig, keli) nafaqo gaar ah sida hilibka oo qof dhib ama nabar soo gaadhay la siiyo. Buullo gool baa loo qashaa iyo koronnada waaweyne.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Guuleed
name: Victor
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guuleed
name-m victor; victorious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Guuleed
(n) 1. Victor (vikter); 2. winner (win ner)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Guuleed
magac loo baxsho wiil guul iyo barwaaqo ay dhalashadiisu horseedday ama sidaa laga filanayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Guuleed
de: Victor
lx: Guuleed
ps: name-m
key: Guuleed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kululee
f.g2 (-leeyay, -laysay) la-mid: kulayli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kululee
v. heat, warm (up), make something hot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kululee
-yey / kululeysay: (v) make warm or hot; heat (hiit)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kululee
(fal) kulayl ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kululee
de: heat, warm (up), make s.t. hot
lx: kululee
pd: (kululeyey)
ps: v2b=tr
key: kululee
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuureey
name-m shiner; to give off light, to shine. Syn: Nuur, Nuuro, Nuurto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubleey
m.l Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo Xeebta iyo Jubbada Hoose; waxaa laga sameeyaa dheecaan geed; maanyo, manyiikay; libin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubleey
-ga: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo Xeebta iyo Jubbada Hoose; waxaa laga sameeyaa dheecaan geed. Dh: maanyo, manyiikay, libin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QURUNLEEY
(Urunlei) S Asparagus racemosus Willd. Liliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cusleeye
magac loo baxsho wiil caloosha hooyadii ku jiray in ka badan sagaal bilood.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guuleedo
name-f victor; victorious
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuleeto
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: guulaamo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guureeye
name-m night traveler; lit: he who was born during a night time travel. Syn: Guure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Guureeye
magac loo baxsho wiil, eeg Guure.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khuseeya
(adj) concerning (kenseening). Ex: arrimaha bulshad khuseeya...; the issues that are concerning the community
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulleejo
m.dh (-ooyin, m.l) Hooy jiif iyo cunto leh oo arday wax ku barato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulleejo
f. n. college
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kulleejo
-kulleejada: (n) college (kol-leej)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulleejo
-da: (magac, dhedig, keli) dugsi sare, oo laamo kala duwan oo cilmi ah lagu barto. Dh: kulliyad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulleejo
de: college {It}
lx: kulleejo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: kulleejo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kulleeti
-ga: (n) collar (kal·lar); neckline (nek laayn)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqleeye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Gafane.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuburleeto
-kuburleetada: (n) coverlet comforter (kamforter); quilt (kuwilt)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuldhuleed
m.l (jooloji) Kulka ka immaanaya dhulka gudihiisa, in heerkulkiisu sarreeyana waxaa muujiya magmada ka timaada dhulka gudihiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuldhuleed
m.l (jool.) Kulka ka immaanaya dhulka gudihiisa, in heerkulkiisu sarreeyana waxaa muujiya magmada ka timaada dhulka gudihiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuldhuleed
-ka: (magac, lab, keli) kulka ka immaanaya dhulka gudihiisa, in heerkulkiisu sarreeyana waxaa muujiya magmada ka timaada dhulka gudihiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuul
(Kuu-sha)
Iniino dhalo ah ama wax kale oo dhexda ka daldaloola oo inta dun lagu taxo, surka lagu xirto oo lagu xarragoodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuul
kuul¹: m.dh (-lo, m.l) Iniinyo kulkulucsan oo dhalo iyo wixi lamida ka sameysan, dhexdana ka daloola oo inta dun lagu taxo qoorta haweenku ku xirtaan, si ay ugu xarragoodaan.
kuul²: f.g1 (-uulay, -uushay) Khad madow indho marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuul
kuul¹: m.dh (-lo, m.l) Iniinyo kulkulucsan oo dhalo iyo wixi lamida ka sameysan, dhexdana ka daloola oo inta dun lagu taxo qoorta haweenku ku xirtaan, si ay ugu xarragoodaan.
