kuul-cad
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KUUL-CAD
(Culad) C, N,S? Achyranthes aspera L. Amaranthaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulcad
-ka: (magac, lab, keli) badheedh iyo dhab. Kulcad uma dileenoo cayaar koorma geliyeene.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuulad
m.l la-mid: kuulasho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SUFUR-CAD
(Sufur-ad) C Sericocomopsis pallida S. Moore Schinz Amaranthaceae.
C Ocimum tomentosum Oliv. Labiatae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuula
pron. and preposition: to ~ for you ... with (X)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuula
de: to ~ for you ... with (X) = ku + u + la
lx: kuula
ps: pro + prep
xe: Shall I speak with her for you?
xv: Maan kuula hadlaa iyada?
key: kuula
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulcad
m. n., [abstract] bright white color
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulcad
(tilmaame) noole jidhkiisa qariyeen dhogor midab cad leh. Sac bulcad ah oo baadiyaa lo'da la soo galay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulcad
de: bright white color
lx: bulcad
pd: (-ka)
ps: n-m-abs
syn: xaycad
key: bulcad
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
IL-CAD
(Ilad) N, C Achyranthes aspera L. Amaranthaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku lad
v. enjoy, take pleasure in something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_lad
de: enjoy, take pleasure in s.t.
lx: ku lad
pd: (laday)
ps: v1=expr
syn: ka hel
key: ku_lad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kullad
m.dh (-do, m.dh) Koofiyad askareed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kullad
f. n. helmet, military headgear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kullad
-da: (n) helmet (helmit) ~ koofi bir ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kullad
-da: (magac, dhedig, keli) koofiyad bir ah oo askartu madaxa ku ilaaliso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kullad
de: helmet, military headgear
lx: kullad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kullad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuulam
m.l (fiisikis) Summad: C. Halbeegga Caalamiga ah (H.C.) ee saldanabka danab, waxana loo qeexaa saldanabka uu ku raro hal sekend qulqul danab hal ambiyeer ahi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuulam
m.l (fiisikis) Summad: C. Halbeegga Caalamiga ah (H.C.) ee saldanabka danab, waxana loo qeexaa saldanabka uu ku raro hal sekend qulqul danab hal ambiyeer ahi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuulam
-ka: (magac, lab, keli) qulqulka hal ambiyeer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuulan
1. (il) indhakuul la marshey.
2. (sac, kd.) indhihiisa madow ku wareegsan yahay oo la moodo in loo indhakuulay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Qof wax indhakuul marsadey ahaansho. 2. Indhaha agagaarkooda madow ku leh ahaansho (sac iyo wixi lamida)..
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Qof wax indhakuul marsadey ahaansho. 2. Indhaha agagaarkooda madow ku leh ahaansho (sac iyo wixi lamida).. m.f.dh, kuulnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuulan
der. [adjective] made up with eye shadow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuulan
(tilmaame) indhakuul la marshay; loo kuulay indha. Gabadh kuulan ayaa soo gashay aqalka. Dh: idhokuulan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuulan
de: made up with eye shadow
lx: kuulan
pd: (kuulnaa)
ps: adj-der
key: kuulan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuulid
(Kuulid-da)
(indho) indhakuul marin, ku qurxin, ku madoobeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuulid
m.f.dh eeg kuul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuulid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg kuulan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuusad
(Kuusad-da)
Weel dhoobo ah oo biyaha lagu shubto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusad
m.dh (-do, m.l) Weel dhoobo ka sameysan oo biyaha lagu shubto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuusad
f. n. water jug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuusad
-da: (magac, dheddig, keli) weel dhoobo ah oo biyaha lagu shubto. Kuusad ayaan suuga ka soo qaaday. Dh: jalxad, ashuun. Wa: kuusado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuusad
de: water jug
lx: kuusad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kuusad
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAL-CAD
(Bal-ad) N Zygophyllum hildebrandtii Engl. Zygophyllaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duubcad
m.dh Askaartii Soomaaliyeed oo Talyaanigu u qortay inay 1935 kala qaybgalaan dagaalkii Amxaarada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duubcad
m.dh Askaartii Soomaaliyeed oo Talyaanigu u qortay inay 1935 kala qaybgalaan dagaalkii Amxaarada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duubcad
f. n., [collective] Somali soldiers in the service of the Italians during their war with Ethiopia
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duubcad
de: Somali soldiers in the service of the Italians during their war with Ethiopia Lit: white turban
lx: duubcad
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: duubcad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khulcid
m.f.dh eeg khuluc².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khulcid
-da: (magac, dhedig, keli) khuluc ku furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulqaad
m.l (fiisikis) Summad: C. Xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu sare u qaado heerkulka walax hal digrii kelfin (IK) ama 1° C. Kulqaadka waxaa lagu cabbiraa. Juul halkii kelfin (J/K).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulqaad
m.l (fiisikis) Summad: C. Xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu sare u qaado heerkulka walax hal digrii kelfin (IK) ama 1° C. Kulqaadka waxaa lagu cabbiraa. Juul halkii kelfin (J/K).