kuul²: f.g1 (-uulay, -uushay) Khad madow indho marin. m.f.dh, kuulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuul
f. n. kohl (eye makeup)
kuul v. put kohl on, beautify ~ blacken one's eyebrows
kuul [feminine] n. bead; necklace
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuul
-kuusha: (n) beads (biidis)', a necklace made of beads
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuul
-sha: (magac, dhedig, keli) iniinyo dhalo ah oo leh qaabab kala duwan ama wax kale oo dhexda ka daloola oo inta dun lagu taxo, oo qoorta lagu xidho oo lagu xarragoodo. Kuul qurux badan ayay qoorta ku xidhnayd. Wa: kuulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ulee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax ul la dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ulee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax ul la dhicid. m.f.dh, ulayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ulee
v. beat someone with a stick
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ulee
-yey / uleysay: (v) hit or beat with a stick; cane (keeyn)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulee
(fal) ul ku garaac; ul la dhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ulee
de: beat s.o. with a stick
initial: u
lx: ulee
pd: (uleeyey)
ps: v2b=tr
key: ulee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulee
f.g2 (-leyay, -laysay) Maro, ul iyo wixi lamida bul u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulee
v. put tassel(s) on; make into a tassel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulee
(fal) ul qoyan bul u yeel. Cidaadda bulee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulee
de: put tassel(s) on; make into a tassel
lx: bulee
pd: (buleeyey)
ps: v2b=
key: bulee
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUULE
(Bule) S,C Dasysphaera robecchii Lopr., Amaranthaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulee
(fal) dalooli oo dul u yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duule
(Duula-ha)
1. Habaar-qabe; lala-tage; alla-qaad.
2. Ku colka duullaanka ah kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duule
duule: m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dhibaato badan, dhallin yar.
dųule: m.l (-layaal, m.l/dh) Col; qof dųulaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duule
m. n. aggressor, attacker, invader
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Duule
ama Duulaan, wiil dhashay xilli uu aabihii duullaan tegayay ama ku maqnaa. Waxa kale oo loo baxshaa wiil la rajaynayo in uu noqdo mid duula oo cadawga weerara.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duule
de: aggressor, attacker, invader
lx: duule
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: duule
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuley
(Fuley-ga)
Qofka wax kastoo yar ka baqa; aan geesinnimo lahayn; (ama fule).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuley
m.l (-yo, m.dh) Qof cabsi badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuley
m.l (-yo, m.dh) Qof cabsi badan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuley
see [eeg] fulay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuley
(tilmaame) mid aad u baqdin badan.
fuley-ga: (magac, lab, keli) qofka ay wax waliba bagdin geliyaan; qof aan geesinnimo lahayn; hadhkiisa ka carara. Dh: fule, fulay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuule
(Fuula-ha)
1. Docda fardaha laga fuulo.
2. Kan fuulaya ama fuula.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuule
m. n. rider, horseman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuule
-ha: (magac, lab, keli) dhinaca ama docda fardaha laga fuulo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuule
de: rider, horseman
lx: fuule
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: fuule
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guule
name-m giver of victory; God (pagan name)
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
koley
basket
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kumee
(pronoun) where are you?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuula
pron. and preposition: to ~ for you ... with (X)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuula
de: to ~ for you ... with (X) = ku + u + la
lx: kuula
ps: pro + prep
xe: Shall I speak with her for you?
xv: Maan kuula hadlaa iyada?
key: kuula
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuuli
m.l 1. K. ah: shaqaalaha dhisme ka shaqeeya oo an farsamayaqaan ahayn. 2. (u) Dad shaqaale ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuuli
m.l 1. K. ah: shaqaalaha dhisme ka shaqeeya oo an farsamayaqaan ahayn. 2. (u) Dad shaqaale ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuuli
m. n. laborer, workman; workmen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuuli
-ga: (n) manual worker; blue-collar worker ~ xoogsade, muruqmaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuuli
-ga: (magac, lab, keli) shaqaalaha gacanyaraha u ah wastaadka guryaha dhisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuuli
de: laborer, workman; [col] workmen {N < Hindi}
lx: kuuli
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: kuuli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuulo
f.mg3 (-uushay, -uulatay) Indhakuul marsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuulo
f.mg3 (-uushay, -uulatay) Indhakuul marsasho. m.f.dh, kuulasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuulo
v. apply make-up on one's eyelashes, put on eyeliner
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuulo
de: apply make-up on one's eyelashes, put on eyeliner
lx: kuulo
nt: kuulad (ka) [vn-m], kuulasho (/da) [vn-f]
pd: (kuushay)
ps: v3b=intr
key: kuulo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuwee
mu.we.w eeg kee¹, tee¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuwee
mu.we.w eeg kee¹, tee¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuwee
(pronoun) which ones. Ex: kuwee baad doonaysaa? which ones do you want?