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kulqaad
Heat capacity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulqaad
-ka: (magac, lab, keli) kulaylka heerkulka walaxda hal digrii kor u qaada.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kuus-ka
morceau.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Luul-ka
perles.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Suul-ka
pouce.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulliyad
* (Kulliyad-da)
Dugsi sare oo laamo kala duwan oo cilmi lagu barto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulliyad
m.dh (-do, m.l) Qeyb ka mid ah Jaamacad oo lagu barto cilmi gaar ah sida sharciga, daawada iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulliyad
m.dh (-do, m.l) Qeyb ka mid ah Jaamacad oo lagu barto cilmi gaar ah sida sharciga, daawada iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulliyad
f. n. college, faculty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kulliyad
-da: (n) college (kol·leej), faculty (fa kelti); university
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kulliyad
Istituto superiore
College
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulliyad
-da: (magac, dhedig, keli) dugsi sare oo laamo kala duwan oo cilmi ah lagu barto. Dh: kulleejo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulliyad
de: college, faculty
lx: kulliyad
pd: (-da)
ps: n1-f
xe: jaamacad
xv: Arabic
key: kulliyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kululaad
(Kululaad-ka)
Kululaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kululaad
m. n., [abstract] heat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kululaad
-ay/kululaatay: (v) become hot or warm. Ex: waan kululaaday; I feel hot
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kululaad
de: heat
lx: kululaad
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
key: kululaad
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kuul-sha
collier.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuulnaan
m.f.dh eeg kuulan. la-mid: kuulnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuulnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la kuulay ahaan; indhakuulnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuutiyad
(Kuutiyad-da)
Doonyo waaweyn oo qanjadda u eg oo dalka Hindiga laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuutiyad
m.dh (-do, m.l) Doonyo waaweyn oo qonjadda u eg oo dalka Hindiya lagu sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuutiyad
f. n. large Indian ship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuutiyad
-da: (magac, dhedig, keli) doonyaha waaweyn qaar ka mid oo qanjadda u eeg oo dalka Hindiya lagu sameeyo. Kuutiyad ayaan raacay kal hore. Dh: dooni. Wa: kuutiyado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuutiyad
de: large Indian ship
lx: kuutiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kuutiyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuun-cadde
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka badda laga soo saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bullaacad
m.dh (-do, m.l) God musqul, dhuumaha qaada wasakhda musqulaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bullaacad
m.dh (-do, m.l) God musqul, dhuumaha qaada wasakhda musqulaha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuglacag
f. n., [compound] cashbook, ledger
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuglacag
de: cashbook, ledger
lx: buuglacag
pd: (-ta)
ps: n1-f-cmp
key: buuglacag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cululubad
(Cululubad-ka)
Cululubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cululubad
m.l la-mid: cululubasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cululubad
vl. n. memory, recall, recollection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cululubad
-ka: (magac, lab, keli) arrin ama talo hore u dhacday oo kol danbe la garwaaqsaday siday ku qummanayd. Dh: cululubasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cululubad
a: cululubasho (/da) [vn6-f]
de: memory, recall, recollection
lx: cululubad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: cululubad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duulimaad
m. n. flight
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duulimaad
de: flight
lx: duulimaad
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: duulimaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulaysad
-ka: (magac, lab, keli) guul helid; libin gaadhid; imtixaan helis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guuleysad
(Guuleysad-da)
Guuleysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuleysad
m.l la-mid: guuleysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku libgad
v. become ungrateful ~ unpleasant (in comparison to someone)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_libgad
de: become ungrateful ~ unpleasant (in comparison to s.o.)
lx: ku libgad
pd: (libgaday)
ps: v1=expr
key: ku_libgad
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KUG-CADDE
(Gocade) S,Og Helichrysum somalense Bak. F. Compositae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KUUS-QABE
(Kus-gabe) May Acalypha fruticosa Forsk. Euphorbiaceae.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SUFUR CAD
?Ucimum tomentosum 01, Sericocomopsis pallida 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SURAD-CAD
(Surad-ad) N Otostegia hildebrandtii (Vatke & & Kurtz) Sebald. Labiatae.
C Lycium shawii Roem & Schlecht. Solanaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuulimaad
m.l 1. (taar.) Qaybta ka mid ah oogada dhulka iyo gibilkiisa ee ay nafleydu ku noolan karto, amase, ay nafley du ku nooshahay. 2. (jooloji) Dhigidda uu dhigo wakiil dabiici ihi adke uu sidey oo uu ka keenay meel kale ama fog. Tusaale: “Webiyadu waxa ay tuulaan dhoobo iyo quruurux, dabayluhuna ciid badan iyo boodh”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tuulimaad
m.l 1. (taar.) Qaybta ka mid ah oogada dhulka iyo gibilkiisa ee ay nafleydu ku noolan karto, amase, ay nafley du ku nooshahay. 2. (jool.) Dhigidda uu dhigo wakiil dabiici ihi adke uu sidey oo uu ka keenay meel kale ama fog. Tusaale: Webiyadu waxa ay tuulaan dhoobo iyo quruurux, dabayluhuna ciid badan iyo boodh.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tuulimaad
Deposition
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WEYLO-CAD
(Weiload) May, S Gloriosa superba L. Liliaceae.